Nationalist

Nomads
  • Content Count

    555
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Nationalist

  1. BAAXADA KHASAARE EE DHULGARIIR BADEEDKA (TSUMANI) IYO SOOMAALIYA??? Organiser of Xafladdi Dowladda CY and Canadian parliament in Ottawa Faarax Maxamuud Aw-Cismaan Madaxa, Ururka Saaxiibtinimada Canada iyo Soomaaliya canadianfriendsofsomalia@yahoo.com -------------------------------------------------------------------------------- Waxaa sida aad la wada socotaan dhawaan ka dhacay badweynta Hindiya dhulgariir gaystay khasaare ba’an oo naf iyo maalba leh, khasaarahaas haba u badnaado dhanka Qaarada Aasiya sida: Indooniisiya, Malayshiya, Siirilaanka, Hindiya, Maldiif, iyo Taylaaan. Hadaba waxaa caado noqotay hadii belo dhacdo hadba meesha ay ugu waynahay ayaa hesha dareenka dadka iyo midka saxaafadaba, sidaa awgeed waxaa iska caado ah in la ihmaaliyo ama la iska indho tiro meelaha kale ee khasaarooyinku ka dhaceen maadaama belo ka wayn ay ku habsatay meelo kale waa marka loo eego cadadka dadka ku geeriyooday iyo khasaaraha burbur iyo baaba ee ay musiibadaani keentay’e. Sidaa awgeed maadaama aanu Soomaali ahaan ka midnahay dadka ay masiibadaani waxyeelaysay, maadaama aan saxaafadaha aduunka ka hadlin waxyeelada uu dhulgariirkaan iyo fatahaada badeed u gaystay xeebaha Soomaaliya gaar ahaana kuwa badweynta Hindiya, waxaa qofkasta oo Soomaali ah ay saarantahay mas’uuliyad ah in uu arintaan u istaago, haday ahaan lahayd sheegisteeda, haday ahaan lahayd gacan ka geesashadeeda, iyo ka hadalkeedaba. Waxaa fatahaadaan badeed ku nafwaayay Kaluumaysto aad u farabadan kuwaas oo ay musiibadaanu kula kulantay badwayn iyagoo saaran doonyo aan lahayn awood ay isaga celinkaraan baaxada hirkaani watay taas oo lagu qiyaasay inuu dherer ahaan ahaa 400 oo mitir, waxay musiibadaani dhamaan baabi’isay firinjeeradii (talaajadihii) kaluumaysadata soomaaliyeed ay ku kaydsan jireen kaluunka iyo aargoosatada (frozen fish and Lobster) waxay bada raacisay dhamaan laashashkii ama doonyihii kaluumaysi (fishing boats), waxay burburisay dhamaan aqaladii magaalooyinka xeebaha ah. Khasaarahaani wuxuu isugu jiraa mid naf iyo maalba, dhaawaca ay gaysatay musiibadaanina way kala badsadeen magaalooyinka xeebaha ah ee dalka Soomaaliyeed. Dhaawada ugu wayni wuxuu ku dhacay xeebaha u dhexeeya Raas Gardafuul ilaa Hobyo. XAAFUUN Ras Hafun peninsula Waxaa dhamaan tirtirmay aqaladii ku oolaa magaalada Raas-Xaafuun oo ahayd gacan (golf) dhexgala bada kaas oo markii badu caaridana ay gawaaridu geli jirtay magaalada marka ay bada soo buuxsantana ay magaaladu noqon jirtay jasiirad oo kale. (waa sida xeebtii jaziira iyo qabriga Gendershee). Magaaladaan oo ah magaalo qadiim ah, magaalo ganacsiga kaluumaysiga caan ku ahayd kuna taala meel Istaraatiijik ah marka loo eego marinka gacanka xaafuun iyo inta u dhaxaysa soqodara, halkaas oo ah marinka ay maraan maraakiinba isaga gooshta Afrika, Aasiya iyo Dunida inteeda kale. Hadaba waxaa halkaasi ku guryo waayay dad gaaraya ilaa 8000 oo qof waxaa ku nafwaayay dad ku dhow 100 qof dhaawada ka badan, hantida dhaqaale iyo khasaaraha maal warkiisaba daa. Waxaa kaloo waxyeelo aad u wayni gaareen dhamaan magaalooyinka saaran xeebaha bada Hindiya sida Baargaal Hurdiyo, Bandarbayla, Eyl, Garacad, Hobyo, Mareeg, Cadale, Xamar, Marka, Ceel Axmed, iwm.. Dadka guud ahaan marka la isku daro Soomaaliya oo dank u nafwaayay waxaa ilaa hada la xaqiijiyay 200 waxaa ilaa iminka la’layahay kaluumaysato gaaraysa ilaa 60 , dadka ku baro kacay ama ku guryo beelay waxay gaarayaan ilaa 60, 000 oo qof. Waxaa nasiib daro ah in inagii oo khasaaradaani nagu habsatay aynaan qaylo dhaan iyo mucaawino waydiisan caalamka balse ay inoo hadlayaan ajaanib kuwaas oo caalamka ku dhaleecaynaya sida ay u ihmaalinayaan baaxada waxyeelo ee musiibadaan iyo Soomaaliya, dadkaasna waxaa ka mid ah Jan Egeland oo ah Xiriiriyaha xaaladaha degdega ah ee UN-ta. Hadaba waxaanu ku talinaynaa in dhamaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibada jooga ay ka hadlaan arintaan iyagoo adeegsanaya saxaafada la qoro iyo mida la iskala hadloba, iyagoo markaasi ku baraarujinaya shacabweynaha wadamada ay joogaan si ay dadka ku baro kacay ama ku cayroobay musiibadaan ay u helaan musaacado dawo, raashin, hoy, iyo mid taageero dib u dhis iyo gargaar dhaqaale intaba. Sidoo kale jaaliyadaha Soomaliyeed waa inay ugu taba rucaan walaalahood dhamaan wixii ay awoodaan sida kaalmo lacageed (fundraising), mid wakhti iyo xirfadeedba. Shacabweynaha Soomaaliyeed ee dadka gudihiisa ku sugan guud ahaan gaar ahaana ganacsatada waxaan u soo jeedinaynaa inay gargaar la gaaraan walaalahooda ay musiibada rabaaniga ahi ku habsatay, sida taageero raashin, biyo nadiif ah, teendhooyin iyo qalabka dhismaha. Waxaanu hanbalyo u soo jeedinaynaa Ra’iisal wasaaraha Jamhuuriyada Fedaraalka ee Soomaliya Dr. Geddi sida xilkasnimada leh ee uu arintaan uga qaybqaatay isagoo khibrad u leh arimaha gargaarka, isagoo caalamka u sheegay waxyeelada xeebaha soomaaliya guud ahaan ka hadlay, iyo weliba sida geesinimada leh ee uu wakhtigiisa qaaliga ah ugu huray inuu booqasho ku kala bixin doono goobaha waxyeelooyinkaani u badan yihiin. Waa talaabo fiican oo ku dayasho mudan , waa xilkasnimo, taas oo ay abaalweyn ugu hayn doonaan shaqabka waxyeeladu gaadhan marka ay arkaan Ra’iisal wasaarahoodii oo booqanaya laha qaybsanaya dhibaatada Rabaaniga ah ee ku habsatay. Anagu hadaanu nahay ururka Isku xirka iyo Saaxiibtinimada Canada iyo Soomaaliyana Arintaan iyo kuwa la midka ah waa waxa aanu u taaganahay wax ka qabadkeena, wixii awoodayada ahna waanu u istaagi doona gacan ka gaysashadeeda, mar hore ayaanuna gudo galnay sidii aanu qayb uga noqon lahayn gargaarka arintaan. Faarax Maxamuud Aw-Cismaan Madaxa, Ururka Saaxiibtinimada Canada iyo Soomaaliya canadianfriendsofsomalia@yahoo.com Faafin: SomaliTalk.com | Dec 31, 2004
  2. New Pland parliament Now the list has arrived on time by the clan leaders, except for one of Sool region, the election campaign really starts now. Dr Abdirahman Farole's campaign strategy was to stay in his hometown Garowe till the MPs were selected and then really start campaigning. Pland Election News Presidential Candidates: - Pres. Muhammad Abdi Hashi - Gen Muhammad Muse Hirsi (Adde) - Gen Hasan Farah Jama (Gerash) - Dr Abdirahman Muhammad Mahamud (Farole) - Eng Abshir Said Muse - Dr Ali Aidid Hasan - Drs Asha Gelle Dirie - Ali Magan Nur and more...... Pland State Constitution Pland State Constitution [AfSoomaali] Pland State Charter
  3. http://news.bbc.co.uk/1/hi/world/africa/4134485.stm
  4. Get that dirty fake photo off the net! That photo is as fake as can get.
  5. Gen Muhammad Ali Samatar wasn't alone in this. We're talking about thousands of people who were involved in human rights abuses during the military regime. To select him of all people is sickening. These people are vultures, especially when they stated that at all costs they have to end up with Samatar's money. All of it. Let's not talk about the human rights abuses during the civil war wich were megalomanic compared to the military regime. Bottom line, forget the past, forgive the wrongdoer (Ilahey baa la xisaabtam doonaa) and move on! People are living in the past too much and even worse think they are the only Somalis that were opressed.
  6. I'm beginning to believe Sland authorities are more pro-Somali Weyn than Pland. An author called Farah Mahamud Yusuf, the brother of Burmadow, also stated that Hargeisa is the mother of corruption after his visit to the city. To arrest this MP for actually 'doing his job as an MP' is amazing. Pland-Sland dispute aside, what the hell is Sland doing? I hope AllPuntland will report this incident in English.
  7. SANAAG full report: http://www.radiolascaanod.com/demo/index.php?art_id=1665&categ=&expand=&file=view_article.tp SOOL full report: http://www.radiolascaanod.com/demo/index.php?art_id=1666&categ=&expand=&file=view_article.tp * I don't understand that there is a governor of Haylaan [Highland] as well as Sanaag region? I also think the name Haylaan should be abolished. Abdullahi Yusuf had no right renaming Sanaag region. It's bloody English by the way.
  8. Didn't I say this guy sure listens to much to the lalala music of earth, wind and fire. About his insistance of a teacher's institute being build in Galkayo instead of Garowe is false. Where on earth did you get that info. Second LSKT is right. Col Afgudud, known as an effective and strict military style police officer, is from the same laf as General Morgan. FYI, the leadership of Col Yey started as early as in 1991 when he came out of prison in Addis Ababa. Disillusioned, suffering from liver problems due to electrocutation during torture sessions by Mengistu he still took his duty and defended his homeland from being victims of death and destruction of the civil war. You are correct about some flaws of Abdullahi Yusuf, but you spoil it with fabriced lies and unfounded accusations.
  9. Governor of Mudugh region Meeting with Islan Bashir, the tribal leader of Abdullahi Yusuf's subclan of Upper Mudugh region Another lunch with Galkayo citizens
  10. Nationalist you do know Caato's wife is from the northeast right? I know that she's from Sool...so? For example, Papa Abdullahi Yusuf rings a bell here and after all, isn't crime a crime-- Even those who commited them are our beloved president!? You dare to compare Abdullahi Yusuf with Osman Skinny? Lord have mercy on this poor child. Where's the witty Wind.Talker, his bullshit earth, wind and fire windtalk is needed here.
  11. Nayruus, you are insulting me by giving this son of a notty woman the name Nationalist.
  12. During safars [trips] one isn't obligated to pray the salats if you pray salat safar. But what these gentlemen are doing is fantastic and they will be rewarded for it.
  13. Horn I apologise if my reaction to the article sounded rude. By no means did I try to downsize Gedo, I only stated my views in it's potential compared to other regions such as Awdal and Lower Jubba. I never apologise someone without showing my sincerity in my apology. Therefore I'll post a topic about Gedo's economic potential in Somalia and the greater Horn context.
  14. That was funny and inspiring, thank you.
  15. What on earth is he talking about? There's no hate between Planders and Gedonians. Just a silly, typical Somali rivalry over power that only benefits old men.
  16. Stop the twisting waryaa? When did I say you are downplaying Pland? I know you are not analfabetic, but I reserve question marks on your reading skills. I meant that I also confront Planders whom say everyhting is fine, while there are many problems Pland is facing. You made your own thread turn ugly. If you just refuted my views, you would either convince me of your views or anything else in that direction.
  17. Musharrax cusub oo maanta ku soo biiray madaxtinimada Puntland Laas Caanood - 22.December.2004 Nin horay u ahaan jirey guddoomiye kuxigeenkii xisbigii mucaaradka ee UCID maamulka Somaliland ayaa waxaa uu maanta magaalada Laas Caanood kaga dhawaaqay musharrxnimadiisa madaxweynenimada Puntland. Picture: http://www.radiolascaanod.com/demo/ipublish/data/images/1031xasangeerash1.jpg Musharraxu waxaa uu sheegay in uu tallaabadan qaaday kadib markii buu yiri mas'uuliyiin Puntland ah oo magaalada Laas Caanood ku sugan ay isu soo sharraxeen madaxweyne kuxigeenka Puntland. Xasan Geyrash oo ah siyaasi laga yaqaanno gobollada Puntland ayaa inta badan loo tirin jirey in uu u badan yahay dhinaca maamulka Somaliland. Su'aalo ay weydiisey warbaahinta gobolka Sool musharraxa oo ku aaddanaa marba haddii uu la shaqayn jirey maamulka Somaliland xaggoodana uu u badnaa sida ay suurta gal u tahay in uu isu soo taago madaxweynenimada Puntland, waxaa uu kaga jawaabey; Waxaan filayaa in aan ku guulaysan doono madaxweynenimada Puntland sababta oo ah saaxiibbo badan ayaan ku leeyahay baarlamanka Puntland ee dhowaan la dhisayo iyo weliba dadweynaha gobollada kale ee Puntland. Xasan Geyrash ayaa wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan dawladdii Soomaaliya isagoo soo qabtay xilalka Guddoomiyaha Degmada Buuhoodle iyo weliba kusimaha guddoomiyaha degmada Laas Caanood. Musharraxu waxaa uu sheegay in uu iska casiley xilalkii uu ka soo qabtay maamulka Somaliland haddana uu u soo jeestey dhinaca Puntland, muddona uu ku sugnaa magaalada Laas Caanood. Nuux Muuse Birjeeb SBC Laas Caanood
  18. If he comes with a reasonable number of ministers and divides it with 4.5 and further allocates the minister positions according to the respective clan's will and current division in the parliament and provides a respectful share to the females, he'll have nothing to worry about. I commend his inclusion of militia leaders as ministers. If we like it or not, we can't ignore them. Same thing goes for Sland. I agree with Abdullahi Yusuf and Ali Gedi that it's not fair to lure Sland with extras, yet surely they deserve better than what they got in Ali Gedi's first cabinet.
  19. Listen, stop with the inferiority complex. I hate it when people say the same thing about Pland and ignore the reality on the ground. This is not an attack on Gedo so don't flatter yourselves. But to make ends meet: Insha Allah the people of Gedo will do well and move forward. Now happy? [you tend almost to forget that this is a discussion forum]
  20. If you don't refute my views than all you can do is shut up isn't it? Last time I checked it was a discussion forum. That's what I did, discuss the topic at hand. Sorry for trampling your unrealistic 'glimmer of hope'. Please don't make me laugh.
  21. No offense but every Somali region has potential if you add it with 450 km of paved roads. Even than one must keep in mind that Gedo borders one of the most if not the most backward and underdeveloped regions of both Kenya and Ethiopia. Trade routes have always been and will most likely be for Kenya to Kismayo. Kismayo is closer to Mombasa and Nairobi than Gedo. And for Ethiopia it's muscle trading arm is the railroad from Addis Ababa via Dire Dawa to Djibouti. Thereby mostly northern regions would benefit, wich is currently happenning. Djibouti, Bosaso and Berbera ports are competing for Ethiopia's market. and there are some rather peculiar statements in this writing if I may add: it is the only region that has 2 international borders with two of the three neighbouring States that have a population of more than 100 Million. He's wrong about the 2 borders part. Awdal borders two states and it's strategically in a far better position than Gedo in this particular aspect. Gedo has the same potential as the regions on the other side of it's border. And look at them....