Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa ka danbeeyay dilka Sarkaalka ka tirsanaa Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ee ka dhacay Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa shaaciyay inay toogasho ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegtay in Sarkaalkaasi ay habbeenimadii xalay ku dileen Xaafadda Taleex ee Degmada Hodon.

Maleeshiyada ayaa tilmaantay in Sarkaalkaasi uu howlo muhiima ka hayay Xafiiska Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre, hayeeshee ay khaarijiyeen, sida ay hadalka u dhigeen.

Al-shabaab ayaa magaca Sarkaalkan ay dileen ku sheegay Aweys Cabdi Cumar oo ay sheegen in uu ka mid ahaa Xafiiska Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre.

Bogga ay al-Shabaab ku qoraan wararka ayaa lagu baahiyay in Kooxda dilka ka geysata xaafadda Taleex ee Degmada Hodon ay isaga baxsadeen goobta kaddib dilkaas.

Dhinaca kale al-Shabaab waxaa ay sheegatay weerar ay ku sheegeen in xalay uu ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this