Sign in to follow this  
Deeq A.

Former Damjadiid boss indirectly attacks Farmaajo's government on corruption

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, horena u soo noqday wasiir C/kariin Xuseen Guuleed ayaa su’aal ka keenay in Soomaaliya ay sanadkii 2017 kaalinta koowaad ka gashay dalalka ugu musuqa badan dunida. C/kariin Guuleed oo ahaa mid ka mida saaxiibadii ugu waaweynaa ee madaxweynihii hore Xasan Sheekh, isla markaana la sheego in xilka madaxweyne ee Galmudug uu ku helay lacag dowladda Soomaaliya ku bixisay ayaa is weydiiyey: War halkee Salaaddu iska qabsan la’dahay!?

 

“Sidaan la waxada socono Barnaamijka Xukuumadda ay soo bandhigtay inay ku hawlgaleyso waxaa aasaas iyo gundhig u ahaa la dagaalka iyo ciribtirka Musuqmaasuqa iyo wax isdabamarsiinta xagga maamulka iyo maaliyadda intaba, meel kasta oo ay madaxda sare ee xukuumaddu ka hadleysayna sanadkii 2017dii waxay khudbadahooda diiradda ku saarayeen arinkaas kor ku xusan, bulshada Soomaaliyeed inteeda badanna arinkaas waa u guuxeen waana soo dhaweeyaan…” ayuu yiri C/kariin Guuleed oo soo xigtay warbixinta Hay’adda International Transparency.

Wuxuu sheegay in in Hay,adda Caalamiga ah ee Daahfurnaanta ay warbixin sanadeedkeedii 2017 ku sheegtay in Soomaaliya ay gashay xagga qiimeynta dalalka uu musuqmaasuqu dilooday dalka ugu ugu sareeyo dunida, waliba sanadkii 2017kiina uu noqday mid ka sii musuqmaasuq badan sanadkii ka horeeyay ee 2016-kii.

 

Caasimada Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this