Sign in to follow this  
Jalaato

Goodoomiyaha Baarlamaanka oo la qorshaynayo sidii kalsoonida loogala noqonlahaa

Recommended Posts

Jalaato   

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka soomaalida oo Qorsheystay inay Kalsoonida kala noqdaan Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

 

 

Xildhibaano la sheegay inay boqol ku u dhaafayaan ayaa wada olole ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan,kuwaas oo qorsheystay inay isu diiwaan geliyaan liis lagu sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka xilka looga qaadi doona.

 

Howshan ayaa waxaa hormuud ka ah Wasiirka Kalluumeysiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Abshir Faarax isagoo liis la sheegay inuu la wareegayay Hoteelada waa weyn ee ay degan yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka.

 

Warar kale ayaa sheegaya in xubnahan sharci darro ku tilmaameen go’aankii Baarlamaanka 17 bishan ku diiday in dalka la keeno ciidamo ka imaanaya Itoobiya Kenya iyo Jabuuti.

 

Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa sidoo kale howshan gacanta ku haayan,waxaana la sheegaya in dhawaan soo bandhigi doonan mooshinka kalsoonida lagala noqonaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan.

 

Mooshin kan barbar socda ayaa isna waxaa wada Xildhibaano taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka kaas oo la sheegay in xilka looga qaadi doona Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed,waxaana qorshahaas wada Cusmaan Xasan Cali (Caato) iyo Xaaji Muuse Suudi sida ay qortay Wakaaladda wararka AFP.

 

Nuuradiin M Muqtaar. Muqdisho arlaadinet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this