Leaderboard


Popular Content

Showing content with the highest reputation on 05/29/2018 in all areas

  1. 1 point
    Garowe much like Xaabsade before him. It will be moronic to welcome him.
  2. 1 point
  3. 1 point
    Magacaabista mas'uul muhiim ah arrin sahlan ma'ahan. Dadka kasoo tagaya maamulka snm, waa in dhaqan celin loo sameeyo intaan xil muhiim ah loo dhaarin aragtidayda, oo la baro faa'iidada ku jirta wadan midaysan inuu ka barako badan yahay daabiyado qabiil u oodan. Sababta aan taas u leeyahay waxa weeye, ma sahlana qof aaminsanaa kala tagga umadda in loo aamino si fudud. Waxaa jira dad wanaagsan oo wax ku ool ah kana soo jeeda waqooyi galbeed aaminsan midnimo iyo horumar, weligoodna u shaqayn jabhad iyo wax la mida, xaqna u leh inay isu sharaxaan madaxweyne ilaa mansib kastoo muwaadin xaq u leeyahay kuwaas darajada koowaad ha la siiyo. Midkii xilka laga qaaday shalay, wuxuu ku doodayaa xilka waxaa iga qaadi kara barlamaanka qayb ka mida, madaxweyne xil igama qaadi karo iyo wax la mida toonna. Kow... shalay waxaa xilka lagaaga qaaday ilko-xanaf waxaana ku magacaabay madaxweynihii hore, see kii kaa horeeyay xil ka qaadistiisu sharci u noqotay, taaduna sharci daro?!! wuxuu ku jawaabay ilka xanaf oday hawlgab ah ayuu noqday dastuurkaana ogol in odayaasha cid kastaa cayrin karto, Ayadoo soomaalidu wada ogtahay in dastuurkii soomaalidu noqday bac-khafiifti islaamuhu ula baxeen hoogay, oo ba'ay. Maxuu dastuurku u cayrin waayay kuwa baarkamaaka ku jira oo sagaashanka kor u dhaafay, saraakiil iyo kuwo kalaba.? Meeshaas waxaa kaaga soo baxaysa inuu ahaa, afmiishaar soo xoogsi tagay dadka iyo dalkana lugooyo ku hayay. Hadduu nin wanaagsan yahay wuxuu sheegi lahaa waxa u qabsoomay intuu xilka hayay iyo waxa ka dhiman oo laga sugayo kan cusub oo loogana fadhiyo, uguna duceeyo towfiiq. Mar walba ha laga fiirsado shaqaalaha snm kasoo goosanaya, tijaabana ha looga dhigo mansib hoose marka hore iyo mid dhexe, inta laga ogaanayo caqiidadiisa, kartidiisa, hawl-kar nimadiisa iyo wadaniyadiisa intaba.
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up