All Activity

This stream auto-updates     

  1. Yesterday
  2. So how does this work will the eastern Sanaag community completely abandon punt land . I think it’s all about to go down on how are you going to implement it . The two prominent sultans of the eastern sanaag comunitty were not present there and the most important factor is sultan Siciid sultan Abdislaam suldan Maxamud ali Shiire. Has rejected this all together let’s see how this goes then and develops .
  3. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay jeediyay khudbad ku saabsan Xuska sannad-guuradii 27 ee ka soo wareegtay as-aaskii Puntland ayaa si guud uga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gaar ahaan arrimaha Puntland. Madaxweyne Siciid Deni, wuxu shacabka Puntland ugu hambalyeeyay xuska Munaasabadda 1-da Agoosto, waxaana uu bogaadiyay midnimada iyo wadajirkii ay ku wajaheen Hawlgalkii ciribtirka Argagixisada Daacish, kaasi oo wakhtigan geba-gabo maraya, kaddib markii la wiiqay awooddii mileeshiyaadkii Calmiskaad. Wuxuu sidoo kale sheegay in uu dhawaan bilaabanayo Hawlgalka Calmadow ee buuraha gobolka Sanaag lagaga sifaynayo mileeshiyaadka argagixisada Al-shabaab, waxaana uu ugu bishaareeyay ciidamada difaaca Puntland ee difaaca kaga jira buuraha Calmadow in ay ku soo biiri doonaan ciidamadii hore u fadhiyay Calmiskaad ee ku soo guulaystay Ciribtirkii Daacish. Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa si adag u dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid ka gaabisay dagaalkii argagixisada, islamarkaana wuxu sheegay in ay abuurtay dagaallo siyaasadeed oo ku salaysan dano, isagoo si gaar ah u xusay dagaalladii ka dhacay degmooyinka Doolow iyo Beledxaawo ee gobolka Gedo. Halkaan ka daawo Khudbadda PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni: Villa Somalia waxay dalka ku waddaa burbur aan soo kabasho lahayn appeared first on Puntland Post.
  4. Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo fadhigoodu yahay degaanka Kalabayr ee gobolka Bari ayaa xalay gacanta ku dhigay laba xubnood oo kamid ah firxadkii argagixisada Daacish ee lagu jebiyay Hawlgalkii Calmiskaad. Saraakiil ka tirsan Hawlgalka Calmiskaad ayaa xaqiijiyay in labada xubnood oo ajaanib ah laga qabtay buuraha u dhaw degaanka Kalabayr ee gobolka Bari, halkaasi oo ay u soo firxadeen, kaddib markii ciidamada difaaca Puntland si buuxda u kala daadiyeen awooddii mileeshiyaadka Daacish. Saraakiishu waxay sheegeen in labada Argagixiye loo gudbinayo Taliska guud ee Hawlgalka Calmiskaad ee magaalada Boosaaso, si loo mariyo baaritaan dhammaystiran, islamarkaana loo horgeeyo hay’adaha garsoorka, gaar ahaanna maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay laba argagixiye oo kamid ah firxadkii Daacish appeared first on Puntland Post.
  5. Last week
  6. Shirka Horumarinta gobolka Mudug, oo ay si wadajir ah u qabteen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo haldoorka gobolka ayaa maanta ka furmay Gaalkacyo. Shirkan waxaa si weyn loogaga hadlay qorshayaasha horumarineed ee gobolka Mudug, gaar ahaan dhinacyada amniga, adeegyada bulshada, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland, culimada, isimada dhaqanka Mudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Mas’uuliyiinta ka qaybgalay Shirka intooda badan waxay jeediyeen khudbado taabanaya xaaladda guud ee Gobolka Mudug iyo sida si wadajir ah looga shaqayn karo horumarka gobolka, waxaana lagu wadaa in maalinta berri ah uu soo xirmo Shirkan, islamarkaana laga soo saaro go’aamo rasmi ah oo ku saabsan dhammaan qodobadii laga hadlay. PUNTLAND POST The post Shirka Horumarinta Gobolka Mudug oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  7. Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro has called on the region’s business leaders to provide urgent assistance to communities affected by a worsening drought in the western region of Awdal. Speaking at a high-level meeting held at the presidential palace in Hargeisa, President Irro urged prominent businesspeople and representatives of major companies to mobilise resources to support tens of thousands of people facing severe water and food shortages. The meeting was attended by the Vice President, senior cabinet members, and key figures from the business community. The president stressed that swift intervention is essential to prevent further deterioration of the humanitarian situation. We need the full support of our business sector to save lives, President Irro said. Thousands are at risk, and we must act before it is too late, he added. Earlier, the Somaliland government appealed to the international community and humanitarian agencies to provide emergency aid to drought-affected areas. President Irro emphasised that timely assistance could be the difference between life and death for many residents in the region. Tweet Qaran News
  8. Xamaas ayaa sheegtay in ay maanta u gudbin doonto Israa’iil magacyada afarta qof ee laheystayaasha ah ee la sii dayn doono, taasoo qayb ka ah heshiiskii xabbad joojinta ee Gaza. Waxaa la filayaa inay noqdaan afar dumar ah oo isugu jira askar iyo dad rayid ah. Isweydaarsiga maxaabiista ee dhici doonta maalinta sabtida ah, Israel ayaa la filayaa inay sii deyso ilaa boqol iyo siddeetan dumar ah oo Falastiiniyiin ah oo maxaabiis ah. Sido kale maalinta sabtida ah, kumanaan kun oo barakacayaal ah ayaa lagu wadaa in ay dib ugu laabtaan waqooyiga dhulkaas iyadoo ciidamada Israa’iil ay ka sii baxayaan Qaza. Dhanka kale, Canada ayaa ku dhawaaqday inay dal madax bananan u aqoonsaneyso Falastiin iyadoo hore UK iyo Faraansiiska ay sheegeen inay aqoonsan doonaan Falastiin. Qaran News
  9. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo qaban-qaabiyaasha Shirka Horumarinta Gobolka Mudug oo xalay soo saaray Warsaxaafadeed wadajir ah ayaa shaaciyay in uu maanta oo Khamiis ah furmayo Shirkaasi, kaddib markii la xalliyay Khilaafkii ka taagnaa qabsoomiddiisa. Shirkan oo ku saabsan u qareemidda Horumarinta Gobolka Mudug ayaa sida la go’aamiyay wuxu Gaalkacyo ka furmaya maanta oo ku beegan 31/07/2025, waxaana si wadajir ah u qabanaya guddi ka kooban 11 xubnood oo isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo xubnihii hore u qaban-qaabinayay oo kamid ah haldoorka Gobolka Mudug. “Annagoo ah guddiga Horumarinta degmada Gaalkacyo, waxaa Eebbe nagu guuleeyay in farqigii u dhexeeyay qaban-qaabiyaasha Shirka Horumarinta Gobolka Mudug iyo mas’uuliyiinta dowladda ee ku aaddanaa Maamulka iyo Ajandaha Shirka Horumatinta Gobolka Mudug, waxaana go’aaminay in Shirku furmo 31/07/2025, islamarkaana soo geba-gaboobo 01/08/2025.” “Shirka Horumatinta Gobolka Mudug, waxaa wada qabanaya guddi ka kooban 11 xubnood oo isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo xubnihii hore u qaban-qaabinayay oo kamid ah haldoorka Gobolka Mudug” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed wadajir ah oo ay xalay soo saareen Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo qaban-qaabiyaasha Shirka Horumarinta Gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Puntland: Khilaafkii ka taagnaa qabsoomidda Shirka Horumarinta Gobolka Mudug oo la xalliyay appeared first on Puntland Post.
  10. Wararka ka imaanaya gobolka Raas Casayr ee Puntland ayaa sheegaya in saddex kalluumeysato ah lagu la’ yahay xeebaha degaanka Tooxin ee degmada Bareeda, kuwaasi oo ka baxay marsada Daamo ee nawaaxiga Tooxin. “Waxaa la la’ yahay Saddexda Kalluumeyste oo aan mid kamid ah ehel nahay, kuwaasi oo doon yar kaga baxay marsada Daamo ee u dhaw degaanka Tooxin degmada Bareedo, kuwaasi oo u kalluumeysi tegey badda. Waxaana aad iyo aad werwer noogu haysa xaaladda maqnaanshahooda.” “Xilligan waxaa badda ka dhacaya dabaylo xooggan oo aysan xamili karin laashashka iyo doonyaha yar yar ee Kalluumeysiga, taasi cabsi badan ku abuurtay Kalluumeysatada degaanka ee nolol maalmeedka ka raadsada badda, haddana qaarkood lagu la’ yahay badda” ayuu yiri qof ku sugan degaanka Tooxin oo aan ka xigannay warka ku saabsan Kalluumeysatada lagu la’ yahay xeebaha Tooxin. PUNTLAND POST The post Kalluumeysato lagu la’ yahay xeebaha degmada Bareedo ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  11. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐨𝐪𝐨𝐫𝐭𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐈𝐧𝐠𝐢𝐫𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐮 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐬𝐚𝐧 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska (UK) u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane Charles King oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka si kor loogu qaado iskaashiga labada dhinac. Danjiraha waxa kulankiisa ku wehelinayey masuuliyiinta ugu sarreeya Xafiiska uu Ingiriisku ku leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ku qotoma danaha ay wadaagaan labada dhinac, iyada oo laga duulayo xidhiidhka qotoda dheer leh ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska, kaasi oo salka ku haya nabad, horumar, wada shaqayn dhab ah iyo iskaashi istiraatiiji ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Danjiraha uga mahad naqay booqashada uu yimid Somaliland. Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu Dawladda Ingiriiska uga mahad celiyay doorkeeda Taariikhiga ah ee taageerada Somaliland, waxana uu xusay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso iskaashiga labada dhinac ee ku dhisan nabad, horumar iyo dano-wadaag. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Danjire Charles King uga xog-warramay tallaabooyinka wax-ku-oolka ah ee ay qaaday Xukuumadda Somaliland muddadii koobnayd ee ay xilka haysay ka hirgelisay Gobollada Bariga Somaliland; sida Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo Gaadiidkoodii, soo afjarka colaado sannado badan ka jira degaannada Ceel Afweyn iyo tiro koobka, tayaynta iyo kordhinta mushaharka qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka. Madaxweynuhu waxa uu Danjiraha u xaqiijiyey in arrimaha xagga amniga ee ka jira Bariga Sool iyo Sanaag ay Dawladda Somaliland ka go’an tahay in lagu xalliyo wada hadal iyo wada xaajood. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in laga bilaabo maalintii xukunka dalka loo dhaariyey (12.12.2024) uu ku dhawaaqay gogol nabadeed oo aan shuruud lahayn, uu sameeyey Guddida Nabadda Qaranka JSL, marar badanna uu ku celceliyay baaqa gogosha Nabadda, si wada hadal loogu dhammeeyo wixii colaad ah ee ka jira Bariga Sool iyo Bariga Sanaag. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Danjiraha Dawladda Ingiriiska u sheegay in Xukuumadda Xasan Sheekh ay qayb weyn ku leedahay hurinta colaadaha degaannada Bariga Somaliland, iyada oo kaga gabbanaysa mushkiladaha tirada badan ee haysta maamulkiisa. 𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐞𝐞 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚𝐠𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐧𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐚: 1. Ka wada shaqaynta Nabadda iyo Ammaanka Gobolka: Madaxweynaha Somaliland waxa uu hoosta ka xariiqay kaalinta ay Somaliland ka leedahay xasilloonida gobolka, waxana uu xusay muhiimadda ay leedahay in la garab istaago dedaallada ay Xukuumadda Somaliland ugu jirto adkaynta nabadda iyo xasilloonida mandaqadda, si loo helo nabad waarta iyo degenaansho siyaasadeed. 2. Xoojinta iyo ku dhaqanka Sharciga, Caddaaladda iyo Hufnaanta Maamulka Dawliga ah si loo hanto kalsoonida dadweynaha. 3. Horumarinta Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Gobolka. 4. Maalgashiga iyo kobcinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha. Isaguna dhankiisa, Danjiraha Dawladda Boqortooyada Ingiriiska Mudane Charles King waxa uu Madaxweynaha Somaliland u xaqiijiyey in Dawladdiisu ay si weyn u qiimaynayso, kuna faanayso xidhiidhka adag ee taariikhiga ah ee ay la leedahay dadka iyo dalka Somaliland. Danjiruhu waxa uu sheegay in Somaliland, gaar ahaan Dekedda Berbera ay leedahay awood dhaqaale oo aad u weyn. Danjiruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in la dhiirri-galiyo Maalgashiga gaarka loo leeyahay, maadaama uu yahay furaha koboca dhaqaalaha. Dhinaca kale, Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska waxa uu Somaliland ku bogaadiyey, amniga iyo xasiloonida ka jira, hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah dadaallada nabadda ee ay waddo Dawladda Somaliland, gaar ahaan Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo xoojinta amniga iyo xasilloonida. Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ayaa walaac ka muujiyey Xaaladda Laascaanood, taasoo uu sheegay in ay Gobolka ku keeni karto amni darro, waxa uu sheegay in ay Dawladdiisu dhammaan dhinacyada ay khusayso ugu baaqayso in laga looga fogaado colaad hor leh. Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo in labada dhinac ay sii xoojiyaan wada shaqaynta joogtada ah ee u dhaxaysa Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 Qaran News
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay inuu booqasho ku tegi doono dhawaan dalka Mareykanka, halkaas oo uu kula kulmi doono Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Gaashaandhigga ee Mareykanka. Madaxweyne Cirro oo u waramayey Bloomberg, waxa uu xusay in Mareykanka ay u socdaan wada hadallo meel wanaagsan maraya oo uu rajaynayo in ay midho dal noqdaan “Waxaan weli ka wadahadaleynaa arrimahaas. Waxaan rajeyneynaa in wadahadalladaas ay midho dhal noqdaan mustaqbalka.” Madaxweynuhu waxa kale oo uu tilmaamay in Mareykanku xiisaynayo Saldhi Militeri oo ay Somaliland ku yeeshaan, taasna ay Somaliland diyaar u tahay. Saleban Saxansaxo Qaran News
  13. Agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda Puntland, Axmed Jaamac Jawle oo saaka looga yeeray xarunta Maxkamadda Rafcaanka G/Bari ee magaalada Boosaaso ayaa sida la xaqiijiyay ku imaan waayay wakhtigii loo qabtay. Amar rasmi ah oo ka soo baxay Maxkamadda Rafcaanka G/Bari ayaa lagu faray Agaasime Axmed Jawle in uu maxkamadda hor-yimaado 30/07/2025 oo ku beegan Arbaco 9:00am subaxnimo, si loo weydiiyo su’aalo maxkamadeed oo aan faahfaahin lagaga bixin warqaddaasi. Sida ku cad warqadda ka soo baxday Maxkamadda Rafcaanka G/Bari, haddii Agaasime Jawle uu wakhtiga loo qabtay ku hor imaan waayo maxkamadda, waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan, “waxaa lagu farayaa inaad u hogaansanto amarka maxkadda, haddii aad soo ajiibi wayso waxaa ka dhalanaaya habraac sharci. Guddoomaha Maxkamadda Racfaanka G/Bari.” Dhinaca kale, La-taliyaha dhinaca Sharciga u qaabilsan wasaaradda Maaliyadda Puntland oo lagu magacaabo Axmed Ciise Guulwade ayaa si jees jees ah uga jawaabay warqadda ka soo baxday Maxkamadda, waxaana uu ku tilmaamay mid qaldan oo baalmarsan hannaanka sharciyeed, islamarkaana luminaysa Kalsoonidii lagu qabay garsoorka. PUNTLAND POST The post Agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Maxkamad looga yeeray balse imaan waayay appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni , ayaa maanta Boosaaso ku qaabiley wefdi ka socda Hay’adda Socdaalka Adduunka ee (IOM) oo ay hoggaaminayso Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda IOM, marwo Ugochi Daniels. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu maanta qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Socdaalka Adduunka ee (IOM) oo ay hoggaaminayso Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda IOM, marwo Ugochi Daniels. Madaxtooyada Puntland oo ka warbixisay Kulan dhexmaray labada dhinac ayaa qoraalkaasi ku tiri”Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda, waxaa looga hadlay xoojinta Iskaashiga Dowladda Puntland iyo Hay’adda IOM, Qulqulka tahriibta iyo mashaariicda hay’adda IOM ka fuliso Puntland.” PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo maanta qaabiley Agaasime ku xigeenka guud ee hay’adda IOM appeared first on Puntland Post.
  15. Breakaway #Africa Region seeks #US recognition with base, minerals #Somaliland, which proclaimed independence from Somalia in 1991, is willing to offer the US a military base at the entrance to the Red Sea and critical-minerals deals in its quest for international recognition as a sovereign state. While the US currently acknowledges Somalia’s claim to the territory, Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi is lobbying Washington to support the semi-autonomous region’s push for recognition — joining a wider competition for Donald Trump’s attention as the US vies with China for strategic resources in Africa. Abdullahi, who came to power in the breakaway Horn of Africa region in 2024, said talks with the US Embassy in Somalia and Department of Defense are aimed at securing a new partnership on economic cooperation, security and counter-terrorism. “We discussed ways and means to collaborate in security, in trade and in regional stability,” the president said in an interview on Monday, noting that the US ambassador to Somalia has visited Somaliland several times in recent months, while defense officials traveled to his region in December. The U.S. Department of Defense did not respond to requests for comment. Somaliland has failed to gain international recognition as a sovereign state since proclaiming independence. But while Somalia has grappled with three decades of civil war and an entrenched Islamist-militant insurgency, the breakaway region has been mostly peaceful. Recognizing strategically placed Somaliland would strengthen America’s foothold in an increasingly important region, where Iran-backed Houthi rebels in Yemen target ships with links to Israel, the US and other nations supporting the war in Gaza. The United Arab Emirates, a close US ally, already runs a port at Berbera in Somaliland and controls a nearby airstrip that’s used by military planes. The US would also have to consider what Somaliland recognition would mean for security co-operation with Somalia, where it’s played a major role in helping the government fight Islamic State and Al-Qaida affiliates. Africa Command deputy head John Brennan said fighting terror groups was “our main effort,” especially in eastern Africa. “That’s where most of our people are,” he told reporters Monday. “It’s the biggest investment that we have.” https://www.bloomberg.com/news/articles/2025-07-30/breakaway-africa-region-seeks-us-recognition-with-base-minerals Click here to read more about this article Qaran News
  16. Boqortooyada Ingiriiska ayaa aqoonsan doonta dowlad Falastiin ah bisha Sebtembar haddii Israa’iil aysan qaadin “tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu joojinayo xaaladda foosha xun ee Qasa,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Israa’iil sidoo kale ay tahay in ay buuxiso shuruudo kale, oo ay ka mid yihiin: in ay oggolaato xabad-joojin, in ay ballanqaaddo nabad waarta oo horseedda xalka laba-dowladood, iyo in Qaramada Midoobay loo oggolaado inay mar kale gaadhsiiso gargaar. Haddii kale, UK waxay tallaabadan ku qaadi doontaa shirwaynaha guud ee Qaramada Midoobay ee dhici doona Sebtembar. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid “abaal-marin u ah argagixisada bahallada ah ee Xamaas”. Markii la weydiiyay haddii uu horey u ogaa hadalka Ra’iisul Wasaaraha UK, Donald Trump wuxuu sheegay in “aysan arrintaas ka wada hadlin” kulankoodii Isniintii, markaas oo Trump uu booqasho ku joogay Scotland. Wuxuu warfidiyeenka u sheegay: “Waa laga doodi karaa taas, haddiise aad samayso sidaas waxay abaalmarinaysaa Xamaas, mana filayo in loo baahan yahay in la abaal mariyo.” Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska waxaa ku sii kordhaya cadaadiska uga imanaya xitaa qaar ka imanaya xildhibaannadiisa si uu tallaabo uga qaado arrinta si degdeg ah. Toddobaadkii hore, Faransiiska ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inuu si rasmi ah u aqoonsan doono dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah bisha Sebtembar wuxuuna noqonayaa dalkii ugu horreeyay ee ka tirsan kooxda G7 ee wadamada ugu dhaqaalaha badan dunida ee sidaas sameeya. Dalalka Islaamka ee doonaya hub ka dhigista Xamaas Xigashada Sawirka,Getty Images Todoba iyo toban waddan, oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya, Qatar, Urdun, Turkiga iyo Masar, ayaa ugu baaqay Xamaas inay hubkeeda ku wareejiso Maamulka Falastiiniyiinta intii lagu guda jiray shir Qaramada Midoobay ay isugu yeedhay si dib loogu soo nooleeyo xalka laba dowladood ee khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin. Bayaan loo bixiyay “Axdiga New York,” oo ay diyaariyeen Faransiiska iyo Sacuudi Carabiya kuwaasoo guddoomiyay shirka ayaa waxaa saxiixay 15 dal oo kale (oo ay ku jiraan Brazil, Kanada, Turkiga, Urdun, Qatar, Masar, iyo Boqortooyada Ingiriiska, iyo sidoo kale Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta. Bayaankaasi wuxuu ku baaqayay in dagaalka ka socda Marinka Qasa la joojiyo si loo helo xal caddaalad ah, nabadeed, oo waara oo ku dhisan laba dowladood oo xal u ah khilaafka Israa’iil iyo Falastiin. Bayaanku wuxuu xaqiijiyay in dalalkaasi ay ka go’an tahay inay qaadaan tallaabooyin dhab ah, wakhti xaddidan leh, oo aan dib looga noqon karin, si loo gaadho xal nabadeed oo rasmi ah oo ku saabsan arrinta Falastiin, iyo hirgelinta xalka laba dowladood. Iyadoo arrintan laga duulayo, waddamadan waxay si xooggan u adkeeyeen in “maamulka, kala dambeynta, iyo sugidda ammaanka dhamaan dhulka Falastiiniyiinta ay tahay mas’uuliyad gaar ah oo uu leeyahay Maamulka Falastiiniyiinta, iyadoo la siinayo taageero ku habboon,” iyo sidoo kale in “Isra’iil ay tahay inay ka baxdo Marinka Qasa… Xamaasna ay joojiso gacanta ay ku hayso Qasa, ayna ku wareejiso hubkeeda Maamulka Falastiiniyiinta.” Dhanka kale, toddoba iyo toban-ka waddan waxay ku baaqeen in gargaar bini’aadantinimo si aan caqabad lahayn loo gaadhsiiyo Marinka Qasa, oo halis ugu jira macaluul, iyagoo si adag u diiday “in gaajo loo adeegsado sidii hub dagaal.” Waxa kale oo ay taageereen “in la geeyo hawlgal caalami ah oo ku-meel-gaar ah si loo xasiliyo xaaladda” Qasa. Isbeddel siyaasadeed oo weyn Aragti falanqayn ah oo ku saabsan mowqifka Boqortooyada Ingiriiska, oo sameeyay Jeremy Bowen, tifaftiraha arrimaha caalamiga ah ee BBC-da fadhigiisuna yahay Qudus, ayaa sheegay in hanjabaadda Ingiriiska ee ah inuu aqoonsan doono dowlad Falastiini ah ay muujinayso “isbedel weyn oo ku yimid siyaasaddiisa arrimaha dibadda.” Bowen wuxuu aaminsan yahay in fursadaha ay Israa’iil ku aqbali karto shuruudaha ay soo jeedisay dowladda Ingiriiska ay aad u yar yihiin, maadaama dowladda hadda talada haysa ee Israa’iil si adag uga soo horjeeddo tallaabo kasta oo lagu gaadho karo xal laba dowladood ah. Xalka laba dowladood kaliya ma’aha mid ay diidanyahiin, balse qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda Israa’iil kuwaas oo ah tiir siyaasadeed muhiim u ah taageerada Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay muujiyay rabitaankooda ah in ay ku darsadaan [dalkooda] dhulka ay Falastiiniyiintu sheeganayaan in uu qeyb ka yahay xalka laba dowladood. Bbcsomali Qaran News
  17. Xidhiidhka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Taiwan waxa uu galay marxalad cusub oo istiraatiiji ah, kaddib markii labada dhinac si rasmi ah u shaaciyeen heshiis iskaashi oo dhinaca badda ah. Heshiiskan oo loogu talogalay in lagu horumariyo sugnaanta badda, xoojinta ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, iyo wada shaqayn dhanka ilaalada xeebaha ah, waxa uu muujinayaa tallaabo cad oo labada dal ay u qaadayaan dhanka sare u qaadidda danahooda wadajirka ah. Iskaashigan cusub ayaa noqonaya mid sal u ah siyaasadda istiraatijiyadda badda ee Somaliland, maadaama xeebteeda dheer ay leedahay muhiimad istaraatiji ah oo ku taalla marin-biyoodka caalamiga ah ee Baabul Mandab. Taageerada Taiwan ee dhinacyada qalabaynta ciidamada badda, tababarka ilaalinta xeebaha, iyo tiknoolajiyadda lagu ogaanayo khataraha badda ka imaan kara, waxa ay Somaliland siin doontaa fursad ay ku adkaysato madaxbannaanideeda, kuna xaqiijiso bad qabka xuduudaheeda badeed. Xaaladda gobolka oo kacsan iyo loollanka saameynta ee ka socda Badda Cas, waxay kordhinayaan qiimaha juqraafiyeed iyo siyaasadeed ee iskaashiga noocan ah. Taiwan oo iyaduna wajahaysa cadaadis diblomaasiyadeed oo uga imaanaya Shiinaha, waxay dani ugu jirtaa inay la yeelato xidhiidhyo adag oo istiraatiji ah, gaar ahaan wadammo leh halgan la mid ah kan ay iyadu ku jirto. Sidaas darteed, Somaliland iyo Taiwan waxay isu arki karaan lamaane ay danahoodu isku dhigmaan, kana faa’iidaysan kara iskaashi dhinacyo badan leh oo aan ku ekaan arrimaha badda, milatari iyo technologyada. Iskaashigan waxa uu sidoo kale tilmaamayaa isbeddel cusub oo Somaliland ay kaga jawaabeyso xaaladda siyaasadeed ee mandaqadda iyo weliba xayndaabka diblomaasiyadeed ee ay ku jirto. Waa tallaabo ka tarjumi karta kartida iyo go’aan adag ee dowladda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu ku doonayo in uu ku xoojiyo aqoonsiga Somaliland iyo iskaashiga caalamiga ah, isaga oo wax ka beddelaya jihadii hore ee xirldhiidhka shisheeye. Sidoo kale, tallaabadan waxa ay xambaarsan tahay fariin cad oo la xidhiidhta masiirka madax bannaanida Somaliland: in waddanku diyaar u yahay in uu iskaashi la yeesho cid kasta oo ixtiraamaysa jiritaankiisa, ilaalinaysa danihiisa, kana fog eex siyaasadeed ama faragelin xad dhaaf ah. Waa heshiis noqon kara tusaale u ah sida Somaliland u maarayn karto xiriir dibadeed oo ku dhisan dheelitirnaan, istaraatijiyad iyo danta guud ee shacabka. Ugu dambayn, heshiiska badda ee Somaliland iyo Taiwan waa horumar weyn oo diblomaasiyadeed, istiraatiji ah, amni iyo dhaqaaleba leh. Waa fursad qaran oo u baahan in si qaranimo leh loogu midoobo, lagana faa’iidaysto si loo adkeeyo jiritaanka Somaliland, loona gaadho yoolalka fog ee ay hiigsanayso mustaqbalka dhow iyo ka dheerba. Daahir Cabdi Ciise Daahircamey@gmail.com Qaran News
  18. Baarlamaanka Puntland oo maanta soo saaray go’aan gole ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso Gobollada Sanaag iyo Haylaan, taasi oo sababtay xasilooni darro, qalalaase Amni iyo dhibaatooyin kale. Baarlamaanka Puntland wuxuu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay si ula kac ah isku-dir iyo kala-qaybin siyaasadeed, mid dhaqan iyo mid Bulshaba uga dhex abuurtay beelihii ku mideysnaa difaaca degaanada SSC, taasoo khatar ku ah wadajirka bulshada iyo nabadgelyada degaanka, waxaana uu si cad u muujiyay in mas’uuliyadda dhabta ah ee ka dhalatay falalkaas sharci-darrada ah ay dusha u saaran tahay Villa Somalia. Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa sidoo kale cambaareeyay duullaanka sharci- darrada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku qaaday Gobolka Gedo ee Juballand, waxaana uu tacsi tiiraanyo leh u diray dowladda Jubaland iyo shacabkii ku waxyeelloobay dhibkaasi. Dhinaca kale, Golaha ayaa walaac xooggan ka muujiyay culeyska joogtada ah ee Argagixisadu ku hayso shacabka iyo ciidanka difaaca ee ku sugan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe ee Hirshabeelle, wuxuuna si cad ugu dhaliilay arrintaasi dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku guuldarraysatay taageerada iyo taakuleynta dadka degaanka iyo ciidamada difaaca. Baarlamaanka Puntland wuxuu sidoo kale bogaadiyay ciidamadda difaaca Puntland ee hawlgalka ciribtirka Argagixisada ka wada Buuraha Calmiskaad, kaasi oo hadda maraya marxalad gebo-gebo ah, kaddib markii argagixisada laga sifeeyay dhammaan degaannada Calmiskaad, inkastoo ay weli ku go’doonsan yihiin meelo kooban oo Boosaaso u dhaw. Halkaan ka akhriso go’aanka Baarlamaanka PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo maanta ansixiyay go’aan gole oo ka dhan ah fara-gelinta Villa Somalia ku hayso Puntland iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.
  19. Terrorists are closing in on Mogadishu. And More. Alshabaab re takes Maxaas i told u shabaab comes back i told you so
  20. Alshabaab re takes Maxaas i told u shabaab comes back i told you so
  21. Beledxaawo (Caasimada Online) – Xaalad nololeed oo adag ayaa ka jirta magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kadib dagaallo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay halkaasi. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in nolosha magaalada ay adkaatay, ayna wajahayaan dhibaato weyn kadib dagaaladii ka dhacay, iyadoo adeegyada aas-aasiga ah ay hoos u dhaceen. Isgaarsiinta magaalada Beledxaawo ayaa la soo warinayaa gebi ahaanba go’an, taasoo sii adkeynaysa xiriirka bulshada. Wararka ugu dambeeyay ee laga helayo Beledxaawo ayaa tilmaamaya in xaaladdu hadda tahay mid deggan, balse wali ay is hor fadhiyaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland, taas oo keeni karta in mar kale uu dagaal qarxo. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadka deegaanka ay intooda ka badan ka barakaceen xaafadahooda, si ay uga fogaadaan waxyeello kasoo gaarta dagaal mar kale ka qarxa magaalada. Ciidamada Jubbaland ayaa la xaqiijiyay in ay ku sugan yihiin gudaha magaalada, halka kuwa dowladda federaalka, oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ay fariisin ka sameysteen Xerada UK ee duleedka Beledxaawo. Xiisadaha siyaasadeed iyo militari ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa mar kale dib u kiciyay khilaafkii gobolka Gedo, iyadoo sidoo kale xaalad deggenaansho la’aan ah laga dareemayo magaalada Doolow.
  22. Askar ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ku soo dhaawacmay Hawlgalka Calmiskaad oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad ayaa saaka xirtay wadada gasha garoonka diyaaradaha Boosaaso. Dhaawacyadii Calmiskaad oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad, oo ay ka tirsanayaan xukuumadda madaxweyne Deni ayaa jidka ka xirtay afaafka hore ee isbitaalka Marsuuq, taasi oo xannibtay isu socodkii gaadiidka adeegsanaya wadada gasha Airport-ka magaalada Boosaaso. Mas’uuliyiinta degmada Boosaaso iyo Taliska ciidanka Booliska gobolka Bari oo halkaasi tegey ayaa ka dalbaday askarta dhaawacyada qabta ee jidka xirtay in ay banneeyaan wadada, islamarkaana waxay u sheegeen in ay dowladda ka heli doonaan daryeel caafimaad oo dhamamaystiran. Balse, sida wararku sheegayaan weli laguma guulaysan in la furo jidkan oo muhiim u ah isu socodka gaadiidka magaalada Boosaaso, waana markii labaad oo askar ku soo dhaawacmay Hawlgalka Calmiskaad ay xirtaan wadada Airport-ka, iyagoo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad. PUNTLAND POST The post Puntland: Askar ku soo dhaawacmay Hawlgalka Calmiskaad oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad appeared first on Puntland Post.
  23. Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxaa bilihii dambe kusoo badanayay dilalka qorsheysan, iyadoo ugu dambeeyay dil shalay ka dhacay gudaha magaalada. Dilalkan ayaa loo adeegsaday bastoolado, toorey iyo agab kale, waxaana ugu cuslaa dil habeen dhaweyd ka dhacay bartamaha magaalada Hargeysa, kaasi oo nin hubeysan uu toogtay laba wiil oo dhalinyaro ah. Waxaa xusid mudan in booliska Somaliland oo dadaal badan ka galay soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha dilalka geystay ayaa badankooda ku guuleystay soo qabashadooda, marka laga reebo gacan ku dhiiglihii toogtay habeenka dhaweyd labada wiil. Dilkaas oo ahaa mid qorsheysan ayaa gacan ku dhiiglaha markii uu fuliyay dilka isla markiiba waxa uu ka baxsaday goobta. Hargeysa oo kamid aheyd magaalooyinka Soomaaliyeed ee ugu nabdoon ayaa haatan wajaheysa dilal qorsheysan. Caasimada Online oo xiriir la sameysay Taliska Booliska Somaliland ayaa ogaatay in muddo ka yar 5 bilood ay gudaha caasimada ka dhaceen in ka badan 33 dil. Taliska Booliska ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamadu ay gacanta kusoo dhigeen dadkii geystay dilalka, marka laga reebo gacan ku dhiiglihii habeen dhaweyd labada wiil ku dilay bartamaha magaalada Hargeysa. “Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku guuleysteen inay soo qabtaan gacan ku dhiiglayaasha dhowr iyo soddanka kiis dil, waxaana weli ku raadjoogna gacan ku dhiiglaha labada qof dilay,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada booliska Somaliland oo la hadlay Caasimada Online. Dilkan aan weli lasoo qaban gacan ku dhiiglihii geystay ayaa 20-kii bishan ka dhacay bartamaha magaalada, gaar ahaan boosteejo laga raaco basaska u kala goosha xaafadaha Hargeysa, wuxuuna falka dhacay fiidkii hore. Lama oga sababta ka dambeysa dilka, wuxuuna argagax wayn ku reebtay dadka deegaanka, gaar ahaan reer Hargeysa oo haatan dalbanaya in deg-deg dambiilaha loo soo qabto.
  1. Load more activity
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up