QabiilDiid

Nomads
  • Content Count

    844
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by QabiilDiid


  1. calan.jpg

    ayuuu2.jpg

    From: Free Awdal Forum( ref: 003/2004/10/17)

     

    To : His Excellency Colonel Cabillahi Yusuf Ahmed, madaxweynaha Jamhuuriyada Federaaliga ah ee soomaliyeed

     

    =================

     

    Mudane madaxweyne,

     

    Anagoo ku hadlayna magaca shicibweynaha Gobolka Awdal iyo kan ururka Free Awdal Forum waxaa farxad noo ah inaan kuugu hambalyayno xilka Qaranka ugu mudan ee Baarlamanku dalku kuu doortay. Masuuliyada lagu saaray oo tan uugu saraysa ee dalka hooyo waxaan Ilaahay ka baryaynaa inuu kuu fududeeyo kuna garansiiyo sidaad uuga soo bixilahayd anagoo ogsoon wakhtiga xasaasiga ah ee dalku ku suganyahay.

     

    Waxaan ogsoonahay in dalkii iyo dadkii soomaaliyeed soo gaadhay taariikh madow oon hore u soo marin. Dhibta lagu jiro iyo balaayada ku habsatay mudada afar iyo tobanka sano ah waa wax ku cusub sooyaalka siyaasadeed ee qaranka soomaaliyeed.

     

    Mudane madaxweyne,

     

    Sida taariikhdu dhigayso dhib kastaa waxay leedahay casharo u gaara ah oo ku dhiiriya ummada dhibtu gaadhay inay wax ku qaataan. Waayo aragnimada dhibtaa laga dhaxlay waxay keentaa mustaqbal caafimaad qaba haddii wax lagu qaato dhibaatooyinkii ina soo gaadhay. Sidii hore lagaaga soo wariyay ummada soomaaliyeed waxay ku noqotay halkii ay joogtay gumaystayaashii ka hor oo waliba ay u dheertahay dhib la kala tirsanayo oo halis ku haysa midnimada qaranka. Hawlahaas sidii lagaga bixi lahaa waxay ka mid tahay barnaamijka ummada soomaaliyeed ka sugayso dawladaad soo dhiso doonto. Sidaas awadeed daraasad badan iyo fiirsasho gun dheer iyay kaaga baahan doontaa dhisida dawlad soomaaliyeed oo ididiilo galisa shacabka.

     

    Mudane Madaxweyne,

     

    Waxaan ka dharagsanahay shaqsi kaste oo manta la doortaa iyo xirfad kaste oo u leeyahay inay ku xidhantahay kalsoonida ay siiyaan ummada soomaaliyeed gaar ahaan inta horjooga ka ah siyaasada dalka kuwaas oo badankoodu dhaar maray inay kula shaqayn donaan. Ilaahay waxaan ka rajaynaynaa inay dhaartooda adkeeyaan oo ay noqdaan dad qowl leh.

     

    Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay ficil xaraan ah oo dulucdiisu tahay qaranka soomaaliyeed oo la kala gooyo. Arintaa iyada ah marnaba reer Awdal uma dul qaadan karaan oo waxaan aaminsanahay sida xildhibaanada gobolka ee Baaarlamanka ka tirsan in midnimada soomaaliyeed tahay mid muqadis ah.

     

    Waad ogsoontahay in aqoonyahanada Awdal iyo wax garadkooguba lafdhabar u yihiin midnimada soomaaliyeed iyo adkeynta qaranka soomaaliyeed. Waad ogsoontahay in saxiibkaa Jeneraal Yusuf Talan Cali ( Ilaahay Naxariisii jano ha siiyee) uu u geriyooday soo noolaynta qaranka soomaaliyeed iyo midnimadiisa. Sidaas oo kale iyay intii wax garad ahayd uugu heelantahay soo dhiska dawlad soomaaliyeed oo soo celisa sharaftii qaranka iyo karaamadii dalka.

     

    Mudane Madaxweyne,

     

    Waxaan ognahay in shirkii dib u heshiisiinta soomaaliyeed la soo af jaray oo dadbadani tanaasulaad sameeyeen si mar uun loo helo dawlad soomaalyeed. Dadkaa waxaa ka mid ah reer awdal oo marnaba u qalmin tirade Baarlamaanka laga siiyay laakiin iyagoo ogsoon in marxalad adag la marayo iyay ka doorbideen inay wax kastaba ka hor mariyaan suurtagalinta dib u dhiska qaranka iyo dawladiisa. Waxaan ku rajo weynahay inaad dawladaadu noqoto mid laga dhex arko miisaanka siyaasadeed ee dalka. Waayo waxaan ku jirnaa haddaan nahay reer Awdal labo halgan oo kala ah kan loogu jiro soo noolayta dawlad soomaaliyeed iyo kan lala hirdiyaayo goonigoosadata xaqiiqada ka fog.

     

    Waxaan kuugu balan qaadaynaa taageero siyaasadeed oo lagama maarmaan u ah dib-u-dhalashada Somalia iyo geedi socodka xilka adag ee laguu doortay. Waxaan ku rajo weynahay inaad sida uugu guxuxda badan u gudato waajibkaaga adigoo dhawraya xaqa, cadaalada iyo mawaadinka soomaaliyeed meel kastuu joogo. Ma fududa hawlaha ku horyaalaa, waxaanad kaga bixi kartaa daacadnimo iyo Ilaahay ood cuskato.

     

    Gabogabbadii, Ramadaan wanaagsan , Ilaahayna fadliga bisha barakaysan ha kuugu gargaaro adiga iyo inta xilka kula haysa oo ah mudaneyaasha barlamanka iyo Gudoonkiisa oon ugu mahadnaqayno sida quruxda badan ee ay u soo agaasimeen dorashadii madaxweynenimada.

     

    Guul iyo Midnimo

     

    2004-10-17

     

    Afhayeenka ururka FREE AWDAL FORUM

     

    Dr Idriis Haji Nuur

    fradal1@hotmail.com.

     

    QORAALKII HORE EE FREE AWDAL...

     

    Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2004

    smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif


  2. I need a prime ministerial picture of xildhimaan Qanyare Afrax to hang above my monitor. Unquestionably he is one of my contemporary heroes. I am prepared to pay the cost even if it is 100 geel iyo 10 fardo.

    --------------------------------

    Maxed Qanyare Xittaa reer Qanyare ka yeeli maayo in aan ka horimaado qaranka cusub, waana ku qanacsanahay qaabkii doorashadu u dhacday

     

    Guddoomiyaha ururka USC, kana mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay qaabkii ay ku soo geba-gebowday doorashada madaxweynaha Soomaaliya, isagoo xusay in meeshii ALLE u qadaray uu ka gaaray doorashada, wuxuuna xusay in xildhibaanadu codadkooda ciddii doonaan ay siinayaan, isla markaana ay isagu uga weyn tahay wax kasta qaranka dhashay.

    Xittaa reer Qanyare ka yeeli maayo in aan ka horimaado qaranka Soomaaliyeed ee curtay, waana ku qanacsanahay qaabkii ay doorashadu u dhacday ayuu yiri Qanyare oo intaasi ku daray in musharax kasta lagaga baahan yahay in uu ku qanco qabka dimuqoraadiga ah ee doorashadu u dhacday, isla markaana uu la shaqeeyo madaxweynaha cusub ee la doortay.

    Anigu waxaan aaminsanahay waxa la yiraa dimuqoraadiyada, ciddii taa diidana ku fakir ma ihi ayuu yiri Qanyare oo sheegay in siyaasiyiinta ****** uusan ku raacsaneyn in laga horyimaado dowladda, isaga oo ku baaqay in lagu soo dhoweeyo Muqdisho.

    Maxed Qanyare Afrax oo ahaa musharixii kaalinta 3-aad ka galay doorashada ayaa sheegay in haddii loo magacaabo xilka raisul wasaarenimada uu si wanaagsan u gudanayo xilkiisa, haddii aanan loo magacaabina uu la shaqeynayo ciddii la doorto.

     

    Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

    cabdishakuur@dayniile.com

    smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif


  3. Dawladda Ingiriiska oo soo dhawaysay Natiijadii ka soo baxday Doorashadii Madaxwaynanimadda Somalia.

     

     

     

    Oct.16 .2004 Radio Free Somali (RFS)

     

    Dawladda Ingiriiska ayaa taageertay Natiijaddii ka soo baxday Doorashaddii Madaxwaynanimadda Somalia iyo Caleemo Saarkii Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed.

     

     

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain Qaybteeda Afrika, Ken Degly ayaa sheegay in Dawladiisu ay soo dhawaynayso Caleemo Saarka Madaxwaynaha Cusub ee Somalia. Wuxuuna sheegay Afhayeenku in Dalkuusu uu ka mid ahaa Wadamadii mudada dheer taageerayay Geedi Socodka Nabadda Somalia. sidaas darteedna ay ku faraxsan yihiin in Natiijo wax ku ool ah ay ka soo baxdo shirkii ay mudada dheer wax ka soo wadeen.

     

     

    Mr Degly waxa uu sheegay in inkastoo uu Dalkiisu ku qanacsan yahay sida Dimuquraadiyadda ah ee loo doortay Col C/laahi Yuusuf Axmed ay haddana ka fiirsan doonaan Taageero Diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo ay siiyaan Dawladda Cusub ee Somalia. Wuxuuna ku dooday in Taageeradoodu ay ku xirnaan doonto sida ay Dawladda Cusub wax uga qabato arrimaha gudaha ee Somalia.

     

     

    Cabdi Casiis M. Guuleed “Afrikaâ€

     

    abdiguuleed@yahoo.com

     

    Mogadishu, Somalia. smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif


  4. Press Statement

    Richard Boucher, Spokesman

    Washington , DC

    October 12, 2004

     

    Election of Somali Transitional Federal President

     

    The United States notes the election of Abdullahi Yusuf Ahmed as Transitional Federal President of Somalia on October 10 in Nairobi , Kenya . We appreciate the work of the Transitional Federal Assembly in organizing this peaceful parliamentary election. This development is an important step to further the reconciliation process begun by the Intergovernmental Authority on Development two years ago.

     

    The reconciliation process is central to the reestablishment of stability and effective governance in Somalia . We urge the President and the Assembly to focus on the immediate task at hand – the establishment of an effective government operating in Mogadishu . The upcoming selection of a Prime Minister and other government officials by the Assembly and its newly elected President are critical elements of this task.

     

    We urge all Somalis involved in the creation of these institutions to focus on the needs of the Somali people while respecting the peace, governance and security that exists in areas not currently participating in the Somalia National Reconciliation Conference.

     

    2004/1101

     

    [End]

     

    Released on October 12, 2004

     

    Not on the front page!!! smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif


  5. 2002059326.jpg

     

    The criminal nationalist was my choice in the first place; don’t you remember that in LSKT polling thread? I hope he’ll keep Somalia intact. We need a strongman to clean the streets off the organized gangs as well as ex psycho prisoners and the few selfish and immoral individuals who are using tribalism manipulating the Somali society. It is a good beginning! KA NAXOW NAFTA WAA.

     

    By way see the face of the Somali Federal President in the front page of The Seattle Times.

     

    http://seattletimes.nwsource.com/html/nationworld/2002059503_somalia11.html

     

    smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif


  6. Free Awdal Forum

    REF : Borame No 2

    calanka_somaliya.jpg

     

    Somaliland : The poor idea

     

     

    Ka did burburkii dawladii soomaliyeed iyo qarannimada dhaawacantay, ummadda soomaaliyeed waxay qiraysaa manta in lagama maarmaan ay tahay muqadis ah soo noolayta dawladnimadii haybada lahayd ee micno u yeelaysay jirinta dadka soomaliyeed. Nimba timo xamar balse waxaa marag-madoon ah in afariyo toban sano oo taariikh madow ahayd inay soo gabagaboobayso. Dhibkastaa cashar culus iyay xambarsantahay tan soomaalida ku habsatayna waxaa laga dhaxlayaa waayo aragnimo iyo bisayl siyaasadeed oo kanaysa in ummada soomaaliyeed badankeedu si xaqiiqiya u fahanto karaamada ay leedahay dawladnimadu oo jiritaankeedu yahay mid muqadis ah waayo jiritaanka ummada iyaa ku xidhan.

     

    Markii la kala yaacay nimba edge yar yuu ootay waxaana lagu noqay nidaamkii lagu dhaqmijiray dawladnimada ka hor. Dhibta dheeraatayna waxaa keenay soomaalida oo si fudud ku burburisay waxayna u lahayn waayo aragnimo dhismahega, taasoo ah Dawlad shayga loo yaqaan.

     

    Waqooyiga soomaliyeed wuxuu ka mid yahay edegyada la ootay ee ku salaysan qabiil. Balse wuxuu ka mid yahay gobolada uugu nabdoon ee dalka waana mid ay ku amaananyihiin waxgaradka iyo madax-dhaqameedyadoodu. Hase ahaatee halkii loo baahnaa taariikhda iskamay taagin waana nasiib daro ugu weyn.

     

    Godka ay seegeen reer waqooyi waa mid ah khalad weyn oo siyaasadeed canaantana waxaa iska leh intii siyaasiin is bidaysay. Reer waqooyi waxay haysteen fursad ay ku hogaamin kari lahaayeen soomali iyo dalka idaylkii. Waxay lumiyeen in Hargaysa noqoto udub-dhexaadka laga hago siyaasada iyo danaha soomaaliyeed.

     

    Waxaa loo baahnaa in la qadariyo mustaqbaklka fog iyo aayaha dambe halka laga maamuusay siyaasad meel gaadheyn oo ku salaysan laab-lakac iyo xamaasad sal u noqon karin mabda’ siyaasadeed oo ummad hogaan u noqda. Arimada laysku qanciyo ee arintaa la xidhiidhaana ma leh nuxur micno samaynaysa laakiin afhayeenadoodu way isla toosan yihiin ilaa hadda ( they lay down the law).

     

    Arinta la yaabka leh waxay ka taagan tahay Awdal oo uu ka soo jeedo Daahir rayaale oo madax ka ah Soomaaliland. Gobolkaa isaga ah lama wadaago waqooyi/galbeed iyo Togdheer arimo badan oo ay ugu horeeyaan dareenka laga bixiyo marka laga hadlayo gooni-isutaaga ay aas-aaseyaal u yihiin koox yar oo ka tirsan urur-qabiileedkii SNM oo isku tilmaama inuu yahay urur xoreeyay (!!) Waqooyiga.

     

    Ummada reer Awdal way ka dharagsan tahay ula jeedooyinka ka dambeeya siyaasada raqiiska ah ee u ololeysa kala goynta dalka Soomalia. Taana waxaa markhaati u ah dhowrka qodob een gadaal ka sheegi doono.

     

    Marka hore aan ku horeeyee dawlad amba State waxay jiri kartaa marka la helo 4 shuruuudood oo la taaban karo (objective conditions):

     

    1) Dhul gaar ah ( territory)

     

    2) shacab

     

    3) Awood habaysan ( organised authority))

     

    4) Aqoonsi ka yimaada dawladaha dibada ( international recognition))

     

    Afartaa shuruudood laftoodu kuma filna dhalashada amba hirgalinta firkirka dawladeed. dawladnimadu waa fikir amba idea). Sobobtoo ah waxaa lagama maarmaan ah in shicibka ku nool dhulkaasi ay wadaagaan wacyiga u dirma amba ka dab-qaata baahida inay ismaamulaan, maamulkaas oo laga hirgasho dhulka ay ku wada noolyihiin; waa inuu shicibkaasi waadaagaa dhacdooyin taariikheed hore amba/iyo mustaqbal mid ah; Waa inuu shicibkaasi leeyahay qiimayn isku aragtiya oo ay ka dhex daalacan karaan fikirka dawladnimo. Burhaanta keentay baahida is maamul inay ka midaysnaadaan iyaa fure ah.

     

    Afarta shuruudood iyo qodobada muftaaxa u ah marka laysla helo iyay dhalataa dawlad qaran magaciisa ku hawl gashaa. Taasaa markaa hirgalinkarta fakir xeerka waafaqsan. Culumada xeerka dastuuriga qoray waxay isla heleen in dawladu tahay fakir amba aragti xeeraad (an idea of law).

     

    Su’aashu waxay tahay Boorama , Baki, Lughaya, Saylac iyo Gabilay badankeedu ma la dareen bay ahaayeen Hargaysa, Berbera iyo Burco? Haddaan lays indho tiray amba doqoniimo qarsoonayn jawaabtu waa maya. Sidaa darted af-gubaadsiga ku salaysan jiritaan amba doonitaan wax la yidhaa soomaaliland ma waafaqsana sharciga caalamiga ah iyo damiirka guud ee ummada soomaaliyeed.

     

    Sookii Xasan Sheekh Muumin Burco ka lahaa : Waxaan daacad ahaynba dabaduu ka xumaan!!

     

    Mar hadday sidda xaqiiqadu tahay Soomaliland maxay tahay?

     

    Soomaliland wa magac ka hadhay gumaystihii ingiriis oo micnihiisuna yahay dhulkii soomaaliyeed. Dhul ahaan marka la eego magaca soomaaliland kuma koobna waqooyiga oo kaliya ee waa intii soomaali dagtoo idaylkeed. Ceebi kuma jirto. Lakiin soo celinta magac ka soo baxay afka gumayste in xarago laga dayaa waxay ceeb ku tahay soomali oo idil gaar ahaan intiin mujaahidiinta ahayd ee xaq u dirirka ahayd ee u dhimatay gobonimada soomaaliyeed. Waa nasiib daro in aqoonyahano waqooyi u dhashay arintaas oo kale ay ogolaadaan. Dad la maamuuso waxaa ugu sharaf badan intii gumaystihii cadaanka ahaa la soo jihaaday iyagaana loogu yeedhi karaa Mujaahidiin.

     

    ( Cabdirahmaan aw Cali iyo saaxiibadii (SNM) oo 257 muwaadin ku dilay Boorama iyo Dilla 1991 February 2nd mujaahid miyaa?)

     

    Maamulka Soomaaliland waa ficil raqiisa oo gaar ahaan cay’ ku ah AWDAL. Inta gobolkaa u dhalatay ee ku barartay magac u yaalka Rayaale iyo jagada maqaar saarka ah ee loo dhiibtay waxay gudayaan gurcud. May garan waxa lakala macaashaayo iyo waxaa loo dig iyo dam leeyahay. Iloowsha dhawaa ma sidii umushaa.

     

    Rayaale laftiisu waa shaqsi aragtidiisu dheerayn oo marka horeba isku kalsoonayn waayo jagadii u dawladii Siyaad Barre ka hayay iyuu cuqdad ka qaaday. Inuu ku faanay ahayd jagadii uu ka hayay dawladii soomaaliyeed iyo xilkii ummada uu u hayay. Ma haboonay inuu manta sobobtaa darted uugu habrado Qabiil la damacsan nacasnimo. Taariikhda inuu la saftay ahayd. Balse wuxuu darajo moodayaa waa adeegsiga burburka qabiilka uu ka soo jeedo. Maanta hadduu darajo moodaayo inuu hayo waxaa ka sharaf badnayd jagadii iyo darajadii uu ka hayay maamulkii soomaaliyeed.

     

    Hadal iyo dhamaantii Daahir Rayaale ma bakhtiin karo ololaha reer Awdal ee ku salaysan badbaadada sharaftooda iyo la safashada taariikhda iyo mustaqbalka? Waa maya waayo awoodeeda ma leh. Taariikhda madow ee Daahir Rayaale gacantiisa ku dhigaayo noqon mayso mid loo aaneeyo reer Awdal oo marnaba qabin dareenka ***** ku dhaliyay fikirka raqiiska ah ee u adeegaya gumaystaha iyo cadowga mustaqbalka soomaaliyeed.

     

    Dr. Dahir Haji Nuur

    Fradal1@hotmail.com

     

    smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif


  7. Oda_Nobunaga:

     

    Your sentiments and beliefs would have merit and would be respected if this world isnt as it is today.

    Our destiny is in our hands. If you mean Somalia is the world, and with good intentions if the interests of the Somali children are in our heart, we can change it to a better place for every one.

    Somalis are clanists and with the breakdown of the fragile somali state, clan politics is the defining political culture.

    The pseudo politicians and the criminal warlords are creating this self-defeating culture of clan politics for their own interest. But the ordinary Somali people if given a good and unified leadership would prefer to live under one republic as they did before 1969.

    You on the other hand are an idealistic , nationalist living in an imaginary fairytale land with cute and cuddly bunnys and everybody with love,hugs and kisses.

    It is better to be that than being a dreamer destroyer of some indestructible values that bin together the Somali people.

    Listen the rest of the Somali people consider us a small weak minority that seeks unwarrented status.

    They ignore that fact that we had a third of parlaimentry seats in 1960, compare that to the 44 seats of the Phantom northern clan today.

    They also conveniently forget the sacrifice of our sovrienty on the altar of Greater Somalia.

    No, they are saying to us if you go to that way, we will be nothing and they will be nothing and we together will stay in this quagmire for years to come until Somalia North and South goes out of the world political radar completely.

    You said that we Somalilanders should seek more power and influence in the south, but that we lack self confidence and ambition.

    We are just taking the sane and moral option, independence.

    Who is going to stop us? The right person must get the right position. Instead of putting ourselves in a foxhole and staying defensive, we should have been saying to them if you want us to recreate the Somali failed state the most qualified person should be hired for the government positions.

    What independence? Were we under colonial occupiers before? I think to say we are not part of Somalia is insane and immoral.

    Lets say that we reject independence but seek to gain our place in Somalia, this would entail behavoir similiar to the monstrous warlords that have destroyed somalia.

    No, we are not simply giving ourselves up. We have to take part in writing up a federal constitution for Somalia in which a clear demarcation line separates the powers of the federal government from these of the provinces (regions). No monstrous warlord will be in a position to have dictatorial powers on our self governance.

    Staying in somalia means competing , politicaly, diplomaticaly and millitaraly with the rest of the political actors.

    What is wrong with that? If you are building a house you need the best engineer to build it after the best architect draws up the best plans.

    Since the SNM inherited most of the heavy weapons of the SNA that were abondoned in the north, and the discipline and organisation realtive to other militia, we would hold the biggest stick.

    If we use that power to unify Somalia by capturing all southern regions and bring them under our authority, I am with you and I will fight in the frontline. But what you think is easy way out i.e. secession is to me a BIG NO.

    This ofcourse means death and destruction on a larger scale.

    There will be death and destruction if we do not change our behavior.

    Fortunatley our elders and leaders took the wise and moral choice of isolation from the mud.

    But they missed to see the big picture and most of them retracted their commitment to secession.

    These are the choices

    1.) Prosperous independant state, with a demobilised army and peacefull.

    We will not be prosperous without the rest of Somali with us. Where there is poverty there is no peace.

    2.) Another Large player gate crashing into this

    scramble for power in somalia, bringing along

    millitary muscle and leading to more war and

    destruction.

    The medicine is a Federal Somali government.

    3.)be peacefull and be subjugated once again.

    Why don’t we subjugate them?

    ironicaly option 2 would gain us more respect than bieng peacefull and rebiulding our society.

    All Somalis are our society. Man, you have to become a federalist!!

    smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif


  8. I never thought i would come across a grown man with those feelings and thoughts.

    especially someone professing to be a native of Somaliland.

    Most likely you did not, I agree. I was like that. I was not open-minded and because of emotions emanating from my close relatives and friends I used to block any arguments or rationalizations for anti secession. It was hard for me to complete reading and fully comprehending the merits of any literature for pro unity. In my mind the commonalities of Somali people were superseded by an emotional jealousy of “if Djibouti is an international recognized state, why not us?†pride. But deep in my mind I knew that the SNM maniacs who are the main pushers of this non starter secession hoopla had made and are making historical blunder. I set my self to read any Somali history book that I can get. I started reading the ABC of the World economics, human psychology, political science, international law and any material that can ease my dilemma. But, Alxamdu Lilaah, my savoir is the Holy Koran and the traditions of Prophet Mohamed (CSWS).

     

    The problem was me. I was running from who I am. I have to stop blaming Afweyne (Alla Abaalkii ha mariyo e), and how the people from the South of Somalia treated us when the two colonial administrations were combined. What is stopping me to become the elite, the leadership and the main decision maker of the Somali People? I believe the average IQ of the Somalis from the North is little bit higher than that of the south, but the problem is lack of self confidence and tribal emotions. We can compete to take the leadership of the Somali people if we stop believing in the propaganda and lies of the SNM maniacs and the few supporters who want to rob the few dollars from international aid.

    If the giant from the North West of Somalia wakes up and stop daydreaming, Somalia will become a heavyweight in Africa and in the Muslim Umma.

     

    My journey to reality and out of darkness and emotional entanglement made me a Somali nationalist and washed off my mind all tribal irrationalities.

     

    I have to stop being the laughing stock and shame of Africa. Have you ever taken your blood pressure when this thought crosses your mind? How come Amhara who have been our neighbor and natural enemies since time immemorial, have the desire, the determination and the capability to keep together and rule people of different ethnicities, different religions, different languages, different customs and traditions and different national ambitions? On the other hand, the Somalis who have been categorically described as one race (in every sense of the word) can not agree to live together under one state. As people we seem to be less mature, weaker and less narrow-minded than our neighbors including Kenya. As educated Somali do you have less manhood qualities?

     

     

    Long live Somalia

     

    smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif


  9. CUSMAAN KALLUUN, NEVER FORGET THE NAME, AABIHII GARASHADA GAYIGAYAGOOOOW……

     

    CUSMAAN JAAMAC CALI KALUUN HADII LA I DOORTO WAXAAN RAACAYAA TASTUURKA WAAN KA FAGAANYAA NIN JECLEEYSI WAXAANA KU DADAALAYAA MIDNIMADA UMADA SOOMAALIYEED

     

     

    Somaliweyn.com( Nairobi 29/09/04)

     

    Osaman Jaamac Cali Kaluun ayaa saaka shir ja raa id ku qabtay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya

     

    Cusmaan Jaamac Cali Kaluun loo yaqaano waxa uu hadalkiisa ku bilaabay Salaan& Hanbalyo uu saxaafada gudaha iyo dibada siiyay

     

    Cismaan Jaamac Cali Cismaan Kaluun isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in uu yahay nin aqoon iyo waayo aragnimo badan isku leh isagoo sheegay in uu xasuusto waqtigii gumeestaha isaga oo sheegay in uu waayo la soo wadaagay dhalin yaro u dagaalamaya in ay wadankooda hooyo xoreeyaan isagoo sheegay dhinaca kalle in uu waayihiisa nololeed ku xasuusto xiligii doowladihii Adan Abdulle Cusmaan Cabdirashiid Cali Sharmaarke Iyo Maxamed Siyaad Bare

     

    Dhinaca kalle Cismaan Jaamac Cali Waxa uu sheegay in uu goob joog u ahaa colaadihii iyo dagaaladii sokeeye ee soomaaliya halakeeyay

     

     

    Cismaan Jaamac Cali Cismaan Kaluun waxa uu sheegay in uu ka qayb qaatay shirar badan oo soomaaliya loogu raadinayo nabad ku wada noolaansho

     

    Dhinaca Cismaan kaluun ayaa sheegay in uu si aada ugu rajo fiicanyahay in la doorto musharaxan waxa uu runtii si aada ugu dheeraaday qaabka loo samata bixin karo soomaaliya isagoo sheegay in dhibkii soomaaliya soomaray ay sababeen iyadoon wada tashi lagu saleen

     

    oo aad moodo in talada wadanka aan sidii la rabay looga tashan dhibkana uu ka yimid tashi la aan

     

    hadaba anigoo la kaa shanaya soomaalida oo la kaa shanaya wadatashi anigu wadatashiga waxa aan u arkaa Dimuquraadiyad hadii la helo wada tashi wax waliba way hagaagayaan ayuu yiri Cismaan Jaamac Cali Kaluun mudanahan waxa uu soomaalida ka codsaday in la taageero nabada iyo is tixgalinta isagoo shirkaan u rajeeyay guul iyo midnimo

     

    Cismaan Jaamac Cali Kaluun oo la waydiiyay Hadii aad ku guuleeysato In aad soomaaliya madaxwayne ka noqoto seed ka yeeleeysa somaliland waxa uu sheegay in aysan kaligiis ku koobneen balse ay tahay wax soomaalida oo dhan wada sugaya balse doowladiisu ku dhisantahay wada tashi iyo is tixgalin

     

    Cusmaan Jaamac Cali waxa uu sheegay in Baarlamaanku uu doonayo in uu noqdo midka ugu sareeya ee fulinta Doowlada ama ha ahaado madaxweeyne ama ha ahaado wasiir ama shaqaale kalle waa in uu raacaa xeerka baarlamaanku dhigay taasi waxa ay keeneeysaa cadaalad midnimo horumar waxa kaliya ee aanu u baahanay waa midaas

     

    Hadaba anigu waxaan go aansaday in aan maanta isku taago xilkan uga sareeya soomaaliya ee ah madaxwaynaha

     

    anigoo isleh aamin san in aan cidna la dulmin laguna dhaqmo waxa ay soomaalidu isku raaceen oo ah caadaalad midnimo horumar iyo in qarankii soomaaliyeed la soo celiyo

     

    Hadaba Cismaan Jaamac Cali Kaluun waxa uu ku dheeraaday in soomaaliya maanta u baahantahay midnimo iyo dimuquraadiyad hadii ladoortana sharci iyo tastuurka uu raaci doono uuna iska fageen doono waxii soomaali maanta heerkaa keenya oo ah in aan la wada tashan sharcigana aan la raacin nin jecleeysiguna bato Waxaa hareerihiisa fadhiyay Mas uu liyiin badan oo ay ka mid ahaayeen Yuusuf Saalax iyo Yuusuf Dheeg iyo Siyaasiyiin badan oo reer waqooyi ah runtiina Cismaan Jaamac Cali Kaluun waxa uu u muuqday shaqsi isku kalsoon talana isku soo sharaxay intaasi ka dib Waxaa Saxaafada loo qayshay qoraal u qornaa sidan

     

    axmeddheere65@hotmail.com

    Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)

    Kenya,Nairobi Somaaliwayn

    smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif


  10. HERO, bring the capital to Hargeisa:

     

    September 29, 2004. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

     

    Ing. Cismaan Jaamac Cali oo hore u ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenkii dowladii lagu soo dhisay magaalada Carte ee Djibouti ayaa sheegay maanta inuu ka mid yahay musharaxiinta u taagan xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

     

    Cismaan Jaamac Cali oo saakay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa si farxad leh ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u tartamaya jagada madaxweynenimada Soomaaliya.

     

    Cismaan Jaamac Cali oo sheegay inuu rajo ka qabo inuu ku guuleysto xilka madaxweynenimada Soomaaliya ayaa sheegay inuu yahay waayo arag hogaamin kara Soomaaliya.

     

    Cismaan Jaamac oo ka mid ah ergooyinka ka qeybgalaya shirka dib u heshiisiinta mudada uu socday ayaa ka hadlay taariikhada uu u soo joogay iyo waayo aragnimadii uu helay.

     

    Cismaan Jaamac Cali oo sheegay inuu ergo u diri doono Somaliland hadii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay waxa keenay in Soomaaliya ay burburto in ay aheyd kali talisnimo iyo Soomaalida oo aan dimuqraadiyadda si fiican u qaadanin

     

    Dhinaca kale, shir jaraa’id oo la filayay in maanta ay wada jir u qabtaan madaxweyne Cabdiqaasim iyo Maxamed Dheere ayaa dib u dhacay.

     

    smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif


  11. Ninna qorigiisa caano ka shubmaan; ninna xabbaddi ma-karto maaha. Xabbaddi wey ku daloollin oo ay ku dilli. Taasna xal maaha ee xalka qudha ee caqliga fayoobi qaadan karaa, waxa weeye aan Soomaalinimo wax ku qeybsano. Aan Soomaalinimo si wadajir ah oo qofna qofka kale ka sareyn aan u wada dhaqano. Soomaaliya waa mid qudha wax kala saari karaanna ma jiraan haddii ay intooda badani ay meel ka soo wada jeestaan. Waan hubaa Hargeysaawi badan, oo afduub lagu haysto, oo arrintaas si weyn u aaminsan in ay jiraan. smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif


  12. LSKT, sxb, it is understandable every Somali terror-inducing warlord, in his mind, is engaged in pseudo political games and using the lives of dimwitted Somali kids as bargaining chips to score meaningless and crooked objectives. But, what boggles the mind is why would horror (in the true meaning of both Somali and English) Hiiraale exaggerate the death causality numbers from his side? Wouldn’t it be logical, if we go explore his skull, that he should have lowered his losses? I think the report of this East African Standard has some merit and the number of death, forget the wounded, is, more or less, not far from 250. I am assuming that he exaggerated the number of these who died for the bloodthirsty maniac Moorgan. In other words JVA’s death number is more than 70 and that of maniac Moorga’s is less than 180!

     

    I think there was a horrible massacre between the forces of these maniacs and an unspeakable butchery of innocent bystanders in a very short period. Maniac Moorgan wouldn’t have run to Nairobi if his losses were not that much!

     

    I think the Somalis journalists including these who are manning BBC Somali Service have failed the Somali people and I recommend them to acquire more sophisticated investigative skills than they have now.

    smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif


  13. What sense does it make? Nausea!! Matag!! 250 Somali youth died for Morgan and Hiiraale in a matter of few days!! Why didn't they call me to become their agent for Hollywood to take live picture for Reality T.Vs. They could have become billionaires.

     

    ------------------------------------

    East African Standard

    Monday September 27, 2004

     

    Somalis reject Morgan

     

    By Victor Obure and Boniface Ongeri

     

    Somalia warlords yesterday rejected plans to include Mohammed Hirsi alias General Morgan in the Igad peace talks in Nairobi and termed his surrender to Kenyan authorities as "kicks of a dying horse".

     

    They said the inclusion of the embattled general in the almost concluded peace process for reconstruction of the war-ravaged country was of no consequence as the interim Parliament had long been formulated.

     

    Their rejection comes after Somalia envoy ambassador Mohammed Affey invited Morgan to the negotiation table as fresh fighting between Militia factions threatened to derail the two-year peace process.

     

    Somalia delegates were optimistic that his inclusion was likely to speed up the process but his rival warlord rejected the move and branded him a trouble-shooter who may never settle for peace.

     

    Barre Hirale the leader of the Somalia National Front and newly sworn in Gedo region MP Col Abdirisak Isak Bihi said Morgan had no mandate to influence any decision at the top since he was not an elected MP and therefore had no representation.

     

    "He is an entity and should treated as such because we strongly dispute his claims that he controls a large part of lower Juba region. That is rubbish, the man do not even have a clout at village level," they retorted at separate interviews.

     

    They claimed that Morgan only opted to join the peace talks out of desperation after the Juba Valley alliance forces over ran his troupes forcing him to surrender to Kenyan authorities at the border.

     

    "Morgan is a general without an army and that is why his only option was to revert to the talks but we can only allow him there in his individual capacity," Hirale said.

     

    He claimed that the alliance forces killed 180 members of Morgan’s Somalia Salvation development front (SSDF) faction at Dobley border town during last week’s fighting.

     

    Hirale, however, admitted that the alliance forces lost 70 troops before they were overpowered and ejected SSDF militiamen majority of who escaped into Kenyan territory.

     

    "We will proceed with the reconstruction process as scheduled and ensure that we have our new president by October 10 with or without Morgan because he is irrelevant," he said.

     

    He also denied claims that the alliance faction triggered the renewed fighting and were being sponsored by Al-hitihad movement, a proscribed organisation with close links to Al-Qaida terrorist group.


  14. ^^^^^How much did he get for becoming what he is? Oxymoronic!!

     

    For these supporters of SNM maniacs, inundated with floods of testosterone, please swallow your pride and accept defeat. ThINK BIG and come back to the Somali camp and do not make life harder for our children any more. A man is not judged only by what he has done wrong, but how open he is to evaluate his pass actions and realize how mistaken he has been. How a man accepts his mistakes, takes responsibility for them and then does not repeat them, that is what a man’s worth is. smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif


  15. Abdirahman Koronto

    BBCSomali.com

     

    20040924174044seminar2.jpg

    Midigta: Cabdi samatar, Dasuuqi, Cali Sheekh

    Siminaar muddo afar maalmood ah aqoonyahanno iyo xirfadlayaan Soomaaliyeed uga socday Hotel-ka Windsor oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska goboleed ee Geeska Afrika ee Hay'dda Heinrich Boll Foundation, ayaa galabta la soo gabagabeeyay.

    War qoraal ah oo aqoonyahanadu ay soo saareen gabagabadii kulankooda, ayay ku sheegeen in umadda soomaaliyeed ay soo dhowaynayso horumarka laga gaaray shirka ilaa hadda oo ay rajaynayso in dhibaatada ay ku jireen ay kaga bixi doonaan.

     

    Hase yeeshee, horumarkan wanaagsan uu dhinac socdo qorshaha guud ahaan oo laga dareemayo dano gaar ahaaneed iyo nidaamka awood qaybsiga.

     

    Waxay xuseen in aysan aqoonyahanada siminaarku u dhamaaday aysan ahayn isbahaysi siyaasadeed, aysan daro doonayn, u ordayn baarlamaan iyo madaxwayne, balse ay doonayaan in dadka soomaaliyeed wax noqdaan oo intay amaano helaan kadibna is dhisaan.

     

    Waxay aqoonyahanadu sheegeen in ay xooga saareen lix qodob oo muhiim oo kala ah dib u heshiisiinta, ammaanka, xukunka dowladeed, soo kabsashada dhaqaale, waxbarashada iyo caafimaadka.

     

    Kooxdan aqoonyahanadu, waxay sheegeen in ay jiraan todoba qodob oo muhiim ah oo ay u arkeen in ay dhaxalgal yihiin in lagu tiigtiigsado muddada ku meelgaarka ah.

     

    20040924173834seminar.jpg

    Aqoonyahanada oo fadhiya hoolka seminar-ka

     

    Todobada qodob

     

    In si deg deg ah loo abuuro Kulanka Rayidka ee Qaranka, taasoo noqon doonta meel fagaare ah oo ay isugu yimaadaan dadka soomaaliyeed ee rayidka.

     

    In guddiga la soo dhisi doono in ay tahay qasdigiisu in uu dadka heshiisiiyo, oo ay noqdaan dad garaadkooda, ixtiraankooda iyo iimaankooda aysan su'aal ka taagnayn, oo aanay dadka u kala eexan.

     

    In dadka siyaasiyiinta ee dowladda ka mid noqonaya iyo kuwa kale ee hubka waawayn haystaa dhamaantood ay hubka ku wareejiyaan cid meel dhexaad ah oo mas'uul ah lagu wareejiyo taas la'aanteed ma imanayso nabadgalyo, dowladna ma dhismayso.

     

    In dadka kaalmaynaya qaran dhisidda Soomaaliya in ay ku adkaystaan in aysan dowladda la soo dhisayaan aysan ka badnaan laba iyo toban wasaaradood, dadka loo dooranayaana ay noqdaan dad farsamadoodu heer sare tahay.

     

    In safarka nabadda ee heerkan soo gaaray si uu u taabo galo waa in si xoog leh loo maalgaliyo sidii loo abuuri lahaa boqolaal kun oo shaqo si dadka dhalinyarada ah ay u helaan fursadihii ay waayeen afar iyo tobankii sano ee la soo dhaafay.

     

    In dib u dhiska tacliinta qaranka Soomaaliyeed uu ku dhisnaadaa oo guntiisu ay ahaataan xooga ay keeneen dadka wax bara dadka Soomaaliyeed ee wadanka aan ka tagin ee joogay muddadii burburka, dadaalka ay la yimaadeen waa in uu noqdaa aasaaska dib u abuurka waxbarashada Soomaaliyeed.

     

    In dib loo soo habeeyo, loona dhiso isbitaaladii, dugsiyadii iyo jaamacadii caafimaadka wax looga baran jiray, si xoog lehna loo maalgaliyo sidii loola dagaalami lahaa cudurada fida, gaar ahaan kaneecada, TB-da iyo HIV-AIDS.

     

    Talooyinka kale iyo ka soo qaybgalka

     

    Waxaa tallooyinka aqoonyahanada ka mid ahaa in barnaamijyada taakulaynta iyo samatabixinta Soomaalida ee bulshada caalamku ay waddo ay muhiim tahay in Soomaali laga qaybgaliyo oo waliba ay hormuud ka ahaadaan.

     

    Munaasabadda xiritaanka siminaarka, oo ay ka qaybgaleen safiirka Kenya ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afeey, safiirka Poland ee Kenya, waxaa aqoonyahanada kale ee ka qaybqaatay ka mid ahaa Axmed Ismaaciil Samatar, Dr Cali Sheekh Axmed, prof Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi, C/risaaq Xaaji Xuseen, Cabdi Maxamed Baafo iyo xubno kale.


  16. Some of the wise SNM, not the maniac ones, have been turning 180 degrees b/c no one can force the Somali masses to be kept drinking from the well of absurdity and hallucination. The rational Hargeisaawis know that only maniacs can argue that they are right while the rest of the world (adduun weynaha kalena) is wrong. Listen what the ex who has switched himself 65 degree to Somalism, is saying now:

    http://www.radiofreesomalia.com/audio/xildhibaan_bilaal_rfs.ram

     

    smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif


  17. Why SNM maniacs are threatened by his presidential candidacy? smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif

     

    Wasiir ka tirsan Mamulka Somaliland oo safar aan la ogayn ujeedkiisa ku tagey Nairobi.

    Nairobi-26.September.2004 Wasiirka Maaliyadda ee Maamulka la magaxbaxay Somaliland Xuseen Cali Ducaale"Cawil" ayaa magaalada Nairobi wuxuu ku tegay safar aan ujeedkiisa si dhab ah loo ogeyn.

     

    Xuseen Cali Ducaale "Cawil" ayaa isla shalay iyo xalay wuxuu magaalada Nairobi kulamo kula yeeshay Siyaasiyiinta Beesha Dirta Waqooyi gaar ahaan kuwooda ka qayb galaya Shirka Soomaalida ee ka socda Madasha Mbagati.

     

    Warar Idaacada SBC ka heshay xubno ka qayb galay shirarkaasi oo ka gaabsadey in la magacooda la shaaciyo ayaa sheegaya in Wasiirku uu doonayo inuu galaangal iyo dhexmar ku sameeyo Siyaasiyiinta Beeshaas ee ka qayb galaya Shirka, isla markaana ujeedadiisa laga dhan dhansaday inuu qaado ola ole la sheegay in looga hortagayo xubno ka mida Musharixiinta Jagada Madaxweynaha Soomaaliya.

     

    Waa markii labaad ee Wasiirka Maaliyada ee maamulka Somaliland uu safar ku tago Magaalada Nairobi tan iyo markii ay rajadu ku soo laabatey shirka Soomaalida, waxaana safarkiisii hore Saxaafada qaarkeed ku tilmaamtey inuu ka goostey Maamulka Daahir Riyaale, balse Xuseen Cali Ducaale "Cawil" ku tilmaamey amuurtaas mid ah.

     

    Dhanka kale Siyaasiga Ismaaciil Max'uud Hure"Buubaa" oo ka mida Siyaasiyiinta ka soo jeeda Beesha ***** ayaa dhawaan daboolka ka qaadey inuu isu soo taagi doono Jagada Madaxweynaha Soomaalida, waxaana wararku sheegayaan in sidoo kale Safarka Wasiirka ay la xiriirto ku dhawaaqida Mr Buubaa oo ay muuqato inaysan la dhacsaneyn Somaliland musharaxnimadiisa.

     

    Keyse Caamir

    SBC Nairobi.


  18. 2003102914.JPG

     

    Statement by his Excellency Ismail Omar Guelleh, President of The Republic of Djibouti before the 59th Session of The General Assembly of The United Nations on Wednesday 22 September 2004.

     

    …………………………….

     

    Mr. President,

     

    We are convinced that this is a unique opportunity for the International Community to put an end to the long-lasting conflict in Somalia. We need to acknowledge the changes that have taken place. The Somalis are determined and the region is united. We should, at all costs, avoid witnessing a resurgence of similar scenario we experience in the past. Let us seize this opportunity. Let us, together, help Somalia in its quest for PEACE, and UNITY.

     

    http://www.un.org/webcast/ga/59/statements/djieng040922.pdf

    smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif


  19. My hero XILIBAAN DR MAXAMUUD CABDULAAHI SIFIR is in the news. Dhuux xigmaddiisa!! smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif

    ----------------------------------

     

    XILIBAAN DR MAXAMUUD CABDULAAHI SIFIR: SHACABKA SOOMAALIYEED WAA KA GUDBAY KOOXEEYSI IYO IS GAASHAAN BUURSI WAXA AAN SOO DHAWEEYNAYAA DOORASHADA GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA SOOMAALIYEED IYO KU XIGEENADIISA

    Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi

    axmeddheere65@hotmail.com

     

    Xilibaan Dr Maxamuud Cabdulaahi jaamac Sifir ahna Shirgudoonka beesha Direed ayaa war saxaafadeed uu ku taageerayo qaabka uu hada u socdo shirka soomaalida ka soo saaray magaalada Nairobi ee Dalka Keenya Xilibaan Dr Maxamuud Cabdulaahi Sifir waxa uu sheegay in shirka soomaalidu hada marayo heer gabo gabo ah isla markaasna ay dhamaadeen is beeleeyso kooxeeysi gaashaan buursi dadkuna ay fahmeen in ay lagama maarmaan tahay in soomaalidu Hesho Doowlad qarameed

     

    Dhinaca kalle Xilibaan Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac Sifir waxa uu sheegay in ay si cadaalada ku dhacday doorashadii gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya ee 15 Bishan ka dhacday Mbagathi Hoolka Shirarka Soomaalida oo lagu doortay Shariif Xasan Shiiq Adan dhinaca kalle waxa uu guul ku tilmaamay Xilibaan Maxamuud Cabdulaahi Jaamac Sifir doorashooyinkii Xigay oo iyagana Xilkooda loogu Doortay Gudoomiye Ku xigeenada Koowaad iyo Labaan Maxamed Cumar Dalxa iyo Cismaan Cilmi Boqore dhinaca kalle Xilibaanku waxa uu hanbalyo u diray dhamaan umada soomaaliyeed isago ugu hanbalyeeyay in ay heli doonaan doowlad ay ku qaboobaan waxna ka qabata dhibkii umada soomaaliyeed heestay mudada badan

     

    Xilibaan Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac waxa uu sheegay in umada soomaaliyeed looga baahanyahay in ay taageeraan Doowlada lagu soo dhisi doono Dalka Kenya isagoo sheegay hadii aysan umada soomaaliyeed taageerin doowladaas in aysan waxba qaban karin soomaalidana looga baahanyahay in ay la shaqeeyaan Doowlada

     

    Dhinaca Kalle Xilibaan Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac Sifir waxa uu Beesha Caalamka ka codsaday in ay taageeraan Doowlada Soomaaliyeed isagoo sheegay hadii aysan beesha caalamku taageerin doowladaas aysan waxba qaban karin Xilibaanku waxa uu sheegay in ay beesha caalamku Door muhiim ah kulahaayeen habsami u socoshada shirka soomaalida iyagoo Juhdi& Dadaal badan galiyay miro dhalinta shirkaa Deeq badana soo gaarsiyay intii uu shirku socday

     

    Xilibaanku waxa uu mahad badan u soo Jeediyay IGAD Midoowga Yurub Jaamacada Carabta IPF iyo Midoowga Afrika wadamada Mareeykanka Kenya Itoobiya Suudaan Eritareeysa Yugaandha Jabuuti iyo dhamaan Wadamada Daneeya Arimaha Soomaaliya isagoo ku amaanay Dadaalkoodii ku aadanaa wada hadalada Soomaalida

     

    Dhinaca Kalle Xilibaan Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac Sifir waxa uu sheegay in aad uga xunyahay in warbaahinta qaar ay qoreen in Beesha Direed ee waqooyiga ay dooran Doonaan Mid ka mida musharaxiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Wada hadalada Soomaalida taasi way dhamaatay waana ka gudubnay kooxeeysi iyo is gaashaan buursi ayuu yiri Xilibaanku hada waxeeynu nahay Qaran waxa uuna sheegay in umada soomaaliya hada ay diyaar u tahay in ay doortaan Madaxwayne Tayo Leh oo shacabka Soomaaliyeed ku hagi kara wadada Nabada Maadaama shacabka soomaaliyeed soo maray dhibaatooyin aad u badan

     

    Dhinaca Kalle Xilibaan Cabdalla Xaaji Cali ayaa ku tilmaamay warar aan Jirin in Beesha Direed ee isaqu ay wataan Dad gaara waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in umada soomaaliyeed ay Doortaan Madaxwayne Aqoon Karti iyo Diinba leh

     

    Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi


  20. I am not smiling today:

    Ciidamada Soomaaliland oo soo Weeraray deegaanka Puntland iyo dagaal kharaar oo ka dhacay duleedka Laas Caano

    Garowe :- Wararka naga soo gaaraya magaalada Laas Caano ayaa sheegaya in ciidamo kamid ah maamulka la baxay Soomaaliland in ay weerar kusoo qaadeen deegaanada ay ku sugnaayeen ciidamada Maamul gobaleedka Puntland.

     

    Weerarkan ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaadanayeen gawaarida Tiknikada loo yaqaan wuxuuna ka dhacay dagaalkan sida lasoo xaqiijinayo deegaanka Ari cadeeye ee u jirta magaalada Laas Caano 30km dhanka Waqooyi.

     

    Dagaalkan ayaa la sheegay in si weyn loogu jabiyey ciidamadii Somaliland ee weerarkaa ahaa ayadoo la sheegay in laga gubay mid kamid ah gawaaridooda Tiknikada ah, halka wararka qaarood sheegayaan in ay jiraan qalab ciidan oo laga furtay ciidamadaasi.

     

    Dagaalka ayaa weli socda ayadoo ay jiraan ciidamo gurmad ah oo ka socda labada dhinac ee dagaalka dhexmaray oo kusii jeeda deegaanada dagaalka laga soo sheegay.

     

    Dagaalkan ayaa ah kii ugu horeeyey oo ay ciidamada maamulka la baxay Soomaaliland si toos ah ugu soo qaadaan deegaanada hoos yimaada maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya, ayadoo ay horey u jireen weeraro ay soo qaadeen maleeshiyo taageersan maamulka Soomaaliland kuwaas oo guuldaro ku danbeeyey kadib markii loo awood sheegtay maleeshiyooyinkaasi.

     

    Ciidamada Somaliland ayaa in dhawaale isku aruursanayey xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland ayagoo horey u sheegay in ay ka go'antahay in ay gacanta ku dhigaan deegaano uu sheegto maamulka Soomaliland inuu kamid yahay dhulkii horey loo oran jiray British Somaliland.

     

    Maamulka Soomaaliland ayaa ku dhawaaqay sanadkii 1991dii inuu ka goostay dalka Soomaaliya intiisa kale ayadoo ay si weyn uga soo horjeesteen qaar kamid ah beelaha ku dhaqan gobalada Maamulkaasi uu sheegto in ay ka qeyb qaataan qorshaha ka gooshada dalka Soomaaliya.

     

    Dagaalkan maanta dhacay ayaa kusoo aaday ayadoo uu magaalada Nairobi ka socdo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo hada maraya marxalad kama danbeysa ah ayadoo la dhameystiray Baarlamaanka Federaalka isla markaana la sugayo doorashooyinka Madaxweynaha.

     

    Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay inuusan aqoon saneyn shirka ka socda dalka Kenya iyo waliba xabad joojinta lagu saxiixay magaalada Eldoret isla markaana ku nuux nuuxsaday in ay awood ciidan u adeegsan doonaan deegaanada mara khadkii uu xariiqay gumeystihii Ingiriiska (British Somaliland) oo uu maamulka Soomaliland sheegto.

     

    C/risaaq Shiino

    HorseedNet.com

    Garowe, Puntland

     

    http://www.horseednet.com/modules.php?op=modload&name=News&file=article&sid=2389&POSTNUKESID=687e6acf11d95c60ad000e844756c3d8


  21. gaanni.jpg

    Gen.M.Xaashi Gaani

     

    My hero, I thank you from the bottom of heart for following the footsteps of our first president Aadan Cabdulle Cusman by accepting without hesitation the judgment of your fellow MPS as you immediately took a honorable action in which you congratulated your opponent on his success to win the position of first assistant of the parliamentary speaker for the Somali National Assembly. It takes individual dignity and sincere self possession of nationalist drive (which a rare commodity amongst Somalis including these who claim they have been enlightened in the books of knowledge and modern human literature) to do what you did. Your example must be followed by all other mps who are planning to run for a position of extra responsibility especially by the likes of Aadam Madoobes. smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif