Yoonis_Cadue

Nomads
  • Content Count

    572
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Yoonis_Cadue

  1. Daawo Sawirada Soo dhaweyntii Bosaso iyo Furitaankii Akadamiyada Booliska ee Carmo Bosaso:- Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha Federaalka oo maanta si wayn loogu soo dhaweeyey Bosaso ilaa Carmo. Madaxweynaha Dowlada Somaliya C/laahi Yusuf Ahmed iyo Raysalwasaare Cali Maxamed Geedi ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Bosaaso ilaa degmada Carmo ee ka tirsan gobolka Bari. Wafdigan balaaran oo ka yimid magaalada Jowhar, ayay kusoo dhaweeyeen Airporka Magaalada Madaxda sar sare ee Dowlada Puntland iyo shacabweyne aad u badan. Wafdigan ayaa waxaa loo gudbiyey International Village Hotel, halkaasi oo uu ku haray Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yusuf Ahmed. Halka Wafdi balaaran oo ay hogaaminayaan Madaxweyne kuxigeenka Puntland Md.Xassan Daahir Afqurac iyo Raysalwasaaraha Somaliya iyo Taliya yaasha Booliiska ee Federaalka iyo Puntland ay u kicitimeen dhanka xarunta Akadamiyada Booliiska ee Carmo. Waxana sidoo kale wafdiga dawlada FKMS kala qayb galay munasabada furitaanka kulliyada boliska Soomaliyeed masuuliyin kale oo ka kala socday hay,adaha gargaarka ee caalamiga ah sida xiriiriyaha deeqaha Qaramada Midowbey ee Soomaliya Maxwell Gylard iyo safiirada dalalka Kenya iyo Masar ee Soomaliya Maxamed Cabdi Afey iyo Cabdala Mubarak iyo masuuliyin farabadan oo kale. Dhamaan Wafuudan ayaa caawa Casho sharaf Madaxtooyada Bosaaso kula leh Madaxweynaha Puntland Md.Maxamuud Musse Xirsi (Cadde Musse).
  2. Casho Sharaf Boosaaso-20.December.2005 Waxaa caawa Xarunta madaxtooyada Magaalada Boosaaso casho sharaf loogu sameeyay madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi iyo wafdigoodii Halkan ka daawo Sawirrada.
  3. Qurac Jowhar isn't a village things are starting to look good down there. It must be deshearting for you to see that this dusty village controlled by a megamaniac has now four foreign embassies. How many embassies are there in little dusty and windy Hargaysa after 15 years of campaigning? Progress Ay? Wouldn't you say so. Enough embarrassment for you today go and hide in your little hole now.
  4. Somali nomad, symbol of the country's predominantly pastoral life THE SOMALIS ARE A CULTURALLY, linguistically, and religiously homogeneous people, who are divided along clan lines and sparsely scattered over a harsh, dry land. There are significant distinctions among sectors of the population, related in part to variations in means of livelihood. In the early 1990s, roughly 60 percent of an estimated population of more than 8.4 million were still nomadic pastoralists or seminomadic herders, subject to the vicissitudes of an arid climate. Twenty to 25 percent of the people were cultivators, most living in the southern half of the country, on or between Somalia's two major rivers, the Jubba and the Shabeelle. The remainder were town dwellers, the vast majority of whom resided in Somalia's capital, Mogadishu. With the fall of General Mahammad Siad Barre's regime on January 27, 1991, and the ensuing internal warfare that resulted in the disintegration of the Somali state, patterns of residency changed dramatically. For instance, the population of Mogadishu, estimated at 500,000 in the mid-1980s, witnessed the influx of thousands of refugees. As a result, Mogadishu reportedly had about 2 million inhabitants in early 1992. Throughout the country the civil war, along with the lawlessness as Siad Barre's regime collapsed and the absence of functioning governmental and social institutions, produced a chaotic situation. Although 95 percent of the population are ethnic Somalis, sharing a common culture, in traditional society they segmented themselves into a hierarchical system of patrilineal descent groups, each said to originate with a single male ancestor. The most comprehensive of these groups were the six clan-families (see Glossary). Their constituent units were the clans (see Glossary), which in turn were made up of lineages (see Glossary), which themselves were further segmented. Among the sedentary interriverine Somalis, however, descent gave way in part to territoriality as a framework for social, political, and economic organization. Membership in clans and lineages shaped the allocation of individual rights and obligations. The principle of descent, however, was modified (although rarely overridden) by Somali heer, or traditional jurisprudence. Contracts or treaties bound specified descent groups and their individual members together for the making of war and peace and, above all, for the provision of compensation in cases of homicide and injury. The Somali social order has been marked by competition and often by armed conflict between clans and lineages, even between units of the same clan-family or clan. Within each unit, Somali males considered better warriors, wiser arbiters, or abler speakers commanded greater respect in council. However, pastoral Somalis looked down on sedentary ones, and both looked down on non-Somali clients (see Glossary) of the sedentary Somalis and members of despised occupational groups such as hunters and smiths, who made up, however, only a very small proportion of the population. The segmented social order, with relatively minor modifications, was carried into the independence period. In a very poor country, many Somalis were disaffected by the competition for power and wealth that often took the form of shifting alliances and conflicts between greater and lesser clans and lineage segments. Simultaneously, new cleavages emerged between educated urban dwellers who had mastered a foreign language and the less-sophisticated rural Somalis. Soon after the October 1969 military coup, Siad Barre's socialist government aimed an attack at the traditional system. In principle at least, his regime reduced the significance of clans and lineages, encouraged women to participate in government and attend school, and sanctioned the social equality of lowstatus groups. The gap that had opened between educated Englishor Italian-speaking Somalis and the rest of the population was reduced somewhat by the institution of a Somali script and the designation of Somali as the official language. Siad Barre's government insisted that socialism was compatible with Islam, the religion of the overwhelming majority of Somalis. Although Somalis had not always conformed to the rigors of orthodox Islam, their identity was bound up with being Muslim. With few, if any, exceptions leaders of the socialist regime were Muslims and did not attack religion. However, they also did not hesitate to institute reforms that displeased conservative Muslim leaders. Despite government encouragement of change, clan and lineage remained important throughout Siad Barre's rule, and Siad Barre remained in power by manipulating clans and clan leaders. In fact, soon after the revolution, kinship considerations and nepotism were evident at the highest levels of the regime. The workings of the lineage system were predicated on the solidarity of the segments of the same order with one another and the relative equality of the members of each segment. The growth of the state and the development of different degrees of wealth and access to other private-sector resources caused an incipient stratification that had the potential to override lineage solidarity as it diminished equality.
  5. Wafdiga DFKMG oo caawa casho sharaf loogu sameeyey madaxtooyada Boosaaso. Boosaaso - 20.December.2005 Wafdiga Dawladda Federaalka Soomaaliya ee maanta soo gaarey magaalada Boosaaso ayaa waxaa caawa lagu marti qaaday xarunta madaxtooyada magaalada Boosaaso. Madaxweynaha Puntalnd ayaa casho sharaftan u sameeyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi. Kulanka dhex maraya mas’uuliyiinta ugu sarsarraysa ee dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo Puntland ayaa waxaa sidoo kale lagu caasumey saxaafadda madax bannaan si ay iyana uga qayb talaan. Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com Also in SBC News
  6. Madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha Somaliya oo waftigoodii soo gaareen Magaalada Boosaaso Posted to the Web Dec 20, 11:03 BOOSAASO : Wafti balaaran oo ay hogaaminayaan Madaxweynaha DKMG ah C/laahi Yuusuf iyo Ra’iisal wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso. Waftiga oo saaka ka suu duulay caasumada KMG ah ee dawlada federaalka ee Jawhar ayaa waxay booqasho ku joogi doonaan dawlad goboleedka Puntland mudo dhawr cisho ah. Waxaa waftigaas ku soo dhaweeyay garoonka dyaaradaha Dad watay sawirada madaxweynaha iyo ra'iisalwasaaraha, ruxayayna calanka Somaliya oo isugu jiray shicibweynaha magaalada, culamaa-udiinka, ardayda iyo dawweyne aad u fara badan. Waxaa kaloo iyaguna si weyn isugu diyaariyay soo dhaweynta madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha masuuliyiin ka socotay dawlada goboleedka Puntland iyo kuwa gobolka Bari. Meelaha ay booqan doonaan waftiga madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa ka mida degmada Carmo oo lagu furi doono goob lagu tababaro ciidamada booliiska ee dawlada federaalka. Waxaa kaloo la filayaa in waftigaan booqoshadooda ku tagi doonaan magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.
  7. Boosaaso: Madaxwaynaha DFKGS iyo Madaxwaynaha Puntland oo caawa kulamo ku leh Boosaaso - Tuesday, December 20, 2005 at 18:07 Boosaaso(AllPuntland)- Madaxwaynaha DFKGS Md: C/laahi Yuusuf Axmed iyo madaxwaynaha Puntland Md: Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) ayaa kulamo caawa ku leh xarunta madaxtooyada dawlad goboleedka Puntland. Kulamada ay labadan madaxwayne leeyihiin oo horay loo sii shaaciyay inay dhacayaan ayaa ahaa kuwo saxaafadda laga hor joogsaday , waxayna soo bilowdeen wada hadalladan galabta. Ilo kudhow dhow madaxtooyada dawlad goboleedka Puntland ayaa noo sheegay in kulamada labadan masuul ay kusaabsan yihiin wada tashi kusaabsan dhinaca horumarka maamulka Puntland iyo is beddelka la sheegay in dhawaan lagu samaynayo xukuumadda Puntland. Madaxwaynaha Puntland ayaa C/laahi Yuusuf usoo gudbiyay inuu doonayo inuu mustaqbalka dhow doonaayo inuu wax kabaddel kusameeyo golaha xukuumadda Puntland oo uu madaxaynaha Puntland qiray in habacsanaan jirto. Madaxwaynaha Soomaaliya oo maanta saxaafadda hadal gaaban siiyay ayaa sheegay inuu halkan u yimid inuu latashi kala sameeyo madaxwaynaha Puntland isla markaana golaha wasiirada ammuurohooda uu fikrado kasiin doono madaxwaynaha Puntland. Md: Yuusuf wuxuu ka digay mar uu maanta saxaafadda u waramayay in jiraan saxaafadda qaarkood oo uu ku tilmaamay inay socodka madaxwaynaha iyo raysulwasaaraha si kale u dhigeen. Madaxwaynaha ayaa lafilayaa inuu maalinta bari ahna sii joogo magaalada Boosaaso ayadoo la filayo in asaga iyo raysulwasaaruhu ay dib ugu noqdaan maalmaha soo socda xarunta kumeel gaarka ah ee dawladda. CCC Farayaamo AllPuntland
  8. Boosaaso: Raysulwasaare Geeddi oo xarigga ka jaray Akadeemiyada tabobarka ee carmo , dibna ugu soo laabtay Boosaaso. - Tuesday, December 20, 2005 at 17:20 Boosaaso(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in raysulwasaaraha Soomaaliya Prof: Geeddi oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golayaasha wasiirada ee DFKGS iyo kuwa Puntland iyo masuuliyin ka tirsan hay'adaha gar gaarka oo ugu horeeyo u qaybsanaha deeqaha Soomaaliya Maxwell Gylard ay goor hore oo galabta ah gaareen deegaanka Carmo. Raysulwasaare Geeddi oo weheliyaan gaaddiid aad u badan oo ay saaran yihiin qaar kamid ah dadwaynihii soo dhaweeyay ayaa waxa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Carma . Prof: Geeddi iyo xubnaha uu hor kacayo ayaa waxaa magaalada Carmo uga hortay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo wasiiro Puntland ka tirsan iyo shacabka Carmo oo ruxayay caleemo qoyan oo ku dhawaaqayay "jaallayaaloow soo dhawaada". Md: Geeddi iyo gaadiidkii galbinayay ayaa u weecday dhinaca xerada wayn ee tabobarka oo duleedka kaga taalla magaalada Carmo ee gobolka Bari . Xerada Tabobarka ayaa waxaa kusugnaa ciidan kala duwan oo ka kala yimid Puntland iyo gobolka Jubbada hoose kuwaasoo u diyaar garoobay inay tabobaro ku qaataan Carmo,. Prof: Cali Maxamed Geeddi ayaa salaan ka qaatay cutubyadii ciidamada ahaa ee kusugnaa xerada tabobarka Carmo wuxuuna si rasmi ah xarigga uga jaray xeradaasi. Intii uusan Prof: Geeddi hadalka jeedin waxaa halkaasi qudbado kasoo jeediyay wasiirka arimaha gudaha Puntland , taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, guddoomiyaha gobolka Bari iyo duqa Carmo. Prof: Geeddi oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin qiimo leh ayadoo si rasmi ah loo furayo xero tabobar oo aad looga shaqeeyay , wuxuuna sheegay in furitaanka xaruntan uu kusoo beegmay maalinta booliska Soomaaliyeed ee 20ka December. Prof: Geeddi iyo wafdigiisii ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso ayadoo ay galbinayaan dadwaynihii horay uga raacay magaalada Boosaaso. CCC Farayaamo AllPuntland
  9. Ardayda oo ka qayb gelaysa soo dhoweynta wafdiga DFKMG! Boosaaso - 20.December.2005 Waxaa goobo gooni gooni ah loo cayimay ardayda dugsiyada kala duwan ee magaalada Boosaaso si ay uga qayb qaataan soo dhoweynta wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo saacadaha soo socda ka soo degi doona garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso. Mas’uuliyiinta dugsiyada iyo guddiga qaban qaabada iyo soo dhoweynta wafdiga ayaa soo saaray shax ay ku caddahay goobaha ay istaagayaan ardaydu waxanay kala yihiin: Machadka Hodman, Machadka caafimaadka, Secondory School waxaa ay safan doonaan airaboorka. Dugsiga Xamdaan dalcadda laga soo dego ee garoonka diyaaradaha Boosaaso ilaa beeraha Baalade. Shaafici AlNawaawi Manaaratul Baydaa Al najax Algaarisa Xaaji mire wuxuu tegayaa waddada Hotel International Village tagta. Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com
  10. Madaxweyne Yuusuf & Geeddi oo lagu soo dhoweeyey Boosaaso! Boosaaso - 20.December.2005 Madaxweynaha dawladda Federaalka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wafdi ay hoggaaminayaan ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso. Wafdigan ayaa la kulmay soo dhoweyn heer sare ah oo aan loo kalal harin haddii ay noqon lahayd mas’uuliyiinta dawlad goboleedka Puntland, ururrada bulshada rayidka ah iyo dadweynahaba. Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaarihiisu waxay salaan sharaf ka qaateen ciidamada Bambayda oo garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso lagu diyaariyay. Wufuud gaaraysa 30 ayaa la sheegay in madaxweynuhu ay la socdaan oo isugu jira xildhibaanno iyo wasiiro. Waxaana ay u sii gudbeen xarunta madaxtooyada magaalada Boosaaso halkaasoo la filayo inay isla maanta uga sii gudbaan degmada Carmo ee gobolka Bari si ay xarigga uga jaraan xarunta tababarka ciidamada Soomaaliyeed. Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com
  11. Cali Maxamed Geedi oo furay Kuuliyadda Booliiska Soomaaliyeed. Boosaaso - 20.December.2005 Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi ayaa si rasmi ah galabta u furay kuuliyadda ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee degmada Carmo. Munaasabadda furitaanka akedemiyada booliiska Soomaaliyeed ayaa waxay ku beegnayd “Xuska Maalinta Ciidamada Booliiska Soomaaliyeedâ€, oo guud ahaan waddanka oo dhan si weyn looga xusay. Furitaankii kuuliyaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa ka qayb galay, madaxweyne kuxigeenka Puntland, Xasan Daahir Afqurac, qaar kamid ah golaha wasiirrada Puntland, taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Cali Madoobe, taliyaha ciidanka Booliiska Puntland, Yuusuf Axmed Khayr, qaar ka tirsan mudanayaasha baarlamanka federaalka Soomaaliyeed iyo dadweyne aad u fara badan. Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com
  12. Sidee wafdiga DFKMG loogu soo dhoweeyey gobolka Bari? Boosaaso - 20.December.2005 Mas’uuliyiinta ugu sarsarraysa xukuumadda federaalka Soomaaliyeed ayaa maanta si dirran loogu soo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso Hotel International Village ilaa iyo degmada Carmo ee gobolka Bari oo magaalada Boosaaso dhinaca koonfureed kaga aaddan ilaa iyo 60km. Soo dhoweynta Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wafdigii kale ee labada gole ee dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ahayd mid si weyn ay ugu diyaar garoobeen mas’uuliyiinta, ururrada bulshada iyo shacab weynaha Puntland. Soo dhoweynta wafdiga dawladda dhexe ee Soomaaliya ayaa dawlad goboleedka Puntland u saartay laba guddi iyada oo ay taasi barbar socotey diyaar garowga ay samaynayeen ururrada bulshada rayidka ah, maamulka dawladda hoose ee magaalada Boosaaso, ciidamada maamboyda iyo fannaaniintu. Ardayda kala duwan ee dugsiyada magaalada Boosaaso ayaa si weyn uga qayb galay soo dhoweyntii maanta waxana la arki karayey dadweyne aad u fara badan oo buux dhaafiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso min Hotel International Village oo la dejiyey wafdiga dawladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale tuulooyinka u dhexeeya magaalada Boosaaso ilaa iyo degmada Carmo ayaa iyana diyaar garowga ka qayb galay, iyada oo ay ururrada haweenka ee Gobolka Bari iyo degmada Carmo ay si gaar ah u diyaariyeen qalabka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, iyo dhallinyaro rag iyo dumar isugu jirta oo ku lebbisan dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Ra’iisal wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa dadweynaha, mas’uuliyiinta dawlad goboleedka Puntland iyo saxaafadda uga mahad celiyey sida ay uga qayb galeen soo dhoweynta wafdiga dawladda federaalka Soomaalya. meheradaha magaalooyinka Boosaaso iyo Carmo ayaa si weyn looga dareemayey soo dhoweynta iyada oo ay jireen dad fara badan oo soo xiray meheradahoodii si ay uga qayb galaal soo dhoweynta mas’uuliyiinta dawladda federaalka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya. Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com
  13. Madaxweyne Cabdilaahi yuusuf iyo waftigiisii oo soo Gaadhay Boosaaso Boosaaso 20 Dec 2005 Madaxweynaha Dwalada federaalka Soomaaliya Mudane Cabdillahi Yuusuf Axmed iyo Raysalwasaarihiisa Cali Maxamed Geedi ayaa Goor dhawayd kazoo degay Garoonka Diyaaradauhu ka Haadaan ee degmada Boosaaso,. Madaxweynaha iyo watiga uu hogaaminayo oo ay ku jiraan xubno ka mida baarlamaanka oo ay wasiiro ku jiraan, ayaa waxaa kusoo dhaweeyey gegedida diyaradaha madaxweynha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane Cade Muuse Xirsi iyo Kuxigeenkiisa Xasan Daahir Afqudhac, iyo dadweyne aad u fara badan oo u soo banbaxay soo dhawaynta madaxweynaha iyo waftigiisa. Waxay halkaasi wufuudu salaam sharafeed kaga qaateen ciidamada Booliska iyo daraawiishta. Waxaa meel kasta laga dareemayey soo dhaweynta loo samaynayey madaweynaha iyo waftigiisa waxaana wadoonyinka dhinacyadooda tubnaa dad ruxayey caleemo qoyan, sawirka madaxweynaha iyo raysalwasaaraha iyo weliba calanka soomaaliaya. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Yuusuf waa markii labaad ee ay isga iyo raysal wasaarihiisu ay yimaadaan Puntland. Waxaa imaanshaha doorkan uu ku aadan yahay furutaanka akadeemiyada ciidanka booliska ee laga hirgeliyey tuulada Carmo ee ku taala duleedka Boosaaso Xafladdaan xarigga looga jarayo akadeemiyadaan uu yeelanayo booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu soo beegay 20-ka December oo ah maalintii la aasaasay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyadoo ciidanka booliiska Soomaaliyeed uu jiro 62-sano, waxaana ciidanka booliiska uu soo maray dhibaatooyin fara badan intii uu jiray, iyadoo 15-kii sano ee ugu dambeeyay uu ahaa mid la kulmay dhibaatooyin kala gaddisan oo ay la yimaadeen dagaallada sokeeye sida in ciidanka booliiska oo la dagaalami jiray tuugada iyo xatooyada iyaga laftooda la xado sidoo kalena ay ka dhuuntaan tuugadii ay shalay qaban jireen oo ay aragtidu ka dhaxeysay. Akadeemiyadaan ayaa marka maanta la furo waxaa ka bilaabanaysa tababar loogu furayo qaar ka mid ah ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo laga kala keenay gobollo dalka ka mid ah sida: Gobollada Puntland, Gobolka Shabeellada Dhexe iyo Gobollada Jubbooyinka, waxaana la filayaa inay sidoo kale gaaraan isla markaana askar booliis ah oo ka socota gobollada dalka qaarkood si ay uga qaybgalaan tababarka halkaas ka furmaya. Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul wasaarihiisa Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa lagu wadaa inay xarigga si wadajir ah uga jaraan akadeemiyadaas iyagoo halkaas uga jeedin doona dadweynaha iyo ciidammada ka soo qaybgala dabaaldaggaan maanta lagu wado inuu ka dhaco xeradaas khudbooyin ku saabsan ciidanka booliiska iyo waxa looga baahan yahay iyo sidoo kale talaabooyinka ay dowladda Federaalka Soomaaliya horay u qaadday iyo waxa ay ugu talogashay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
  14. Boosaaso: Wafdigii madaxwaynaha Soomaaliya oo daqiiqado kadib ka dagaya Boosaaso. - Tuesday, December 20, 2005 at 10:05 Boosaaso(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo xubno katirsan dawladiisa oo uu hor kacayo ay maanta barqonimadii kaso duuleen magaalada Jowhar ayadoo waqti gaaban dabadeed laga filayo Boosaaso. Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ayaa waxaa tan iyo saaka tubnaa inta u dhaxaysa magaalada iyo garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso. Ciidanka booliska magaalada Boosaaso ayaa qayb libaax leh ka qaadanaya sugidda ammaanka halka ay soo dhawayntu ka dhacayso. Madaxda dawladda oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha Puntland Cadde Muuse ayaa diyaar ku ah garoonka diyaaradaha Boosaaso. Mar aannu la xiriirnay magaalada Jowhar ayaa naloo sheegay in wafdigu ay soo raaceen laba diyaaradood oo nooca yar yar ah. CCC Farayaamo AllPuntland
  15. War deg deg ah: Boosaaso: Diyaaraddii sidday Madaxwaynaha Soomaaliya iyo raysulwasaare Geeddi oo soo caga dhigatay Boosaaso. - Tuesday, December 20, 2005 at 10:22 Boosaaso(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in haatan ay soo caga dhigatay diyaaraddii sidday Madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo raysulwasaare Geeddi. Sida ay nagu soo gaarayaan wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso wafdiga madaxwaynaha ayaa markii ay kasoo dageen diyaaradda waxay salaameen dadwaynihii iyo masuuliyiintii Puntland ee soo dhawaynaysay. Ciidanka Baambeeyada oo lagu diyaariyay garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa garaacayay asataanta calanka , ciidanka booliska Puntlandna waxay salaan siiyeen madaxwaynaha DFKGS iyo wafdigiisa , waxayna dabadeed mid mid u gacan qaadeen masuuliyiin uu ugu horeeyay madaxwaynaha Puntland , madaxwayne kuxigeenka iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada. Kooxaha fannnaaniinta gobolka ayaa diyaar ku ahaa goobta ay soo dhawaynta madaxwaynaha ka dhacaysay . Wafdiga madaxwaynaha iyo raysulwasaaraha ayaa la filayaa marka ay qaddar gaaban nasasho qaataan inay u kici timaan xerada tabobarka ciidamada ee Carmo. Wixii war ah oo dheeraad ah oo kusaabsan wafdiga madaxwaynaha kala soco AllPuntland CCC Farayaamo AllPuntland
  16. BOOSAASO : M/wayne Yuusuf iyo Wafdi uu hogaaminayo oo goor dhawayd ka soo dagay Garoonka diyaaradaha Boosaaso Posted to the Web Dec 20, 10:42 Boosaaso:-M/waynaha DFKS C/laahi Yuusuf Axmed iyo Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay Raysalwasaarihiisa Pro:Cali Maxamed Geedi , ayaa goor dhawayd ka soo dagay garoonka diyaaradaha Boosaaso. Boqolaal qof , oo isugujira Maamulka Puntland, Ururada bulshada iyo Ardayda , ayaa si diiran u soo dhaweeyay M/waynaha iyo wafidigiisa. Wafdiga M/waynaha ayaa lagu wadaa in ay u sii gudbaan Degmada Carmo ee gobolka Bari , si ay uga furaan Xerada tababarada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee dhawaan halkaas laga hirgaliyay. Sidoo kale , M/waynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo gaari doona Caasumada Maamulka Puntland ee Garoowe , maalinimada bari ah haddi Eebe ogalaado. Axmed C/salaam Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya Contacts:loole25@hotmail.com Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan
  17. Madaxda Dowlada Federaalka iyo Puntland oo u kicitimay degmada Carmo. Bosaso:- Kolonyo gawaari ah oo boqolaal gaaraya ayaa usii gelbiyey dhanka degmada Carmo wafuud kala gedisan oo ka kala socota Dowlada Federaalka iyo Puntland. Madaxweynaha Federaalka, Raysalwasaaraha, Madaxweynaha Puntland, iyo madax kale oo badan oo ka kala socda Dowlad Gobaleedka iyo Dowlada Federaalka ayaa saacad kahor u kicitimay dhanka koonfureed ee magaalada Bosaaso. Sida uu noo sheegay Wariye Faysal Geele Omar oo hada la socda kolonyadan ayaa sheegay in, Wafdigan balaaran oo ay ku wehliyaan safarkooda dad weyne aad u badan oo ayaguna iskood u raacay wafdigaasi si ay uga qeyb galaan munaasabada ka dhaceysa degmada Carmo. Degmada Carmo oo dhanka koonfureed uga beegan magaalada Bosaaso, ayaa waxaa illaa iyo shalay ka socday diyaar garowga Wafuudan ka qeyb geli doonta munaasabada furitaanka Akademiyada Ciidamada Booliiska. Wariye C/risaaq Shiino oo hada ku sugan degmada Carmo oo khadka telefoonka noogu waramay ayaa sheegaya in halkaasi ay hada ku sugan yihiin kumanaan dad ah oo usoo daawasho tagay furitaanka xaruntaasi cusub. Wuxuuna wariyaha sheegay in ay halkaasi ku sugan yihiin ciidamo aad u badan oo isugu jira kuwa Booliiska iyo Daraawiishta iyo taraafikada isla markaana amniga si weyn loo sugay. Sidoo kale xarunta ay ka dhaceyso munaasabada ee xerada Akademiyada ayaa loo sii diyaariyey wafdigan balaaran, waxaana lagu wadaa in ay maanta dhamaan wafuudan qado sharaf loogu sameeyo degmada Carmo. Wixii War ah oo ku saabsan socdaalka wafdigan iyo soo dhaweyntii Bosaaso iyo Carmo, ayadoo faah faahsan ayaan gadaal idiinka soo gudbin doonaa haduu Eebe idmo. Xassan Ciise HorseedNet.com
  18. Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha Federaalka oo maanta lagu soo dhaweeyey Bosaso Bosaso:- Madaxweynaha Dowlada Somaliya C/laahi Yusuf Ahmed iyo Raysalwasaare Cali Maxamed Geedi ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Bosaaso. Wafdigan balaaran oo ka yimid magaalada Jowhar, ayay kusoo dhaweeyey Airporka Magaalada Madaxda sar sare ee Dowlada Puntland iyo shacabweyne aad u badan. Mas'uuliyiintan oo salaan sharaf ku qaatay Airporka Bander Qaasim ayaa kadib loo gudbiyey Madaxtooyada magaalada Bosaaso, waxayna qaarkood sidoo kale booqasho ku tageen Hotel International Village oo ay wafuudu kusoo degeen. In ka badan sodomeeyo xubnood oo ayaa ku wehliya safarka Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha. Waxaa lagu wadaa wafdigan in ay u kicitimaan magaalada Carmo oo maanta laga furayo Akademiyada Ciidamada Booliiska. Warbixin Faah Faahsan gadaal ayaan idiinka soo gudbin doonaa haduu Eebe Idmo. Xassan Ciise HorseedNet.com