mahad yare

Nomads
  • Content Count

    227
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by mahad yare

  1. Wefdi uu horkacayo xiriiriyaha gargaarka bini aadminimada ee Soomaaliya Mark Bowden ayaa maanta magaalada Garoowe soo gaarey. Marka Bowden iyo wefdigiisa oo si diiran loo soo dhoweeyey waxay kulan la qaateen madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole. Kulankaas oo ahaa mid ay Saxaafadu banaanka ka joogtey ayaa markii uu dhamaaday kadib waxaa si wada jir ah Saxaafadda shir ugu qabtay madaxweynaha iyo Mark Bowden. Madaxweynaha oo isagu hadalka ku horeeyey ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay wefdigan UN-ka ka socda ka wada hadleen, wuxuuna sheegay inay ugu mihiim sanayd wax ka qabashada xaalada abaaraha iyo sidii loo caawin lahaa dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalooyinka waaweyn ee Puntland. Mark Bowden ayaa isna sheegay in Qaramada Midoobey ay isku deyi doonto in intii awoodeeda ah ay wax ka qabato baahiyaha dhanka bini aadminimada ah ee Puntland ka jira. Ma ahan markii ugu horeysey ee xiriiriyaha arimaha gargaarka Soomaaliya Qaramada Midoobey u qaabilsani uu magaalada Garoowe soo gaaro, haseyeeshee waxaa jirey dhowr mar oo hore oo sidan oo kale uu u yimid.
  2. oba hiloowlow;849618 wrote: Is Abdi Baadil from PL? who cares...Puntland Shuushoow Bax :cool:
  3. Thank you Allah for making reer Puntland. God Bless Puntland and all the reer Puntland world wide. :cool:
  4. " frameborder="0" allowfullscreen>
  5. SEEMS LIKE HE HAS NO TROUBLE ON KEEPING AN EYE ON THE OLD MAN AND THE SCHOOL TEACHER
  6. Qaranki;849106 wrote: Wives* the man is a playa
  7. The-freeman;849172 wrote: Google ‘obvious' as a dictionary maybe too much. Go! say what:confused:
  8. Mooge;849100 wrote: this man shamelessness continues. who helps him?. everytime he opens his mouth it is disaster. AUDIO Don't be fooled by "our brothers" and "civilian" shekoying. they are all the same he says". loool. waxan ya ka qabta wadanka. wuu waashay wu ka daray. loool. sxb don't waste your talent on that political train wretch. how in the world is his mouth his own undoing? cajiib. :confused:
  9. The-freeman;849114 wrote: Yes, they're called houses. wow! how did you miss the obvious sign?
  10. The-freeman;849105 wrote: The joggin one can't be real, LOOL. someone has been living under a rock.
  11. Waxaa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay mashruuci qaadatay mudada halka sano ee lagu balaarinayay Dekadda magaalada Bosaaso iyadoo gaba gabadii ay ku beegnayd shalay oo khamiis ah. Munaasabad kooban lagu soo afjarayay mashruucaas ayaa maanta ka dhacday Xarunta Wasaaradda Dekaddaha,gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcad badeeda,waxaana kasoo qaybgalay masuuliyinta Wasaaradda,Ganacsato iyo Naaqudayaasha Doonyaha iyo maraakiibta xilligaas joogay dekadda. Wasiirka Dekaddaha Eng.Siciid Maxamed Raage oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in maanta ay tahay guul balaaran oo usoo hoyotay Umadda reer Puntland isagoo xusay in mudo 22-sano kadib ay Dekadda Bosaaso kusoo xiran karaan maraakiib iyo doonyo waaweyn. ‘’Runtii maanta waa maalin weyn oo guul usoo hoyotay umadda reer Puntland,dekadda Bosaaso oo aan wax dayactir helin intii burburka ayaa hadda inoo surtagashay in aan balaarino oo maraakiib iyo doonyo kusoo xiran karin ay kusoo xiran karaan’’,ayuu sheegay. Wuxuu intaas ku daray mashruuca in uu socday mudo hal sano lana bilaabay Bishii May ee sanadkii hore,wuxuuna u mahadceliyay Dowladda wadanka Japan oo bixisay dhamaan lacagtii lagu qodayay dekadda iyadoo soo marsiisay Hay’ada WFP. Wasiirka ayaa kula dardaarmay dhamaan Naaqudayaasha iyo Shaqaalaha Doonyaha iyo maraakiibta in ay ilaaliyaan nadaafadda dekadda oo aysan ku tuurin wax qashin ah haddii kale ay talaabo ka qaadi doonaan. Captain Michael Dennis oo isagu ahaa Sarkaalka howshaan hogaaminayay ayaa sheegay in sanad kadib ay ku guuleysteen howsha ay bilaabeen isla markaana dekadda iminka ku xiran karaan doonyaha waaweyn iyo maraakiibta. ‘’Maraakiibta kusoo xiran kara dekadda iminka mitirkooda wuxuu u dhexeeya 8.5-m ilaa 9-m,doonyaha iyaguna waxay u dhaxeeyaan 6.5-m ilaa 7.5-m’’,ayuu sheegay mar uu ka hadlayay dheerarka gaadiid Badeeda kusoo xiran kara dekadda. Labo doonyood oo waaweyn kuwaas oo waday shixnado kala duwan ayaa maanta kusoo xirtay goobtii laga qodayay,waxaana la bilaabay in laga dejiyo rarkii ay wadeen. Ganacsato iyo Naaqudayaal ka hadlay munaasabada ayaa soo dhoweeyay howsha balaaran iyagoo sheegay in wax badan soo kordhin doonto isla markaana maraakiib iyo doonyo u suuragelin in ay kusoo xirtaan dekadda ay iminka imaan doonaan. Mashruucaan lagu balaarinayay Dekadda ayaa si rasmi ah xariga looga jaray Bishii March ee sanadkii hore,waxaana gacanta ku haysay Shirkad laga leeyahay dalka Kenya oo la yiraahdo KMC. Dekadda Bosaaso ayaa la aas aasay sanadkii 1988-dii xilligaas oo dalka ka talinaysay Dowladdi kacaanka,waxaana la dhameystiray dhismaheeda xilliga burburka ee 1990-kii. Mudadii lagu jirey burburka ayaysan helin wax dayactir ah ayna soo martay marxalado kala duwan iyadoo inta badan ahayd meel halbowle ah oo alaabta laga dejiyo la geyn jirey dhamaan gobolada dalka.
  12. Waxaa laba cisha ka hor si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay mashruuc qaatay mudo sanad ah, Mashruucan oo lagu balaarinayay Dekadda magaalada Bosaaso. Munaasabad lagu soo afjarayay mashruucaas ayaa maanta ka dhacday Xarunta Wasaaradda Dekaddaha,gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcad badeeda,waxaana kasoo qaybgalay masuuliyinta Wasaaradda,Ganacsato iyo Naaqudayaasha Doonyaha iyo maraakiibta xilligaas joogay dekadda. Wasiirka Dekaddaha Eng. Siciid Maxamed Raage oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in maanta ay tahay guul balaaran oo usoo hoyotay Umadda reer Puntland isagoo xusay in mudo 22-sano kadib ay Dekadda Bosaaso kusoo xiran karaan maraakiib iyo doonyo waaweyn. ‘’Runtii maanta waa maalin weyn oo guul usoo hoyotay umadda reer Puntland,dekadda Bosaaso oo aan wax dayactir helin intii burburka ayaa hadda inoo surtagashay in aan balaarino oo maraakiib iyo doonyo kusoo xiran karin ay kusoo xiran karaan’’,ayuu sheegay. Wuxuu intaas ku daray mashruuca in uu socday mudo hal sano lana bilaabay Bishii May ee sanadkii hore,wuxuuna u mahadceliyay Dowladda wadanka Japan oo bixisay dhamaan lacagtii lagu qodayay dekadda iyadoo soo marsiisay Hay’ada WFP.Wasiirka ayaa kula dardaarmay dhamaan Naaqudayaasha iyo Shaqaalaha Doonyaha iyo maraakiibta in ay ilaaliyaan nadaafadda dekadda oo aysan ku tuurin wax qashin ah haddii kale ay talaabo ka qaadi doonaan.Captain Michael Dennis oo isagu ahaa masuulka howshaan hogaaminayay ayaa sheegay in sanad kadib ay ku guuleysteen howsha ay bilaabeen isla markaana dekadda iminka ku xiran karaan doonyaha waaweyn iyo maraakiibta. ‘’Maraakiibta kusoo xiran kara dekadda iminka mitirkooda wuxuu u dhexeeya 8.5-m ilaa 9-m,doonyaha iyaguna waxay u dhaxeeyaan 6.5-m ilaa 7.5-m’’,ayuu sheegay mar uu ka hadlayay dheerarka gaadiid Badeeda kusoo xiran kara dekadda.Labo doonyood oo waaweyn kuwaas oo waday shixnado kala duwan ayaa maanta kusoo xirtay goobtii laga qodayay,waxaana la bilaabay in laga dejiyo rarkii ay wadeen.Ganacsato iyo Naaqudayaal ka hadlay munaasabada ayaa soo dhoweeyay howsha balaaran iyagoo sheegay in wax badan soo kordhin doonto islamarkaana maraakiib iyo doonyo u suuragelin in ay kusoo xirtaan dekadda ay iminka imaan doonaan. Mashruucaan lagu balaarinayay Dekadda ayaa si rasmi ah xariga looga jaray Bishii March ee sanadkii hore,waxaana gacanta ku haysay Shirkad laga leeyahay dalka Kenya oo la yiraahdo KMC.Dekadda Boosaaso ayaa la aas aasay sanadkii 1988-dii xilligaas oo dalka ka talinaysay Dowladdi kacaanka,waxaana la dhameystiray dhismaheeda xilliga burburka ee 1990-kii.Mudadii lagu jirey burburka ayaysan helin wax dayactir ah ayna soo martay marxalado kala duwan iyadoo inta badan ahayd meel halbowle ah oo alaabta laga dejiyo la geyn jirey dhamaan gobolada dalka.
  13. Madaxweynaha Puntland Cabdiraxamaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa qalinka ku duugay xeerka axsaabta siyaasadeed ee Puntland kaas oo ay dhowaan soo ansixiyeen goleyaasha wasiirada iyo baarlamaanka ee Puntland. Kulankan uu madaxweynuhu xeerkan ku saxiixay oo maanta ka dhacay xarunta madaxtooyada waxaa kasoo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo gudoonka gudiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland. Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Maxamed Xasan Barre, wuxuuna sheegay in gudigu intii uu jirey uu hawlo badan qabtay. Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray in waxyaabaha la taaban karo ee ay qabteen ay kamid yihiin: daah furka Dastuurka, afti u qaadistii Dastuurka iyo diyaarinta xeerka axstaabta.