All Activity

This stream auto-updates     

  1. Today
  2. Cadaado (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ku sugan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa eedeyn u jeediyay qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka. Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa sidoo kale eedeyn u jeediyay qaar kamid ah hogaamiyaasha xisbiyada kala duwan ee ka dhisan dalka Soomaaliya. Mr Casir ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay inay faragelin gudaha ah ku hayaan maamulka Galmudug, isaga oo sidoo kale sheegay in hogaanka xisbiyada qaar ee dalka ay qeyb ka yihiin faragelintaasi. Wuxuu sheegay inay la doonayaan maamulka Puntland iyo xisbiyada masuuliyiinta hogaamiya inay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan maamulka Galmudug, sida uu hadalka u dhigay. Walow uusan sheegin nooca ay tahay faragelinta Puntland ku heyso Galmudug, haddana waxaa muuqata ineysan la dhacsaneyn isfahamkii ugu dambeeyay ee ay wada gaareen madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland. Dhinaca Guddoomiye Casir ayaa waxaa sidoo kale uu sheegay in kulan ay yeesheen Xildhibaanada Galmudug iyo guddoonkooda ay soo dhaweeynayaan habraaca doorashada Dowlad goboleedyada oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya. 4 Bisha July ayuu sheegay inay doorashada Galmudug ka dhaceyso deegaanada maamulka Galmudug, islamarkaana ka hor lasoo dooran doono baarlamaanka maamulkaasi. Waxaa kaloo uu sheegay in guddoonka Baarlamaanka Galmudug iyo Xildhibaanada ay dalbanayaan in cidii aan isku soo dhaweyneynin Madaxda Galmudug aysan kala fogeen, isaga oo eedeyn kulul u jeediyey Maamulka Puntland iyo Xisbiyada qaar. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  3. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Website-ka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa lasoo dhigay map ama khariidad la-yaba leh oo si cad ugu xadgudubtay madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya. Khariidaddan oo ah tan qaaradda Afrika, ayaa gebi ahaanba laga tiray Soomaaliya, oo sida muuqata lagu daray Itoobiya, laguna muujiyey khariidadda in Soomaaliya ay ka tirsan tahay Itoobiya. Waxaa sidoo kale yaab leh, in Somaliland laga reebay dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya ay ku darsatay sida ka muuqata khariidadda, islamarkaana Somaliland laga dhigay dal madax banaan oo ka tirsan Afrika. Lama yaqaan sababta Itoobiya ay sidan u sameysay iyo ujeedada laga leeyahay, balse waxaa cad in hamigii Itoobiya ee in mar un ay baabi’iso kuna darsato Soomaaliya uu banaanka yimid, ha noqoto ku talo-gal mise sir fakatay. Arrintan ayaa imanaysa ayada oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si aad ah isugu dhiibay dowladda Itoobiya Abiy Ahmed, isaga oo rumeysan in isbahaysi uu la sameysto ay muhiim u tahay dowladnimada Soomaaliya. Halkan ka eeg bogga wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya. Riix Halkan. Sidoo kale eeg sawirka hoose ee aan ka qaadnay, si haddii laga saaro khariidadda aan keyd uga hayno.
  4. Maxamed Ibraahim Cigaal. AHN, ayaa xilligii uu madaxweynaha ahaa waxa u yimi wefti Eritrean ah. Waa berigii Cabdillaahi Yuusuf Axmed, AHN, iyo Maxamed Faarax Caydiid. AHN, ay xoogga ugu dagaallamayeem Koonfur. Weftiga Eritrean-ka ahi waxa ay Cigaal u sheegeen in berigii ay jabhadda ahaayeen in ay Tigreega kiciyeen oo 1975 u hubeeyeen in ay ku taageereen in ay jabhad hubaysan samaystaan. Waa ay samaysteen jabhaddii, waxanay labada dhinac ku heshiiyeen in marka Itoobiya la qabto in Tigeegu madaxbannaani siiyaan Eritrea. “Waana tii dhacday”, bay yidhaahdeen. Waxa kale oo weftigu yidhaahdeen “waa taa hadda labada qolo Koonfurta ku dagaallamayaan. Tii aad taageertaan baana guuleysanaysa”. Waxa ay soo jeediyeen Caydiid taageera oo marka uu Cabdillaahi ka adkaado ee uu dawlad dhisto la hadla, waa uu idin yeeli doonaaye. Maxamed Ibraahim Cigaal waxa uu yidhi “oo markaa waxa aad i leedihiin, reero ayaannu nahaye, Fagadhe is dila”! Fagashe, AHN, waxa uu ahaa wasiirkii arrimaha dibedda ee Somaliland ee maalintaas, waxa aanu ahaa nin Daarood ah oo weliba Harti ah. Xildhibaan Cabdilqaadir Ismaaciil Jirde ayaan sheekadan ka soo dheegtey hadal uu ka jeediyey xuskii 16aad ee geeridii Cigaal, AHN. Dhacdooyinka taariikhda ee foosha xumi waa gunnimo haddii ay isu soo celceliyaan sida biyaha calcalyada ah ee xarfanaya meel bannaan. Maanta se Cigaal ma joogo oo waa “meel libaax ka kacay atoor fadh fadhiisey”! Mid kalaan xusuustay oo ah shirkii Dir ee Iyoobiya ka dhacay iyo doorkii Somaliland ay ku lahayd oo arrintan is beerlaxawsigu ku taxmi karto. “Waa nin madaxu buko oo minjaha deyey”! Kooxo intii wax isla oggolayd ku guul-darraystay in ay mideeyaan oo colaad dhexdooda geliyaan isuna soo dhoweyn karaan, mana midayn karaan in awel ba kala fogeyd oo dayr dhex yiil. Mogadishu Clan iyo Isaaq mid waliba gaarkiisa ayuu xanuun ula taahayaa oo sariirta ula ula jiifaa. Haddii labada cudur la isu keeno waxa ka faafi cudurro kale oo aan dawo yeelan marka laga yimaaddo boogta weyn ee dib u milil dillaaci doonto. Waa “raad arooryo oo dib loo raacay”! Karis xun se iyana wax ku la’. Maanta waxa door noqon lahayd in qolo kasta iyadu isa soo shashafayso oo gudaheeda iska hagaajiso. Hooyo caano i sii iyo horta reerku ha dego saw carruurta laguma odhan jirey? Maalinta talo saalloonaato in la isu yimaaddo oo laba loo wada hadlo: Soomaaliya oo isku dhan is wadata iyo Somaliland oo isku dhan oo is wadata wixii ka sokeeyaa “waa kud ka guur oo qanjo u guur”. “Ka fiirso intaanad falin, fari na togdheer bay kula xushaa”! Belo ka hortag bay leedahay ee dabo la qabto ma leh! “Waar hooy ka daayaannu idin leennahay”! W/Q: Mohamed Baashe Xaaji Xasan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Dawladda Kenya iyadoo sii wadda cadaadiska ay ku hayso Somaaliya, si Soomaaliya uga noqoto dacwadda badda ee taal Maxkamadda ICJ, ayay waxay dib u soo celisay: In diyaaradaha ka imaanaya Soomaaliya laku hakiyo Wajeer. In garoonka diyaaradaha ee Nairobi ay ka celiso siyaasiyiin Soomaali ah oo ka qayb gali lahaa shir Midowga Yurub uu soo qaban-qaabiyay, oo ka dhici lahaa Nairobi. Sidoo kale waxay bilowday inay xiriir wanaagsan la yeelato Maamulka Waqooyi Galbeed Soomaaliya, ee iski madax banaanida ugu dhawaaqay, si u kala dhantaasho midnimada Soomaaliya. Hadda maxay tahay sababta ay mar kale Kenya cirka ugu shareertay xiisaddii colaadeed ee markii horaba ay iyadu bilowday, ka dib markii labada dawladood ku heshiiyeen in la dajiyo xiisadda, xiriikii labada waddana sidiisii hore lagu soo celiyo? Sua’ashaan jabaawteeda siyaabo badan loo dhigay, laakiin anigu waxan rabaa inan saddex dhinac ka eego. Dawladaha gancanka carbta oo siyaasad iyo dano strategic ah oo qoto dheer ka leh bur-burinta jiritaanka Soomaaliya, si ay iyagu u xukumaan dhaqaalaha iyo siyaasadda bariga Africa iyo Yemen, kana waayay danahaas gaarka ah dawladda hadda ka jirta Soomaaliya, ayaa waxay go’aansadeen inay adeegsadaan Kenya, Ethiopia, Eretria iyo dawlado kaleba, si awoodda dawaldda Soomaaliya loo daciifiyo, midnimadeedana khal-khal loo galiyo. Dacwadda baddu waxay maxkamadda la tiil ilaa iyo 2012-kii wax dhib ahna ma dhex ool labada waddan muddadaas dheer. Waxa keliya oo is baddalay waa dhaqaalaha xulafada UAE ay ku soo harqiyeen dawladaha deriska la ah Soomaaliya. Arrinta kale oo muhiimka ah in la fahmo u baahan waxa weeye isu diyaarinta Kenya ay isu diyaarinayso go’aanka maxkamadda ICJ oo la filayo inuu garta u xukumo Soomaaliya. Maadaama Kenya ay filayso inay ku guul darraysan doonto dacwadda waxay rabtaa inay dareenka iyo bisaylka siyaasadeed ee shabkeeda u diyaariso samir-siin, una muujiso inay dawlad ahaan aysan wax dadaal ah la harin oo Soomaaliya ay si adag ula dhaqantay si ay u cadaasiso laakiin iyada oo sidaas u dadaashay haddana gartii laga helay, khasabna ay tahay in la aqbalo go’aanka maxkamadda. Haddii aysan dawladda Kenya si adag ula dhaqmin Soomaaliya ka hor go’aanka maxamadda waxaa dhici karta in shacabka Kenya ay ku kacaan dawladda ama khilaaf siyaasadeed oo bur-bur keena uu soo kala dhex galo shacabka, laamaha dawladda iyo reerka talada waddaka gacanta ku haya. Maxaa la gudboon Soomaaliya? Talaabada ugu horraysa ee Soomaaliya qaadi karto waa in aysan ka qayb galin shir dambe oo lagu qabanayo Kenya, ciddii rabta ha soo diyaarisee. Go’aankaani waa inuu noqdaa mid aan la baddali karin, xitaa haddii xukuumad kale Soomaaliya qabato. Shirkii aan Soomaaliya lagu qaban karin waxaa lagu qaban karaa waddamo ay ka mid tahay Rwanda. In Ra’iisul Wasaaraha iyo golaha wasiiradu xaasaskooda ka raraan Kenya Hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya Soomaaliya oo aan wali u soo guurin waddanka waa in laga mamnuuco inay waddanka ka shaqeeyaan. Siyaasiyiinta, shaqaalaha ka shaqeeya laamaha kala duwan ee dawladda, waa inay transit-ka safarradooda ka leexiyaan Nairobi oo ay u leexiyan Ethiopia ama waddamo kale. Waa inay Soomaalidu yareeyaan maal gashiga ay ku sameeyaan Kenya maadaama hantidooda iyo nabad galyadooda midna uusan sugnayn. In la joojiyo Visooyinka la siiyo dadka Kenyanka ah ee ka shaqeeya hay’adaha caalamiga ah ee ka hawl gala Soomaaliya. Ugu dambayn wa in la joojiyo ganacsiga Qaadka ka yimaada Kenya, kaas oo sanadkiiba Kenya ka samayso 30 billion oo dollar, Soomaaliyana aysan wax faa’ido ah ku qabin. Soomaaliya ma Cadow Bay u Tahay Kenya? Qof kasta oo Soomaali ah oo aad waraysato wuxuu kuu sheegayaa in shacabka Kenya ay yihiin dad aad u wanaagsan, laakiin dawladda Kenya ay si adag ula dhaqanto Soomaalida deggan ama booqata Kenya. Soomaalidu waxay aaminsan yihiin in Kenya tahay dawlad aysan kala maarmin oo ay aad isugu dhow yihiin, ayna wadaagaan deegaan, dad, ganacsi, iyo maal gashi intaba. Laakiin fikirka Kenya ka qabto Soomaaliya waa mid cuqdad cadaawadeed huwan sidii uu sheegay madaxwaynahii hore ee Kenya. Madaxwayne Arap Moi wuxuu yiri Kenya marna oggolaan mayso in Soomaaliya ka dhisanto dawlad dambe oo awood leh. Sidaas oo ay tahay, Soomaalidu aad ayay u maal gashatay Kenya, cadaawad gaar ahna uma hayaan dadka iyo dawladda Kenya midna. Gabo-Gabo War iyo dhammaanti, adduunka maanta aan ku nool nahay ninkaan wax dulmin isagaa la dulmiyaa ee waa in aan feejignaanteena sare u qaadno, had iyo jeerna heegan u ahaanaa ilaalinta danaha dadka iyo dalka Soomaaliyeed, anagoo ilaalinayna xuquuqda shucuubta iyo dawladaha aan deriska nahay, laakiin isla markaa aanaan oggolaan xad gudub lagu sameeyo xuduudaha, madax banaanida iyo jiritaanka Soomaaliya. Allow Sahal Libaax Seexday Baa Niman Salaaxeene! W/Q: Axmed Bashir bashir163@gmail.com, @bashir1631 Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumadda Muuse Biix ayaa markii u horeysay ka hadashay in Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu booqasho ku imanayo caasimada Somaliland ee Hargeysa. Wasiirka Arimaha Dibeda Somaliland Yaasiin Faratoon, ayaa sheegay aan weli si rasmi ah loo qorsheyn socdaal uu Uhuru Kenyatta ku imanayo Somaliland, balse ay rajaynayaan mar un. Wasiir Faratoon ayaa sheegay inay Somaliland ku rajo weyntahay inuu mar uun yimaado Uhuru Kenyatta, balse hadda aysan jirin wax socdaal ah oo la qorsheeyey. “Horta inaga iyo Kenya, xiriir fiican baa hadda inoo dhexeeya, waliba xiriirka inoo dhexeeya muddooyinkii ugu dambeeyey wuxuu ahaa mid sii kordhaya, oo xiriirkii hore ee inoo dhexeeyey ka sii fiicnanaya, waxaana ku rajo weyn nahay in xiriir dhinacyo badan leh aynu yeelano, oo aynu iska kaashano waxyaabo badan” Wuxuuna intaas ku daray “Madaxweynaha Kenya dalkeena wuu iman kara oo socdaal uu ku iman karaa, sida uu Madaxweynaheenu uu socdaal ugu tagi karo Kenya iyo Wadamada kaleba, waana ku rajo weynahay in maruun dalkeena uu yimaado Madaxweynaha Kenya iyo Madaxda kale ee Caalamkuba, laakiin socdaal rasmiya oo hadda la qorsheeyey ma jiro” Maalmihii udambeeyay waxa baraha bulshada aad looga hadal hayey qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku baahiyay Rashiid Cabdi oo ah khabiir degen Kenya oo falan-qeeya siyaasadda gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Rashiid ayaa qoraalkiisaa ku sheegay in Madaxweyne Biixi uu booqan doono Kenya, halka uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta isna iman doono Somaliland sanadkan gudihiisa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  7. Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ee laga soo doorto degaanada maamulka Jubbaland ayaa Kismaayo kaga dhawaaqay in ay ka hortagayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ay sheegeen in ay dooneyso in ay u gasho maamulka Jubbaland sidii doorashadda maamulka Koonfur Galbeed. Senetarada kala ah Iftin Xasan Baasto, Axmed Xaashi iyo Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah musharaxiinta ay been ka sheegeen amniga maamulka Jubbaland. Waxaa ay sheegeen in haddii dowladda dhexe ay isku daydo in ay faragaliso doorashadda Jubbaland in ay ka hortagi doonaan, islamarkaana maamulka Jubbaland ay ka dhici doonto doorasho Xalaal ah. Senetorada kala ah Fartaag iyo Iftin Xasan Baasto ayaa sheegay in ay la socdaan qorshe ay waddo dowladda dhexe oo xiisad Amni daro looga abuuraayo degaanada maamulka Jubbaland, islamarkaana ay qaadi doonaan doorkood si looga hortaggo Arintaasi, maadaama ay la socdaan dhibaataddii dowladda Soomaaliya ay ka geysatay Magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  8. Hargeysa (Caasimada Online) ― Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac “Guuleed Dafac” ayaa ka hadlay go’aanka ay xukuumada Madaxweyne Farmaajo ka qaadatay tallaabooyinkii ay maalmihii u dambeeyay qaaday dowladda Kenya. Guuleed Dafac ayaa saluug badan ka muujiyey jawaabta xukuumada Farmaajo ka bixisay daan-daansiga Kenya ee go’aankii ay dhawaan qaadatay ee lagu xadaynayey dal ku galka xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya. Garyaqaan Dafac ayaa ka dhawaajiyey in Madaxweyne Farmaajo ay wax badan iska badaleen mowqifkiisi waddaniyadeed ee uu lahaa waqtigii ololaha uu ugu jiray hogaaminta dalka. Dafac ayaa sidoo kale waxa uu sheegay go’aankan ay xukuumada Farmaajo ka qaadatay xiisada Kenya inay tahay isbadel ku yimid waddaniyadii Madaxweyne Farmaajo oo wax badan iska badaleen markuu fuuley kursiga ugu sareeya dalka. “Somalia cid waliba way ka adag tahay. Madaxwayne Farmaajo markii uu ololaha ku jiray waddani adag ayuu ahaa. Markuu kursiga ku fadhiistayna maya odhan kari maayo” ayuu ku yiri Garyaqaan Dafac qoraal uu ku qoray bartiisa Facebook. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  9. Upgrading small clans over OGs as a means to get votes. nin bidar leh aqli hakasugin.
  10. Talooyin fiican oo ku socota Gabdhaheena Raaca Bajaajka, amnigaaga awgii walaal: 1- Inta aad ka maarmi karto ha raacin bajaaj oo adeegso basaska caadiga ah. 2- Hadey huri weydo, waxaad fiirsataa bajaaj nin da’ weyni wado ama diin ka muuqato. 3- Wehel la’aan ha raacin bajaaj, ugu yaraan gabadh kale wehesho. 4- Marna ha raacin bajaaj laba nin isla wadaan. 5- Marna ha yeelin in uu wadada weyn ka leexdo sabab la’aan. 6- Waxaad yeelataa macmiil gaar ah oo marka aad u baahato aad wacato, 2, 3 ama xitaa 4 la yaqaano laguna kalsoonaan karo oo marba kii kuu dhaw aad wacato. 7- Ha ogolaan marna in uu qof nin ah uu wadada ka sii qaado isaga oo kuu kireysan. 8- Wadaha bajaajka hadii uu taleefan ku hadlo oo uu sheego meesha uu joogo ama uu ku soo socdo, waa dareen shaki keeni kara ee taxadar gal 9- Taleefonkaaga qaaligaa, dahabkaaga, iyo wixi kuu muhim ah meel adag gasho. 10- Marna ha ka yeelin in uu ku siiyo biyo, nanac, xanjo iyo wax la mid ah. 11- Marna ha u ogolaan in uu taleefan ku hadlo, una sheeg in aad ka dageyso haduu taleefanka damin waayo maadaama qaanuunka wadooyinka uu mamnuucayo. 12- Taarkada bajaajka sawiro intaadan raacin, sidoo kale lanbarada gudaha uga qoran, lana wadaag ehelkaaga iyo saaxiibadaa in aad soo saaran tahay bajaajka tilmaaantaas leh. 13- Ha ogolaan in uu gadaal soo fiirfiiriyo oo uu kula hadlo, wax sheeka ahna ha la furin, si cadna ugu sheeg in uu shaqadiisa ku ekaado iyo in aadan diyaar u aheyn hadalkiisa. 14- Hadii uu afduub ama in uu ku qasbo isku dayo, ha argagixin ee isdifaacid u diyaar garoow iyo in aad si dhiiranaan ah isaga dhiciso. 15- Haduu hub kuula soo baxo marna ha ogolaan in uu kugu handado, ogowna in uu rabo kaliya cabsi galin, sharaftaadana ku shahiid, marna ha u hogaansamin, hadiise uu rabo in uu wax aad wadato kaliya kaa qaato iska sii oo hala dagaalin. 16- Hadey gacan gaarto, waxaad isku daydaa in aad indhaha qalin ama faraha si xoogan uga dhaawacdo, labada gacmoodna aad kaga dhagdo kana mashquuliso in uu sii wado mootada. 17- Sanka nabar xoogan uga dhufo, marka horana nin kaa xoog badan bajaaj uu wado haba raacin. 18- Hadaad fursad hesho ka carar oo guri ama goob ganacsi oo furan ku carar. 19- Sawir ka qaad wadaha bajaajta ka dibna u dir qof ahalkaaga ah Talada ugu fiican: intaad ka maarmi karto bajaaj ha raacin, wehel la’aanna ha raacin. NABAD KU WAARA shere dheh walal si ay u gaarto gabdho badan. W/Q Amiir Qalinle Mogadishu, Somalia
  11. Ilaahii abaarta inaga soo jabiyay ayaa ay mahadi u sugnaatay Qaran News
  12. Where are the stones when you need them??
  13. Yesterday
  14. Madaxweyne Deno oo la kulmay Warbaahinta Gaalkacyo. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta kulan la qaatay Weriyayaasha gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo. [...] Source
  15. Madaxweynaha Dowadda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 27 May 25, 2019, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Guddoomiye Ku-xigeenada Gobolka Mudug. [...] Source
  16. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr. 28 May 25, 2019, ku magacaabay Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Mudug. Madaxweynaha Dawladda Puntland [...] Source
  17. But some of the locals aren't too happy. Reports of protests.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqday inay fuliso qorshe ay uga jawaabeyso diidmada Kenya ee inay mas’uuliyiinta Soomaaliya Visaha ka siiso garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi. Qoraal kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu wargelisay Hey’addaha UN-ka, kuwa Deeq bixiyeyaasha iyo Iskaashiga Caalamiga in wasaaradda aysan Nairobi uga qeyb gali doonin shirarka, siminaarada iyo Tababarada hay’adahaas. Wasaaradda ayaa ugu baaqday hay’adahaas in shirarkaas iyo Siminaarada lagu qabto dalka gudihiisa ama loo bedelo dal kale, oo tagistiisa ay u fududahay wasaaradda. Go’aanka wasaaradda caafimaadka ayaa ka dambeeyey kadib markii shirkii Golaha Wasiirada ee khamiistii lagu go’aamiyey in Wasaaradaha Xukuumadda inay ku wargeliyaan Hay’adaha ay bahwadaagta iyo wada shaqeynta leeyihiin in shirarkii lagu qaban jiray Nairobi laga raro, isla markaana loo wareejiyo magaalooyinka sida Kigali, Kampala iyo Addis Ababa. Kenya ayaa dhowaan Visa u diiday islamarkaana garoonka Nairobi ku xanibtay mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaanno.
  19. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa taliye cusub u magacaabay Booliiska gobolka Mudug. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa taliyaha qeybta Booliiska gobolka Mudug loogu magacaabay Gaashaanle Sare Jaamac Maxamed Axmed. Magacaabista taliyaha waxay ku soo beegantay saacado kadib markii madaxweynuhu kala diray garsoorayaashii maxkamadaha iyo xeer-ilaalintii gobolka Mudug islamarkaana maamul cusub u magacaabay gobolkaasi. Madaxweynaha oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa isbeddeladani sameeyay kadib markii uu la tashiyo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Mudug. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa sida qorshaysan maalinta berriya safar u aadi doona dalka Shiinaha iyadoo safarkaasi la xiriiro dhanka horumarinta kaaabayaasha dhaqaalaha iyo maal-geshiga. PUNTLAND POST The post Deni oo taliye cusub u magacaabay Booliiska gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  20. Gaalkacyo, May 25, 2019: Madaxweynaha Dowadda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 27 May 25, 2019, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Guddoomiye Ku-xigeenada Gobolka Mudug. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waaya aragnimadooda shaqo Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland. Wuxuu xeeriyey: 1.Waxaa Axmed Muuse Nuur loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug. Waxaa Xasan Cabdullaahi Warsame (Wardheere) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Mudug. 3.Waxaa Maxamed Xasan Xuseen (Waloore) loo magacaabay Guddoomiye Ku- Xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. -DHAMMAAD- The post Dikteeto: Madaxweynaha Puntland oo maamul cusub u magacaabay gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  21. Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaal u dhaxeeya dagaalamayaasha Al-Shabaab koox Maleeshiyo Macawiisleey ah ayaa ka dhacay duleedka degaanka Halgan ee Gobalka Hiiraan sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka. Dagaalka ayaa ka dhacay Tuulada Abooreey oo ku dhaw degmada Buul-barde ee Goblka Hiiraan, waxaana la wareeray goob ay Al-Shabaab macaawino ku bixinayeen. Odayaasha degaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in Maleeshiyo Macawiisleey ah ay weerar ku bilaawday miinooyin dhulka la geliyay iyo Bam-gacmeedyo ay ku qaadeen Al-Shabaab oo raashin ka qaybinyay Tuulada, waxaana halkaasi looga dilay Ciidamo badan iyo Sarkaalkii hogaaminyay. Al-Shabaab ayaa mar qura maqlay dhawaaqa qaraxyo u badan Bam-gacmeedyo iyo miinooyin dhulka lagu diyaariyay iyo rasaas xoog leh kadibna waxay ka carareyn degaankii iyo raashinkii ay bixinayeen sida ay ku soo waramayaan dadka degaanka. Dadka Al-Shabaab dagaalka ugu dhintay waxaa kamid ah Sheekh Cali Garweyne oo ahaa madaxii Al-Shabaab ee inta u dhaxeysa Beladweyne iyo Buula-barde. Hore waxa uu ahaa madaxdii Howlgalada Al-Shabaab ee degmada Buula-brde sida ay xaqiijiyeen dadka yaqaana Sarkaalka la dilay. Maleeshiyada weerarka fulisay ayaa la sheegay in dagaalka uu uga dhaawacmay hal Askari oo kaliya waxayna soo furteen raashinkii ay bixinayeen Al-Shabaab. Maleeshiyadaan waxaa taageera Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobalka Hiiraan kuwaas oo siiya hub iyo saanad kale waxayna dhowr jeer dagaal la galeen Al-Shabaab, Al-Shabaab waxay ku guuleesteen in ay qaateen Sarkaalkii dagalka looga dilay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. MUqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho xildhibaano iyo siyaasiyiin ayay ku dhawaaqeen isbaheysi siyaasadeed oo ay sheegeen in uu qeyb ka noqon doono Xisbiyadda ka qeyb galaya doorashadda 2020-ka. Saddex xisbi oo ka mid ah Xisbiyadii uu diwaangaliyay Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay in ay Midoobeen sidoo kalena ay la midoobi doonaan xisbiyadda Siyaasadda ee ka jira dalka. Xisbiyadda maanta Midowbay ayaa waxaa kala hoggaamiya Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Cabdullaahi Sheekh Xasan. Xildhibaan Sakariye ayaa sheegay in u jeedka ay u sameysteen Isbaheysi loogu magacdaray Iskaashi ay tahay in la yareeyo Xisbiyadda tiradda badan ee dalka ka jira, islamarkaana la helo tiro kooban oo xisbiyo ah hadana tayo leh. Hoos ka daawo muuqaalka
  23. (SLT-Makka)-Shirka Saddex-geesoodka ee Hoggaamiyayaasha dalalak Khaliihka, kuwa Carabta iyo Islaamka ayaa la filayaa inuu bishan Ramadaan 25-da ilaa 26-ka ka dhaco magaalada barakaysan ee Maka Al-mukarama ee dalka Sacuudiga. Kulankaasi oo uu Boqorka Sacuudiga iclaamiyey ayaa waxay Hoggaamiyayaasha kaga wada hadli doonaan Khatarta Iiraan ee ammaanka iyo deganaanshaha Badda Cas iyo khaliijka. Qabsoomida Kulankaasi ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay welli xaallado ka jiraan dalalka Somalia, Syria, Yemen, Libya, Iraq, Algeria, Sudan, iyadoo ay weli Yuhuudda dhibaatooyin ka geystaan dhulka Falastiin iyo magaalada Quddus-ta La-haysto iyo La-dagaalanka Budhcad-baddeeda iyo Kooxaha loogu yeedho Argagixisadda. Sidoo kale, Kulankaasi ayaa waxa uu ku soo aaday iyadoo ay cabsi xooggan laga qabo Isku-dhac dhex mara Milliteriga Maraykanka iyo kuwa Iiraan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo lagu casuumay Kulankaasi ayaa waxaa la filayaa inuu ka qeyb geli doono Kulankaasi. Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mid ah Madaxda lagu casuumay shirkaasi oo la hadlay Wargeyska Asharqal Awsad ayaa sheegay inay dalka Sacuudiga dal walaal ah, Madaxa Carabta iyo Qibladda Islaamka. Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in caddow kasta oo Sacuudiga soo beegsada uu yahay Caddow guud oo dhamaanteenna na soo beegsaday. Madaxweyne Geelle waxa kale oo uu ka hadlay Xidhiidhka uu dalkiisa la leeyahay Sacuudiga, Soomaaliya iyo dadaalka ay Dowladda Sacuudiga ugu jirto xal-u-helista khilaafka dhuleed ee Jabuuti iyo Eritrea. Source
  1. Load more activity


  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up