All Activity
This stream auto-updates
- Yesterday
-
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo maanta hadal u jeediyay labada gole ee baarlamaanka maamulkaas ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin nabad dhexmarta iyaga iyo maamulka Waqooyi Bari. Sidoo kale Cirro waxa uu tilmaamay in ay diyaar u yihiin isdhaafsi maxaabiista ku kula xiran Laascaanood & Hargeysa, iyo furista isku socod ganacsiga & dadka labada dhinac. “Ergedii Garaad Kulmiye waxaanu u sheegnay in Somaliland ay diyaar u tahay nabad, isdhaafsiga maxaabiista, iyo in la furo isu socodka ganacsiga iyo dadka” ayuu yiri Cirro. Balse madaxweynaha Somaliland wuxuu xusay in qodobadaas ay ka socon la’ yihiin dhanka maamulka Waqooyi Bari ee hoggaamiyo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye. PUNTLAND POST
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu dalku galay marxalad halis ah oo taabanaysa amniga, wadajirka iyo dowladnimada. Farmaajo waxa uu halista ku tilmaamay hubanti la’aanta arrimaha doorashooyinka, iyada oo maanta uu dhammaaday muddo-xileedkii rasmiga ahaa ee Baarlamaanka Federaalka. Madaxweyne Farmaajo waxa uu soo jeediyay in loo baahan tahay in si deg-deg ah looga shaqeeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oo horseeda doorasho hufan. War-saxaafadeed uu soo saaray Faramaajo ayuu ku yiri “Soomaaliya waxa ay gashay marxalad halis ah oo taabanaysa amniga, wadajirka iyo dowladnimada, taas oo ay aasaas u tahay hubanti la’aanta arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka”. “Muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka ayaa si rasmi ah u dhammaaday maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka Abriil 2026… Sidoo kale, waxaa ka harsan muddo-xileedka dastuuriga ah ee Madaxweynaha, 31 maalmood oo keliya. Marxaladdan xasaasiga ah waxay u baahan tahay in si deg-deg ah looga shaqeeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oo horseeda doorasho hufan” ayuu raaciyay. PUNTLAND POST
-
Qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ayaa laga mamnuucay sandaqadaha iyo buushashka. Amarkan waxaa la sheegay in uu ka yimid madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo u jeedadiisa lagu tilmaamay hor u qaadida bilicda magaalooyinkaas. Dowladda hoose ee degmada Garowe ayaa laamiga halbowlaha ah ee dhexmara magaalada ka bilowday duminta sandaqadaha iyo buushashka ku yaalla laamiga dhinacyadiiisa, taas oo saameysay dadkii ku ganacsan jiray goobahaas. Magaalada Boosaaso waxaa ka mid ah waddooyinka laga mamnuucay sandaqadaha iyo buushashka waddada halbowlaha ah iyo waddada aada garoonka diyaaradaha. PUNTLAND POST
- Last week
-
Ciidamada Puntland ee ku sugan buuraha Calmiskaad ayaa soo qabtay afar rati oo ka mid ahaa xoolo ay habeen hore kooxda Daacish ka dhaceen dad reer miyi ah. Ciidamada ayaa sheegay in ay afarta rati xalay ka soo qabteen togga Moqor, islamarkaana ay soo qaban doonaan ari dhowr tiro ah oo weli ku jira gacanta Daacish. Kooxda Daacish ayaa habeen hore hooyo iyo gabadh ay dhashay oo reer miyi ah ku dilay meel u dhow deegaanka Daraymadow ee togga Jaceel oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari. Sidoo kale kooxda argagixisada Daacish waxay reerkaas iyo reer kale oo deris la ah ka kaxaysteen xoolo gaaraya afar tiro oo neef (400 oo neef) iyo dhowr rati. Muddooyinkii u dambeeyay waxaa la soo sheegayay dhaqdhaqaaqyo iyo weeraro ay sameeyeen kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysta buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. PUNTLAND POST
-
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow. Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya waxaa loo magacaabay Gudoomiyihii Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka xildhibaan Xuseen Khaasim Yuusuf (Xuseen Idow). “Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo loo magacaabay Mudane Xuseen Khaasim Yuusuf, kadib soojeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse. PUNTLAND POST
-
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in ay difaac ka galayaan dowladda Federaalka Soomaaliya ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiir Qarjab oo maanta hadal ka jeediyay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal waxa uu tilmaamay in ay dowladda Federaalka ka sugayeen waxtar, hase yeeshee waxyeelo u gaysatay. Wuxuu xusay in aysan dowladda Federaalka ka qaybqaadan dagaalka Daacish iyo abaaraha Puntland, balse taas baddelkeeda ay ciidamo ka soo horjeeda maamulka ku beertay deegaannada Puntland. Wasiir Qarjab wuxuu shacabka ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo wax u dhimaysa amniga iyo jiritaanka Puntland oo uu sheegay in dowladda Federaalka kow ka tahay. PUNTLAND POST
-
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa faray ciidamada dowladda in ay taallaabo ka qaadaan, cidda diidan aragtida doorashada ee dowladda Federaalka. Ra’iisul Wasaare oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad Muqdisho ka dhacday oo lagu xusay sanad-guuradii 66-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in uu jiro madaxweyne dowlad goboleed oo doonaya in uu goosto haddii aan la aadin doorasho dadban. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in ay taasi tahay mid aan la aqbali karin oo fal-dambiyeed ah, islamarkaana ciidamada laga rabo in ay diyaargaboobaan oo arrintaas ka jawaabaan. “Nin deegaan Soomaaliyeed xuma in uu noogu hanjabo haddaan doorasho dadban la aadin waan goosanayaa… ciidanow diyaargaroooba idinkaa waajibkiinu yahay in aad ilaalisaan midnimada Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse. Hadalka Xamse wuxuu yimid, xilli madaxweyne Deni uu heegan gelisay ciidamada Puntland, islamarkaana faray saraakiisha in ay saacad kasta u diyaar-garoobaan dagaallo uu sheegay in lagu difaacayo dadka reer Puntland. Dowladda Federaalka ayaa dhawaan awood ciidan Baydhabo kaga saartay madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, sidoo kalena hadda dhaqdhaqaaq ciidan ka wado dowlad goboleedyada kale. PUNTLAND POST
-
Kooxda Daacish ayaa hooyo iyo gabadh ay dhashay oo reer miyi ah ku dilay meel u dhow deegaanka Daraymadow ee togga Jaceel oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari. Dilka labada qof wuxuu dhacay habeenkii axadda saqdii dhexe, waxaana hooyada oo magaceeda lagu sheegay Faadumo Dugeeye ay kooxdan hore u dileen seygeedii sanadkii 2025. Sidoo kale kooxda argagixisada Daacish waxay reerkaas iyo reer kale oo deris la ah ka kaxaysteen xoolo gaaraya afar tiro oo neef (400 oo neef). Dowladda Puntland ayaan weli ka hadlin dilka iyo dhaca ay kooxda Daacish saacadihii la soo dhaafay ka gaysatay buuraha Calmiskaad. Muddooyinkii u dambeeyay waxaa la soo sheegayay dhaqdhaqaaqyo iyo weeraro ay sameeyeen kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. PUNTLAND POST
-
Ciidanka Danab ee hoggaamiyo Gen. Jimcaale Jamaac Takar iyo ciidanka PSF ee hoggaamiyo Gen. Maxamuud Diyaano oo hadda hoostaga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xuska 66-aad ee sanad-guurada ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay ciidanka Danab oo fadhigoodu yahay xerada Ligle ee Garowe ayaa lagu yiri “Waxay Ciidamada Kumaandoos Soomaaliyeed ee Danab Puntland la wadaagayaan umada Soomaaliyeed hambalyada maalinta qiimaha badan ee sanad guurada aasaaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo 66 sano jirsaday”. “Sanadguuradaas oo la xuso 12 ka April sanad walba waxaan alle uga baryaynaa inuu janadiisa geeyo dhamaan inta usoo shahiiday dalkeena sidoo kalana caafiyo inta dhaawacyada u jooga” ayay ku dareen. Sidoo kale Ciidanka PSF oo fadhigoodu yahay Boosaaso ayaa qoraal ay soo saareen ku yiri “Waxaan shacabka Soomaaliyeed la wadaagaynaa maalinta qiimaha badan ee sanad guurada aasaaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hada 66 sano jirsaday”. “Waxaan Alle uga baryeynaa naxariistiisa Janno in uu ugu deeqo dhammaan geesiyaasha Ciidamada kale Duwan ee Xoogga Dalka ee u shahiiday iyagoo difaacaya diintooda, dadkooda iyo dalkooda” ayay raaciyeen. Puntland waxay dhawaan sheegtay in ay deegaannadeeda ku sugan yihiin 1,376 askari oo ka mushaar ka qaata dowladda Federaalka, kuwaas oo ay ku eedeeysay in loogu talagay carqaladeynta amniga iyo jiritaanka Puntland. Ciidamada Danab iyo PSF waxaa hore iyaga iyo dowladda Puntland dagaallo ugu dhexmareen magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso, kuwaas oo sababay khaasare badan oo isugu jira naf, maal iyo barakac. PUNTLAND POST
-
Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee F-16 ayaa maanta ka qaybgalay xuska 66-aad ee sanad-guurada ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, taas oo ka dhacday magaalada Muqdisho. Ilaa saddex diyaaradeed oo F-16 ah iyo diyaarado kale oo joog hoose ku duulaya ayaa dhoolatus milatari ka sameynayay hawada magaalada Muqdisho, xilli munaasabadda ka socotay xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaybgalay munaasabadda, waxaana sidoo kale goobta lagu soo bandhigay ciidan tiro badan oo ka muuqato tayo sare, kuna qalabeysan gaadiid dagaal. Diyaaradaha dagaalka F-16 waxaa markii ugu horreysay hawada Muqdisho lagu arkay bishii Jannaayo ee sanadkan, waxaana dowladda Federaalka oo ka hadashay sheegtay in dowladda Turkiga ay u keentay Soomaaliya, balse warkaas waxay beenisay maalin kaddib. Turkiga wuxuu saameyn weyn ku yeelahay magaalada Muqdisho, isaga oo ku leh saldhigga ugu weyn ee dalkiisa ka baxsan, sidoo kale wuxuu shidaal qodis ka bilaabay xeebaha Soomaaliya, islamarkaana waxaa jira warar sheegaya in uu xarun Dayax -gacmeed dhawaan ka hirgalin doono gobolka Shabeellaha Dhexe. PUNTLAND POST
- Earlier
-
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar started following Southwest State:Laftagareen reelected
-
Southwest State:Laftagareen reelected
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Qofna. Madaxaa la iskula jiraa and some of the most corrupt siyaasiin rabo maamulaan, especially Aaden Madoobe. Koonfur Galbeed waxee dib ugu noqotay 2016 sidee ahayd amaan iyo horumar ahaan. Baydhabo made so much progress in the last eight years. Garoon caalami cusub ayaa sanadkaan dhexdiisa la furi lahaa. It will severely be delayed now. Ditto jidka weyn Xamar aado oo sanad ka badan dhismo ku socday. Waa istaagay dhistiisa. It is just two mashruuc of many. Waa ugu mahad celinayaa inuunan magaalada uu bilicdeeda dowladiisa dhistay burburin, kuna dagaalamin dhexdeeda. -
390 xildhibaano gole degaan oo ku soo baxay doorasho qof iyo cod ah oo ay codeeyeen in ka badan 500,00 oo qof, kuna tartamayeen 1,600 murashax oo ka kala socday 20 urur siyaasadeed iyo16 degmo oo ku yaal gobolka Banaadir ayaa maanta lagu dhaariyay magaalada Muqdisho. Sida uu qabo Dastuurka cusub ee dhawaan la ansixiyay, Xildhibaannada Golaha Degaanka waxa ay soo dooranayaan gudoomiyeyaasha degmooyinka oo kaliyah. Munaasabadda dhaarinta waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir, wasiiro, xildhibaano iyo guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa hambalyo iyo dardaaran u jeediyay xubnaha la dhaariyay. Ugu dambeyntii, guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in bishaan ay doorasho ka qabanayaan maamulka Koonfur Galbeed, kadibna ay xigi doonaan maamullada Galmudug iyo Hirshabeele. Guddoomiyha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa dhaariyay Xildhibaannada Golaha Degaanka ee gobolka Banaadir. Source: goobjoog.com
-
Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho ayaa soo saartay qoraal ay ugu dabbaal-degayso 8-sannadood ee xukunka Abiy Ahmed, iyadoo ku sifeysay xiriirka Soomaaliya mid “qoto-dheer” oo ku dhisnaan “is-faham iyo barwaaqo.” Farriintan oo lagu baahiyey barta rasmiga ah ee Safaaradda ayaa u muuqata mid lagu marin-habaabinayo indhaha caalamka, maadaama ay si cad uga hor imaanayso xaqiiqada dhisidda xiriirka labada dal oo maraya meeshii ugu hooseysay. Faragelinta iyo Been-abuurka In kasta oo Safaaraddu ka hadlayso “midnimo,” haddana ficillada dowladda Itoobiya ayaa ah kuwo liddi ku ah madax-bannaanida Soomaaliya. Tan iyo markii uu soo baxay heshiiskii sharci-darrada ahaa ee lala galay Somaliland (MoU), Itoobiya waxay si bareer ah ugu xadgudubtay qaranimada dalka. Waxa kale oo xusid mudan in Safaaraddu ay hormuud u ahayd faragelintii ugu weyneyd ee Garowe, markii ay diideen inay xiraan qunsuliyaddooda halkaas ku taal, iyagoo hareer maray amarkii dowladda Federaalka Soomaaliya. Farriimaha Safaaradda ee ku saabsan “saaxiibtinimada” waa kuwo lagu qarinayo damaca gurracan ee Itoobiya ay ku doonayso inay qayb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya ku goosato. Waxay u muuqataa in Safaaraddu ay u dhaqmayso sidii xafiis borobaganda oo ka fog anshaxa dibloomaasiyadda, xilli ay dowladda Soomaaliya horay u eriday safiirkii Itoobiya una aqoonsatay Addis Ababa dal xadgudub ku ah nabadgelyada gobolka. Marka loo eego Xeerka Qaramada Midoobay (UN Charter) iyo Xeerka Midowga Afrika, mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee xiriirka caalamiga ah waa “Ixtiraamka Madax-bannaanida iyo Midnimada Dhuleed ee dalalka”. Sidaas darteed, sharciga caalamiga ah ma jiro wax “xaq ah” oo siinaya dal deris ah inuu farageliyo arrimaha gudaha ee dal kale, ha ahaado mid siyaasadeed, mid militari, ama mid maamul, iyadoo aanu jirin oggolaansho rasmi ah oo ka yimid dowladda dhexe ee dalkaas. Source: goobjoog.com
-
Dunida aan ku noolnahay, fahamka caafimaadka maskaxda waxa uu soo maray heerar kala duwan, Mid ka mid ah xaaladahaas ugu muhiimsan waa Autism-ka (Autism Spectrum Disorder). In kasta oo ereygan inta badan loo adeegsado si la mid ah xanuunnada kale, xaqiiqadu waxay tahay in Autism-ku uusan ahayn cudur u baahan daawo, balse uu yahay hab maskaxdu u korto oo ka duwan kan dadka intiisa badan. Autism-ku waa xaalad saameysa habdhiska dareenka iyo koritaanka maskaxda. Ma ahan wax qofka ku dhaca dhalashada ka dib, balse waa sifo uu ilmuhu la dhasho. Saynisyahannadu waxay aaminsan yihiin inay tahay isku-jir ka dhasha hidde-sidayaasha qoyska (Genetics) iyo isbeddelo dhaca xilliga uurka oo saameeya sida unugyada maskaxdu isugu xirmaan. Maskaxda qofka Autism-ka qaba waxay u shaqaysaa si aad u faahfaahsan; halka qofka caadiga ah uu arko sawirka guud, qofka Autistic-ka ah waxa uu dareen gaar ah siiyaa tafaasiisha yaryar, dhawaaqyada, iyo midabada, taas oo mararka qaar ku keenta inuu dareemo culays iyo wareer xagga dareenka ah. Caqabadaha Qoyska Soomaaliyeed: Qurbaha iyo Waddanka Qoysaska Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha, gaar ahaan Minnesota iyo dalalka Waqooyiga Yurub, Autism-ka waxaa loogu yeeraa “Cudurka Qurbaha.” Cilmi-baarisyo ayaa muujiyey in carruurta Soomaalida ay xaaladdan ku badan tahay, taas oo dhalisay cabsi iyo takoorid ka dhex dhalata bulshada. Qoysas badan ayaa ku go’dooma guryaha si ay uga fogaadaan indhaha dadka, iyagoo u arka xaaladda ilmahooda “ceeb” ama wax laga xishoodo. Dhanka kale, gudaha waddanka Soomaaliya, caqabaddu waxay ka bilaabataa fahamka. Dad badan ayaa weli aaminsan in Autism-ku yahay “jinni,” “waalli,” ama “sixir.” Tani waxay keentaa in ilmuhu waayo daryeelkii caafimaad ee uu u baahnaa, beddelkeedana la mariyo nidaamyo aan cilmi ku dhisnayn. Maqnaanshaha xarumo waxbarasho oo loogu talagalay carruurta baahiyaha gaarka ah qaba ayaa sii adkayneysa in carruurtan ay helaan fursad ay ku muujiyaan kartsidooda. Saamaynta Qoyska iyo Kaalinta Hooyada Marka uu ilmo Autism qaba ku soo biiro qoyska, culayska ugu weyn wuxuu ku dhacaa hooyada. Waa wax laga xumaado in mararka qaar aabbayaashu ay ka fogaadaan mas’uuliyadda ama ay gebi ahaanba ka tagaan qoyska markii ay u adkeysan waayaan xaaladda ilmaha. Daryeelka ilmahani ma ahan mid sahlan; wuxuu u baahan yahay teraabi (therapy) joogto ah, cunto gaar ah, iyo dulqaad aan xad lahayn. Aqbal, Faham, oo Garab istaag Si aan u dhisno bulsho naxariis leh, waa inaan beddelnaa habka aan u eegno carruurtan. Autism-ku ma ahan dhammaadka nolosha. Carruur badan oo Autism qaba waxay leeyihiin hibooyin cajiib ah; qaarkood waxay ku fiican yihiin xisaabta, xifdiga Quraanka, ama farsamada gacanta. Waxa ay u baahan yihiin ma ahan in la beddelo, balse waa in la fahmo dunidooda gaarka ah. Gunaanadkii, Maalinta Autism-ka Adduunka waa inaysan noqon maalin xus ah oo keliya. Waa inay noqotaa maalin aan ballan-qaadno inaan garab istaagno qoysaska dhiban iyo carruurta hantida noo ah. Ilma kastaa waxa uu xaq u leeyahay in lagu aqbalo sida uu yahay, loona abuuro jawi uu ku kobcin karo kartidiisa qarsoon. Source: goobjoog.com
-
Geerida waa loo wada madlan yahay, balse midda ku timid barasare Cali Jimcaale Axmed (1954 – 2026) waxa ay iiga dhigantahay geerida qof saaxiib ah oo aad iigu dhowaa. Barafasoor Cali Jimcaale Axmed waxa aan isbarannay sanadkii 2018, markaas oo aan iimayl kula xiriiray aniga oo ah arday talo raadinaya. Xilligaas, sanad ama labo sano ka hor, ayaan waxa aan magaciisa ku bartay warqaddiisa buugga noqotay ee “Day Break is Near, Won’t You Become Sour?” iyo gorfayn (Suturing Somali Wounds) uu ka qoray sheekafaneedda Guban ee uu qoray Cabdiladiif Cige. Waxa uu ahaa qof aan ku bartay ixtiraam iyo dad jacayl. Sida jawaabtiisa koowaad ka muuqatay, waa uu ku farxay in uu arday Soomaaliya jooga la soo xiriiro – soo dhawayntiisii laabfurnaanta lahayd ayaa taa iiga maragkacday. Soo dhowayntiisa iyo dhimrin ay waalidnimo ku larneed darteed ayaan ugu dhiirraday in aan in muddo ahba ka talo qaato, wax ka barto – ilaa uu ii noqday macallin fog. Macallin talooyin iga siiyay; hal-abuurka, curinta iyo akhriska kiisa mudan – si bilaash ah. Waxyaabaha aan illoobayn ee aan aawadiis ka koray waxaa ka mid ah; joojinta akhrinta suugaanta waqtiga la isku dhaafiyo (escapist literature), oo aan beddelka laasimo suugaanta teeda koran. Si aan suugaanta sarraysa u dhadhansado waxa uu igu hagay buugag ay tahay in aan akhriyo. Sidoo kale, waxa uu i baray qoraaga iigu saamaynta badan suugaanleyda: John Steinbeck, oo aan hore u aqoon. Manhaj akhris oo aan u bogay ayuu ila wadaagay. Waxaa intaas dheer in uu si joogto ah iigu dhiirrigelin jiray in aan wax curiyo. Aad buu u jeclaa in uu gacanqabto dhallinyarada rabta in ay wax qoraan. Waxa aan xusuustaa sida uu dhawr marba iigu boorriyay in aan wax qoro iyo in aan soo turjumo. Wdliba waxa uu ii ballanqaaday in uu isaga daabici doono. Illaa heerkaas ayuu garab-istaaggiisu gaarsanaa. Laakiin, cagajiidkayga iyo hawlo kale aawadood fursadaas kama aan faa’iidaysan. Marka laga yimaado dunwanaaggiisa iyo wanaagga uu i taray, barafasoor Cali Jimcaale waxa uu ahaa indheergarad dhab ah: indheergarad wax qora. Kaliya ma ahayn akadeemig aragtiyo curiya oo wax gorfeeya, waxaa uu sidoo kale ahaa suugaanyahan sheekada iyo siiba gabayga curiya. Waxsoosaarkiisa suugaaneed iyo kan akadeemig haddii la isbarbardhigo waa kuwo isgaargaara. Laakiin waxaa Soomaalida dhaxdeeda caan ka ah buugaggiisa akadeemiga ah; The Invention of Somalia (iskudubbarid) iyo Daybreak is Near: Literature, Clans, and the Nation-state in Somalia. Mar haddii aad looga sheekeeyay waxsoosaarkiisa caanka ah, waxa aan rabaa in aan xuso qoraalladiisa yaryar, gaar ahaan sheekooyinkiisa iyo gabayada uu ku curiyay af Ingiriisiga. Qoraalladani waa kuwa muujinaya doorroonida iyo soocnimada hal-abuurkiisa. Gabayada Cali Jimcaale Axmed waxaa loo turjumay afaf badan. Wuxuu soo saaray illaa saddex diiwaan; Fear is a Cow (2002), Diaspora Blues (2005) iyo When Donkeys Give Birth to Calves: Totems, Wars, Horizons, Diasporas: Poems (2012). Jirtoo, midkoodna aan heli karin hadda, waxaan xusayaa saddex gabay oo ka mid ah kuwiisii ugu horreeyay uu ku daabacay joornaalkii UFAHAMU ee uu tifaftiraha ka ahaa. Saddexda gabay waxa ay xaaladda Afrika ka eegayaan saddex dhinac. Midka ugu horreeya “Why is We Not Blest?” Waa gabay gumaysidiid daaran. Waxa uu si sarbeeb ah u naqdinayaa mashruuca waxa looga yeero “ilbixinta” ee gumaystuhu ku harawsado cidda isaga ka soo harta. Wuxuu dirayaa farriin ah: dhegdheer ma dhiman, dhulna nabad ma ahan. Cali, sida lagu yaqaan indheergaradka dhabta ah, isagama turin inuu isnaqdiyo oo uu indheergatada la midka ah ku dhaliilo kaalintooda ay gabeen. Gabaygiisa “From The Ashes of a Pigeon” ayuu ku sawirayaa indheergaradka raba iyaga oo carri fog istareexaya in ay Afrika “hawsha wada” ku hagaajiyaan. Waxa uu sawir qarracan leh ka bixanayaa Afrika, isaga oo barbardhigaya kan indheergaratadeeda qulubsan ee sharaabka kulul carra-edeg ku fuudaya. Gabayga saddexaad “The Third Season of Rape” wuxuu ku muujinayaa mushkilada Afrika in ay tahay walaalo isdilaya – sac ay labadiisa geesood dooxayaan. Wuxuu bixinayaa hummaag ah in aysan kala adkaan karin, laakiin ay facood iska reebayaan. Intaasna waxaa jaqaya “hoggaanka” oo uu ku sawirayo “gafanayaal”. Waxaan marnaba gabayadiisa ka dhicin sheekoyinkiisa gaagaaban oo laga xusi karaa “A Proclivity for Suing” oo uu mar dambe magaca u beddelay “The Litigant” iyo “Shrinkology”oo ah sheeko astuureed falsafadeed. Midna, dulkaxaadiskan kore gorfeyn ma dhamma. Waa xusid kaliya. Sheekooyinka iyo gabayadu midkoodba waxa uu sidiisa u mudan yahay gorfayn u qalanta. Cali Jimcaale waxa uu ahaa hormuudka gorfeeyayaasha dhifta ah ee caalamiyeeyay suugaanta Soomaalida iyo guud ahaan suugaanta agoonka ah ee geeska Afrika. Waxa uu iskudubariday labo buug oo lafaguraya suugaanta geeska; Silence is Not Golden: A Critical Anthology of Ethiopian Literature iyo midka kale ee la yiraa, The Road Less Travelled: Reflections on the Literatures of the Horn of Africa. Marka kaliya la weeleeyo waxqabadkiisa aan qeybta ka xusay, waxaa hubaal noqonaysa in waayidda barafasoor Cali Jimcaale Axmed loo darsan doono. Waxaa laga tebi doonaa golayaasha daraasaadka Soomaalida iyo kuwa Geeska. Waxaa aad ugu darsan doona suugaanta af Soomaaliga oo uu dhif ku yahay gorfeeye Cali u dhigma. Dhankaygana waan tebi doonaa hogatusaalaynta macallinkaygii fogaa. Ugu danbayn, waxaa aan geerida barafasoor Cali Jimcaale Axmed uga tacsiyaynayaa reerkiisa, bahda daraasaadka Soomaalida iyo ummadda guud ahaan. Alle ha u naxariisto. WQ: Cabdikaafi Cismaan Maxamuud Cilmibaare iyo Bare Jaamacadeed Source: goobjoog.com
-
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa haatan martigelinaysa socdaallo aan kala joogsi lahayn oo ay ku imaanayaan madax sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Imaatinka wufuuddan heerka sare ah ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah, iyadoo magaaladu ay marayso weji kala guur ah oo loogu gogol-xaarayo nidaam maamul oo cusub. Wafdiga heerka sare ah ee maanta soo gaaray magaalada waxaa ka mid ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaanno, iyo hoggaamiyaha kumeel-gaarka ah ee loo magacaabay Koonfur Galbeed. Imaatinka madaxdan ayaa si cad u muujinaya in dowladda federaalku ay si buuxda ula wareegtay maamulka iyo sugidda amniga magaalada, iyadoo doonaysa inay si dhow u kormeerto hirgelinta qorshaha xasilinta ee dalka. Waxaa Barbar socda socdaalkan waa tallaabooyin degdeg ah oo dhanka amniga ah, iyadoo si rasmi ah loo magacaabay loona dhaariyay taliyeyaal cusub oo hoggaamin doona booliska gobolka Baay iyo kan magaalada Baydhabo. Taliyeyaashan cusub ayaa durba si buuxda ula wareegay xilkooda, iyagoo bilaabay inay kormeeraan xarumaha amniga iyo inay qaadaan tallaabooyin looga hortagayo wax kasta oo carqaladeyn kara nabadda iyo xasilloonida magaalada inta lagu guda jiro xilligan kala guurka ah. Dowladda Soomaaliya ayaa muujinaysay rabitaan dhab ah oo ay ku doonayso inay ku soo celiso xasilloonida Baydhabo, iyadoo la adeegsanayo isku-duwidda hay’adaha amniga iyo kuwa garsoorka. Source: goobjoog.com
-
Kharg Island waa jasiirad yar oo ku taal Gacanka Faaris, balse muhiimaddeedu aad bay uga weyn tahay cabbirkeeda. Waxay qiyaastii 20 mayl u jirtaa xeebaha Iran, dhererkeeduna waa ku dhowaad 5 mayl, halka ballaceeduna yahay 3 mayl. Inkasta oo ay yar tahay, haddana waa meel si adag loo ilaaliyo, waxaana si rasmi ah loogu tiriyaa meelaha ugu xaddidan ee dalka Iran, taasoo keentay in loogu yeero “Jasiiradda Mamnuuca ah.” Dadka ku nool ma badna, waxayna u badan yihiin shaqaalaha shidaalka iyo ciidamada, halka dalxiis iyo warbaahin toona aan si fudud loo oggolayn. Muhiimadda ugu weyn ee Kharg Island waxay ku jirtaa kaalinteeda dhaqaale. Jasiiraddan ayaa ah halbowlaha dhoofinta shidaalka Iran, iyadoo inta badan lagu qiyaaso in ka badan 90% shidaalka dalkaas laga dhoofiyo uu halkaas ka baxo. Dusha sare ee jasiiradda waxaa ka muuqda haamo shidaal oo waaweyn, dhuumo isku xiran, iyo dekedo ay ku xiran yihiin maraakiibta waaweyn ee shidaalka qaada. Dhaqaalaha Iran si weyn ayuu ugu tiirsan yahay hawlaha ka socda Kharg Island, taasoo ka dhigaysa meel aan la iska indho tiri karin haddii ay timaado xiisad ama dagaal. Si kastaba ha ahaatee, Kharg Island ma aha oo kaliya xarun shidaal. Waxay sidoo kale leedahay taariikh qadiimi ah oo qarsoon. Waxaa laga helay qoraallo dhagax ah oo soo jireen ah, haraadiga kaniisado hore, iyo qalcad ay dhistay shirkaddii Dutch East India Company qarniyo ka hor. Taariikhdan ayaa muujinaysa in jasiiraddu aysan ahayn mid cusub oo keliya lagu xusuusto shidaalka, balse ay leedahay xididdo qoto dheer oo dhaqan iyo taariikh leh. Marka laga eego dhinaca militari, Kharg Island waa bartilmaameed aad u xasaasi ah. Sababtu waxay tahay haddii jasiiraddan waxyeello gaarto, waxaa si toos ah u saameynaya awoodda dhaqaale ee Iran iyo sahayda shidaalka ee adduunka. Sidaa darteed, waxaa si adag u ilaaliya ciidamada Iran, waxaana la rumeysan yahay in ay ku wareegsan tahay nidaamyo difaac oo xooggan. Weerar kasta oo lagu qaado wuxuu keeni karaa jawaab culus iyo in xiisadda gobolka ay si degdeg ah u sii kacdo. Doodda ku saabsan in la qabsado jasiiraddan ayaa mar kale soo cusboonaatay, gaar ahaan hadallada ka imanaya Donald Trump. Waxaa la sheegay in fikradda qabsashada Kharg Island uu hore u soo jeediyay sanadkii 1988, balse hadda ay mar kale soo ifbaxday xilli uu jiro khilaaf sii xoogeysanaya. Warbixino ayaa tilmaamaya in qorshayaal militari la falanqeeyay, isla markaana la saadaaliyay in khasaaraha ka dhalan kara uu noqon karo mid aad u weyn. Haddii Kharg Island ay noqoto goob dagaal, saameynta arrintaasi ma koobnaan doonto Iran oo keliya. Suuqa shidaalka ee caalamka ayaa si weyn u gilgilan kara, qiimaha shidaalkuna si degdeg ah ayuu u kici karaa. Intaa waxaa dheer, xiisadda Bariga Dhexe ayaa isu beddeli karta dagaal ballaaran oo ay ku lug yeeshaan quwado badan. Gebogabadii, Kharg Island waa jasiirad yar oo leh miisaan aad u culus—dhaqaale, taariikheed, iyo militari. Wax kasta oo ka dhaca halkaas waxay saameyn karaan gobolka iyo dunida inteeda kale, taasoo ka dhigaysa meel aad u xasaasi ah oo si dhow loo eegayo xilligan. Source: goobjoog.com
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah oo waxtar u leh tayeynta hey’adaha dowladda, iskaashiga iyo horumarka dalka, waxa ayna kala yihiin. 1- Hindise-Sharciyeedka Hey’adda Maamulka Garoommada Diyaaradaha Soomaaliyeed. 2- Siyaasadda-Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Howlgallada Ciidan iyo Colaadaha. 3- Hindise-Sharciyeedka La-dagaallanka Tahriibta iyo ka Ganacsiga Dadka 4- Xeer-nidaamiyaha Sharciga Shaqada Arrimaha Dibadda. 5- Heshiiska Caalamiga ah ee ka Hortagga Falalka Sharci-darrada ah ee ka dhanka ah Bad-qabka Socdaalka Badda 2005 (Heshiiska SUA ee 20025). 6- Baratakoolka 1992 ee wax ka badalaya Heshiiska Caalamiga ah ee Masuuliyadda Madaniga ee wax-ka beddelka Wasakhowga Saliidda. 7- Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Isbaaniya kuna saabsan Wadatashi Siyaasadeed. 8- Qaraarka Hirgalinta Hannaanka Tartanka Furan. Kulanka Golaha oo uu Guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu bogaadiyey ciidamada qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed oo deegaanno hor leh maalmahan ka xoreeyay kooxaha Khawaarijta isla markaana dadaal ugu jira sidii ay uga sifayn lahaayeen guud ahaan dalka. Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga XFS, ayaa Golaha warbixin ka siiyey dadaallada dowladda ay waddo ee lagu baacsanayo kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo dhowaanna la qorshaynayo howlgallo lagaga sifaynayo deegaannada yar ee ay wali ku suganyihiin. Sidoo kale Golaha Wasiirrada Xukuumaddu waxa ay bogaadiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed iyo caasimadd KMG ee Baydhabo sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen ciidamada qalabka sida. Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyay ciidanka qaranka sidii mas’uuliyadda iyo taxadarka ku jirey ee ay u maareeyeen hawlgalkii la isugu furey waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo. Ugu dambeyntii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag ugu baaqaysaa dhinacyada ay colaaddu u dhexayso ee gobolka Awdal inay si bilaa shuruud ah u joojiyaan xabbadda, qaataanna nabadda, iyadoo lagu dhiirigelinayo inay khilaafaadka ka dhashay deegaanka ku xalliyaan hab wadahadal iyo is-afgarad ah. Sidoo kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa maamulka Somaliland in ay qaataan mas’uuliyadda kaga aaddan xallinta dhibaatadan, door hogaamineedna ka ciyaaro deminta iska horimaadyada sokeeye iyo xasillinta deegaanka. Xukuumaddu waxa ay codsi u diraysaa hoggaanka dhaqanka, culimada diinta, aqoonyahanka iyo dhammaan waxgaradka deegaanka, iyada oo ka sugaysa in ay u istaagaan deminta colaadda ayna xoojiyaan walaaltinnimada, kana shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xal waara oo meesha ka saaraya sababaha keena iska horimaadyada soo noqnoqda. Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ayaa ku dhowaaqday guul weyn oo laga gaaray dhanka maamulka badda ka dib markii si rasmi ah loo diiwaangeliyey markabka lagu magacaabo Guney oo sumaddiisu tahay IMO No. 8230417. Tallaabadan ayaa ah markii ugu horreysay ee taariikhda qaranka Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii in la sameeyo diiwaangelin noocan oo kale ah, taas oo u oggolaanaysa maraakiibtu inay si rasmi ah u qaataan calanka Soomaaliya. Dadaalkan ayaa yimid ka dib markii wasaaraddu ay ku guulaysatay hirgelinta dhammaan shuruucda iyo nidaamyada caalamiga ah ee lagama maarmaanka u ah diiwaangelinta iyo calansiinta maraakiibta. Waxay sidoo kale muujinaysaa go’aanka adag ee dawladda ee ku aaddan casriyeynta arrimaha badda iyo sidii dalku u yeelan lahaa nidaam maamul oo dhammaystiran. Diiwaangelinta markabka Guney waxay albaabada u furaysaa fursado cusub oo lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, iyadoo wasaaraddu ay soo dhoweynayso ganacsatada iyo milkiilayaasha maraakiibta si ay uga faa’iidaystaan adeeggan. Markab kasta oo badda ku jira waa inuu leeyahay waddan uu u diiwaangashan yahay. Markabka Guney wuxuu hadda wataa aqoonsiga Soomaaliya, taas oo macnaheedu yahay in dukumiintiyada iyo shahaadooyinka uu wato ay bixisay Dawladda Soomaaliya. Marka uu galo dekad kasta oo adduunka ah, waxaa loo aqoonsanayaa markab Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u soo saaray wareegto lagu magacaabay hoggaanka kumeel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Magacaabistan ayaa loo xushay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee dalka, Mudane Jibriil Cabdirashiid, kaas oo si kumeel-gaar ah u gudan doona waajibaadka hoggaamineed ee degaankaas ka dib isbeddelladii ka dhacay magaalada Baydhabo. Go’aankan uu qaatay Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa soo afjaraya hubanti la’aantii dhanka hoggaanka ahayd ee ka dhalatay is-casilaaddii Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen. Mudane Jibriil Cabdirashiid ayaa loo xil-saaray inuu hoggaamiyo maamulka inta ay dowladda Federaalku ka soo diyaarinayso doorasho toos ah oo ay shacabku ku dooranayaan hoggaankooda, taas oo qayb ka ah qorshaha dowladda dhexe ee ku aaddan dimuqraadiyeynta maamul goboleedyada. Magacaabistan ayaa timid xilli magaalada Baydhabo ay ku sugan yihiin wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka, Aadan Madoobe, iyo wasiirro muhiim ah, kuwaas oo u gogol-xaarayay hannaankan cusub. Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhowaan gaaro magaalada si uu u xoojiyo maamulka kumeel-gaarka ah iyo wada-tashiyada loola leeyahay siyaasiyiinta iyo waxgaradka degaanka ee ku aaddan dhismaha nidaamka cusub. Source: goobjoog.com
-
Xilli shacabka ku nool waqooyiga gobolka Galgaduud ay filayeen in maamulka Galmudug uu u keeno gurmad abaar iyo mashaariic horumarineed, waxay maanta hor fadhiyaan godad qabuuro ah oo loo qoday dhalinyaradii deegaanka. Dagaalkii ka qarxay deegaanka Baraaga Saddex, oo qiyaastii 15KM u jira degmada Cabudwaaq, ma ahan oo kaliya iska horimaad dhex maray laba beelood, balse waa natiijada ka dhalatay siyaasadda gurracan oo dhiigga shacabka u isticmaalaysa gaashaan lagu difaaco kuraasta. Waxaa soo baxaya xog dhab ah oo muujinaysa in colaaddan aysan ahayn mid kedis ah. Taariikhda maamulka Galmudug waxaa ku qoran bog madow oo sheegaya: “Mar kasta oo uu kaco guux siyaasadeed ama la dareemo in doorashadu soo dhowdahay, waxaa gobolka ka qarxa dagaal beeleed.” Tani ma ahan wax iska dhacay, ee waa istaraatiijiyad ay madaxtooyada Galmudug u isticmaasho inay ku mashquuliso beelaha, kuna curyaamiso tartanka siyaasadeed. Maamulka Galmudug ee maanta jira ma ahan mid ku guuldareystay nabadaynta, balse waa mid ku lug leh hurinta colaadda. Markii dhiiggu daadanayay, halkii ay ciidanka maamulku kala dhex geli lahaayeen maleeshiyaadka, waxay doorteen inay goobta ka fogaadaan. Aamusnaanta maamulku ma ahan tabar-darro, ee waa oggolaansho iyo dhiirigelin si dhibaatadu u sii baahdo, loona helo marmarsiinyo lagu hakiyo isbeddel kasta oo hogaamineed. Maamul Ku Macaasha Masiibada Waa nasiib darro in hoggaan loo igmaday badbaadada shacabka uu noqdo midka hubka iyo dhiirigelinta siinaya dhinacyada is gowracaya. Shaki kuma jiro in xubno sare oo maamulka ka tirsan ay dabka ka dambeeyaan, iyagoo aaminsan in inta dadka gobolku is dilayaan ay kuraastoodu sii ahaanayso mid ammaan ah. Sidee ku dhici kartaa in maamul sheeganaya dowladnimo uu indhaha ka laabto in ka badan 20 ruux oo lagu dilay meel wax yar u jirta xarumahooda? Jawaabtu waa fududahay: Dhiigga daadanaya waa midka lagu qaboojiyo kursiga madaxtooyada. Maanta ma ahan maalin lagu aamuso dambiyada uu maamulku ka galayo shacabkiisa. Waa inaan runta isu sheegnaa: Colaadda Galmudug ma ahan mid geel ama daaqsin kaliya; waa mashiin siyaasadeed oo lagu shido dhiigga dhalinyarada si loogu karsado madaxtinimada. Haddii maamulka Galmudug uusan hadda qaadin tallaabo dhab ah oo uu ku joojinayo dagaalka Baraaga Saddex, taariikhda waxay u qori doontaa inay ahaayeen dambiileyaal dagaal oo gubay gobolkooda si ay u xukumaan dambaska. Source: goobjoog.com
-
UN votes to designate slavery the worst crime against humanity. Photo: UN The UN has adopted a landmark declaration, introduced by Ghana, recognizing the transatlantic slave trade as the “gravest crime against humanity,” in a move that has intensified calls for reparations from African and Caribbean countries. Originally published in People’s Dispatch. On March 25, 2026, the United Nations General Assembly adopted a landmark resolution declaring the transatlantic trafficking and racialized chattel enslavement of Africans as the “gravest crime against humanity”. The decision, passed with 123 votes in favor, 3 against (Argentina, Israel, United States), and 52 abstentions, marks a historic shift in the international recognition of one of the most devastating systems in human history. The resolution places reparations at the center of global justice discourse, affirming that addressing historical wrongs against Africans and people of African descent is both necessary and overdue. A long struggle for reparations The declaration represents the culmination of decades of Pan-African advocacy, intensified in recent years through coordinated diplomatic efforts led by the African Union (AU) and supported by the Caribbean Community (CARICOM). In February 2026, African heads of state had already adopted a continental position recognizing slavery, deportation, and colonialism as crimes against humanity, setting the stage for the UN vote. At the forefront of this effort was Ghana’s President John Dramani Mahama, serving as the AU champion for reparations. Ahead of the vote, Mahama told member states: “Let it be recorded that when history beckoned, we did what was right for the memory of the millions who suffered the indignity of the slave trade … Let our vote restore their dignity and humanity.” UN Secretary-General António Guterres, in his address, described the transatlantic slave trade as; a “deep betrayal of human dignity”. A system in which millions were abducted, one in seven dying during the Middle Passage, while a global economic order was constructed on exploitation, racial hierarchy, and violence sustained for over 400 years. Further, Guterres emphasized that slavery was not just an isolated historical crime, but a “machinery of mass exploitation and deliberate dehumanization” whose legacies persist today in inequality and systemic racism. By explicitly recognizing reparations as a “concrete step toward remedying historical wrongs,” the resolution advances a demand long championed by African and Caribbean movements. Reparations debates have historically faced resistance from former colonial powers, often framed as impractical or legally complex. However, this declaration strengthens the argument that, the transatlantic slave trade constituted a crime under international moral law, its economic benefits were systematically extracted and accumulated and its harms remain measurable in structural inequalities, underdevelopment, and racial injustice. Geopolitics of denial The vote revealed deep geopolitical fractures. The opposition by the United States, Israel, and Argentina, alongside 52 abstentions, show ongoing resistance to fully confronting historical accountability. These positions reflect broader patterns of imperial power and reluctance to accept liability, particularly given the potential economic and legal implications of reparations. From a Pan-African perspective, this resistance is not surprising. Princess Yanney, from the Pan-African Progressive Front, told Peoples Dispatch: “The countries that voted against the motion; US, Israel, and Argentina. It is no secret that these countries particularly, even in the current situation in the Middle East (US and Israel), attest to them being major drivers of imperialism and the drivers of oppression. Hence, these countries presumably never wanted a day, where the African people get the justice that they deserve. And more so, that this recognition would affect them in so many ways than one.” Yet, she adds, recognition alone is insufficient. “The real work has only just begun … several systems must change for a new structure to emerge.” Beyond legal and economic implications, the resolution intervenes in the politics of memory and healing. For centuries, the transatlantic slave trade was either minimized or distorted through racial ideologies that justified exploitation. “There is something unique about healing. Without healing it is difficult to genuinely aspire forward, forgive and forget. Africans are suspicious of others who have tormented them and practically aimed to destroy their existence. Now we live together and coexist, but with this burden of hurt. It is vital to ensure complete healing so that we can all move forward as a global family, and this is exactly what this resolution asserts,” Yanney says. The controversy extended beyond the opposition by the United States and its close allies. On the same day that the Ghanaian head of state addressed the UN to speak on the historic resolution, his government signed a security and defense partnership with the European Union. The move was heavily criticized by progressives as on one hand the nation was leading the fight for historical memory and reparations, and on the other, assisting in cementing neo-colonial presence in West Africa, a frontline of the struggle against colonialism and imperialism Source Black Agenda Report Qaran News
-
Khubarada hubka, oo falanqeeyay sawirro la daabacay, ayaa sheegay in gantaallo casri ah oo Mareykan ah ay u badan tahay in loo adeegsaday weerarkii dhimashada badnaa ee bishii hore ka dhacay deegaan dad deggen yihiin oo ku yaalla Iran. Gantaalka la baahiyay sawirradiisa weerarka lagu qaaday dhismayaasha la deggan yahay ee ku yaalla magaalada Lamerd ee koonfurta Iran ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa “gantaal noca ku hubsada bartilmaameedyado sax ah” (PrSM), oo ah hub cusub oo masaafo dheer wax ka dila oo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka, sida ay sheegeen falanqeeyayaal. Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay ugu yaraan laba weerar oo isla maalintaas ka dhacay magaalada, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran. Weerarrada ayaa la sheegay inay beegsadeen dhismayaal la deggan yahay iyo hool lagu qabto xafladaha oo isu jira qiyaastii 300 mitir. Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), oo kormeera hawlgallada milatari ee ee Bariga Dhexe, ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo. Sida ku cad tirakoobkii 2016, Lamerd waa magaalo ku taalla gobolka Fars oo leh dad ku dhow 30,000. Magaalada waxay ku taallaa dhul buuraley iyo dhagax badan leh, waxayna qiyaastii 14 saacadood baabuur u soo socdaaTehran. Muuqaallo CCTV ah oo ay baahisay warbaahinta dowladda Iran, isla markaana ay xaqiijisay BBC Verified, ayaa muujinaya waxa khubaradu aaminsan yihiin inuu yahay gantaal Mareykan ah oo dul maraya aagga bartilmaameedka daqiiqado ka hor inta uusan qarxin. Saddex falanqeeye oo ka tirsan shirkadda sirdoonka difaaca ee Jane’s iyo khabiir ka tirsan McKinsey Intelligence ayaa sheegay in qaabka, dhererka, iyo cabbirka qaraxa uu sameeyay gantaalka, iyo maqnaanshaha nidaamyo xakameyn oo muuqda oo ku yaalla qaybta hore, ay muujinayaan in hubka la arkay uu u badan yahay “gantaal weerar sax ah ama ku dhaca halkii loogu talagalay” (PrSM). Amal Kotlarsky, oo ah falanqeeye ka tirsan Jane’s, ayaa aaminsan in iyadoo lagu saleynayo astaamahan iyo masaafada u dhexeysa goobaha suurtagalka ah ee Mareykanku ka ridi karo gantaallada Bariga Dhexe, gantaalkan uu u badan yahay hubka kaliya ee ciidamada Mareykanka haystaan ee gaari karay magaaladaas. Shirkadda McKenzie Intelligence sidoo kale waxay sheegtay in magaalada Lamerd ay “ku jirtay xadka gaari karo” ee gantaalkan: “Xarunta taliska dhexe ee mareykanka ayaa sheegtay in marxaladihii hore ee dagaalka, ay isticmaashay gantaallada weerarka saxda ah (PrSM) si ay weerarro ugu qaaddo Iran, iyadoo laga soo riday saxaraha dal aan la cayimin oo ku yaalla gobolka Gacanka Faaris.” Macnaha hadalkan ayaa ah in masaafada u dhexeysa meelaha ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin saldhigyada Bariga Dhexe iyo magaalada Lamerd ay ku habboon tahay awoodda gantaalkan cusub, maadaama PrSM uu gaari karo boqolaal kiiloomitir oo ah masaafo fog. Bartilmaameedka weerarka ayaa laga yaabaa inuu ahaa saldhig ay leeyihiin Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) oo ku dhow hoolka xafladaha ciyaaraha lagu qabto. Si kastaba ha ahaatee, wax sawirro ah lagama soo saarin goobta si loo muujiyo in saldhigga la garaacay, waxaana muuqata in dhismahaasi uusan waxyeello gaarin marka la eego sawirro dayax-gacmeed oo tayo sare leh oo la qaaday 9-kii Maarso. Weerarkan, oo dhacay maalintii ugu horreysay ee dagaalka, ayaa yimid saacado yar kaddib weerar lagu qaaday iskuul ku yaalla Minab, kaas oo saraakiisha Iran ay sheegeen inuu dilay ugu yaraan 168 qof, oo ay ku jiraan ku dhowaad 110 carruur ah. Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdadan, wuxuuna adkeeyay in ciidamada Mareykanku “aysan waligood beegsan goobaha rayidka.” Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in tani ay tahay markii ugu horreysay ee ciidamada ay adeegsadaan hubkan, oo ay soo saartay shirkadda Lockheed Martin, kaas oo la qorsheeyay inuu adeegga galo sannadka 2023. Macluumaad aad u yar ayaa laga bixiyay jiilkan cusub ee gantaallada ballistic-ga ah ee masaafada dheer, kuwaas oo gaari kara ilaa 500 kiiloomitir. Gantaalkan ayaa beddel u ah gantaalka Atkmaz, oo ah gantaal dhulka laga rido laguna beegsado bartilmaameedyada dhulka ah oo gaari kara ilaa 300 kiiloomitir, kaas oo Ukraine ay u adeegsatay weerarro ka dhan ah Ruushka. Jeneraal Dan Keene, oo ah guddoomiyaha Taliyeyaasha Isku-dhafka ah, ayaa ku ammaanay adeegsiga hubkan shir jaraa’id oo uu qabtay 13-kii Maarso, isagoo sheegay inay “taariikh sameeyeen,” isla markaana ay hawlgalladooda ku fuliyeen “saxnaan iyo go’aan adag oo ka dhashay tababar joogto ah iyo kalsooni ay ku qabaan nidaamyadooda hub.” Muuqaallo iyo sawirro ay dib u eegtay waaxda xaqiijinta ee BBC ayaa muujinaya in gantaalkan laga yaabo in sidoo kale loo adeegsaday weerar kale oo ku dhow isla waqtigaas, kaas oo lagu qaaday hool ciyaareed oo qiyaastii 300 mitir u jira dhismayaasha la deggan yahay. Mid ka mid ah muuqaallada, waxaa lagu arkayaa waddo weyn oo ay baabuur ku socdaan, iyadoo hool jimicsi uu ka muuqdo gadaasha. Daqiiqado yar kaddib, wax u eg kubbad holcaysa ayaa ku qaraxda dusha hoolka. Inkasta oo gantaalka laftiisa uusan ka muuqan xagasha laga duubay muuqaalka, haddana hirka qaraxa ayaa u muuqda inuu jebinayo daaqadaha dhisme ku yaalla dhinaca kale ee waddada, waxaana la arkayaa nin si argagax leh uga cararaya goobta. Xigashada Sawirka,Tasnim Sawirro laga qaaday goobta kaddib weerarka ayaa muujinaya in hal dhinac oo ka mid ah dhismaha uu gebi ahaanba dabooshay wasakh madow qiiq iyo gubasho, iyadoo qiiq cir isku shareeray. Waxaa sidoo kale muuqda dhaawac soo gaaray saqafka, iyo burbur (haraa qarax) ku firdhay agagaarka goobta. Falanqeeye ka tirsan shirkadda Jane’s ayaa sheegay in inkasta oo muuqaalka keligii uusan caddeyn karin nooca hubka loo adeegsaday weerarka hoolka jimicsiga, haddana sawirrada kaddib weerarka ay muujinayaan caddeymo la jaan qaadaya madaxa qaraxa ee gantaal hagitaan sax ah leh ee (PrSM). “Maadaama tani ay tahay markii ugu horreysay ee aan aragno gantaalkan isagoo la adeegsanayo, ma hayno wax aan la barbar dhigno. Qaabka firirka iyo jajabka iyo cufnaantiisa lagu arkay dhismaha ayaa taageeraya falanqeyntan ku saabsan nooca madaxa qaraxa,” ayay tiri Kotlarsky. Shirkadda Lockheed Martin ayaa ku sifeysa gantaalkan boggeeda internetka inuu yahay “haboon la tijaabiyay, kharashkiisuna hooseeyo isla markaana halistiisu yar tahay.” Shirkaddu waxay diiday inay faallo ka bixiso weerarka, iyadoo su’aalaha u gudbisay dowladda Mareykanka. Shirkaddu waxay sidoo kale ku dhawaaqday Arbacadii, 25-ka Maarso, inay heshiis la saxiixatay Wasaaradda Difaaca Mareykanka si ay “afar jibbaar” u kordhiso soo saarista hubkan. Bbcsomali Qaran News
-
Fadhigii 58-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. Fadhigii 58-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada waxa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen: (𝟏) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdalle Maxamed Carab. Wasiirku waxa uu sheegay in ammaanka guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid sugan oo xasiloon, isla markaana aanay haatan jirin wax amni darro ah ama qalalaase ahi, marka laga reebo Colaaddii maalmihii ugu dambeeyey ka dhacday Gobollada Awdal iyo Selel. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Xukuumaddu afartii bilood ee ugu dambeeyey ay dedaal badan gelisay sidii loo soo afjari lahaa colaadda u dhaxaysa bulshada walaalaha ah ee ku wada nool degaannadaasi. Wasiirku waxa uu Tacsi u diray Qoysaska iyo Ehelada dadkii ku dhintay colaadda ka aloosan degaanno ka mid ah Gobollada Awdal iyo Selel. Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in Xukuumad ahaan ay ka go’an tahay ilaalinta nolosha muwaadiniinta iyo dib u soo celinta nabadda iyo xasilloonida degaanno ka mid ah Awdal iyo Selel. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in mudnaanta koowaad la siinayo sidii loo hirgelin lahaa Gurmad Qaran oo midaysan oo lagu joojinayo colaadda, laguna baajinayo dhiig dambe oo ka dhex daata dadka walaalaha ah ee ku wada nool degaannadaasi. 𝟐) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐤𝐨𝐫𝐨𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐪𝐢𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐜𝐢𝐢𝐬𝐡𝐚𝐝𝐝𝐚: Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin faahfaahsan oo la xidhiidha saamaynta uu dunida ku yeeshay dagaalka Bariga Dhexe, kaasi oo sababay hoos u dhaca isu-socodka Ganacsiga Caalamka, korodhka xad-dhaafka ee Caymiska Gaadiidka Badda, taas oo sababtay korodh ku yimid qiimaha Shidaalka iyo Maciishadda Dunida oo dhan. Wasiirku waxa uu sheegay in dal ahaan arrintani ay ina saamaysay, shidaalka iyo maciishaddiina ay kor u kaceen, taasoo sababtay sicir-barar si toos ah u saameeyey nolosha guud ee bulshada, gaar ahaan hoos u dhaca awoodda wax iibsiga ee muwaadiniinta (purchasing power) Wasiirku waxa uu xusay in korodhka kharashaadka gaadiidka iyo soo dejinta alaabtu uu si weyn uga qayb qaatay sicir-bararka ka jira suuqyada dalka, maadaama dhaqaalaha Somaliland uu si weyn ugu xidhan yahay ganacsiga dibadda. Wasiirku waxa uu sheegay in sababaha ugu waaweyn ee korodhkan ay ka mid yihiin isbeddellada ka jira suuqyada caalamiga ah, gaar ahaan dagaalka Bariga Dhexe, kaas oo sare u qaaday qiimaha shidaalka, isla markaana si silsilad ah u saameeyey qiimaha badeecooyinka aasaasiga ah. Sida oo kale, Wasiirku waxa uu tilmaamay in Wasaaradda Ganacsigu ay qaadday tallaabooyin lagu xakameynayo sicir-bararka, oo ay ka mid yihiin kormeerka joogto ah ee suuqyada, la socodka qiimaha Shidaalka iyo Maciishadaha daruuriga ah, iyo wadahadallada lala yeeshay Ganacsatada dalka, si loo ilaaliyo xasilloonida qiimaha shidaalka iyo badeecadaha. 𝟑) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚: Waxa Golaha warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, isaga oo sheegay in guud ahaan adeegyada caafimaadka dalku ay wanaagsan yihiin, xummaddii dalka ka jirtayna ay saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyey hoos u dhacday, kaddib ay Wasaaraddu qaaday olole ballaadhan. Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay ku hawlan tahay dejinta siyaasado iyo barnaamijyo lagu joogtaynayo adeegyada caafimaadka bulshada ee aasaasiga ah, isla markaana lagu yaraynayo saamaynta taban ee ay innagu yeelan karaan ku tiirsanaanta Barnaamijyada Caafimaad ee laga maal-gelin jiray deeqaha Caalamka, maadaama uu isbeddel weyni ku yimid qaabkii ay Dalalka Deeq-bixiyeyaasha u maal-gelin barnaamijyada Caafimaadka. Wasiirku waxa kale oo uu ka warbixiyey hab-sami-u-socodka hawlaha Barnaamijka Tallaalka Isku-dhafan (Big Catch Up Vaccination), kaasi oo guud ahaanba Gobollada Dalka ka socday intii u dhaxaysay 24-kii ilaa 31-ka March, 2026. Tallaalkan isaga ah Wasiirku waxa uu sheegay in uu yahay mid lagaga hortagayo xanuunada dilaaga ah ee carruurta, waxana loogu talo galay Caruurta aan weli hore u qaadanin wax tallaal iyo kuwa aan dhammaysan tallaalkii u qorshaysnaa. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Wasaaraddu ay hawl gelisay Dhakhaatiir iyo kooxo caafimaad (433X3 Teams) oo samaynayay daaweynta xummadda, xanuunnada guud iyo Barnaamijka Nafaqada Carruurta. 𝟒) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐑𝐞𝐞𝐫 𝐌𝐢𝐲𝐢𝐠𝐚: Waxa Golaha warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed. Wasiirku waxa uu ka warbixiyey Xaaladda guud ee xoolaha dalka, isaga oo tilmaamay in xooluhu ay weli yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland. In kasta oo ay jireen abaaro baahsan oo dalka ka dhacay, haddana waxa uu xusay in nasiib wanaag aanay saamayn muuqata ku yeelan caafimaadka xoolaha, isla markaana xoolaheennu guud ahaan yihiin kuwo caafimaad qaba. Wasiirku waxa uu iftiimiyey faa’iidooyinka ay xooluhu ka helaan dhul-daaqsimeedka iyo seeraha, isaga oo tusaale u soo qaatay deegaanka Aroori, halkaas oo sannadkan ay ka faa’iidaysteen in ka badan laba milyan oo neef, taas oo si weyn uga qayb qaadatay kor u qaadista caafimaadka iyo wax-soo-saarka xoolaha. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay furtay Xarun Casri ah oo lagu daaweeyo, laguna sameeyo qalliinnada iyo kabitaanka xoolaha iyo xayawaanka kale ee dhaawacma ama jaba, taas oo kor u qaadaysa adeegyada caafimaadka xoolaha ee dalka. Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu xusay in dhoofka xoolaha nool uu si wanaagsan u socdo, isla markaana loo baahan yahay in magaalada Berbera laga hirgeliyo Deked u gaar ah Dhoofka Xoolaha Nool, si loo kordhiyo fursadaha ganacsi loona xoojiyo dhaqaalaha Qaranka. 𝟓) 𝐇𝐚𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐮𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐉𝐒𝐋: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa gunaanadkii Shirka Golaha Wasiirrada ka jeediyey hadal mug leh oo uu kaga hadlay muhiimadda ay amniga iyo xasilloonidu u leeyihiin jiritaanka iyo horumarka Qaranka JSL. Madaxweynaha ayaa caddeeyey in ay Xukuumadda si buuxda uga go’an tahay in colaadda ka taagan gobollada Awdal iyo Selel lagu soo af-jaro wada-hadal, is-afgarad iyo nabad dhex marta bulshada walaalaha ah, isaga oo xusay in ilaalinta nafta iyo maalka muwaadiniintu ay tahay waajib Dastuuri ah oo aan laga leexan karin. Madaxweynuhu waxa uu xusay in Xukuumaddu ay horseed ka tahay Gurmad Qaran oo lagu soo afjarayo colaadda. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa si guud u dulmaray saamaynta uu dagaalka Bariga Dhexe ku yeeshay dalka, gaar ahaan dhinacyada korodhka Maciishadda iyo Shidaalka taasi oo saamayn ku yeelatay nolosha bulshada, isaga oo xusay in Xukuumadda, Ganacsatada iyo Shacabkaba looga baahan yahay wadajir iyo iskaashi si looga gudbo xaaladdan adag. Qaran News
-
Newsletter
