Jabhad

Nomads
  • Content Count

    1,351
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Jabhad

  1. Denunciation of Abdullahi Yusuf's government February 19, 2007 Markacadeey To: UN, EU, IGAD, AU, Arab League, and International Contact Group. Subject: Denunciation of Abdullahi Yusuf's government We the undersigned, chiefs and leaders of D and M publicly denounce the recently appointed regional governors, district commissioners and heads of military institution by Abdullahi Yusuf Ahmed and express our dissatisfaction his government. We have been part of Somali peace process and fully supported the inauguration of this government two and half years ago in Kenya, in order Somalia to get the lasting peace. We have offered to this government any material support that can offer any human being's capacity, we welcomed the government in Baidoa, the traditional D and M capital city, we provided security to the government personnel and other international dignitaries and head agencies visited to this city. Having provided whatever we can to support the government, today the hidden agenda of Abdullahi Yusuf has surfaced and his true face of disrespecting the locals, dictatorial attitude, hatred and incompetence is no longer a rumor but real. Since Mr. Yusuf and his guards came into Baidoa in February 2006, his forces deliberately, shot and killed dozens of locals including prominent clan chief, although this was aimed to test our patience but we moved ahead for the sake of peace. However, Mr Yusuf did not recognize any of our efforts and the hospitality we offered. We endangered ourselves in confronting gunman, warlord and other troublemakers that wanted to destabilize the city, which hosts the government. Somalia, land disputes are in the heart of its conflicts and none can solve this problem, especially the Somalis themselves, because the parties in conflicts cannot resolve unless there is arbitration or some source of mediations. Mr Yusuf recently appointed by decree illegal administration in the regions of Middle Juba, Lower Juba, and Gedo and further created two districts within D and M town, in favor to his clan. He previously appointed most of top security officials to his clan. All these are clear in violation of the TFG Charter. We here utterly refute his clanism approach in solving Somali's problem and his appointed administration both federal level and regional level, as it legitimizing the occupied lands and putting his clan ahead the other clans. As the leaders and chiefs of D and M, our future support of this government and peace in these regions must be met with the following conditions; 1. Mr Yusuf to recall his previous illegal appointment both federal and regional level 2. Must equally share the position in accordance with federal charter 3. Must lift the so-called "Emergency law" in order the people to move freely and express their opinion freely. 4. Must leave the regional administration with the locals not to the Transitional Federal Government We, the D and M leader will take action against this illegal activities masterminded by Mr Yusuf if he does not fulfill the above conditions; our conditions will not be limited to the following; 1. Asking the government to leave Baidoa, both diplomatically and by force if necessary 2. Persuading our representative to quit the government altogether 3. Preparing another reconciliation conference which pacifies a creation of a new government suitable to all Somalis 4. Re-deploying our troops if necessary for protecting ourselves. We hope that the members of international community who interested Somali affairs understand our demands and expectations. Signatories; 1. Malaaq Macalin Cali Barre Cheif of Digil & Mirifle Council 2. ,, ,, Maxamuud Maxamed Cabdi 3. ,, ,, Maxamed Ibraahim Garoore 4. ,, ,, Malabow ***** Xasan 5. ,, ,, Shariif Xuseen Aadn 6. ,, ,, Macalin Xuseen Maxamuud 7. ,, ,, Macalin Mukhtaar Cali 8. ,, ,, Xasan Shure Maxamuud 9. ,, ,, Ibraahim ***** Cabdule 10. ,, ,, Miiris Xuseen Xasan 11. ,, ,, Xuseen Xaaji Mukhtaar 12. ,, ,, Maxamed Macalin Cali 13. ,, ,, Sheekh Amiin Sheekh Cabdul Baari 14. ,, ,, Cumar Cabdule Sandheere 15. ,, ,, Sheekh Cabdulaahi Manuur 16. ,, ,, Sheekh Barre Cali Gaabow 17. ,, ,, ***** Afdhuub 18. ,, ,, Shariif Muxiyidiin Xaaji Aadn 19. ,, ,, Macalin Keerey 20. ,, ,, Ibraahim Iimaan Aadan 21. ,, ,, Aadn Nuur Sheekh Xuseen 22. ,, ,, Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim 23. ,, ,, Cabdi Cali Madoobe 24. ,, ,, Warsame Aadan xasan 25. ,, ,, Ibraahim Mayow Ibraahim 26. ,, ,, Cabdirashiid Sheekh Cabdisalaam 27. ,, ,, Aadan Cabdi Ibraahim 28. ,, ,, Cali Afweyne 29. ,, ,, Muxyidiin Ibraahim cali 30. ,, ,, Madgaab 31. ,, ,, Cabdiraxman Kuule 32. ,, ,, Aadan Jabriil Mursal 33. ,, ,, ***** Ibraahim Xasan 34. ,, ,, Yuusuf Cali Sheekh 35. ,, ,, Xaaji Madguud 36. ,, ,, Cabdi Farey 37. ,, ,, Emed Farow 38. ,, ,, Macalin Cali Karyere 39. ,, ,, Bilow xasan Xeydar 40. ,, ,, Iftiin Caliyow Kuusanow 41. ,, ,, Maxamuud Jiis 42. ,, ,, Macalin Xasan Kheyraad 43. ,, , Cabdulaahi Cali Fiisow 44. ,, ,, Cadow Barow 45. ,, ,, Caliyow Keerow 46. ,, ,, Madey Cabdinuur 47. ,, ,, Saalax dhaaniyow Mursal 48. ,, ,, Xaaji Cismaan Yuusuf 49. ,, ,, Ibraahim Aadan Mursal 50. ,, ,, Cabdow Yuunis 51. ,, ,, Jeele Ibraahim Xusen 52. ,, ,, Sheekh cabdi Garuung 53. ,, ,, Xaaji Cabdiraxmaan Tubey 54. ,, ,, Xuseen Axmed 55. ,, ,, Yuusuf Cabdiyow 56. ,, ,, Xasanow Umurow 57. ,, ,, Cabdulaahi Xasan hilowle 58. ,, ,, Xasanow Xaajiyow 59. ,, ,, Cali Maxamed wardheere 60. ,, ,, Xuseen Iftiinow 61. ,, ,, Yuusuf Isaaaq Cali 62. ,, ,, Iimaan Aadan Cali
  2. Dawlada Uganda Oo Markale Dib U Dhigtay Ciidankii Ay Soomaaliya U Diri Lahayd Email this Print this MOST POPULAR PDF version XML version TXT version Shir jaraa’id ee manta lagu waday inuu qabto Madaxa ciidamada Daafaca ee dalka Uganda Gen. Aronda Nyakairima kagana dhawaaqo xiliga ay ciidankiisu Soomaaliya u baqooli doonaan ayaa dib loo dhigay ilaa iyo mudo aan la cayimin. Sidoo kale wax fasiraad ah lagama bixin sababta keentay in dib loo dhigo shirkaas jaraa’id, laakiin waxaa loo tiirinayaa weeraradii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Dhinaca kale, dawlada Nayjeeriya ayaa iyadu sheegtay in 850 askari ay diyaar ka yihiin, laakiin ay Soomaaliya tegi doonaan bartamaha bisha Abriil ee fooda inagu soo haysa. Burundi ayaa iyaduna sheegtay in Jimcaha soo socda ay saraakiil wadankeeda ka socda Muqdihso tegi doonaan si ay ugu kuurgalaan xaalada dhabta ah ee halkaas ka taagan. Wadamada Afrikaan ayaa iyagu arrinkan ku qaybsan, iyagoo qaarkood ay u arkaan in hawlgalka Soomaaliya ay ka fuliyaan uu yahay hawl ay Maraykanka u qabanayaan, waxaan dawladahaas safka hore kaga jira K. afrika. Dawladaha Nayjeeriya iyo Gaana ayaa iyagu qaba in marka hore la bilaabo shir dibuheshiisiineed oo dhaxalgal ah si ciidanka Soomaaliya tegaya ay gacan uga helaan shacabka Soomaaliyeed ee aan loo arag ciidan kooxi keensatay.
  3. BAYDHABO: Ciidammo Ethiopian ah oo gaaraya 4-kun oo Askari oo ku soo fool leh maanta Muqdisho Posted to the Web Feb 21, 08:33 Baydhabo (PP) - Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas ay ka soo ruuqaansadeen in ku dhow 4-kun oo ciidammada Dowladda Ethipoian ah, kuwaasoo si aad ah u hubeysan. Ciidammadaan Ethiopian-ka ah ayaa la xaqiijiyay inay ku soo jeedaan Magaalada Muqdisho, si ay qayb uga qaataan xasilinta Magaalada oo noqotay meel ay hareeyeen daryaanka madaafiicda waaweyn xilliyada habeenkii ah ka dhaca Muqdisho. Sidoo kale ciidammadaan ayaa waxay gacan-siin doonaan sida la sheegay ciidammada dowladda oo lagu wado in dhawaan ay howgallo lagu sugayo ammaanka ka sameeyaan Magaalada Muqdisho oo ka takoorantay Magaalooyinka kale ee dalka, xagga ammaanka. Xilliyada habeenkii ah ayaa waxaa batay in weerarro ay ku qaadaan kooxo aan la garanayn saldhigyada ciidammada Dowladda iyo kuwa Ethiopian-ka ah ay ku leeyihiin daafaha Muqdisho, waxaana taasi ay keentay in lagu garaaco madaafiic xaafadaha dadka shacabka ay ku nool yihiin. Ciidammadaan ayaa waxay ahaayeen kuwii dhawaan ka baxay Muqdisho, waxaana soo laabashadooda keenay sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo ku sugan Baydhabo ammaan darrada ku soo kordhaysa Muqdsiho iyo madaafiicda la isku weydaarsanayo gudaha Muqdisho. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu
  4. Ciidamo Itoobiyaan ah kuwii badanaa oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho Posted to the Web Feb 21, 02:00 Muqdisho (Aayaha.com) 21 Feb. 2007 - Ciidamada Cadowga Itoobiya oo ku hubeysan gawaarida dagaalka oo la sheegay in ay gaarayaan 68 ayaa la xaqiijiyey in ay kusoo jeedan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. Ciidamadan ayaa la sheegay in ay ka yimaadeed qeybo ka mid ah gobolka Baay, wuxuuna dhaqaaqooda dhanka Muqdisho yimid kadib markii dhawaanahan xoogagga xaq u dirriku weeraro qorsheysan oo xooggan la beegsadeen fariisimaha ay ciidamada cadowgu ka sameysteen qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho. Waxaa jira warar kala duwan oo sheegaya in ujeedada imaanshaha ciidamada cadowgu ay la xiriirto xasuuq baahsan oo ay cadowgu la damacsan yihiin Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka magaalada Muqdisho. Ciidamadaan ayaa waxa ay ku biiirayaan ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasoo tiradoodu horay u gaareysay ugu yaraan 18,000 (sideed iyo toban kun). Ciidamadaan cusub ee cadowga ee kusoo wajahan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay qeyb ka noqonayaan ciidamada cadowga ee labadii bilood ee lasoo dhaafay xasuuqa ka geysanayey magaalada Muqdisho. Ciidamada cadowga iyo maleeshiyaadka Kooxda Mbagathi ayaa dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay si arxan darro ah madaafiicda BM-ka xiliyada habeenkii ku garaacayey xaafadaha ay rayadku deggen yihiin ee magaalada Muqdisho. Aayaha.com Xafiiska Muqdsho
  5. Inaa Lilahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Somalis except the few filthy daba-dhilifs will forever rememember this dark day. May Allah lessen their suffering and give them victory agains the Ethiopian occupation and their collaborators IA.
  6. The Mbagathi project of Ethiopia is doom to fail IA just like its predecesor, The Alliance for the Restoration of Peace and Counter-Terrorism (ARPCT) failed and the tola'ayeey of few shamefull dabadhilifs won't change that.
  7. Ah..Shameless daba-dhilif folks and their long wait for a saviour..
  8. Abdulahi-Ahmaar and his Ethiopian masters committing war crimes against the people of Mogadishu.
  9. 3 qof ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen madaafiic ay soo rideen ciidamada Itoobiyaanka ee saldhigoodu yahay xaruntii hore ee wasaaradda Gaashaandhigga iyo isbitaalkii Guud ee Digfeer, kuwaasoo ka jawaabayey weerar hoobiyaal ah oo kooxo aan la garaneyn ku weerareen goobahaasi. Hobyonet. Muqdisho Isniin, Feb, 19, 2007 Ciidamada Itoobiyaanka, ayaa ilaa 5 madfac ku soo riday deegaanka Al-barako iyo dugsiga Imaamushaafici, halkaasoo la rumeysan yahay in ay ku geeriyoodeen ilaa 3 qof oo rayid ah, ayna ku dhaawacmeen 6 qof oo kale 2 qof ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen xaafadda Kpp ee degmada Hodan, iyadoo qof kale uu ku geeriyooday agagaarka dugsiga Imaamu-shaafici. Madaafiicda ay soo rideen ciidamada Itoobiyaanka ee dadka ku laayey qaybo kamid ah degmada Hodan, ayaa waxa ay jawaab u ahaayeen ilaa 4 madfac oo hoobiyaal ah oo lala beegsaday labo barrood oo ay ku sugan yihiin ciidanka Itoobiya. Dadka dhaawacmay qaarkood ayaa lagu hayaa xaafadaha, iyadoo aysan suuragal ahayn in la geeyo isbitaalada magaalada Muqdisho, sababo la xiriir amniga waddooyinka Muqdisho oo aan la isku halayn karin. Madaafiicda ay ridayaan ciidamada Itoobiyaanka, ayaa waxaa had iyo goor lala beegsadaa deegaanada dadka rayidka ah ay ku dhaqan yihiin, waxayna dowladda KMG ah horey u sheegtay in ciidamada Itoobiyaanka ay xaq u leeyihiin in ay madaafiic ku garaacaan goob kasta oo ay uga shakiyaan in madfac looga soo tuuray. Wixii warar ah oo ku saabsan madaafiicdaan waxaan idiin soo gudbin doonaan goor dhaw Maslah Osman Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya http://www.hobyonet.com/Feb/feb_19-madaafiic%20gilgilay...htm
  10. Weerar caawa lagu qaaday Xaruntii hore ee Wasaaradda Gaanshaandhigga iyo isbitalka digfeer oo ay tikreegu dhowaan dageen. Muqdisho,19,February-07 ( Qaadisiya.com) Weerar ayaa caawa lagu qaaday 2-xarun oo ay degan yihiin ciidamada Tikreega ah goobahaasi oo kala ah Xaruntii hore ee Wasaaraddii Gaanshaandhigga iyo Isbitalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho. Weerarada lala beegsaday Xarumahaasi ayaa lasheegay in ay gaarayeen gantaalada lagu riday illaa shan gantaal iyadoo aanu lasoo sheegin weli khasaaraha tikreegu kasoo gaaray hoobiyeyaashaasi lagu tuuray. Weerarkaasi kadib ayaa Xabashida Dalka kusoo duushay waxa ay si fuleynimo u soo tuureen gantalo isbadajooga kuwaasi oo ku kala dhacay Xaafadda Albaraka iyo Xaafadda KPP ee Magaalada Muqdisho. Gantaalihii kudhacay Xaafadda Albaraka ayaa waxa uu ku dhacay qeyb kamid ah Suuqa Caanaha iyo Khudaarta ee Bakaaraha iyadoo halkaasi ay kudhaawacmen illaa 6-qof inta Shabakada Islaamiga ah ee Qaadisiya ay soo xaqiijisay. Gantaalihii kale ee iyana kudhacay Xaafadda KPP ayaa waxa uu kudhacay meel kudhaw Masjidka Sheekh Cali Suufi Gaar ahaan Albaabka hore ee Dugsiga sare ee Imamu Shaafici, waxaana halkaasi ku geeriyooday illaa 2-qof oo ahaa dad hoyanayay iyadoo dad kor u dhaafaya 9-qof ay ku dhaawacmeen. Meydka labadaasi qof ayaa la dhigay Gudaha Masjidka sheekh cali Suufi iyadoo iminka ay habeen tahay ayaanan weli la awoodin in la aaso waxaase dadka xaafadaasi ay ku dadaalen oo ay xoogga saareen in ay dhaawacyadii u qaadaan Isbitaalada Magaalada Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee Shacabka rayidka ah ayaa mar waliba iska muuqaneysa in la bartilmaameedsanayo gantaalaha iyadoo shaqaalaha Tikreeguna ay ku sheegaan mar waliba inay saxsan yihiin Tikreega taasi oo ugu dambeyn la arki doona cid waliba oo sidaasi afkeeda ku tiri halka ay ku dambeyneyso.
  11. Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay laba arrimood u tageen.. Afhayeen u hadlay Dowladda Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in ay Soomaaliya u tageen labo arimood oo kala ah in ay dalka ka saaraan Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu sheegay inay Qatar ku ahaayeen Dowladda Itoobiya, sidoo kale waxa uu sheegay inay Soomaaliya u galeen ciidamadoodu inay ka hor tagaan kooxaha Mucaaradka ku ah Itoobiya oo ay Maxaakiimtu hubeynayeen sida uu sheegay. “Uma tagin Soomaaliya in an taageerno Dowladda Federaalka, ee danteenu waxay ahayd in aan kooxahaasi ka hor tango” ayuu yiri Afhayeenkaasi oo sheegay in todobaadyada soo socda Ciidamada Itoobiya sida ugu dhaqsiyaha badan uga bixi doonaan gudaha dalka Soomaaliya. Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa horey waxa uu u sheegay in ciidamada Itoobiya ee galay Soomaaliya ay halkaasi u tageen sidii ay uga hortagi lahaayeen qatar weyn oo ku soo food lahayd Itoobiya, isagoo sheegay in taasina ay ku guuleystay, isla markaana dhawaan ciidamadiisu sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo bixin doonaan dalka Soomaaliya. http://www.somalitalk.com/2007/feb/20feb017.html
  12. Madaafiic xooggan oo caawa la isku weydaarsaday Magaalada Muqdisho Isniin, February 19, 2007(HOL): Kooxihii Muqaawamada ahaa ee ka soo horjeeday ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa mar kale caawa is-weeraray madaafiic waa weyn oo laga maqlay inta badan xaafadaha Magaalada Muqdisho. Kooxaha ka soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa waxay madaafiic ku weerareen Isbitaalka Digfeer iyo Xaruntii Wasaaraddii Gaashaandhigga oo beryahan oo fariisin u ahayd Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, waxaana kadib la sheegay in ay labadaas goobood ay ka soo dhaceen madaafiic jawaab ah oo ku dhacay xaafadaha Kaasa-bolbolaare iyo Al-Baraka ee Degmada Hodan, walow warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in uu madfac kale oo habow ah uu ku dhacay Xaafadda Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley. Ilaa 4 ruux ayaa la sheegay in ku geeriyoodeen madaafiicda ku dhacday Xaafadaha Degmada Hodan ka tirsan, waxaana sidoo kale jira dad ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo Isbitaallada loola cararay. Labadii habeen ee ugu dambeysay magaalada Muqdisho wax weerarro ah kama jirin, dadkana si nabadgelyo ah ayay u hurdeen, hayeeshee caawa ayaa waxaa mar kale u bilowday madaafiicdii ay isku ridayeen kooxaha Muqaawamada Shacabka la baxay iyo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee kaalinaya. Wixii ku soo kordha Warkan kala soco Hiiraan Online Haddii Alle idmo. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Qaraxyo waaweyn oo ka dhacaya qaybo ka tirsan Muqdisho Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 19/02/07
  13. We Muslims have failed miserably to disentangle Islamic ideals from our own cultural norms. Only Allah[sWT] knows if Nurradin is dancing for Western audience to gain few worldly objects[few prices] at the expense of great deen or he is a jahil that does not know what he is talking about.
  14. Well, did your milkshake bring the Ugandan boys to the yard? The government is getting stronger, with the arrival of the Ugandans and others things will change. A new Mogadishu will lead to a new Somalia. The people of Mogadishu will evict the occupiers and their daba-dhilif collaporators soon IA.
  15. Freed Somali wealthy man urges Somalis to evict Ethiopian troops Aweys Osman Yusuf Mogadishu 17, Feb.07 ( Sh.M.Network) - Haji Abukar Omar Adan, whom Kenyan authorities have discharged from prison on 15 February, has released a press statement in Nairobi on Saturday. In his press release, Mr. Adan said that he is not related to any particular religious group, but that he is someone who was devoted to his religion and country. He called on the Ethiopian government to withdraw its troops from Somalia. Mr. Adan and his son were arrested by Kenyan authorities on the border between Kenya and Somalia. He pled guilty for being in Kenya illegally. He was not charged with terrorism. The wheelchair-bound Aden is believed to have been a major source of financing for Somalia’s routed Islamists. Urging the Somali transitional government, Adan said the government has to establish peaceful dialog among all Somalis. He said national dialog is the only way out of misery in Somalia where the government senior officials ruled out several times in the past having talks with the defunct Union of Islamic Courts. Kenyan government arrested a large number of people, it said, were linked to Somalia’s Islamists. Most of the defendants still remain in Kenyan custody while some were deported to Somalia. He said the international community and the United States should do whatever it takes to avert Somalia from slipping back into the anarchy of 1991, encouraging the Somali population to evict the Ethiopian troops from their territory. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net
  16. waxaa uu sheegay in uu u mahad celinayo dhamaan shacabka Soomaaliyed iyo intii Mas’uuliyiin ahayd ee ka qeyb qaatay sii deyntiisa,wuxuuna sheegay in mowqifkiisa ee nacaybka Itoobiya waxba iska bedelin. True Wadani. True Muslim. True proud Somali.
  17. Xaaji Abukar Cumar Caddan oo maanta war ka soo saaray Magaalada Nairobi Ganacsade Xaaji Abukar Cumar Caddaan oo maalin ka hor laga sii daayay Xabsi ku yaala Magaalada Nairobi oo uu muddo ku xirnaa Xabsi ayaa markii ugu horeysay waxaa uu maanta sheegay in dalka Soomaaliya xoog ku haystaan Ciidamada waddanka Itoobiya kadib war saxaafadeed uu ka soo saaray Magaalada Nairobi. Abuukar Cumar Caddaan waxaa weeye mid ka mid ah Ganacsatadii taageeri jirtay Maxkamadihii Islaamiga ee laga adkaaday, waxaa uu sheegay in uu u mahad celinayo dhamaan shacabka Soomaaliyed iyo intii Mas’uuliyiin ahayd ee ka qeyb qaatay sii deyntiisa,wuxuuna sheegay in mowqifkiisa ee nacaybka Itoobiya waxba iska bedelin. Wuxuu ugu baaqay Abukar Cumar Caddan in shacabka Soomaaliyed iska kor qaadan cadawga waddanka oo uu sheegay in Itoobiya ay ka mid tahay, cadawga Soomaaliyed, waana in la iska caabiyaa ayuu yiri Abukar Ciidamada Itoobiya. Abukar Cumar Caddan oo 10-kii sano ugu dambeysay Maamulayay Dekedda Ceel Macaan, waxaa uu dul saran yahay Gaari yar oo ay ku socdaan dadka Naafada ah, waana nin caan ah kuna caan baxay Samafalka iyo Ganacsiga. Sii deynta Abukar Cumar Caddan waxaa soo dhaweeyay taageeriyaashiisa iyo kuwii Maxkamadaha Islaamiga ee ku sugan Magaalada Muqdisho. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradiin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya Midnimo Information Center wararka@midnimo.com www.midnimo.com
  18. You should change the title of the thread to "Ethiopian occupation army and their Somali[daba-dhilif]collaborators got lucky by finding one more hiding place in our capital.
  19. Garowe: kulan sadex geedoos ah oo looga arinsanayo barnaamijka GNA oo ka socda puntland.... Muran ka taagan tirada dadka Puntland oo hay'ado ku sheegeen 1.1 million, Halka ay DGPL dadka reer Puntland ku sheegtay 2.5 million.... Haayadda deeqaha, dawladaha deeqaha bixiya iyo DGPL ayaa ka arinsanaya sidii barnaamijyo horumarineed oo cad cad looga hirgalinlahaa puntland sanadaha soosocda. Kulanka oo socon doona muddo laba maal mood ah ayaa waxaa looga wada xaajoondoonaa sidii la iskula meel dhigilahaa mashaariic horumarineed ay iskula lafa guri lahaayeen puntland, Haayaddaha iyo dawladaha deeqaha bixiya. Madaxwayne kuxigeenka puntland Xasan daahir afqurac ayaa ka dooday isagu war ay sheegtay GNA kaasi oo sheegaya in tirada dadka reer puntland ay tahay oo kaliya 1,100,000 balse sida uu dhabta ahna ay tahay buuyiri tirada shacabka reer puntland ay ay ka badanyihiin 2,500,000 ayna tahay tiradaasi mid khaldan oo aan loo dulqaadan karin, sidoo kale waxaa iyana laga dooday qaar ka mid ah gobalada puntland oo lagu daray somaliland sida gobalada Sool, Sanaag, iyo Cayn halkasi oo isna uu muran wayn ka yimid. Hay'addaha ayaa iyagu sheegay in aysan ahayn siyaasiyiin meeshan aysan u imaan arimo siyaasadeed ayna u taalo arimahani dadka somaliyeed sidii laga yeeli lahaa balse ay iyaku yihiin kuwo ka wakiil ah Haayaddaha ayna uga wakiil yihiin arrimaha mashaariicda balse wixii siyaasad ah ay u taalo siyaasiyiinta waa sida ay hadalka u dhigeene. Maamulka puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la yareeyo tirada dadka puntland isla markaana la xaqiro xuduuda dhulka puntland oo la raacsho deegaano kale oo soomaaliyeed taasi oo ay shegen in ay tahay arin aan suurta gal ahayn lana qaadan karin waasida ay hadalka u dhigeene. A/rizak koronto Garowe puntland http://www.somalitalk.com/2007/jan/25jan017.html
  20. According to UNDP, the population of the North-Eastern Somali regions is estimated to be 1.1 million. Compare to Mogadishu alone which is estimated to be 2.5 million to 3 million. "UNDP currently has a portfolio of around 4 million USD in Puntland which is supposed to increase over the next years. Puntland has around 1.1 million inhabitants. The Head of Sub Office will supervise around 5 project staff, the monitoring and evaluation national officer and operations manager but this is expected to increase subject to portfolio development." http://unjobs.org/vacancies/1170488128.56
  21. After Somalia, Who is next? Saturday 17 February 2007 02:23. Printer-Friendly version By Tekie Fessehatzion * Feb 16, 2007 — The US funded proxy Ethiopian invasion of Somalia has yielded meager results for the US but substantial misery for the people of Somalia. The only gainer from the misadventure has been Meles Zenawi’ Ethiopia. It has achieved its primary mission of scuttling any chance of a stable and cohesive Somalia; it has destroyed camps used by the Oromo and ****** Liberation Fronts. The US went in thinking that there were al-Queda camps to be destroyed and high value terrorists to be captured based on information the Ethiopians had provided. None were found. Thanks to the misadventure, the warlords, Somalia’s curse, are back. We know the invasion brought nothing but chaos and misery to the Somalis. And what did the US get out of the invasion it financed and blessed? It received nothing but blame for the ensuing chaos. In his February 6, 2007 testimony before the US Senate Africa Subcommittee on Foreign Relations, Professor Ken Menkhaus, described the mood in post-invasion Mogadishu as “weary, sullen, and angry. Anti-American sentiment is high. Rightly or wrongly, the US is held indirectly responsible for the collapse of public order in Mogadishu.” Although the American population at large is not aware because the major media has not said much about it, eleven American soldiers have been captured by UIC elements in southern Somalia immediately after the invasion. US diplomats worked around the clock to negotiate the soldiers’ release directly with one of the key leaders of the Union of Islamic Council (UIC), Sheik Sherif Sheik Ahmed, a man the Americans call moderate and with whom they said they can negotiate but still collaborated with Ethiopia to engineer his ouster from power. There is irony here. The US is in the curious position of seeking help to release detained American soldiers captured on Somali soiI, based on faulty intelligence the Ethiopians had provided. The US and Ethiopia do not have the same agenda for Somalia. The US wants to put together a unified government in Somalia; Meles wants anything but a unified government in Somalia. The US is working hard at reconciliation between the Transitional Government through “moderate” elements of the UIC, as represented by Sheik Sharif Sheik Ahmed. Meles is working behind the scenes to make sure the reconciliation does not take place. For Meles, Sheik Sharif is .unacceptable because the Sheik is a strong nationalist with a wide following in the country. Given a choice between anarchic and fragmented Somalia and one that is united, Meles chooses the former. The US wants to see a stable Somalia; Meles prefers an anarchic one. What he really wants is an ungovernable entity with diminished sovereignty, something he wanted to do to Eritrea in 2000 but could not. Now he wants the US to give him another chance to do to Eritrea what he has done to Somalia. Washington should not acquiesce to another adventure. Congress should stay firm in its request that a special envoy be appointed for Somalia since Dr. Frazer, hopelessly beholden to Meles, does not seem up to the job. The ill-conceived Somalia misadventure was based on false intelligence of the composition of the Union of Islamic Council and its relationship to al-Qaeda. Even at a time when John Negroponte, the head of the National Intelligence Agency doubted the existence of al-Queda figures in Smalia, the case for the Ethiopian invasion of Somalia was based on the assertion that Somalia was a haven for terrorists. Regardless of the pre-invasion intelligence no al-Qaeda leader or member has been caught, dead or alive. May be they were never there in the first place, something neither the Ethiopians nor the US wish to acknowledge. But we have seen this type of disconnect between intelligence and prudent actions before in Iraq. Like the folks who believed the WMD labs were moved to Syria when nothing could be found in Iraq, Dr. Frazer now believes the al-Qaeda types she could not find in Somalia are regrouping in Eritrea. Obviously she wants to punish Eritrea under Washington’s Doctrine of Pre-emption, the right of the US to respond by force to any perceived threat to US interest anywhere in the world before the perception becomes a reality. It does not matter if the basis of the perception was fabricated intelligence, as this surely is; as surely as the intelligence on WMD was. By no stretch of the imagination does Eritrea pose a threat to US interest. As for Eritrea harboring terrorists, it is unthinkable. Yet in a one-two punch Dr. Frazer and the Ethiopian Ministry of Foreign Affairs made statements that accused Eritrea of a planned terrorist activity (Ministry of Foreign Affairs) or abetting terrorists (Dr. Frazer). According to newswire account (AFP, February 1, 2007)), Dr. Frazer reportedly expressed concern because, elements of the defeated Islamists were "trying to reconstitute themselves either out of Saudi Arabia or Eritrea." Echoing one of Meles’ favorite characterization of Eritrea, she claimed that Eritrea was a "source of regional instability." While handling Saudi Arabia gingerly, Frazer vowed that eventually “Eritrea will see the limits of its actions to destabilise the Horn of Africa.” Parenthetically we have to note that while Dr. Frazer is flexing the mighty US muscle on small and resource poor Eritrea, Saudi Arabia, accused of the same charge is being handled with a lot of deference. Not exactly an act of courage. How did the American diplomat know Eritrea was a destabilizing force? Of course the Ministry of Foreign Affairs of Ethiopia told her. Juan William of NPR is right: Meles is Africa’s Ahmed Chalabi, the purveyor of self-serving intelligence to a gullible Washington establishment. Read in disbelief this gem of a statement that was issued by the Ministry the day after Frazer made her charges against Eritrea. This time the target of disinformation is the new UN Secretary General, to implant in his mind the canard that Eritrea is a terrorist state, and to convince the rest of the world that Eritrea is an outlaw. The Secretary General may be new to this sort of crude games, but it is unlikely the other participants of the 8th African Summit, the EU officials or those representing the Arab League were surprised by the mendacity of the charges. Perfecting the Chalabi art of disinformation, this is what the statement said, in part: “An attempt by the Eritrean regime, to mastermind terrorist attacks have successfully been foiled, the National Intelligence and Security Service and the Anti-terrorism Taskforce under the Federal Police Commission said. The terrorist attacks had been planned to be carried out during the 8th African Union Summit in which several African leaders, the UN Secretary General, senior officials of the European Union the Arab League as well as various countries from across the world were taking part, the statement said. “—Source: Ministry? Eritrea harboring terrorists? Highly unlikely. There might be lots of unflattering things that one can say about the Eritrean Government but it would be totally off-base to pin crude and ****** terrorist activity on its leaders. So what explains the campaign to demonize Eritrea? Could it be that we are witnessing the emergence of a pretext for invading Eritrea? There are personal and professional reasons that explain Dr. Frazer’s antipathy towards Eritrea. Firstly, it has to do with Eritrea’s refusal to budge from the “final and binding” ruling of the Ethippian Eritrean Border Commission to comply with Ethiopia’s demand that the ruling be revised to suit Ethiopia. The American diplomat adopted Ethiopia’s position, an unusual step for someone who came in as an honest broker. In particular, Dr.Frazer reinterpreted a crucial clause in the Agreement “no authority to decide on ex aequo et bono” to say that delimitation should be on what’s good and fair to the current squatters at Badme. Either she had not read the Agreement or she was willfully irresponsible in her interpretation. At the last African Studies Association Meeting she suggested that the a referendum should take place in Badme to ask the residents whether Badme should be given to Ethiopia or Eritrea, an incredible suggestion given the original residents have been ethnically cleansed out of Badme and as the Commission’s findings of August 2002 indicated have been replaced by Ethiopians while the Eritrean inhabitants are currently rotting at a refugee camp. She did not suggest whether the original residents of Badme should be given the same opportunity to express their wishes through the referendum. Dr. Frazer interpreted Eritrea’s refusal to budge from the border ruling as a personal affront. Once she had determined that Ethiopia was a principal ally of the US in the “war on terror, Dr. Frazer felt that Eritrea had to comply with Ethiopia’s wishes as a reward for Addis Ababa for agreeing to do America’s bidding in Somalia.. She pressured the Border Commission to hire as a consultant an American General with no discernable experience with border issues or cartography of any kind. She compromised her neutrality when she started advocating Ethiopia’s positions. Worse, in Eritrea’s eyes was her attempt to emasculate the heart of the border ruling by suggesting that the delimitation decision should be revised to conform to Ethiopia’s request. Her open advocacy of Ethiopia’s unlawful position on the ruling, made it impossible for the Border Commission to complete its task. Subsequently, Eritrea lost faith in Dr. Frazer’s professionalism and even handedness. And when the American diplomat started making wild allegation about Eritrea harboring terrorists, it appears that she was looking for a pretext to nudge Meles to invade, to make Eritrea the first victim of the Washington Doctrine on Preemption. The campaign against Eritrea can only mean that the proxy invaders of Somalia have cast their eyes towards Eritrea. Meles, of course, needs very little nudging. An invasion of Eritrea would do wonders for his sagging domestic support. As he did with Somalia with the creation of the Transitional government of Somalia, Meles has created a rump group of Eritreans with hardly any support from the Eritrean public to buy into his designs on Eritrea. The three-member “coalition of the willing” has been formed. The rationale for invasion, as dubious as it is, has been made. The question is, When would they pull the trigger ? We don’t know for certain if and when an invasion is coming. Washington, at least to the extent Dr. Frazer speaks for her government, is threatening to teach Eritrea a lesson. As for Meles he needs very little incentive. He has been etching for the right moment to invade. What about the collaborating Eritreans, the ones advocating a “strategic relationship “with Ethiopia? Do they know what they are getting into? One has to question the state of mind of those who confuse the occupation of Eritrea with the liberation of its people. Those who think a campaign from the south even when blessed from Washington would bring the “peace, prosperity and democracy,” don’t know what is coming. Once they bargain away Eritrea’s sovereignty, nothing good would follow: no peace, no prosperity. Democracy? Don’t even think about it. There is no such thing as democracy without sovereignty. To have a fighting chance to build democracy first you have to have a State of your own. But may be that does not matter. They are there for themselves. If their mentors succeed, a big if by itself, the hitch-hikers may get a chance to don the trappings of power, but it will be a hollow one, as it will always be controlled from outside, and sadly, to the long lasting detriment of Eritrea and its people. * The author is a professor of Economics based in the USA.
  22. Yoweri Museveni: Waxaan Soomaaliya ka bilaabeynaa jihaad madow Posted to the Web Feb 16, 21:24 Aayaha.com, Sabti, 17 Feb. 2007 - Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo ka hadlay ciidamo u dhashay dalkiisa oo kusoo fool leh Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadiisu diyaar u yihiin in ay abuuraan nabad iyagoo ogsoon in aaney haatan wax nabad ah ka jirin Soomaaliya. Madaxweyne Museveni ayaa tilmaamay in ciidamadiisu qeyb ka noqon doonaan ciidamo Afrikaan ah oo la geynayo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ciidamada Afrikaanku aaney wax shaqo ah ku laheyn hay'adda Qaramada Midoobay. Madaxweyne Musaveni oo wareysi siiyay hay'adda wararka IRIN ee ay leedahay qaramada midoobay ayaa ku hanjabay in ciidamadiisu jihaad la geli doonaan ciddii iyaga dagaal jihaad ah kusoo qaada. " If you bring Jihad, we’ll bring back Black Jihad to you" "haddii aad jihaad keentaan, annaguna waxaan dib u keeneynaa jihaad madow" ayuu yiri madaxweyne Musaveni oo farriin u dirayey Shacabka Soomaaliyeed. Hadalka Musaveni ee ah in ciidamada reer Uganda jihaad madow ka bilaabi doonaan Soomaaliya ayaa u muuqda mid jees jees ah, balse loo joogo in uu ka dhabeeyo keenitaanka jihaadka madow. Hadalka Musaveni ayaa yimid iyadoo maanta oo Sabti ah la filayo in 1500 ciidan Ugandese ah la keeno caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Inta badan Shacabka Soomaaliyeed ee xalaasha ah ayaa diidan fara gelinta ciidamada ajnabiga ah, ha ahaadeen Itoobiyaan ama Ugandese.
  23. WAR DEG DEG AH : Weerar Caawa lagu qaaday Xarun Cusub (Digfeer) oo Tikreega ay fariisin ka dhigteen dhowaan. Muqdisho,16,February-07 ( Qaadisiya.com) Qaraxyo iyo madaafiic ayaa caawa lagu weeraray Isbitalka Digfeer ee magaalada Muqdisho oo dhowaan ay fariisin ka sameysteen Xabashida Dalka kuso duushay. Mujaahidiinta Muqaawamada ayaa ku riday Isbitalka Digfeer Dhowr Madaafiic iyagoo madaafiicdii la riday badankooda ay kudhaceen Gudaha Isbitalka oo ay ka buuxaan Tikreega Wadanka kusoo duulay. Qaraxyadani kadib ayaa waxaa iyana dhacday rasaas xoogan oo ay isweydaarsadeen Mujaahidiinta ka muqaawameyneyso Gudaha dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Tikreega ee Dalka Soomaaliya kusoo duulay. Majirto illaa iyo iminka wax khasaare ah oo la xaqiijiyay maadaama uu habeen yahay, waxaana caadi ahaan loo xidhay wadooyinkii isbitalka difgeer aadi jiray iyo kuwii ka bixi jiray. Arintani ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli ciidamo Tikree ah oo Dalka Soomaaliya kusoo duulay oo wata Taangiyo iyo gawaarida dagaalka ay maanta soo dageen Xarunta wasaaradii hore ee Gaashaan dhigga Soomaaliya.
  24. Mareykanka ayaa ammaan markii ugu horreysay u soo jeediyey dowladda Itoobiya, wuxuuna ku bogaadiyey dagaalkii ay ku qaaday xooggagii maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliyeed, isla markaana ay ka saartay dalka sida uu sheegay taliyaha ciidamada argagixiso la dirirka Mareykanku hogaamiyo ee fadhigoodu yahay dalka Jabuuti Admiral Richard W. Hunt. Ciidamadaas oo loo yaqaan xoogaga Isbaheysiga geeska Afrika (Coint Task Force-Horn Africa) waxey ka kooban yihiin dalal dhowr ah oo Mareykanku hogaaminayo, wuxuuna taliyuhu hadalkan jeediyey markii uu kulan la yeeshay ra’isul wasaaraha Itoobiya Melle Zenawi, isagoo u sheegay suxufiyiinta in dedaalka Itoobiya & Mareykanka oo la isku biiriyey si xasilooni & nabad looga helo geeska Afrika, isla markaana uu mira-dhal noqdayba, waa sida uu hadalka u dhigay Jenaraalkuye. Wuxuu sheegay Itoobiya in ay si dhow ula shaqeyneyso ciidamadooda, wuxuuna dowladda Itoobiya ku ammaanay qeybta weyn ee ay ka qaadatay howlgalo badan oo looga hor-tegayey argagixisada, kana dhacay gobolka. Labada dal ee Mareykanka & Itoobiya ayuu sheegay taliyaha in ay leeyihiin xiriir aad u wacan, wuxuuna intaasi sii raaciyey in xiriirkaasi la sii xoojin doono mustaqbalka, isagoo si gaar ah Admiral Hunti ku bogaadiyey Itoobiya dagaalkii ay ku qaaday xooggagii argagixisada Soomaaliya, sida uu yiri, wuxuuna sii raaciyey in uu u sheegay wadahadalkii uu la yeeshay ra’isul wasaaraha Itoobiya ay howlgalkoodii Soomaaliya soo dhammeysteen, ayna si degdeg ah uga bixi doonaan dalkaasi. Taliyaha ayaa xilkiisu u dhammaaday, waxaana la socday taliyaha cusub ee ciidamada argagixisa la dirirka waxa loogu yeero Admiral James M. Hart oo ay halkaasi isku barteen ra’isul wasaaraha Itoobiya. Ra’isul wasaaraha Itoobiya ayaa isna halkaasi ka sheegay in cidiamada argagixisa la dirirka ee geeska Afrika ay door muhiim ah ka qaadanayaan sidii looga hortegi lahaa argagixisada dooneysa in ay geeska Afrika soo gasho mustaqbalka. Xigasho: Wargeyska Codka Xorriyada
  25. Abuukar Cumar Cadaan oo la sii daayay February 16, 2007 Markacadeey Abuukar Cumar Cadaan oo ka mid ahaa ganacstadii horey u gacan siin jirtay golaha maxaakiimta Soomaaliyeed, kuna xirnaa dalka Kenya ayaa la sii daayey. Ganacsade C/Qaadir Eenoow oo ka mid ah mas'uuliyiinta shirkada Banadir oo Abuukar Cumar Cadaan oo ka tirsanaan jiray ayaa xaqiijiyay sii deynta Abuukar Cumar Cadaan. Wararka ayaa sheegaya in sii deynta Abuukar Cumar Cadaan ay timid kadib markii dowlada Kenya baaris ku heysay Abuukar ay ku weysay wax dembi ah. Abuukar ayay dowlada Kenya ku eedeysay in si sharci darro ah uu ku soo galay dalka Kenya, xilli mas'uuliyiin ka tirsan golaha maxaakiimta oo ka soo cararay dagaaladii ka soconayay koonfurta SOomaaliya ay galeen dalka Kenya. Siyaasiga Faarax Macalin oo gudoomiye u ah urur mucaarad ah oo ka jira dalka Kenya ayaa sheegay in xaaji Abuukar iyo wiil uu dhalay oo la xirnaa la sii daayay, isla markaana haatan si xur ah ay ugu sugan yihiin magaalada Nairobi. Waxa uu sheegay in xaajiga lagu eedeeyay waxyaabo aan jirin sida in Xaajiga uu si sharci darro ah ku soo galay dalka Kenya, iyadoo uu xusay in uu ahaa nin ka soo cararay dagaalo oo doonayay in uu magangalyo ka helo dalka Kenya. Si kastaba mas'uuliyiin ka tirsan golaha maxaakiimta iyo kuwa kale oo lagu eedeeyay in ay ka bar bar dagaalamayeen Maxaakiimta ayaa lagu hayaa dalka Kenya, iyada oo kuwa kalena loo direy dowlada ay u dhasheen