Nationalist

Nomads
  • Content Count

    555
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Nationalist

  1. That picture indeed is wicked bro, two archenemies holding hands. With Abdullahi Yusuf's lovely wife, Madam Hawa Abdi Samatar in between.
  2. SOMALIA: Several thousand permanently displaced by tsunami - Friday, January 14, 2005 at 15:10 NAIROBI, 14 January (IRIN) - An estimated four thousand people in northeastern Somalia who were displaced by the tsunami on 26 December will have to relocate from where they used to live because the massive waves altered the coastline, relief workers said. "The homes of the people of the Hafun peninsula were formerly protected from the high tide by large sand dunes, but these were swept away by the tsunami," Bob McCarthy, the UN Children's Fund (UNICEF) Emergency Officer for Somalia, told IRIN on Friday. "The community must permanently relocate to higher ground to avoid being flooded every time sea levels rise," he added. Nearly three weeks after the tsunami hit the region, the residents of Hafun were still living on higher ground about a kilometre from the coastline. Many were sheltering under plastic sheeting provided by UNICEF or in huts made from tree branches. "The geographical outline of Somalia's northeastern coastline was altered by the tsunami, preventing its former residents from returning home in the foreseeable future," McCarthy added. "Their homes were by the shore but will now have to be rebuilt up to one kilometre inland." According to McCarthy, residents of the fishing community of Hafun, the worst hit area, had more than half their homes destroyed by the killer wave, leaving them without shelter, clean water, sanitation and food. Out of fear that local water sources could be contaminated, UNICEF was collaborating with the Somali Red Crescent Society to provide household chlorination. The agency was also transporting limited amounts of safe drinking water from a distance of 92 km away. Apart from providing emergency assistance to the people of Hafun, Bandar Bayla, and Gara'g, UNICEF has also immunised 200 Hafun children against measles. On Tuesday, it began a fresh drive to vaccinate all women of childbearing age against tetanus. Relief workers said several humanitarian agencies had also either sent aid or announced plans to help the affected people in Somalia. UN-HABITAT said it would repair some properties and basic infrastructure. It also planned to rehabilitate 1,000 houses and build 500 new homes in the future. The World Food Programme (WFP), which was the first agency to deliver aid to Hafun, landed the first flight in a decade on Hafun on Tuesday. The aircraft carried drinking water, other provisions, WFP staff, and reporters. Laura Melo, WFP's Public Information Officer for Africa, also said the agency had shipped an additional 1,300 mt of food from the Kenyan port of Mombasa to assist up to 30,000 people affected by the tsunami. Northeastern Somalia's self-declared republic of Puntland was the worst hit region in eastern Africa when the Indian Ocean tsunami smashed along more than 650 km of coastline. At least 150 people are estimated to have died. The international NGO, World Concern, in a statement on Thursday said its preliminary findings suggested that nearly 600 Somali families had lost lives and/or property. "Camps are overcrowded," it said. "Initial outbreaks of malaria, typhoid, respiratory-tract infections, and diarrhea have been reported." The NGO said extensive damage to the local fishing fleet was of utmost concern because almost all affected families were subsistence fishermen. "Most boats and nets are gone; most of the rest are damaged," it noted. The UN Food and Agriculture Organisation (FAO), in a separate statement, said around 2,600 fishing boats had been destroyed along the Somali coast. FAO, which was preparing to assist in getting the damaged fishing vessels repaired, said it would support the provision of fishing inputs. It would also provide short-term financial aid and training in improved fishing techniques and boat building to about 2,000 fishermen. Source: IRIN Powered by AllPuntland.com Copyright ©AllPuntland.com Looks like the coastal towns of Pland will be better off in the future than they were before.
  3. besbaaso, definetily the guys on the skyscraper have the worst job. If I was there and suddenly looked down, I would lose it. :cool:
  4. Lol Actually not a bad idea mate. Pland has the right to settle with conditions. But of course within the boundaries of mutual respect.
  5. Che, Galkayo reunity? You think Pland never tried? Guess again, the people of Barahley stood against it. Since then even private companies tried to conduct their services in Barahley, but to no avail. Just recently they threatened to attack the rest of Galkayo if Barahley wasn't allocated a share of the revenues of Galkayo International Airport without ever contributing to the development and functioning of the airport and worse yet, to stay an enclave within Galkayo. Pland did a good job ignoring their ridiculous demand. So you see Barahley is blocking Galkayo unity. An agreement goes from two ways, so don't fingerpoint it all on Pland. So all in all Barahley cannot be compared to Abudwaq. Abudwaq is much more stable than Barahley and Rer Abudwaq have shown they're willingness to join Pland by sending proposals and visiting Pland. I failed to understand how including Abudwaq would make Pland more exclusive? Not including Abudwaq would make Pland more exclusive than including it. Pland is openly a clanbased state and regarding Somalia's sorry state, it's quite logical.
  6. Laba Nin oo u Kala Dhashey Britain iyo Australia oo lagu qabqabtay Magaalada Boosaaso Boosaaso - 13.Jan.2005 Ciidanka amaanka ee magaalada Boosaaso ayaa waxay gacanta ku dhigeen rag ajaanib ah oo ay dhalashadoodu kala ahayd UK iyo Australia. Labada nin ayaa waxa lagu kala magacaabaa Dean Fiore oo Australian ah iyo Adam Zeller oo u dhashay dalka Ingiriiska, Taliyaha laanta socdaalka ee gobolka Bari Dhamme C/qaadir Ciise Cismaan ayaa idaacada SBC u sheegay in waddanka ay ku soo galeen nimankani sharci daro sababta loo soo qabtayna ay sidaas tahay. Adan Zeller, oo Ingiriis ah ayaa waxaa uu SBC u sheegay in ay dalxiisayaal ahaayeen kana yimaaddeen waddanka Koonfur Afrika haddana ay dalxiis ugu soo kicitimeen Soomaaliya gaar ahaan deegaammada Puntland iyo Somaliland. Dalxiisayaashaasi ayaa waxay sheegeen in aanay wax dhibaato ah la kulmin intii ay joogeen Puntland. Si kastaba ha ahaatee labadan nin ayaa waxa ay sheegeen in ugu dambayntii la sii daayey oo ay sii daayeen ciidanka booliska ayna sheegeen in ay u sii baqooli doonaan dhinaca Somaliland ugana sii gudbi doona S-Afrika iyaga oo sheegay in ku safri doonaan safar xagga dhulka ah. Maxamed Cali Juxaa SBC Boosaaso They should have let them stay in jail for at least a few months. Could these lads be of the tv-programme MTV the Trip? Who knows?
  7. Good news Orgilaqe. Now the focus is on the next step. Coming to Somalia.
  8. Let the man rest in peace. He was a good statesman. Let's pound on the current Sland government. Look at the awful selfportrait of the Sland president. He is caucasian in the painting. The British must have been laughing like crazy. This is as embarrassing as Sland's foreing minister/nurse Edna saying that they are the lost orphans of the British queen.
  9. Safarkii waddada ee Xaafun ee Koronto Abdirahman Koronto BBCSomali.com Dhulkii adkaa ee aan baabuurka ku marnay Waxaan ka baxnay magaalada Nairobi abaarihii todobadii aroornimo, waxaan raacnay diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay, waxaan kooxdeena u socotay Xaafun ahayn shan weriye iyo laba sarkaal oo WFP ka socday, waxaan kala ahayn Aniga oo BBC-da ka socday,weriye Robert oo ka socday USA today, Gifan oo isna ka socday wargayska Guardian, Francesco oo sawirqaade madax bannaan ahaa, Crunchy oo ahaa Kaamariiste madaxbanaan oo la shaqaynayay WFP, Mowliid Warfaa iyo Nadiir oo labaduba ka tirsan saraakiisha WFP. Waxay diyaaraddu nala martay No 50 oo ay ku dajisay qaar ka mid ah dadkii naga soo raacay Nairobi, oo ilaa laba saacadood iyo dheeraad ay na sii waday, markaa kadibna waxay noo qaaday magaalada Hargeisa, oo daqiiqado kadibna ay u ambabaxday magaalada Boosaaso, oo ay casirkii na gaysay. Geel aan ku aragnay dhulkii aan marnay Ku dhowaad toban saacadood oo safar diyaaradeed ah kadib markii aan gaarnay Boosaaso oo alaabtii dhiganay Hotel-kii aan habeenkaa seexan lahayn, ayaa u dhaqaaqnay in aan magaalada soo kormeerno, balse waqtiga aan nimid oo casir liiq ahaa, ayaa noo saamixi waayay in aan tagno wax ka baxsay dekedda magaalada Boosaaso, oo markaasi howlo yar ay ka socdeen, waxaa mid ka mid ah doomaha dekedda ku xirnaa lagu rararayay ari, iyadoo mid kalena laga dajinayay bagaash. Habeenkaasi, waxaan seexanay Hotel-ka International Village oo ku yaalla Boosaaso, iyadoo aan ku ballannay in aroortii shanta iyo barka aan isku diyaarino in uu bilowno safarka adag ee aanu ugu talo galnay in aan ku gaarnay Xaafun, oo ay bad ku hareeraysan tahay oo kaliyana leh hal waddo oo laga galo. Markii la gaaray aroortii, waxyaabo yar yar oo safarkeenu muhiim u ahaa ayaa dhaliyay in aan saacado daahno, balse waxaan ku guulaysannay in aan wadada cagta saarno sideedii subaxnimo, anagoo wadanay sadex baabuur, oo 4WD ahaa, oo ah landcruisero loo diyaariyay safar adag, oo mid walba ugu yaraan fuusto shidaal ah saarnayd iyo sahaydii cuntada iyo qalabkii kale ee aanu wadanay. Diyaaradii ugu horaysay ee 10 sano ku degta Xaafun Markii aan dhowr kilomitir haynay wadada kaliya ee laamiga ah ee magaalada Boosaaso Gasha, ayaan ka leexahay meel dhexe, oo bilownay waddo adag oo gawaan iyo jay ah, waxaan sii marnay tuulooyin dhowr ah oo wali laga dareemayay abaartii ugu dambaysay, waxaan marnay dhul lama degaan ah, oo dhowr boqol oo kilomitir fidsan, oo dhirtu qalashay gawaan iyo dhagxaanna ahaa, mararka qaar waxaan dul maraynay waddooyin buuro dhagax ah dhexmara, waxaana aad u adkaa in aan wax xoolo ah dhulkaasi ku aragno, iyadoo dhowr boqol oo kiilomitir aan ku arkay ari tiro yar iyo tiro aan toban dhamayn oo geel wayda ah, oo ka bar yar kii aan ku arkay dhulka Koonfurta Soomaaliya. Markii aan dhinaca badda u sii dhowaanay, ayaan dareennay in dhulkii oo wali adag hadana dhul geedo badan leh oo cagaaran aan soo galnay, inkastoo geeduhu ahaayeen kuwo gaagaaban, dhowr jeer ayaanu hakanay si baabuurtu isu sugaan kadib markii ay isu muuqan waayeen, waayo waxaa baabuur walba uu kicinayay siigo, oo way adkayd in baabuurtu isku dhowaadaan, waxaanu mar ka lunnay wadadii na gayn lahayd Xaafun oo in ka badan saacad aan jiho kale u soconay, balse markii dambe oo baabuurkii ugu horeeyay uu gartay in laba wado oo kala leexanaysay midda qaldan uu soo qaaday, ayaa ku soo laabanay isla wadadii si aan ugu soo noqonno halkii aan ka soo qaladnay. Dhulka dhiiqada ahaa ee aan marnay Markii aan ogaannay in aysan noo suurtgalaynin in aan isla maqribkaasi aan u hoyanno Xaafun, ayaanu go'aansanay in aan ku hakanno oo habeenkaas seexanno tuulada Foocaar, oo Boosaaso u jirta ku dhowaad 450 kilomitir, Xaafunna u jirta ilaa todobaatan Kilomitir oo dhinaca beriga ah iyo wax ka yar afartan kilomitir oo dhinaca xeebta ah. Waxaanu gaarnay Foocaar Shantii galabnimo iyo daqiiqado, iyadoo tan iyo markii aan Boosaaso ka soo dhaqaaqnay waxa kaliya ee aanu afka saarnay ay ahaayeen biyo iyo timir yar oo aad mooday in la qooyay oo aan wadada ka soo iibsanay, habeenkii ayaa odayaasha Tuulada Foocaar ay noo diyaariyeen Baasto iyo tuunno, ma lahayn fargeeto, balse waxaa naloo keenay laba qaaddo, taasoo keentay in qaarkeen aanu gacmaha dhaqano oo cunno, balse weriyayaashii nala socday ay ku adkaatay in ay cunaan baasto fargeeto la'aan ah. Baabuur naga galay meel dhiigo ah Subixii todobadii ayaanu marka kale bilownay safarkeenii ku wajahnaa Xaafun, waxaan ku laabanay wadadii dhinaca beriga oo bilownay isla wadadii adkayd, waxaanse bilownay in aan marno dhul ay biyihii badda soo gaareen oo bacaad ahaa, iyadoo isla markaana aan ku qasbanayn in aan marno buuro bacaad ah, oo baabuurto ay galeen balse farsamooyin la adeegsaday kadib laga saaray. Waxaanu dhul bacaad ah sii marnaba, waxaan ugu dambayntii galnay dhul biyo ah, oo ah wadadii kaliya ee laga gali karay Xaafuun, oo wadadaasina ay labada dhinac bad ka xigtay, sadexdii baabuur ee aanu wadanay midkii aan aniga iyo dhowr qof saarnayn, ayaa mari waayay dhulkii biyaha ahaa oo ku dhiiqday, waxaan isku daynay in mid ka mid ah labadii baabuur ee kale aan ku jiidno oo aanu kaga saarno dhiiqada, balse waan ku guuldaraysanay, waayo afarta taayar ayuu god gishtay, oo taayarada kaligood ayaa dhaqaaqayay marka la sheelareeyo. Buuro bacaad ah Waxaan ku qasbanaanay in aan labadii baabuur ee noo badbaaday aan qaadano oo kii haray wadada uga tagnay iyadoo ay ku hareen darawalkii iyo mid ka mid ah waardiyayaashii nala socday, sababtuna waxay ahayd Xaafun oo aan naga fogayn oo noo jirtay oo kaliya in loo socdo labaatan daqiiqo. Waxaan Xaafun gaarnay shantii Saac ee subaxnimo kadib markii aan wadada Foocaar ilaa Xaafun ku soo jirnay afar saacadood, waxaan isla markiiba ku dhaqaaqnay in aan soo eegno burburka Xaafun gaaray oo boqolkiiba sagaashan guryaha magaalada ay burbureen ama biyo galeen, waxaan habeenkii seexanay guri ay biyihii baddu galeen balse la diyaariyay oo waxa yaalay oo kaliya uu ahaa sali wayn oo qolka oo dhan gaarayay, oo aanay wax kale wehlin, qolkaasi yar ayaan habeenkaasi ku seexanay todoba qof. Dhul biyaha baddu fadhiyaan Subixii, oo qorshuhu ahaa in aan isku diyaarino safarkii adkaa ee wadada, oo aanu bilowno aroortii, ayaa dadka deegaanku noo sheegeen in safarkii afarta saac nagu soo qaatay Foocaar ilaa Xaafun, uu sodon daqiiqo oo raaxo leh noqonayo hadii aan xeebta marno markii afar saac subaxnimo ay baddu caarido, waxaan go'aansanay in aan sidaa yeelno, afar saac subaxnimo ayaan isku dhignay xeebta, waxaanu dareemaynay in aan wado highway ah ku socono oo kale, oo baabuurtuna ku socotay in ka badan 100 miles per hour, sidii ay dadka deegaanku sheegeen ayaaba run ahayd oo sodon daqiiqoba waxaanu ku gaarnay Foocaar. Anagoo ka baxnay Foocaar ilaa shan kiilomitir, ayaa sarkaalkii WFP ee nala socday loo sheegay in aan ku soo noqono Xaafun oo habeenkaa seexanno, subixiina diyaarad yar na looga qaadi doono, sidii ayaanu yeelnay, waxaana na soo gaartay diyaarad yar oo uu waday duuliye u dhashay Kenya oo Mombasa ka soo duulay, oo la yiraahdo Saalax, kaasoo ii sheegay in uu Yemen ka soo jeedo, markii diyaaraddu kacday oo ilaa sagaal qof qaadday, wuxuu duuliye Saalax laba jeer nagu soo dul wareejiyay Xaafun si aanu dusha uga aragno ama sawirano Xaafun, iyadoo saacad gudaheedna uu nagu gaarsiisay Boosaaso, halkii markii hore ay nagu qaadatay ku dhowaad toban saacadood. Diyaaradii naga soo qaaday Xaafun Subixii xigtay oo isla diyaaradii Nairobi naga qaaday ay noogu timid Boosaaso, ayaanu filaynay in ay si toos ah noo keeni doonto Nairobi, balse waxaanu ka naxnay markii duuliyuhu noo sheegay in uu marayo Hargeisa, Waajid, Kilomitir 50 kadibna Nairobi, diyaaradii tobankii subaxnimo ka soo kacday Boosaaso, waxay Nairobi na keentay 5tii iyo barkii maqribnimo. http://www.bbc.co.uk/somali/news/story/2005/01/050112_safar.shtml USA Today's inside coverage of Hafun: http://www.usatoday.com/printedition/news/20050110/a_somalia10.art.htm http://www.usatoday.com/news/world/2005-01-06-somalia-usat_x.htm Mail&Guardian Online: http://www.mg.co.za/content/l3.asp?cg=0&o=194358 Guardian Unlimited: http://talk.workunlimited.co.uk/tsunami/story/0,15671,1385940,00.html
  10. Safarkii waddada ee Xaafun ee Koronto Abdirahman Koronto BBCSomali.com Dhulkii adkaa ee aan baabuurka ku marnay Waxaan ka baxnay magaalada Nairobi abaarihii todobadii aroornimo, waxaan raacnay diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay, waxaan kooxdeena u socotay Xaafun ahayn shan weriye iyo laba sarkaal oo WFP ka socday, waxaan kala ahayn Aniga oo BBC-da ka socday,weriye Robert oo ka socday USA today, Gifan oo isna ka socday wargayska Guardian, Francesco oo sawirqaade madax bannaan ahaa, Crunchy oo ahaa Kaamariiste madaxbanaan oo la shaqaynayay WFP, Mowliid Warfaa iyo Nadiir oo labaduba ka tirsan saraakiisha WFP. Waxay diyaaraddu nala martay No 50 oo ay ku dajisay qaar ka mid ah dadkii naga soo raacay Nairobi, oo ilaa laba saacadood iyo dheeraad ay na sii waday, markaa kadibna waxay noo qaaday magaalada Hargeisa, oo daqiiqado kadibna ay u ambabaxday magaalada Boosaaso, oo ay casirkii na gaysay. Geel aan ku aragnay dhulkii aan marnay Ku dhowaad toban saacadood oo safar diyaaradeed ah kadib markii aan gaarnay Boosaaso oo alaabtii dhiganay Hotel-kii aan habeenkaa seexan lahayn, ayaa u dhaqaaqnay in aan magaalada soo kormeerno, balse waqtiga aan nimid oo casir liiq ahaa, ayaa noo saamixi waayay in aan tagno wax ka baxsay dekedda magaalada Boosaaso, oo markaasi howlo yar ay ka socdeen, waxaa mid ka mid ah doomaha dekedda ku xirnaa lagu rararayay ari, iyadoo mid kalena laga dajinayay bagaash. Habeenkaasi, waxaan seexanay Hotel-ka International Village oo ku yaalla Boosaaso, iyadoo aan ku ballannay in aroortii shanta iyo barka aan isku diyaarino in uu bilowno safarka adag ee aanu ugu talo galnay in aan ku gaarnay Xaafun, oo ay bad ku hareeraysan tahay oo kaliyana leh hal waddo oo laga galo. Markii la gaaray aroortii, waxyaabo yar yar oo safarkeenu muhiim u ahaa ayaa dhaliyay in aan saacado daahno, balse waxaan ku guulaysannay in aan wadada cagta saarno sideedii subaxnimo, anagoo wadanay sadex baabuur, oo 4WD ahaa, oo ah landcruisero loo diyaariyay safar adag, oo mid walba ugu yaraan fuusto shidaal ah saarnayd iyo sahaydii cuntada iyo qalabkii kale ee aanu wadanay. Diyaaradii ugu horaysay ee 10 sano ku degta Xaafun Markii aan dhowr kilomitir haynay wadada kaliya ee laamiga ah ee magaalada Boosaaso Gasha, ayaan ka leexahay meel dhexe, oo bilownay waddo adag oo gawaan iyo jay ah, waxaan sii marnay tuulooyin dhowr ah oo wali laga dareemayay abaartii ugu dambaysay, waxaan marnay dhul lama degaan ah, oo dhowr boqol oo kilomitir fidsan, oo dhirtu qalashay gawaan iyo dhagxaanna ahaa, mararka qaar waxaan dul maraynay waddooyin buuro dhagax ah dhexmara, waxaana aad u adkaa in aan wax xoolo ah dhulkaasi ku aragno, iyadoo dhowr boqol oo kiilomitir aan ku arkay ari tiro yar iyo tiro aan toban dhamayn oo geel wayda ah, oo ka bar yar kii aan ku arkay dhulka Koonfurta Soomaaliya. Markii aan dhinaca badda u sii dhowaanay, ayaan dareennay in dhulkii oo wali adag hadana dhul geedo badan leh oo cagaaran aan soo galnay, inkastoo geeduhu ahaayeen kuwo gaagaaban, dhowr jeer ayaanu hakanay si baabuurtu isu sugaan kadib markii ay isu muuqan waayeen, waayo waxaa baabuur walba uu kicinayay siigo, oo way adkayd in baabuurtu isku dhowaadaan, waxaanu mar ka lunnay wadadii na gayn lahayd Xaafun oo in ka badan saacad aan jiho kale u soconay, balse markii dambe oo baabuurkii ugu horeeyay uu gartay in laba wado oo kala leexanaysay midda qaldan uu soo qaaday, ayaa ku soo laabanay isla wadadii si aan ugu soo noqonno halkii aan ka soo qaladnay. Dhulka dhiiqada ahaa ee aan marnay Markii aan ogaannay in aysan noo suurtgalaynin in aan isla maqribkaasi aan u hoyanno Xaafun, ayaanu go'aansanay in aan ku hakanno oo habeenkaas seexanno tuulada Foocaar, oo Boosaaso u jirta ku dhowaad 450 kilomitir, Xaafunna u jirta ilaa todobaatan Kilomitir oo dhinaca beriga ah iyo wax ka yar afartan kilomitir oo dhinaca xeebta ah. Waxaanu gaarnay Foocaar Shantii galabnimo iyo daqiiqado, iyadoo tan iyo markii aan Boosaaso ka soo dhaqaaqnay waxa kaliya ee aanu afka saarnay ay ahaayeen biyo iyo timir yar oo aad mooday in la qooyay oo aan wadada ka soo iibsanay, habeenkii ayaa odayaasha Tuulada Foocaar ay noo diyaariyeen Baasto iyo tuunno, ma lahayn fargeeto, balse waxaa naloo keenay laba qaaddo, taasoo keentay in qaarkeen aanu gacmaha dhaqano oo cunno, balse weriyayaashii nala socday ay ku adkaatay in ay cunaan baasto fargeeto la'aan ah. Baabuur naga galay meel dhiigo ah Subixii todobadii ayaanu marka kale bilownay safarkeenii ku wajahnaa Xaafun, waxaan ku laabanay wadadii dhinaca beriga oo bilownay isla wadadii adkayd, waxaanse bilownay in aan marno dhul ay biyihii badda soo gaareen oo bacaad ahaa, iyadoo isla markaana aan ku qasbanayn in aan marno buuro bacaad ah, oo baabuurto ay galeen balse farsamooyin la adeegsaday kadib laga saaray. Waxaanu dhul bacaad ah sii marnaba, waxaan ugu dambayntii galnay dhul biyo ah, oo ah wadadii kaliya ee laga gali karay Xaafuun, oo wadadaasina ay labada dhinac bad ka xigtay, sadexdii baabuur ee aanu wadanay midkii aan aniga iyo dhowr qof saarnayn, ayaa mari waayay dhulkii biyaha ahaa oo ku dhiiqday, waxaan isku daynay in mid ka mid ah labadii baabuur ee kale aan ku jiidno oo aanu kaga saarno dhiiqada, balse waan ku guuldaraysanay, waayo afarta taayar ayuu god gishtay, oo taayarada kaligood ayaa dhaqaaqayay marka la sheelareeyo. Buuro bacaad ah Waxaan ku qasbanaanay in aan labadii baabuur ee noo badbaaday aan qaadano oo kii haray wadada uga tagnay iyadoo ay ku hareen darawalkii iyo mid ka mid ah waardiyayaashii nala socday, sababtuna waxay ahayd Xaafun oo aan naga fogayn oo noo jirtay oo kaliya in loo socdo labaatan daqiiqo. Waxaan Xaafun gaarnay shantii Saac ee subaxnimo kadib markii aan wadada Foocaar ilaa Xaafun ku soo jirnay afar saacadood, waxaan isla markiiba ku dhaqaaqnay in aan soo eegno burburka Xaafun gaaray oo boqolkiiba sagaashan guryaha magaalada ay burbureen ama biyo galeen, waxaan habeenkii seexanay guri ay biyihii baddu galeen balse la diyaariyay oo waxa yaalay oo kaliya uu ahaa sali wayn oo qolka oo dhan gaarayay, oo aanay wax kale wehlin, qolkaasi yar ayaan habeenkaasi ku seexanay todoba qof. Dhul biyaha baddu fadhiyaan Subixii, oo qorshuhu ahaa in aan isku diyaarino safarkii adkaa ee wadada, oo aanu bilowno aroortii, ayaa dadka deegaanku noo sheegeen in safarkii afarta saac nagu soo qaatay Foocaar ilaa Xaafun, uu sodon daqiiqo oo raaxo leh noqonayo hadii aan xeebta marno markii afar saac subaxnimo ay baddu caarido, waxaan go'aansanay in aan sidaa yeelno, afar saac subaxnimo ayaan isku dhignay xeebta, waxaanu dareemaynay in aan wado highway ah ku socono oo kale, oo baabuurtuna ku socotay in ka badan 100 miles per hour, sidii ay dadka deegaanku sheegeen ayaaba run ahayd oo sodon daqiiqoba waxaanu ku gaarnay Foocaar. Anagoo ka baxnay Foocaar ilaa shan kiilomitir, ayaa sarkaalkii WFP ee nala socday loo sheegay in aan ku soo noqono Xaafun oo habeenkaa seexanno, subixiina diyaarad yar na looga qaadi doono, sidii ayaanu yeelnay, waxaana na soo gaartay diyaarad yar oo uu waday duuliye u dhashay Kenya oo Mombasa ka soo duulay, oo la yiraahdo Saalax, kaasoo ii sheegay in uu Yemen ka soo jeedo, markii diyaaraddu kacday oo ilaa sagaal qof qaadday, wuxuu duuliye Saalax laba jeer nagu soo dul wareejiyay Xaafun si aanu dusha uga aragno ama sawirano Xaafun, iyadoo saacad gudaheedna uu nagu gaarsiisay Boosaaso, halkii markii hore ay nagu qaadatay ku dhowaad toban saacadood. Diyaaradii naga soo qaaday Xaafun Subixii xigtay oo isla diyaaradii Nairobi naga qaaday ay noogu timid Boosaaso, ayaanu filaynay in ay si toos ah noo keeni doonto Nairobi, balse waxaanu ka naxnay markii duuliyuhu noo sheegay in uu marayo Hargeisa, Waajid, Kilomitir 50 kadibna Nairobi, diyaaradii tobankii subaxnimo ka soo kacday Boosaaso, waxay Nairobi na keentay 5tii iyo barkii maqribnimo. http://www.bbc.co.uk/somali/news/story/2005/01/050112_safar.shtml USA Today's inside coverage of Hafun: http://www.usatoday.com/printedition/news/20050110/a_somalia10.art.htm http://www.usatoday.com/news/world/2005-01-06-somalia-usat_x.htm Mail&Guardian Online: http://www.mg.co.za/content/l3.asp?cg=0&o=194358 Guardian Unlimited: http://talk.workunlimited.co.uk/tsunami/story/0,15671,1385940,00.html
  11. Do you lads think that Farole had planned this all along to pawn his Nugaal constituency into voting for him and if he doesn't make it, to vote for Gen Adde Muse. It's common knowledge that he hates Hashi with a passion, since Hashi tried to snatch the finance ministry from Farole as acting president. Farole made a comeback by a decree from Nairobi by then president Abdullahi Yusuf to undo the decision. So this must be his revenge.
  12. Born in Medina hospital, bred in Xamarweyne, Waberi and then Hodan.
  13. Gaari Beebe ah oo sababay dhimashada 4 qofood & dhaawaca 24 qof degmada Guriceel ee gobolka Galguduud Guriceel Bartamaha degmada Guriceel waxaa iska horimaad uu ku dhexmaray saaka maleeshiyooyin galbinayey gaari Beebe ah oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho & maleeshiyo kale oo ka soo horjeeday in gaarigaasi la iibsado, waxaana dagaalkaasi oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ka dhashay qasaaro dhisamasho & dhaawac ah. Gaarigan Beebaha ah ayaa laga soo iibsaday ganacsade u dhashay beesha ********* , waxeyna warar aan la xaqiijin sheegayaan in gaarsigaasi uu soo iibsaday ganacsade Abuukar Cumar Caddaan, iyadoo gaarigaasina soo gudbintiisa loo xilsaaray maleeshiyooyin isku dhaf ah oo ka soo jeeda beelaha ********* & Cayr, waxaana maleeshiyadaasi weerar kedis ah ku soo qaaday maleeshiyooyin ka careysan in gaarigaasi la iibsado, iyadoo iska horimaadkaasina ay ku dhinteen 4 qofood, waxaana tirada dadka ku dhaawacmay lagu sheegay in kabadan 24. Dagaalka saaka ka dhacay Guriceel ayaa waxaa ku soo baxay waxgarad kala duwan oo ka soo kala jeeda beelaha dega Guriceel & Balanbale, iyadoo waxgarad-ku ay ka tashanayaan sidii laga yeeli lahaa xiisad dhalisay dhimashada & dhaawaca Ku noqo beejka Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho cabdishakuur@dayniile.com webmaster@dayniile.com
  14. Ugu Yaraan 6 Qof oo Ku Dhimatey & 22 kale oo Ku Dhaawacantey Dagaal Ka Dhacey Guriceel Guriceel-11.January.2005 Ugu yaraan 6 Qof ayaa dhimatey 17 kalena way ku dhaawacmeen dagaal xoog leh oo maanta ka dhacey Degmada Guriceel ee Gobolka Galguduud. Dagaalkan oo la isku adeegsadey noocyada kala duwan ee Hubka dagaalka ayaa yimid ka dib markii laba kooxood oo ka soo kala jeeda Deegaanada Guriceel iyo Balanballe(********* iyo Cayr) ay isku qabsadee Gaari ka mid ah Gawaarida Dagaalka gaar ahaan Nooca loo yaqaan Beebe oo laga soo gatey Deegaanka Balanbal. Dadka dhintey iyo ku dhaawacmey ayaa badankood waxay ahaayeen Dadleydii dagaalameysay walow ay jiraan warar sheegaya in Gaari Xaajiyad oo safar ahaa ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen Dad Rayid ah. Wariye ka tirsan Idaacada SBC ayaa soo sheegaya in qaar ka mid ah Dadkii ku dhaawacmey dagaal Kooxeedkaas la geeyey Magaalada Baladweyne, kuwaasi oo qaar ka mid ah Xaalkooda caafimaad u yahay mid liita. Duqeyda dhaqanka ee Deegaanka Guriceel ayaa la sheegay inay haatan gacanta ku hayaan Beebihii xiisadu ka curatey iyadoo la filayo in xiisada la qaboojiyo isla markaana la isku yimaado Gogol Nabadeed oo looga fogaado xiisad iyo dhiig dambe oo halkaasi ku daata. Maxamed Cabdi Bootaan SBC Baladweyne.
  15. Guriceel: Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal Maanta Guriceel ka Dhacay - Wednesday, January 12, 2005 at 17:19 Guriceel (AllPuntland)- 3 qof ayaa geeriyootay 17 kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii dagaal kharaar ku dhex maray laba malleeshiyood degmada Guriceel ee gobolka Galguduud. Dagaalkaan ayaa ahaa mid u dhexeeya malleeshiyaad fariisimohoodu kala yihiin deegaanada Guriceel iyo Balanballe kuwaasoo dirirtoodu ku salaysan tahay muran u dhexeeyay maalmihii ugu danbeeyay oo sababay inuu gacan kahadalkan dhoco. Wararka ka imaanaya deegaanka Guriceel ayaa sheegaya in gacan kahadalku uu ka dhashay kadib markii gaari tikniko ah oo noociisu yahay Bee Bee ay sheegtay maleeshiyada reer Guriceel inay kasoo iibsadeen deegaanka Ballanballe balse maleeshiyada reer Balanbale ayaa sheegatay inayan jirin wax iib ah oo ay soo iibsadeen gaariga. Dagaalkan oo ahaa dagaal aad u kharaar ayaa saamayn ku yeeshay magaalada Guriceel ,ayadoo dagaalkuna uu ka dhacay bartamaha magaalada . Marka laga soo tago khasaaraha dhimashada waxaa halkaasi lagu gubay gaari noociisu yahay xaajiyad oo ay maleeshiyaadkii dirirayay ay gubeen. Gaarigii gacan kahadalka dhaliyay ayaa waxaa gacanta ku haya waxgaradka Guriceel oo ku dadaalaya in mar danbe uusan dagaal dhicin ayagoo taleefon u diray beelaha Balanballe inay wadahadallada arimahan lagu qaboojinayo kusoo biiraan. Duhurnimadii maanta ayaa odayaal kasocda deegaanka Balanballe ay soo gaareen deegaanka Guriceel halkaasina ay ka bilaabeen wadahadallo ay la leeyihiin beelaha kale . CCC Farayaamo AllPuntland, Gaalkacyo Powered by AllPuntland.com Copyright ©AllPuntland.com
  16. Dagaal Maanta ku dhexmaray Deegaanka Guriceel Maleeshiyo Beeleed Ka Soo Jeeda Beelaha ********* Iyo Cayr Wararka ka imaanaya deegaanka Guriceel ee gobolka galguduud ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta uu dagaal si kadis ah ugy qarxay deegaankaas. Dagaalka ayaa waxaa uu ka qarxay ka dib markii Gaari tikiniko ah oo ah loo yaqaan BEEBEE 14 oo laga lahaa degmeda Balanballe ay si qarsoodi ah ay dabceen inay ku kala gataan niman ganacsato ah oo ka seeda deegaanka Guriceel iyo koox aan lahayn mas'uuliyada Gaarigaas. Waxaana ay gaarigii labadii kooxood ee rabay inay kala iibasadaan ay si qarsoodi habeenimadii xalay abaarihii 4:00 habeenimo Saqdii dhexe ay kala tageen degmeda Balanbale oo kala dhuumanayeen inay arkaan dadka Deegaanka Balanbale ee ay isku Beesha ka soo jeedaan kooxda la baxsaneysay BEEBEE-ga. Hadaba markii uu waagu baryay Balanbale ayaa waxaa ka daba baxay kooxdii lafakaday gaariga, odayaal iyo ciidan raacdo ah kuwaas oo doonayay inay Gacanta ku soo dhigaan gaarigaan ay kooxda burcadi ah kala fakanayeen. Odayaalkii Raacdada ahaa waxaa ay kaga dabatageen gaarigii ay raacadysanayeen Magaalada Guriceel, waxaana Halkaas ka qarxay dagaal lamo filaan ah oo u dhexeeya raggii raacdada ahaa ee raadinayay Baabuurka iyo Kooxdii Fakadka la ahayd dagalkan oo ka dhacay Magaalada gudaheeda waxaa uu Sababay Dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku dhimatay 4 qofood, waxaana ku dhaawacantay dad gaaraya 17 qofood, hasae ahaatee dadka dhintay ayaa waxaa ay ka soo jeedaan beesha degta Balanbale. Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaray deeganka guriceel waxaa ay sheegayaan in uu socdo dadaal lagu doonaayo sidii aysan arintu faraha uga sii bixi lahayn oo uusan udhicin dagaal hor leh, waxaana ay wali ay isku hor fadhiyaan labadii qolo ee ku dagaalantay gaariga meesha gaarigu yaalo ah oo bakhaaro ay leedahay shirkad ganacsi oo la yiraahdo Bader ee magaalada guriceel. Wixii war ah oo kasoo kordho arintaan dib ayaan idiinkaga soo gudbin doonaa insha allaah. Said Mohamed Ali "Qodax" Gedonet Central Somalia. qodax@gedonet.com
  17. Well horn and msword, stop crying. This is interesting, as I said before I'm for the inclusion of our brothers in Galgudud. [msword, sorry this is allpuntland. couldn't find the same topic on cnn and bbcnews] Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo ka Codsaday Madaxweynaha Puntland in Beelaha ********* iyo *** ay ka Mid noqdaan Puntland, Shir Jaraa'id oo uu qabtay - Wednesday, January 12, 2005 at 17:09 Gaalkacyo (AllPuntland)- Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Warsame Cabdille Jabhad ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Gaalkacyo , halkaasi oo saxaafadda magaaladu ay su'aalo kala duwan ku waydiisay. Shirkaan Jaraa'id ayaa guddoomiyaha gobolka Mudug uu tahniyad ugu diray Madaxaynaha Cusub ee Puntland Gen: Cadde Muuse oo uu ugu bogaadiyay xilka uu ku guulaystay asagoo u rajeeyay inuu noqdo madaxwayne xilkiisa u wata si daacad ah oo eexasho la'aan ah. Guddoomiyuhu wuxuu soo jeediyay baaq kuwaajahan madaxwaynaha Puntland Gen: Cadde kaasoo ah inay habboontahay inuu madaxwaynaha Puntland sameeyo isbeddel lataaban karo oo ah dhinacyada shaqada , iyo nabadgalyada , wuxuu kula taliyay inuusan noqon madaxwaynuhu nin magac u yaal ah balse uu noqdo nin wax qabad muuqda qabta. Guddoomiyuhu wuxuu si aad ah uga hadlay gobolka Mudug iyo kaqaybgalkiisa maamulka Puntland , wuxuu guddoomiyuhu codsaday in gobolkiisu uu xubno fir fircoon ku yeesho maamulka cusub ee Puntland, wuxuuna intaasi ku daray in gobolka Mudug ay daggan yihiin qabaa'il kala duwan oo isugu jira kuwo waawayn iyo kuwo yar yar intaba, loona baahan yahay inay kulligood kawada muuqdaa maamulka cusub ee Puntland, si ay uga qaybqaataan arimaha difaaca iyo horumarka Puntland. Maxamed Warsame (Jabhad) guddoomiyaha gobolka Mudug wuxuu ka codsaday madaxwaynaha Puntland in beelaha ********* iyo *** ay oo ah beelo daris la'ah Puntland ay kamid noqdaan maamulka Puntland. Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa sidoo kale codsaday in la taageero saxaafadda gobolka oo ayagu qabta hawlo muhiim ah , wuxuuna sheegay inaysan suxufiyiintu helin daryeel iyo mushaaraad ku filan , dhinaca haweenka maruu ka hadlayay ayuu sheegay in haweenku ay door muhiim ah ka qaateen dhinacyada nabadgalyada, iyo horumarka arimaha bulshada , wuxuu sheegay in haweenku horayna ay u dulmanaayeen haddana ay wali dulman yihiin. CCC Farayaamo AllPuntland.com Powered by AllPuntland.com Copyright ©AllPuntland.com
  18. Puntland: Smooth transfer of power - Wednesday, January 12, 2005 at 16:40 Garowe, 11.01.05 – In one of the most remarkable transfer of power, former President of Puntland State of Somalia Mohamed Abdi Hashi handed over the presidency to his successor Mohamud Muse Hirsi (Gen. Adde), President-Elect of Puntland State. Gen. Adde won the presidency here in Garowe on Saturday in one of the closest elections in Puntland winning 35 of the total aggregate votes cast. So close it caught most people by surprise including the Gen. Adde himself as the election results had been announced by the Chairman of the Parliament. Moreover, the hopes of many of Hashi supporters were dashed at the realisation of Hashi failing to carry his own constituency. When one examines as to how the votes were cast in the final leg of the election, a reading of a different kind transpires. What no one so far is able to explain is how 10 of the 14 MPs representing Sool went to Gen. Adde contrary to early projections that Hashi would carry his own constituency, if not other regions. Equally unexplainable is how 8 of the 11 MPs of Sanag also went to the General with Hashi only doing with 3 (diagram #2 shows how the votes were cast between the candidates). Here, Sool and Sanag turned out to be the swing regions contrary to popular wisdom that Bari and Mudug traditionally perceived as the swing regions remained loyal to the last rounds. With 16 and 7 votes respectively going to Hashi, the forecast was that Hashi was to have had an away win, but unfortunately the golden striker sat on the terrace on this occasion.. Not surprising though was how all 9 votes from Nugal that earlier went to Abdirahman M Farole switched to Gen. Adde in the final leg as predicted. Statistically therefore, Gen. Adde secured 54% of the total votes cast whereas Hashi got a sizeable 46%. Contrary to the rumours that Hashi never stood a chance to win, as circulated in some circles, the election results do not support that hypothesis: one that was conceived in a rather minuscule incubator. 46% of the aggregates votes cast as statistics would indicate is not a number to mock. Hashi seen in Puntland and elsewhere as a man of vast wisdom and equally admirable leadership traits was tipped as the legitimate Head of State. Having served as the Vice President for the earlier 6 years, Hashi earned the trust of the people like no other leader in the past including Puntland’s first President, Abdillahi Yusuf. And as the President for the past three months, he solidified his position as a unifier and proved that he had what it took to lead and govern at the same time: a quality that not many in the political sphere are endowed upon. His supporters still believe that Hashi was the right man for the Office, and Puntland will pay a hefty price in the long run for releasing him of his duties as the Head of State. Credibility and honesty are qualities attributed to him. A strong advocate of effective administration where institutions guide government policies, and government officials are held accountable, Hashi would have breathed life into Puntland having sustained its fair share of negligence and mismanagement of authority. Follows the law to the letter, Hashi is known as an ardent fighter against corruption and favouritism. His critics however argue that Hashi was a man with narrow vision whose focus never wandered beyond his office. And while he fully appreciates the plight of the people and cognisant of turbulent times abound, he would prefer to retreat to a corner where he would have eventually been trapped ceasing to exist. A man of principles, ideals and great deal of skill in governance, but Hashi they argue is neither a visionary nor a hard-nosed politician. He would been the ideal man for a nation in merry times, it is said. But not for one in turbulent waters. Hashi, one of the handful former leaders who can wander the streets of any major city in Puntland and elsewhere in Somalia, he may spend a few months in the political wilderness, but he is bound to rejoice his retirement should he choose to do so. Already displaying signs of political sensibility and popularity, he vowed to work with the new administration and serve the State in any way possible. In his inauguration speech, President-Elect thanked his predecessor for his long service, unmatched leadership and most of all for his gamesmanship to the last minutes. Hashi on his turn reiterated his message: uphold the law and abide by its articles and resolutions. Nonetheless, as Gen. Adde ascends to the reigns of leadership in Puntland, a task of great magnitude is at hand. While times are not as stern with the formation of Somali transitional federal government of which priority is to take charge in Southern regions of Somalia, his strategy to settle the border conflict in Sool will be his first litmus test. So far, he had shown good judgement in his first order of business: signalling a peaceful resolution to the conflict while also ordering the Treasury to see to the needs of the frontline troops. As the years go by, let us hope by this time in three years time that the average person will have gone to the ballot box to cast his/her vote to elect the next Head of State. Let us also hope that Gen. Adde remains true to his campaign promises to strengthen State institutions, fight corruption, give priority to the upkeep of the State personnel and establishments, troops in particular, and most of all look closer at the concerns of the general public, social or otherwise. Mohamed Aden Ali gorayocawl@yahoo.com Powered by AllPuntland.com Copyright ©AllPuntland.com To all the dimwits who will spread the bullshit that only a certain clan can rule Pland might better shut up before they disgrace themselves, such as garbage newspapers Jamhuriya and Ayamaha that are used on the floor to eat on. Bari and Mudug, clearly not his constituencies voted massively for the former president Muhammad Abdi Hashi and Sool, Sanaag and Nugaal were overtly for the new president Gen Mahamud Muse Hirsi. Inshalah our new president Gen Adde Muse will fulfil his promises to the people of Pland.
  19. Thank you Thalamus. Highly appreciate it. I can't find an interesting article about how to treat your wife as a muslim. That one was the most helpful advice on this subject I ever saw in front of my nose.
  20. Duke, let's incorporate West Sanaag as well then! bro, you're going a bit too far. Pland is not founded for nothing. We didn't chose the federal path for nothing. Blood has been spilled and trust is sub zero.
  21. Nothing gives me more pleasure than to trigger such response from this gang. As it has been proven from time to time 'the truth hurts'.
  22. Out of the question. Pland is a state not a boyband. We are not willing to jeapordise our hard won peace. We've all seen how quickly wars occur in South Mudug, so that was a ridiculous idea.
  23. dont need no test! i am natural somali!! natural somali kulaha. war what score did you get, for not daring to show it to us. ^^tut tut tut ma saas baad nationalist ku tahay Lol Dawoco. There's something wrong with this quiz. Waxaan caadi ma ahan.
  24. I bet you love Puntlandpost, Horseednet and SBCNews right in contrast to Allpuntland? I've never catched Allpuntland with fabrications or cheap stories. You just hate that website, because it's Pland conservative.