Yoonis_Cadue

Nomads
  • Content Count

    572
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Yoonis_Cadue

  1. Jowhar: Shirkii wasiirada IGAD oo soo xirmay , qodobbana laga soo saaray iyo wafdigii oo dib ugu noqday Nairobi. - Tuesday, November 29, 2005 at 16:57 Jowahar(AllPuntland)- Kulankii golaha wasiirada urur goboleedka IGAD ay ku lahaayeen magaalada Jowhar ayaa galabta soo gabo gaboobay,waxaana soo xiray madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed. Kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo iyo wasiiro ka socday wasaaradaaha arimaha dibadda dalalka ku jira urur goboleedka IGAD. Kulankan soo gabo gaboobay ayaa waxaa lagu soo qaaday sidii loo dar dar galin lahaa arinta kusaabsan hub ka dhigista Soomaaliya ka dhici doonta , waxaana urur goboleedka IGAD laga codsaday inay kaalintooda boorka ka jafaan. Raysulwasaaraha Soomaaliya Prof: Cali Maxamed Geeddi oo qudbad ka hor jeediyay wasiirada arimaha dibadda ee IGAD ayaa wuxuu ku nuux nuuxsaday in dawladdu ay ku tiirsan tahay taageerada iyo garab qabashada dawladaha dariska ah . Wasiirka arimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo halkaasi ka jeediyay hadal kusaabsan taageerada DFKGS ayaa wuxuu tilmaamay in urur goboleedka IGAD uu ka warqabo xaaladda Soomaaliya isla markaana uu dadaalkiisu wali socdo. Kulankan ayaa waxaa laga soo saaray qodobbo dhowr ah waxaana kamid ah ; In Qarmada midoobay ay cunaqabataynta ka qaaddo Soomaaliya si ugu suuro gasho Suudaan iyo Uganda inay hub ka dhigistooda ku dhaqaaqaan, Waxay cambaareeyeen falkii lagu weeraray dhawaan raysulwasaare Geeddi ayagoo tilmaamay inay baaritaan ku samayn doonaan si lamid ah sidii loo baaray kiiskii Rafiiq Al-Xariiri raysulwasaarihii hore ee Lubnaan, iyo in laga dhabeeyo wada hadallada laga dhex wado garabyada dawladda , ciddii ka hortimaaddana loo aqoonsan doono inay kasoo horjeeddo in dalku xasilo, In si deg deg ah taageero loogu fidiyo dawladda Soomaaliyeed, In shacabka Soomaaliyeed ay dawladda taageeraan si ay hawlaha dawladdu u taabbo galaan. Wuxuu wasiirku sheegay in dawladda Federaalku ay hawl badan qabatay ayna ka muuqato magaalada Jowhar iyo dalka Intiisa kaleeto , wuxuuna tilmaamay in kulamada IGAD ee kusaabsan Soomaaliya ay sii socon doonaan. Wasiirada urur goboleedka IGAD waxay ammaaneen ammaanka buuxa ee ka jira magaalada Jowhar , ayagoo tilmaamay in magaaladu u qalanto in lagu qabto shirar caalami ah.Wafdigu waxay galabta ka duuleen magaalada Jowhar ayagoo u socdaalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya . Waa shirkii ugu horeeyay ee golaha wasiiradu ay ku yeeshaan dallka Soomaaliya , taasoo u muuqata horumar ay ku tallaabsatay dawladda Federaalka ah. CCC Farayaamo AllPuntland Power
  2. Utterly and totally incompetence. Let them suffer! No talks with thugs unless they remove the illegal roadblocks. § Call upon the president H. E. Abdilahi Yusuf and all other members of the Parliament, to embrace this initiative with honesty and in good faith for the goodness of our people and our country . Yeah, "embrace this initiative with honesty and in good faith for the goodness of our people and our country." Laughable thugs
  3. Resolution by members of the Parliament in Mogadishu Reference to our resolution which dated on 15 November and the resolution issuied from our counterpart in Jowhar on 26 November 2005, which aimed to open direct negotiations between Transitional Federal Instititions . Recongnizing the dire need of our people and our country to a functioning government that can provide necessary services and Security protection to its citizens; After debating and deliberating on the issue, 102 members of the Parliament in Mogadishu have convened their regular session at Sahafi Hotel, Mogadishu, on November 29th 2005, and resolve by majority vote of 95 members for the following:- § To undertake in direct negotiations process, in one location, for the resolution of all diffirences between the Transitional Federal Insititutions (TFIs). (other technical aspects of the negotiations, members of the committees, its modulaties will be determined, along with the other part (TFI-Jowhar) § To undertake the Negotiations with them in Mogadihsu as it is the captial city and as it indicated in the transitional charter, and it is suitalbe for every one according to us, if our brothers in Jowhar agree with us, otherwise to hold the negotiations in Kismayo City. (we recommend them to choice one of the suitable city to them Mogadihsu or Kismayo, in order to save the initiative and to bringging togher the Transitional Federal Instititions (TFIs). § To launch the negotiations between the TFI on 25th of December. § To invite the international community (UN, USA, EU, LAS etc), to serve an observing role if the two parities mutually agreed upon. § To form a special committee to supervise transparently the financial requirment of the negotiations, which consist from (Mogadishu + Jowhar + third party) the members will be determined, along with the other part (TFI-Jowhar). Finally the members of the Parliament in Mogadishu: § Call upon the president H. E. Abdilahi Yusuf and all other members of the Parliament, to embrace this initiative with honesty and in good faith for the goodness of our people and our country. § Call upon Somali people in ever where to support this initiative, for the good will of our people and our country. § Call upon the Internartional Community to continue their support to the political process of Somalia by providing necessary political, financial and technical support, so to achieve effective and fuctioning Somali Government.
  4. Congratulations for hosting a successful Igad and International Communities meeting/conference inside Somalia since the downfall of Siad Barre's regime! I'am really proud. Dalka somalia oo markii ugu horeeysay lagu qabtay shirkii IGAD. Markii ugu horeeysay ayaa shir ay leedahay Urur goboleedka IGAD lagu qabtay dalka Somalia gaar ahaan magaalada Jowhar oo xarun kmg u ah dowlada FKMG ah ee Somalia. Shirkaani ayaa waxaa kazoo qayb galay amaba goob joogayaal ka kala ahaa Safiirka Talyaaniga u qaabilsan arimaha Somalia MR. Ravalli, dhamaan 7dal ee ku bohoobay Ururka IGAD iyadoo ay goobjoogayaal ka ahaayeen Q.M wakiilka gaarka ee xoghayaha Guud Francios Fall, Midowga Yurub Devid Bell, midowga Afrika Ambassador Maxamed Cali Foum, safiirka Yemen ee arimaha Somalia Ambassador Ahmed, iyo Ambassador Kipligad oo ay soomaalida si fiican u yaqaanaan. Wafuuda matalayey IGAD waxaa ay kala ahaayeen inta iisuuragashay magacyadooda Wasiirka Arimaha dibada Somalia Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil, Wasiirka Arimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga Maxamuud Cali Yuusuf, wasiiru dowlaha arimaha dibada Mr. Nashima, Wasiiro dowlaha arimaha dibada Ethiopia Dr. Takadha Alamu, Agaaimaha geeska afrika ee arimaha dibada Kenya MR. Thuita Mwangi, Ambassador Maxamed Cabdi Afey oo isna Kenya ah, Ambassador ka socday dalka Suudaan iyo Eratariya oo aanan magacyadooda iisuura galin. Hadaba shirkaani ayaa waxa uu bilaawday abaarihii 12:00Pm duhurnimo waxaana shirka furay Ra’iisul wasaaraha DFKMG ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi, ka dib waxaa la guda galay in uu shirka bilaawdo iyadoo uu shir gudoon ka ahaa wasiiru dowlaha arimaha dibada Uganda Mr. Nashima isagoo u qaybinayey hadalka iyo dooda. Hadaba waxaa loo gudbay ajandayaashii shirka oo si fiican looga dooday qodobo dhawr ahna wax laga bad badalay waxaana ugu waynaa waxyaalihii ay soo ban dhigeen Ururka IGAD in Somalia cunaqabataynta hubka laga qaado si ay ciidamada IGADSOM ay usoo galaan dalka Somalia nabadana ay usagaan. Waxaa hadaba halkaasi ka hadlay wakiilka QM u qaabilsan arimaha Somalia waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in Somalia la taageero iyadoo buu yiri horey loo taageeri jiray, waxaa isna ka hadlay safiirka talyaaniga Ravelli oo isna tibaaxay inay diyaar u yihiin inay wax u qabtaan umada soomaaliyeed horeyna ay diyaar ugu ahaayeen. Diblumaasiyiintii kazoo qayb gashay waxaa ka wada hadleen wakiilka midowga Yurub, wakiilka Midowga Afrika Mr. Maxamed Cali Foum iyo mudanayaal kale waxa ay ka sinaayeen inay diyaar u yihiin wax u qabashada umada dhibaatada kusoo jirtay mudo ka badan 15sanno waxayna balan qaadeen inay dhaqso wax ugu qaban doonaan. Ugudanbayntii waxaa shirkii IGAD soo gunaanaday Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed, markii uusoo galay xarunta lagu shirayey ay halkaasi diyaar ugu ahaayeen ciidamada baanbayda iyo ciidanka Booliska oo uu salaam halkaasi ugu qaatay. Masuuliyiintii kazoo qayb galay halkaasi ayaa qaarkood u baqoolay meelihii ay ka kala yimaadeen. Hadaba qodobada ay ku heshiiyeen Ururka IGAD oo nuqul ka mid ah isoo gaaray oo ku qornaa Af- Ingriisi ayaa waxa u qornaa sedan:-­
  5. Wafdiyo ka kala socda Jaamacadda Carabta iyo Qarammada oo goor dhow soo gaaray Jowhar Posted to the Web Nov 29, 13:34 Jowhar (PP) – Wafdiyo ka kala socda jaamacadda Carabta iyo Qarammada Midoobay ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Degmada Jowhar, si ay uga qaybqaataan kulanka wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD oo saacado yar dabadood ka furmi doona Degmada Jowhar. Wafdiga ka socda Jaamacadda Carabta ayaa waxaa hoggaaminaya u qaybsanaya arrimaha Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta Samiir Xusni, waxaana lagu wadaa inay wafdigaan ka qaybgalaan kulanka IGAD ay ku yeelanayso degmada Jowhar, waxaana jaamacadda carabta ay horay u taageertay in kulankaas wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ay ku yeelanayaan, iyadoo kal horena ay wafdi uga qaybgalaya shirkaas u soo dirsadeen Soomaaliya, gaar ahaan degmada Jowhar, waxaase jirta in uu baaqday kulankaas, waxaana sidoo kale ay kulankaan u soo dirsadeen wafdigaan maanta soo gaaray Jowhar. Mas’uulka hoggaaminaya wafdiga Jaamacadda Carabta ayaa dhawaan soo booqday degmada Jowhar, waxaana uu halkaas wadahadallo kula yeeshay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyagoo halkaas ka furtay xafiis wakiil uga noqday Jaamacadda Carabta Arrimaha Soomaaliya, inkastoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu dhow jeer ku eedeeyay Jaamacadda Carabta iyo dalalka Carabta ahba inay ka gaabiyeen kaalintii laga filayay inay Soomaaliya ka geystaan, waxaana uu Ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi sheegay in Jaamacadda Carabta ay ka gaabisay inay Soomaaliya gacan-siiso. Ra’iisul wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa eedayntii ugu dambeysay u soo jeediyay Jaamacadda Carabta intii uu ku sugnaa dalka Kenya oo uu dhawaan gaaray, waxaana uu sheegay ra’iisul wasaaruhu in Jaamacadda Carabta ay hagardaamooyin ku waddo dowladda federaalka Soomaaliya isagoo sheegay inay xagaldaacinayso waxqabadka dowladda. Dhanka kale; Qaramamda ayaa daboolka ka qaaday inay taageersan tahay shirka IGAD ay ku yeelanayso maanta Degmada Jowhar, waxaana dhawaan ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Jowhar wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wakiilka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Françoise Lounseny Fall oo shirka ka qaybgalaya. Sidoo kale waxaa horay u soo gaaray Degmada Jowhar wafdiyo ay kala hoggaaminayaan madax sarsare oo ka tiran waddamada deeqaha bixiya, AU-da, EU-da, iyo xubno kale oo ka socda dalalka ay Soomaaliya dariska yihiin si ay goob joog uga ahaadaan kulanka maanta ka furmaya degmada Jowhar ee ay yeelanayaan wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD oo intoodii badnayd ay soo gaareen Degmada Jowhar ee xarunta dowladda federaalka Soomaaliya. Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile) Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu – Somalia
  6. Dowladda Soomaaliya oo heshiisyo caalami ah la kala saxiixatay dalalka Ethiopia iyo Kenya Posted to the Web Nov 29, 15:33 Jowhar:- (PP) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay kulan kula saxiixatay Degmada Jowhar heshiisyo caalami ah dowladaha Ethiopia iyo Kenya, waxaana heshiisyadaas ay ahaayeen kuwo dan u ah labada dal iyo Soomaaliya. Heshiiska ay Soomaaliya la saxiixatay Dowladda Kenya ayaa ah in dowladda Ethiopia ay wax ka soo dagsan karto dekedaha dalka Soomaaliya, iyadoo la sheegay in dowladda Ethiopia ay isticmaasho deked walba oo dalka Soomaaliya ku taalla, in Soomaaliya iyo Ethiopia ay iska kaashadaan dhanka amaanka labada dal, gaar ahaan xuduudaha labada dal ay wadaagaan oo ay inta badan ka dhacaan dhibaatooyinka ay geystaan maleeshiyooyin ku sugan halkaas, sidoo kale waxaa ka mid ah heshiiska ay kala saxiixdeen in labada dal ay iska kaashadaan dhanka ganacsiga oo labada dal kala gudbisan karaan ganacsiyada dalalkooda, sida in Soomaaliya alaabooyinka gacansiga ay ka soo gadato dhanka dalka Ethiopia iyo in sidoo kale ay Ethiopia ay alaabooyinka ganacsiga ee ay u baahan tahay ka gadan karto gudaha Soomaaliya, taasoo la sheegay inay kobcin karto dhaqaalaha labada waddan. Dhanka Soomaaliya ayaa heshiiska u saxiixay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Prof. C/llaahi Sheekh Ismaaciil iyo Wasiir u dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia Atto Tadhaso Alumu, waxaana labada mas’uul ay sheegeen in dowlad walba ay diyaar u tahay inay heshiiskaas fuliso. Dhanka kale, Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay heshiis la saxiixatay dalka Kenya, waxaana heshiiskaas oo ay labada dhinac u kala saxiixdeen Sarkaal ka socday dalka Kenya oo lagu magacaabo Muwanan iyo dhanka Soomaaliya oo uu u saxiixay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Prof. C/llaahi Sheekh Ismaaciil, waxaan heshiiskooda uu inta badan uu ku saleynsan yahay dhanka dhaqaalaha. Heshiiskaan oo ahaa mid horay loogu diyaariyay dalka Kenya ayaa waxaa heshiiskaas lagu sheegay inuu ahaa mid dhameystir ah, waxaana heshiiskaas oo ku saabsan iska kaashiga dhanka duulimaadyada, dhanka dekedaha iyo dhanka dhaqaalaha, waxaana lagu tilmaamay heshiiskaan inuu yahay midkii ugu qiimaha badnaa ee ay abid kala saxiixdaan labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Heshiisyadaan ayaa la sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay u magacaabayso xubno ka shaqeeya qodobbada lagu heshiiyay sidii ay u fuli lahaayeen, waxaana la sheegay in guddigaas uu howlihiisa ka wadi doono Degmada Jowhar oo ah xarunta Dowladda federaalka Soomaaliya. Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile) Wakiilka Puntlandpost – Muqdisho,Soomaaliya
  7. Shirkii Wasiirrada Arrimaha dibadda ee IGAD oo dhawaan lagu soo gabagabeeyay Jowhar Posted to the Web Nov 29, 15:41 Jowhar:- (PP) – Kulankii maanta uga furmay Magaalada Jowhar Wasiirrada Arrimaha dibadda ee IGAD ayaa goordhaweyd lagu soo gabagabeeyay Magaaladaas, iyadoo kulankaas ay ka soo baxeen go’aanno dhowr ah. Kulankaan oo billowday 1:00 Duhurnimo xilliga Muqdisho ayaa durba ku billowday si xasaasi ah iyadoo halkaas ay ka soo jeediyeen khudbooyinka madaxdii ka socotay dalalka IGAD, iyadoo Wasiirradii halkaas khudbooyinka ka aqriyay ay sheegeen in muddo badan la sugayay in shir noocan oo kale ah ay ku qabsadaan gudaha dalka Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD, waxaana ay si weyn oo diirran u jeediyeen khudbooyin waxtar leh oo aan waqtiyo badan qaadan. Wasiirka Arrimaha dibadda ee Uganda Mr. Manosami oo ahaa Shir guddoonka Wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD oo halkaas ka jeediyay hadal ayaa sheegay in IGAD looga baahan yahay inay wax weyn ka qabato Soomaaliya sida inay kaalmo hiil iyo hooba leh la garab istaagto dowladda federaalka Soomaaliya si ay dalka oo dhan u gaarsiiso nabad iyo kala dambeyn. Wasiirrada kale ayaa iyaguna halkaas ka jeediyay khudbado iyaguna wax ku ool ah. Qodobbadii ka soo baxay kulankii maanta ee IGAD ayaa waxaa ka mid ahaa: In Soomaaliya laga qaado cunno-qabteynta hubka si dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu suurogasho inay nabad ka dhaliso Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa ciidammo nabad ilaaleen oo ka socda dalalka IGAD iyo kuwa caalamka. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa qodobadaas, in Argagaxida dhinac isku mid ah looga soo jeedto isla markaana lala dagaallamo, iyadoo la sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa kuwa IGAD ay ka hortagto howlaha argagaxisonimo ee laga fulin karo gudaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa lagu soo qaaday shirkaas in dowladaha caalamka ay kaalmooyin dhaqaale iyo mid afba ay la garab istaagaan dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu dhawaan lagu soo dhisay dalka Kenya. Wufuuddii ka soo qaybgalay shirkaan ayaa waxaa ka mid ahaa wufuud ka kala socotay dalalka: England, Sweden, Belgium, Italy, Qarammada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, Miwoga Yurub iyo dalal kale oo aad u fara badan, waxaana looga mahadceliyay wufuuddaas ka soo qaybgalka ay ka soo qaybgaleen kulankaan oo ahaa mid aad u xasaasi ah. Wufuudda qaarkood ayaa ka duulaya maanta gallinka dambe magaalada Jowhar iyadoo qaarkoodna ay sii joogi doonaan tan iyo xilli aan la cayimin. Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile) Wakiilka Puntlandpost – Muqdisho,Soomaaliya
  8. Diblumasiyiintii ugu badneyd oo maanta soo gaarey Jawhar!!! Jawhar- 29.November.2005 Wafuud kala duwan oo ka socotey beesha caalamka ayaa maanta soo gaarey magaalada Jawhar kuwaasi oo lagu tilmaameyinay diblumaasiyiintii ugu badneyd ee abid soo gaarta magaalada Jawhar. Diblumaasiyiintan ayaa waxay isugu jiraan wadamada ku jira urur Goboleedka IGAD iyo wadamada daneeya arimaah Soomaaliya. Wafdigan soo gaarey magaalada Jawhar ayaa waxaa ka mid ahaa wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arimaha Soomaaliya Ambasadir Francois Lonseny Fall, Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga ee wadanka Jabuuti Max’ed Cali Yuusuf, wasiirka dawlaha dalka Ugandha, danjiraha Talyaaniga ee arimaha Soomaaliya Mario Reveli, Danjiraha Xukuumada Ingiriiska ee wadanka Kenya Devid Bell, Ambasadoer Ahmed oo ka socdey Xukuumada Yamen, Mr.Eric oo ka socdey midowga Yurub, Max’ed Cali Form oo ka socdey midowga Afrika gaar ahaan xafiiska qaabilsan arimaha Soomaaliya, Amb.Bathel Abdow Kiplaget oo ahaa gudoomiyihii shirkii Soomaalida ee lagu qabtey dalka Kenya, iyo xubno ka socdey wadamada Suudaan iyo Eretareeya. Sarakan xubnahan ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen kulanka maanta ka furmay magaalada Jawhar ee ay yeelanayaan wadamada urur goboleedka IGAD. Diblumaasiyiintan maanta soo gaarey magaalada Jawhar ayaa waxaa lagu tilmaamey inay yihiin kuwuu badnaa ee Soomaaliya yimaada tan iyo burburkii xukuumadii dhexe Soomaaliya sanadkii 1991-kii. Axmed Xasan Mahad SBC Jawhar.
  9. Dowladaha Somalia Iyo Ethiopia Oo Heshiis Rasmi Ah Kala Saxiixday. Somaliweyn - Jowhar--Somalia - 29/11/05 Dowladaha Somalia iyo Ethiopia ayaa gaaray heshiis rasmi ah oo ay wada saxiixen Wasiirka Arimaha Dibada dfkmg Somalia Cabdulaahi shiikh Ismaaciil iyo wasiiru dowlaha dalka Ethiopia Dr. Takedha Alemu shirkaani oo ka dhacay hoolka wayn ee loogu talogalay inay ku shiraan IGAD ee magaalada Jowhar. Labada wasiir qalinka ku duugay dhowr qodob ah oo kala ahaa Siyaasada, Dhaqaalaha, Arimaha Bulshada, ilaalinta Xuduudaha, Sayniska Bankiyada, Dhaqanka iyo Amaanka. Shirkaani ayaa daba socday shir ay yeesheen labada dal oo hordhac ahaa oo maanta lasoo af jaray, hadaba waxaa maanta lagu wadaa in uu bilaawdo shirkii IGAD oo maanta ay soo gaarayeen qaarkii maqna iyadoo la filayo inay soo galaan iyadoo dhawaana ay yimaadeen wafuud ka socota dalka Djabouti. Qaar ka tirsan xubnaha dowlada oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dhowr jeer ku eedeeyey inay cadaw ku yihiin Dowlada Ethiopia islamarkaana ay hub iyo saanad milatery siiyaan dfkmg ku sugan magaalada Jowhar. Dowlada Ethiopia ayaa iska fogeeysay eedeeynta ay usoo jeediyeen qaar ka tirsan wasiirada iyo xildhibaanada ku sugan magaalada Muqdisho.
  10. Ambasador Francois Lonseny Fall ayaa lagu wadaa In saacadaha Soo socda uu u duulo Dalka Somaaliya Somaliweyn -Nairobi-Kenya- 29/11/05 Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada midoobey ee arimaha Soomaaliya Ambasador Francois Lonseny Fall ayaa lagu wadaa In saacadaha Soo socda uu u duulo Dalka Somaaliya Gaar ahaan Magaalada Jawhar.¨ Francois Lonseny Fall wuxa uu sheegay in u aad ugu faraxsan yahay Kulanka Kadhacaaya Magaalada jawhar ee ay yelanayaan Urur Goboleed ka IGada waxa kaloo u sheegay Fall lagu tilaami karo Kulankaas mid muhiim u ah oo looga hadlaayo xaalada Soomaaliya isagoo xusey Mr fall inaanay jirin urur ama koox si gaar ay u saaran tahay masuuliyada Soomaaliya, balse wuxuu qirey in wadamada urur goboleedka IGAD si weyn loogu mahadcelinayo dadaalkoodii dib u heshiisiinta Soomaaliya ee ka soo bilaabey Eldoret ilaa iyo Mbgati. Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada midoobey ee arimaha Soomaaliya Ambasador Francois Lonseny Fall wuxuu intaasi ku darey in wadamada IGAD ay si gaar ugu dhuundaloolaan Soomaaliya ayna leeyihiin masuuliyaad gaar ah taasi oo uu sheegay in Qaramada Midoobey ay ku sii taageeri doonto sidii ay u fuli lahaayeen masuuliyadahaas ayna ku dadaalayaan Sidii Somaali Loo nab dayn lahaa.
  11. Diblumaasiyiintan maanta soo gaarey magaalada Jawhar ayaa waxaa lagu tilmaamey inay yihiin kuwii ugu badnaa ee Soomaaliya yimaada tan iyo burburkii xukuumadii dhexe Soomaaliya sanadkii 1991-kii, waxaana si rasmi ah u furmay shirkii Wasiirada arimaha Dibada ee IGAD. Posted to the Web Nov 29, 07:02 Diblumaasiyiintan ayaa waxay isugu jiraan wadamada ku jira urur Goboleedka IGAD iyo wadamada daneeya arimaah Soomaaliya. Wafdigan soo gaarey magaalada Jawhar ayaa waxaa ka mid ahaa wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arimaha Soomaaliya Ambasadir Francois Lonseny Fall, Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga ee wadanka Jabuuti Max’ed Cali Yuusuf, wasiirka dawlaha dalka Ugandha, danjiraha Talyaaniga ee arimaha Soomaaliya Mario Reveli, Danjiraha Xukuumada Ingiriiska ee wadanka Kenya Devid Bell, Ambasadoer Ahmed oo ka socdey Xukuumada Yamen, Mr.Eric oo ka socdey midowga Yurub, Max’ed Cali Form oo ka socdey midowga Afrika gaar ahaan xafiiska qaabilsan arimaha Soomaaliya, Amb.Bathel Abdow Kiplaget oo ahaa gudoomiyihii shirkii Soomaalida ee lagu qabtey dalka Kenya, iyo xubno ka socdey wadamada Suudaan iyo Eretareeya. Sarakan xubnahan ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen kulanka maanta ka furmay magaalada Jawhar ee ay yeelanayaan wadamada urur goboleedka IGAD. Diblumaasiyiintan maanta soo gaarey magaalada Jawhar ayaa waxaa lagu tilmaamey inay yihiin kuwuu badnaa ee Soomaaliya yimaada tan iyo burburkii xukuumadii dhexe Soomaaliya sanadkii 1991-kii. Waxaa lagu tilmaami karaa Dawlada Soomaaliya u dhalatay waxay heshay aqoonsi caalami ah, Wasaarada arimaha dibada ee Dalka Maraykanka ayaa la sheegay in ay iyaguna ku dhawaaqeen in ay siyaasadoodii Soomaaliya ay wax ka badalayaa wakhti dhowna ay qoraal ka soo saari doonaan. Idamaale News
  12. Jowhar: Qaybtii dhimanayd wufuuddii urur goboleedka IGAD oo saaka yimid Jowhar. - Tuesday, November 29, 2005 at 09:36 Jowahr(AllPuntland)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya inay saaka halkaasi kasoo dageen wufuud uu kamid yahay wasiirka arimaha dibadda dalka Jabouti Maxamuud Cali Yuusuf iyo masuuliyiin ka socota dalalka Ereteria iyo Suudaan. Wasiirka warfaafinta dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa saaka noo shegay in dhammaanba wufuuddii la sugayay ay soo gaareen magaalada Jowhar , shirkuna uu bilaabanayo. Md: Xayir wuxuu kaloo noo sheegay in wafdiga saaka soo gaaray magaalada Jowhar uu kamid yahay ergayga gaarka ah ee xogayaha guud ee qaramad midoobay u magacaabay arimaha Soomaailya Francios Fall oo ka qayb galaya shirka urur goboleedka IGAD. Wasiirka warfaafinta wuxuu kaloo sheegay in shirkaan looga hadli doono dibna loogu eegi doono wixii u qabsoomay DFKGS iyo baahida hortaalla ee ay kamid tahay hub ka dhigista iyo dib u dhiska dalka. Waa shirkii ugu horeeyay ee noociisoo kala ah oo ka dhaca dalka Soomaaliya tan iyo intii ay bur burtay xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre. Shirkii ugu danbeeyay ee ay yeeshaan wasiirada arimaha dibadda IGAD wuxuu ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya , waxaana lagu falan qeeyay arimaha kusaabsan hub ka dhigista. Shirkan ayaa qodobada lagu soo qaadi doono waxaa kamid ah sidii urur goboleedka IGAD ay u bilaabi lahayd qorshe kusaabsan nabadaynta dalka iyo hub ka dhigista malleeshiyaadka hubaysan. CCC Farayaamo AllPuntland
  13. Wafuuda IGAD oo ku soo qul qulaya magaalada Jowhar. Jowhar Diyaarad khas ah oo siday Wafdi uu hogaaminayo wasiiru dowlaha arimaha dibada dalka Etiopía Atto Takadha Alamu ayaa maanta abaarihii 5:15pm soo gaaray magaalada Jowhar. Mudo 15daqiiqo ka dib ayaa markale waxaa soo caga dhigatay diyaarad ka timi dalka Kenya oo siday wafdi balaaran oo isagu jiray dalalka Kenya iyo Uganda oo ay kala hogaaminayeen Embazador Maxamed Cabdi Afey iyo safiirka Uganda ee dalka somalia. Waxaa wafdiga kenya ka yimi ka mid ahaa safiirka Midowga Afrika u fadhiya somalia Embazador Kamoso, wafuudaani ayaa waxa ay u yimaadeen shir ka dhici doona maalinta berito ah magaalada Jowhar oo loogu talo galay dowladaha ku bahoobay urur goboleedka IGAD. Hadaba waxaa halkaasi kusoo dhaweyey madax katirsan DFKMG ee Somalia oo uu ka mid ahaa Wasiirka Arimaha Dibada Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil iyo maamulka G.Sh.Dhexe shacabkooda iyo madaxdiisa oo uu horkacayey Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere. Soo dhayantaani ayaa waxaa ka qayb galay ardayda dugsiyada iyo dhamaan dadweynaha reer Jowhar jawigana waxa uu ahaa mid aad u heer sareeyey iyadoo ay haweenka soomaaliyeed halkaasi ka qaadayeen heeso soo dhawayn ah, halka dhalinyarada Hidaha iyo dhaqankana ay cayaaro kusoo bandhigayeen. Wafuudaani marka ay yimaadeen ka dib ayaa waxaa loo galbiyey magaalada Jowhar oo garoonka u jirta qiyaastii ilaa 16km, waxa ay toos u abaareen guriga Ra´iisul wasaaraha halkaasoo ay casho ku lahaayeen. Berito ayaa lagu wadaa inay soo gaaraan dalalka Sudan iyo Djabuti halka dalka Eratariya uu ka cudur daartay ka qayb galka shirka IGAD oo ka dhacayo magaalada Jowhar. Waxaa la filayey inay yimaadaan wasiiro arimo dibadeedyada dalalka ku jira IGAD balse aysan imaan iyadoo dalka Kenyana aanan lahayn wasiirka arimaha dibada maadaama uu kala diray madaxweynahooda. Ethoopiyan Airline oo ahayd diyaaradii siday wafdiga dowlada Itoobiya ayaa ah markii ugu horeeysay mudo ka badan 15sanno inay soo caga dhigato dalka somalia iyadoo xubno ka mid ah dowlada federaalka ee ku sugan magaalada Muqdisho ay ku eedeeyeen dowlada itoobiya inay hub iyo saanad milateri siiso dowlada federaalka ee xarunta u ah magaalada Jowhar. Dowlada Etoopiya ayaa iska fogeeysay eedaymahaasi looso jeediyey kuna tilmaantay mid xaqiiqda ka fog, waxayna sheegeen in somalia ay yihiin dal diris la ah oo ay saaxiibo yihiin. Tan iyo markii dowlada lagu soo yagleelay dalka Kenya ayaa waxaa soo baxay inay saaxiib yihiin dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Cabdulaahi Yuusuf iyo dowlada Itoopiya oo ay dhawaana qodobo dhawr ah kala saxiixdeen.
  14. Juma don't hate on him. He's got a point. just reflect on what he said. You hate a golden chance to lead Somalia into the 21th century but you simply didn't take that change. After the USC captured Moqadishu the people were happy and they expected an establishment of a broad government instead of securing the peace you embarked on a killing spree to people associated with the former regime. It didn't stop there you even started killing each other and destroying what was left of your beautiful capital. Aren't you ashamed of yourself. Why is it that other can govern themselves and Moqadishu is at the sad state at is for fifteen years just think about it. You're not only disappointing yourself but at the same time you're holding hostage the rest of Somalia. You had the leadership we said Aydid or Ali Mahdi choose which one you want to lead the country but you simply went mad and started the lawlessness you are in. If you can't lead and you don't want to be lead what do you want may I ask in all honesty? Either do what is required from you or go out of our way we will return Somalia to its lost status and Glory. You have wasted enough of our time. Nothing is coming out of you and the people of Moqadishu will soon realise. I just fear for the Warlords.
  15. Well Abstarct where should I start. Generally before enquiring about a subject you have to study what it is made off. If you want to know more about "Somali" Politics you have to aquire knowledge of its crucial internal players. After you have graduated I will introduce you into the external influential players aswell. But that's when you have progressed into the Advanced stage. Somali politics isn't as primitive as some has suggested. In order to make it easier for you I'll give you an insight into the hardcore players of the game called Somali politics. House of Cards: Influential play-maker of Somali Politics. He is a former President of Puntland and a military hardman. He hates chaos and wants to see Somalia returned to its former days. He was the first to start an armed struggle against the dictator ship of Siad Barre after a failed coup attempt in 1978. An oponent of lawlessness and corruption which he hates. Successfully established administrations. Leads by example. He is hardworking and doesn't drink, smoke or chew any khat. He holds fast to his principle's. He isn't a political pragmatist and you can't bribe him with money. Elected president of the TFG in October 2004. Has vowed to bring Somalia out of its chaos and to its former glory. Critics say that he is a dictator and that he has got a tendency of political assassinations when you fall out with him although he is loyal until he becomes suspicious. He is very ambitious and works day and night to fulfill his goals right or wrong. He is now in an advanced age of 71 although it is said that he is approaching his 90th birthday. Struggled for 35 years to become the president of Somalia. He endured during that time hiding in bushes, sleeping in overcrowded houses and lastly but not least imprisonment by the Ethiopian officials. Critics also claim that he is very close to Ethiopia. It is argued that they are his principle supporters. He set up office in Jowhar in the upper Shabeele province only 90km north of Moqadishu the capital of Somalia arguing that the capital isn't safe to host the government and the President. He has got a valid point taking into account that there were two failed assassination attempts at the life of the Prime minster of Somalia when he went to Moqadishu on two separate occasion earlier this year. Murder, mass kilings, lawlessness have plagued the Somali capital for fifteen years since the dictator Marxuum Siad Barre was ousted from power in late 1990 by the USC a bunch of lawless thiefs who thrived on the looted properties of the fleeing government, private properties and national monuments such as the statue of great martyr of Mohamed Abdulle Hassan, statue of Hawo Tako who fought against the italians and the statue of Ahmad Gurey who fought a religious battle against the Ethiopians and portugese. The USC forces reduced Moqadishu to rubble. They have also divided the city in 14 districts of lawless enclaves each district got a different ruthless warlord who operates this districts. There are no local administrations warlords pay there militia by ordering them to establish illegal roadblocks and taking off money from the helpless populations many of them mothers with orphaned children. Often they have to endure rape and sexual abuse because they simply can't afford to pay off the militias every hundred meters or so because there are several roadblocks called isbaaro in Somali. It's like you going to school and every hundred meters you have to pay $10 or £10 to pass through the thugs that closed off the street you would eventually run out of money, which then you had to pay with you shirt, watch and trousers and macawiis because thugs take everything. That's why the President can't go to Moqadishu and the people in charge like the lawlessness of the city and they don't want to see changes. You see that's the main difference between the President and the thugs in Moqadishu. Today there is a ministerial meeting of Igad member states taking place in Jowhar. This is a new trend because there wasn't an international conference taking place since the ouster of Siad Barre inside Somalia for a long time. Jowhar the seat of the government has become a thriving town with a peace not seen in Somalia for the last fifteen years. Ministers go around the city without harrassment and armed convoy. The city has been enlarged and I will post some pictures stay tuned. Other politicians profiles will follow suit stay tuned.
  16. On the far right-hand side/end of the picture you can see the next prime minister of Somalia already geared up.