Sign in to follow this  
Deeq A.

Seddex waxyaabood oo keenayo in dib u eegis lagu sameeyo Kheyre iyo Xukuumadiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaal iyo Marwooyin si walba oo aad ku timaadeen hadey ahaan laheyd Muruq, Maskax iyo Maal waxaad tihiin Xildhibaanadii Qaranka Soomaliyeed, waxaan si buuxda maqsuud idiinkaga  noqonay markii aad doorateen Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi farmaajo oo aan nagu cusbeyn. Dhibaatooyinku Mudanayaal iyo Marwooyin waa is dabayaal maalinba maalinta ka dambeysa, dadkii aad wakiilka ka aheydeen nolol ma haystaan oo nabad ma haystaan,  caafimaadna ma heystaan, su’aashu waxay tahay sidee lagu noolaanayaa oo aad nagu meteleysaan haddii aydaan noo qareemin?.

Amaanka:-

 Mudanayaal iyo Marwooyin waxaad la socotaan hadalkii uu jeediyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo yiri. “Waxaan ku jirna go’doon ee halanaka soo gaaro”. waxaad kaloo ogtihiin in gudiga doorashooyinka Qaranku ay Balcad ku tageen diyaarad si ay dadka halkaas ku nool u soo wacyigeliyaan.  Sidoo kale jowhar diyaarad ayaa lagu tagaa, waxayna wararka qaar sheegayaan ineyba soo xirantahay wadada xiriirisa Xamar iyo Jowhar kadib markii ay shabaab Todobadkii hore sacado kooban la wareegeen inta badan gacan ku heynta Magaalada Balcad.

Mudanayaal iyo Marwooyin iyadoo ay caadi tahay dilka ka dhaca  Magalada Muqdisho oo loo geysto dadka rayidka ah iyo ciidamada  ayaa hadana wadada xiriirisa Xamar iyo Afgooye xaalkeedu aanu  fiicneyn oo waxaa  khadyaan laga taagan yahay Miinooyin ay Shababku dhigeen, iyadoo la ogyahay Geeridii Masuuliyiintii Hirshabeelle iyo Koofur Galabeed ee ka dhacday nawaaxiga Wanlaweyn ayaa hadana waxaa doraad galab miino lamiga lagu aasay ku geeriyoodey ku dhowaad 10 askari oo katirsan Ciidanka Milatarga gaar ahaan kuwa ay tababareen Imaaraadka Carabta waxaana intaas dheer in  habeen madow lagu aasay qabuuraha Iskuul buluusiya, marka Mudanayaal iyo Marwooyin Amaan ma jiro.

Nolosha:-

Mudanayaal iyo Marwooyin  si loo noolaado waxaa muhiim ah in wax cuno, waa sidee xaalku hadda? Maciishaddii waa ay adkaatay oo waxaa lasoo qaban la’yahay nolol maalmeedkii caadaiga ahaa,  shaxaad ma jiro, sababtoo ah waxaa batay shaqo la’antii ka jirtey Magaaladda. Iyadoo sidaasi jirto  oo ay dalkan dhibaato ku hayaan Ganacsato gowracato ah ayaa Wasaradda Maaliyaddu waxay soo rogtaa maalin kasta Canshuur hor leh oo aan weligeed Soomaaliya lagu arag, taasoo dhibaato ku noqneysa hadii la meel mariyo dadweynihii hore u dhibanaa  gaar ahaan kuwa ku nool Xamar iyo Gobolda la ologga ah, sidaa darteed Mudanayaal iyo Marwooyin nololi ma jirto.

Caafimaad:-

Mudanayaal iyo Marwooyin, dalka Soomaliya oo ay Caasimadu ugu weyn tahay waxaa laga la’yahay daawo tayo leh si loogu dabiibo dadka xanuunsan. Tusaale, Shalay waxaa Magaalada Muqdisho laga soo weriyey geeriga sedax qof oo hal qoys ka soo jeeda iyo dhaaawca intii kale ee qoyska ka hartay marka Hooyaddii laga reebo. Maxay aheyd sababtu? Sababtu waxay aheyd qoyskaas waxaa ku batay cudurka Duumada ama Malaariyadda,  waa ay ku soo noqnoqtay, waxay waayeen daawo ay isaga dabar gooyaan, waxay  la daalaadhacyeen dhowr sano oo is xigxigey . Qoyskaas markii dambe waxaa helay Turufatoor  (dhakhtar u eke) waxa uu u sheegay in Malariyada lagula tacaalo Geed Talaalka Caleentiisa.

Reerkii waxay goosteen iney Geed Talaalka ama Geed Hindiga tuntaan oo ay cabaan si ay meel isaga saaraan Maleeriyada wareerisey, taasuna waxay keentay iney ku sumoobaan oo ay sedax ka mid ahi u geeriyoodan geedkii ay cuneen kuwii kalena weli ay la il daran yihiin.
waxaa intaas dheer Mudanayaal iyo Marwooyin daawo la’aanta Soomaaliya ka jirta waxay sababtay in Haweenkii infection-ka qabay hadda daawo ahaan loo siiyo oo ay cunaan Geedka Diisiga, markii ay waayeen daawooyin ay kula tacaalaan infaction-ka wareeriyey marka Mudanayaal iyo Marwooyin Caafimaad ma jiro.

Gebagebadii Mudanayaal iyo Marwooyin  Mar haddii aanu jirin Amaan oo aaney Nabadi jirin oo  hadana Caafimaad jirin maxaad ku meteshaan shacabka Soomaliyeed ee dhibaateysan? Dhinaca kale Mudanayaal iyo Marwooyin sow lama garin waqtigii aad dib u eegi laheydeen waxqabadka Kheyre iyo Xukuumaddiisa.

WQ. Cabdinaasir Xersi Iidle.

Mail. naasirx1@gmail.com

Tel. 00252-615503978.

The post Seddex waxyaabood oo keenayo in dib u eegis lagu sameeyo Kheyre iyo Xukuumadiisa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this