Leaderboard


Popular Content

Showing content with the highest reputation on 08/19/2018 in all areas

  1. 1 point
    Dadku caqligiisu wuu joogaa wax walba sida qoraxda bay igu cad-yihiin. Wadada kaliya oo laamiga ah ama hargaysa dhex marta waa tii aabe siyaad uga tagay allaha u naxariisto. Dayac-tir dambe maysan helin walina waa laysku buuranayaa aydoo gawaari badan oo midigta ka socda lagasoo iibsaday imaaraadka dad badana ku wax-yooloobeen markay ka degayaan. Wakaaladda biyahu waa tii aabe siyadd uga tagay ayadoo cadadka dadkuna sii kordhayo maalinba maalinta ka dambaysa, lagana yaabo in dad badan haraad ku hayo guriga casaabaddu ku taliso meelaan sidaa uga fogayn iska daa inay maydhaane. Dhismayaasha maamulku degan yahay waa tii dawladdii hore ka dhistay hargaysa iyo magaalooyinja kaleba isteeshinadda, iskoolada, maxkamadaha iwm. Dekedda berbera sidoo kale Wadada isku xirta koonfurta iyo waqooyiga inta dadku ku baxsadayba waa wax qabadkii kacaankii ducada iyo barakada badnaa. Dad badan yaa ilmo soo dhaaftay markaan wax ka waydiiyay noloshadoo hore iyo maanta siiba dadka danyarta ah waana xaqiiq jirta xataa caymis dadku ma leh, qofkii gaari ka dhaca waa in ehelkiisu raadiyo qabiilkii darawalka. Casaabadan waxay xoogga saartaa wax siinta dadka ladan ama si kale haddii loo dhigo (wan wayn subag sii) waxay laaluush ku bixisaa iyo dhaqaale badan isku dirka beelaha, xuduud beena iyo soo jiidashada siyaasiyiin aan mabda'lahayn oo maalinba meel u guura. Saalax waa idinka saxan yahay farmaajo waa hogasmiyaha soomaaliya oo sharcigaa,xaq bayna u leeyihiin shacabkaa danyartaa inay mashaariicda horumarinta ee aduunku bixiyo ay qaybtooda ka helaan, waxaana hubaal ah inay qaybtooda iyo ka badanba heli lahaayeen haddaysan casaabadassu been u sheegin. Mana dhacdeen in caruur yar yar oo lafahoodu jilicsan yihiin iskool wax barasho u lugeeyaan 39km maalin walba qabow iyo kulymaylba.
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up