All Activity

This stream auto-updates     

  1. Past hour
  2. Hadii uu shaqsi Somali ahaan lahaa oo xataa reer degaanka ah hubkooda ayey also bixi lahaayeen oo dagaal culus ayaa ka dhici lahaa halkaas. Somalida ayaga ayaa iska adag
  3. Soomaaliya waxay ka baxday dowladdii ku-meel gaarka ahayd sanadii 2012 ,nkastoo dastuurka dalka uu wali ku-meel-gaar yahay, waxayna Feebaraayo 08, 2017 dooratay madaxweynihihii labaad oo rasmi ah oo hoggaaminaya Dowlad federaal ah. Halkan Ka Daawo Qoorka Fashilka Ee Madaxweyne Farmaajo Halkan Ka Aqriso Qoorka Fashilka Ee Madaxweyne Farmaajo Muxuu ku Fashilmay Madaxweyne Farmaajo. Warbixinta waxaa Qoray- Xasan Maxamuud Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta war-saxaafadeed ay soo saartay uga digtay dadka ka safraya Muqdisho in shahaadada caafimaadka ee safarka ee Covid-19 aan laga qaadan karin meel ka baxsan sheybaarka qaranka ee magaalada Muqdisho. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in waraaqaha shahaadada safarka ee la xiriirta Covid-19, ee laga soo qaato goobo ka baxsan sheybaarka qaranka ay u aqoonsaneyso waxba kama jiraan baalmarsan hanaanka baarista ee Covid-19. Sidoo kale waxa war-saxaafadeedkaasi lagu sheegay in xarunta Sheybaarka Qaranku ay heysato aqoosiga baarista COVID-19, isla markaana ay leedahay tiraac iyo sumadda sheybaarka dhexe ah. War-saxaafadeedka ayaa waxa kale oo lagu xusay in wasaaraddu diyaarisay hab online ah oo lagu hubinayo in qofka wata shahaadada uu ka soo qaatay sheybaarka dhexe oo lagu diyaariyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Ugu dambeyntiin waxa lagu sheegay war-saxaaafadeedkaasi in isbitalaada De Martino iyo Banaadir ee magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa ay kasoo qaadan karaan dadka safraya waraaqaha caafimaad ee safarka, kuwaasi oo la xiriira cudurka Covid-19. Waxaana xusid mudan in Wasaaraddu aysan marnaba cadeyn in wax kharash ah laga rabo qofka baaritaanka Covid-19 maraya si uu dalka uga safro, iyada oo baaritaanka cudurkaasi uu hore u ahaa mid bilaash ah. Digniinta Wasaarada ayaa imaneysa xili dadka ka safraya garoonka magaalada Muqdisho lagu xiro waraaq cadeynaysa bad-qabkooda ku aadan cudurka Covid-19, iyada oo dalalka ay u safrayaana uga baaqsada galida karantiil todobaadyo ah. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka wasaaradda
  5. Arabs abuse immigrants in their countries and now are abusing Somalis in their own country. Pathetic.
  6. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Habeen-16072020-sx.mp3 View the full article
  7. Today
  8. Danjire Maxamed Caalin oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed kuna nool Wadanka Finland ayaa waraysi dhinaca Skyp-ka uu siiyay Goobjoog waxa uu ka hadlay arimaha doorashooyinka iyo xaalada kala guurka,isagoo sheegay in Guddiga Doorashooyinka ay fashilanyihiin,xilligaanna aysan qaban Karin Doorasho Qof Iyo Cod. Halkan Ka Daawo Danjire Caalim Oo Goobjoog Ugu Waramay Arimaha Doorashooyinka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Magaalada Garoowe, waxaa maanta lagu aasay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Allaha u naxariistee, Xasan Abshir Faarax, iyadoo Aaskiisa ay ka qeybgaleen, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha dalka, Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno kale. Sidoo kale waxaa aaska Marxuumka ka qeybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin, Isimo iyo ehelada Ra’iisul Wasaarihii hore Marxuum Xasan Abshir Faarax oo lagu Aasay qubuuro ku yaala dhanka bari ee magaalada Garoowe xarunta Gobolka Nugaal. Meydka Ra’iisul Wasaare, Xasan Abshir, ayaa saaka laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qeybgalay salaadda Janaazada oo lagu oogay gudaha garoonka ka hor inta aan loo duulin Garoowe. Xasan Abshir Faarax, ayaa 12 bishan Luulyo ku geeriyooday dalka Turkiga, waxaa uu soo qabtay xilal kale duwan, waxaa uu Wasiirka koowaad ka soo noqday dowladdii KMG aheyd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay magaalada Carte ee dalka Jabuuti sanadkii 2000. Marxuuma Xasan Abshir ayaa sidoo kale, soo noqday duqii magaalada Muqdisho xilligii dowladii kacaanka ka talin jirtay dalka, isagoo noqday Xildhibaan Qaran. View the full article
  10. Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa ku howlan sidii ay xiriir cusub iyo heshiis diblumaasiyadeed ula saxiixan laheyd xukuumada Somaliland, xili ay taagan tahay xiisad ka dhex aloosan dowladda federaalka. Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa tibaaxaysa in xubno ka socda dowladda Masar ay booqasho aan shaacsaneyn ay ku yimaaden caasimada Somaliland ee Hargeysa, kuwaasi oo kulamo la qaatay madaxda ugu sareysay xukuumada Somaliland, gaar ahaan madaxweyne Muuse Biixi. Masar ayaa xiligan fursad muhiim ah u aragta inay garabka saarto Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan, wallow aysan beesha caalamka ka helin aqoonsi caalami ah. Go’aanka Masar ayaa imanaya ayada oo dowladda Soomaaliya ay kala safatay Itoobiya, oo ay kala dhaxeyso xiisadda biyo-xireenka webiga Nile. Somaliland iyo Masar ayaa la filayaa inay wakiilo is weydaarsadaan, sidii ay dhawaan isku weydaarsadeen Taiwan, kadib heshiis is-afgarad oo dhex-mari doona labada dhinac, taasi oo walaac xoogan ku abuureysa dowladda federaalka iyo Itoobiya, oo iyagu hal dhinac ah. Itoobiya ayaa iyada laftigeedu xiriir diblumaasiyadeed oo wanaagsan la’leh Somaliland, inkasta oo uu muddooyinkii dambe u muuqday mid hoos uga dhacay meeqaamkaasi, waxayna arrintan u horseedi doonta xiisad hor leh. Dowladda Masar ayaa sidoo kale qorsheynaysa inay Saldhig millateri ka sameysato gudaha Somaliland, iyada oo ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn goobta ay ka sameysan doonto, taasi oo ay ka wada-hadleen madaxweyne Muuse Biixi. Heshiiska cusub ee lagu wado inuu dhawaan dhex-maro Somaliland iyo Masar ayaa sarre usii qaadi doona xiisada webiga Nile-ka oo ay si weyn ugu muransan-yihiin Itoobiya, oo dowladda federaalka ay yihiin saaxiibo dhow. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iyadu dhawaan diiday dejinta diyaarad ka timid Masar oo siday xirmo hub kala duwan ah, taasi oo ay uga baaqsaneyso sida ay sheegtay inay lugaha la gasho muranka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya, sida uu sarkaal Soomaali ah u xaqiijiyey Wargeyska The Sunday Telegraph ee UK. Dowladda federaalka ayaa iyadu si dad-ban ula safatay dowladda Itoobiya, oo Ra’iisal wasaaraheedu uu galan-gal xoogan ku leeyahay arrimaha Soomaaliya, iyada oo raali-gelina ka siisey taageero ay mar u muujisay dowladda Masar.
  11. Danjire Maxamed Caalin oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed kuna sugan wadanka Finland ayaa ka hadlay xaalada xuriyatul qowlka dalka,isagoo sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa ay gardaro ku haystaan tafatiraha Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye, wuxuuna dhinaca kale sheegauy Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ay magdhaw siiso weriye Gurbiye Halkan Ka Daawo Danjire Caalin Oo Ka HadlayArinta Gurbiye Iyo Villa Somalia Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa gebi ahaanba diiday in deegaanadeeda laga furo dacwad ka dhan ah Looge Yuusuf Cali, loona yaqaano Maxamed Cawaale, oo ah Maamulaha iyo mulkiilaha shirkada Future Traders oo lagu soo eedeyay arrimo xatooyo, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Looge Yuusuf ayaa muddo ku siman 1-bil ku xirnaa magaalada Muqdisho, iyada oo ay haysteen Hay’adda FRC iyo qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir, isaga oo markii lasoo daayay u safray deegaanada Somaliland, isla markaana maray dhinaca dhulka. Looge iyo xubno kale oo ka tirsanaa Future Traders ayaa loo haysta lacag ay dhigteen dadweynaha magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loogu sheegay in faa’iido looga sameyn doono suuqa sarifka lacagaha qalaad ee FOREX. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xukuumada Somaliland ayaa gebi ahaanba diiday in dacwad ku saabsan eedaha loo haysto Mulkiilaha Future Traders laga furo maxkamadaheeda, xili uu Looge Yuusuf ku sugan yahay gudaha deegaanadeeda. Somaliland ayaa ku doodeysa in muwaadinkaasi uusan wax dambi ah ku galin deeganadeeda, isla markaana maxkamadaheeda laga furi karin kiis yaala magaalada Muqdisho. Looge Yuusuf ayaa horaantii sanadkan magaalada Hargeysa kulan kula qaatay Wasiirka cadaalada Somaliland, taasi oo la rumeysan yahay in go’aanka ay Xukuumada Somaliland qaadatay uu qeyb ka yahay kulankaasi. Shirkada Future Traders oo kamid aheyd shirkadaha ka shaqeeya suuqa sarifka ee FOREX oo muddooyinkii dambe kusoo badanayey magaalada Muqdisho ayaa gebi ahaanba albaabada loo laabay.
  13. A delegation led by Somalia’s electoral body chairwoman Halima Yarey has arrived in Dusamareb, capital of Galmudug regional state on Thursday morning. She is expected to attend a conference between Somali regional states and President Farmajo, along with PM Hassan Ali Khaire who is now in Puntland capital. The upcoming talks will center on the disputed 2020/21 elections. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has recently announced that he supports cabinet decision on holding timely elections in the country this year. View the full article
  14. Dowladda Kenya ayaa dib dib u furtay Masaajidda ,goobaha waxbarashada iyo ganacsiga ku dhawaad mudo afar ka dib,tani ayaa ku soo aadeysa xili aduunka uu kala xiray caabuqa coronavirus. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Masaajidda Dalka Kenya Oo La Furay Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Somalis are known as an oral society as many western linguists, anthropologists, and cultural historians had observed for years—as narrative making, poetry has been the most important tool used as a medium for storytelling in Somalia. It has been a major form of expression in Somali’s oral tradition Source: Hiiraan Online
  16. Illaahay Naxariistii Jano haka waraabiyee Raysal wasaarihii hore ee Dalka isla markaasna soo ahaan jiray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho waxaa Maanta lagu [...] The post Raysal wasaare Xasan Abshir Faarax si sharaf leh baa loo aasay appeared first on . Source
  17. Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa jawaab deg-deg ah ka dalbatay inay bixiso dowladda Itoobiya, xili ay soo baxeyso inay bilowday buuxinta biyo-xireenka ay ku muransan-yihiin labada dal. Masar ayaa Itoobiya ka dalabtay cadeyn ku aadan bilowga biyo xireenka webiga Nile-ka, iyada oo aan weli heshiis rasmi ah aan laga gaarin, isla markaana ay kulamadii u dambeeyay kusoo dhamaaden fashil. Dalabka dowladda Masar ayaa noqonaya fal-celintii ugu horeysay ee ay ka bixiso hadal uu maalinimadii shalay aheyd sheegay Wasiirka biyaha Itoobiya inay bilowday buuxinta biyo xireenkaasi, kaasi oo kasoo baxay Wasaarada arrimaha dibedda ee dalka Masar. “Dhismaha biya-xireenka iyo buuxintiisa ayaa wada socota” ayuu khudbad Telefishanka laga sii daayay ku yiri Wasiirka biyaha ee Itoobiya, Seleshi Bekele. Wuxuuna intaasi sii raaciyey Wasiirku “Buuxinta biya-xireenka uma baahna in lala sugo dhameystirka dhismaha biya-xireenka”, taasi oo ay si weyn uga biyo diidan tahay dowladda Masar. Hadalka wasiirka Itoobiya ayaa kusoo aadaya xili uu gebi ahaanba bur-buray wada-hadallado saddex geesood ahaa oo ku saabsanaa xiisada ka taagan webiga Nile-ka buluuga. Geesta kale, dowladda Suudaan ayaa iyadun qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay hoos u dhaceen biyihii uga imaan jiray webiga, tasi oo ay maalinkiiba hoos ugu dhacayaan 90-milyan oo cubic meter ah. Xiisada ka taagan webiga Nile-ka ayaa u muuqata mid kasii dareysa, kadib buuxinta biyo-xireenka ee ay shaacisay Itoobiya, taasi oo wal-wal ba’an ku ah Masar iyo Suudaan oo ka cabsi qaba inuu hoos u dhaco biyaha ay dalalkoodu ka helaan webigaasi.
  18. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) iyo xubno ka tirsan guddigaasi ayaa maanta gaartay magaalada Dhuusamareeb,halkaasi oo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Gamudug. Ujeedka safarkeeda ayaa sidoo kale salka ku haya sidii ay kulamo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ula qaadan laheyd madaxda dowladda Feeraalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ku sugan magaaladaasi. Dhowaan madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa shaaciyey in wada tashi laga yeesho xaaladda dalka,gaar ahaan arimaha doorashooyinka ku soo fool leh dalka. View the full article
  19. Puntland oo Ganafka ku dhufatey Go’aan xasaasiya oo ka soo baxay Dawladda somalia Puntland ayaa sheegtay in aysan ku dhaqmidoonin amar kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, oo ah in cid walba oo dalka ka dhoofaysa ay shahaadada Covid19 ka qaadan karaan oo kaliya garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Wasaaraddu waxay sheegtay cidii meel kale kasoo qaadata shahaadadaas oo ah mid caddeynaysa in qofku aanu qabin covid19, loo aqoonsandoono in ay tahay wax kama jiraan baal marsan hannaanka baadhista Covid19. 16/07/2020: WAR-SAXAAFADEED Wasaaradda Caafimaadka DFS waxay cadaynaysaa in shahaadada safarka ee la xiriirta baarista COVID-19 ee dadka dhoofaya ay ka qaadan karaan oo kaliya Shaybaarka Qaranka pic.twitter.com/8MC2axMFDu — Ministry of Health- Somalia (@MoH_Somalia) July 16, 2020 Balse, qoraal kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland leedahay shaybaaro lagu baadho cudurka Covid19 islamarkaana cid walba oo Puntland ka duulaysa ay heli karto shahaadadaas. Puntland waxay sheegtay in ay magaalooyinka Garowe iyo Bosaso yaaliin shaybaaro caalamku aqoonsan yahay, sidaas darteedna uusan iyagu khusayn go’aanka dowladda federalka kasoo baxay. Dhowaan, dalal badan oo deris la ah Soomaaliya iyo kuwa ka fogba waxaa dib u furayaan hawadooda, balse sharuudaha lagu xidhay shirkaddaha duulimaadyada ayaa ah in cid aan sidan shahaadada baadhista covid19, lasoo qaadi Karin. Sidaas darteed, qof kasta oo Soomaaliya ka dhoofaya ayay khasab ku ahaan doontaa in uu qaato shahaadadaas caafimaad, taasina waxay keeni kartaa in qofku bixiyo khidmad uu ku dalbado. Qaran News
  20. Taiwan is offering Masters Degree and PhD for interested students from Somaliland to study in Taiwan. The fields they are interested in are all medical fields, civil engineering, electrical engineering, marine biology etc.
  21. Mogadishu (HOL) - A plane carrying the body of former Somali Prime Minister Hassan Abshir Farah has landed at Mogadishu's Aden Adde International Airport on Thursday morning where government officials held a funeral. Source: Hiiraan Online
  22. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Marxuum Xassan Abshir Faarax, ayaa Maanta Aas Qaran loogu samaynaya Caasimadda Puntland ee Garoowe. Aaska Qaran, waxaa ka qayb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni , Guddoomiyaha Aqalka Saree e Soomaaliya Cabdi Xaashi cabdillaahi, Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, xubno ka tirsan Golayaasha Puntland iyo heer Federaal, dhammaan Isimada waaweyn ee Puntland oo Aaskiisa u yimid Garoowe iyo dad weyne kala duwan. Maydka Marxuumka ayaa ka hor intaan Garoowe la keenin, waxaa Salaad Janaaso lagu tukaday Magaalada Muqdisho, waxaana Saaladda Janaasada ku tukaday Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Hoos ka eeg Sawirada PUNTLAND POST The post Marxuum Xassan Abshir oo Garoowe Aas Qaran loogu sameeyay appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah culimada beel weynta Mudullood ayaa ku guuleystay in ay xaliyaan khilaaf aad u culus oo soo kala dhaxgalay Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas. Kulamo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu xaliyay khilaafka labadaan mas’uul iyadoo ay goobjoog ahaayeen siyaasiin iyo shaqsiyaad miisaan culus leh. Waxyaabaha lagu heshiiyay ayaa waxaa qeyb ka ah in qabashada shirka Mudullood aan la siyaasadeynin, islamarkaana loo dhiibo culimada, si looga madaxbaneeyo arrimo siyaasadeed. Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa culimada u sheegay in Mudullood uu ka socon la’yahay shaqsiyaad dano gaar ah leh oo ku xiran Villa Somalia, taasina ay tahay in meesha laga saaro. “Waxaan idin leeyahay Allah ha idin fududeeyo, laakiin ogaada dad naga mid ah ayaa rabin midnimada Mudullood,” ayuu Senator Muuse Suudi Yalaxow u sheegay culimada loo dhiibay hoggaanka shirka Mudullood. Sidoo kale, culimada Mudullood ayaa xaliyay tabashooyin kale oo ay dhinacyo qabeen iyagoo sidoo kale la kulmay Salaad Cali Jeelle, Cali Maxamed Geedi, Wasiirka amniga iyo mas’uuliyiin kale. Mudullood ayaa hadda rajo wanaagsan ka qaba qabsoomidda shirkan oo ah mid la kulmaya cadaadis badan oo dhanka dowladda ah.
  24. Maxkamadda Derejada Kowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda oo lagu helay in uu askari kale si bareer ah ugu dilay gudaha Magaalada Muqdisho. Saddex Xarigle Liibaan Cabdi Faarax ayaa lagu helay in uu 10 December 2019 degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho ku dilay Marxuum Maxamed Daahir Siyaad oo isna ka tirsanaa Ciidamada Dowladda. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay Xukunka ayaa sheegay in dil toogasho ah maxkamaddu ku ridday Edaysanah kadib markii uu ku caddaaday Dambiga loo haysto. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Xukmane Liibaan Cabdi Faarax uu haysto mudda 30 Cisho ah oo Rafcaan qaadasho ah. Halkaan ka akhriso Xukunka oo Faahfaahsan PUNTLAND POST The post Muqdisho: Askari horay u dilay askari kale oo dil toogasho ah lagu xukmay appeared first on Puntland Post.
  25. Mogadishu (HOL) - More than 100 members of Somalia's parliament held a closed-door meeting with President Mohamed Abdullahi Farmajo on Wednesday evening, asking him to clarify his position on the election. Source: Hiiraan Online
  1. Load more activity


  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up