Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Dugsiga sare Cumar Samatar oo $500 dollar ugu deeqay dib u dhiska garoonka kubada cagta Gaalkacyo ee Cawaale Stadium.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Cumar Samatar ee magaalada Gaalkacyo, ayaa dhaqaale ugu deeqay dhismaha garoonka kubada cagta Cawaale ee magaalada Gaalkacyo, kaasoo la qorshaynayo in laga dhigo garoon casri ah oo caalamka la jaanqaada.

Ardayda Cumar Samatar ayaa guddiga dhismaha garoonka ku wareejiyay lacag dhan $500 Dollar iyo hal milyuun oo ah Sh.So ah, taasoo ah lacag ardaydu jeebkooda kasoo gooyeen uguna talo galeen inay uga qeyb qaataan taakulaynta dhaqaale ee garoonka Cawaale.

Guddoomiyaha dhalinyarada gobolka Mudug, Jacfar Yuusuf Cabdalla, ayaa uga mahad celiyay Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda dugsiga Cumar Samatar dhaqaalahaan, isagoo sheegay ineysan ahayn dhaqaalihi ugu danbeeyay ay kaga qayb qadanayaan Garoonka ayna diyaar u yihiin markasta kaalintooda kaga aadan horumarka Gaalkacyo iyo horumarka Puntland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland, Axmed Cabdalla Tigaana, oo ku sugnaa madasha ayaa dhankiisa ammaan balaaran usoo jeediyay ardayda iskuulka Cumar Samatar iyo maamulkooda, isagoo uga mahad celiyay sida mar walba uga qeyb qaataan arrimaha danta caamka ah.

Dhawaan ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u bilowdo dib udhiska garoonka Cawaale, iyadoo haatan gacanta lagu hayo dhaqaale xoogan oo kasoo xarooday dalka gudihiisa iyo dibada. Waxaa kaloo intaas dheer in dowladdana ay bixisay qaaraankii ay uga qeyb qaadanaysay garoonka.

Cabdiweli Mohamed Sheikh.

30704440_10155321513382611_1625573498563 30707878_10155321513262611_1525398096998 30714530_10155321514177611_6129114288351 30728625_10155321513587611_1318197606343 30741445_10155321513462611_6199243782108 30698017_10155321513162611_2001510078136 30689350_10155321513332611_6497988114861 30697766_10155321513682611_8224802575934 30698017_10155321513162611_2001510078136

Puntlandi.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this