Sign in to follow this  
Jabhad

president aden cade.

Recommended Posts

Chimera   

woooooooooooooooooooooooooooooooooooooooow

 

so disrespectfull we are unbelievable

 

i thought this great president had left us and this world

 

masha-allah i'm very very very happy where does he live?? i want to meet him

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

^Without armed guards, the former president lives in Xamar and often visits his farm in Janaale.

 

adan_abduule.jpg

 

 

Aden Abdullah Osman:

 

H.E. Aden Abdullah Osman was born at Belet Weyne (Hiran Region). After receiving education at State Schools, he acquired administrative experience in Government oficies.

 

He subsequently devoted himself to his own business. In Febraury 1944, he joined the Somali Youth Club (subsequently called Somali Youth League), became a member of the party's steering board and in 1946 was appointed Secreatry of the Belet Weyne section of the party.

 

In 1951 the Regional Council of Mudug designated him for the Territorial Council on which he served uninterruptedly (up to February 1956) as the representative of the S.Y.L.

 

In 1953 he was appointed Vice-President of the Territorial Council. In 1954 he became the President of the Somali Youth League and remained office untill 1956. Re-elected to the same position in May 1958, he occupied this post simultaneously with the post of the President of the Legislative Assembly until 1st July 1960.

 

In 1956, when the Territorial Council was replaced by Legislative Assembly, he was elected member of the National Assembly for Belet Weyne District at the general political elections, and in meantime the Legislative Assembly appointed him its President.

 

In the 1959 general political elections, he was again elected member of the National Assembly, which again appointed him Presedent. He maintained this post when the Legislative Assembly was converted into the Consituent Assembly.

 

In his capacity as President of the Constituent Assembly, on 1st July 1960, he proclaimed the Independence of the Somali Republic and following the unification of the northern and southern territories - former British Somaliland and Italian Somaliland. The National Assembly chose him as Provisional President of the Republic for period of 1 year, and in 1961 re-elected him to the same mandate for 6 years.

 

He devoted his interest to legal, social and economic studies. Besides Somali, he speaks Italian, English and Arabic.

 

According to the Constitution of the Republic, the out-going President enjoyed life-membership of the Somali National Assembly (Article 51, paragraph 4).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Allah caafimaad hasiiyo. Indeed! he was a noble,humble true Somali Citizen/President. May Allah give him a quick recover and health (aamiin)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by rudy:

good ppl always last a long time!! bow bow.

Is that the rule of thumb? If so, the foreign president who's about +70 years old must be good.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

Era of President Aden Osman's Administration in the 60s

 

Ethiopia wants to tax Somalis living in Western Somalia, President Aden intervenes and calls the Western Somalis citizens of the Somali Republic (probably one of the reasons that started the 64' war when soldiers were deployed there)

 

respect!!!!

 

Britain hands over NFD to Kenya despite a majority vote by Somalis and other groups including Boranas,Turkanas,Gabre's and other minority ethnic groups inhabiting NFD in a referendum calling for NFD to be incorporated to the Somali republic, Britian ignores the referendum and goes ahead with the plan, President Caden ''breakes all relations with Britian''

 

again Respect!!!!

 

that is what i call a President, that's the type you will take a bullet for mayne. Hope they are keeping the daily humiliating news away from this noble fragile mans ears, a young boy like me has difficulties digesting it without feeling stressed and down this might have an even greater negative effect on this Somali Giant

 

but i'm happy happy happy

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

i tried to contact Somaliweyn.com multiple times in the past but for some reason there is no reply i just send another email ''asking'' if they could interview this former President cause they have reporters on the ground, i can't believe we have thousand of hrs of video,radio,tape recordings of vile creatures glorifying the spilling of Somali blood but this important figure was neglected to the point i thought he was death...DEATH!!!

 

not just me..no many of my relatives thought the same..and many of my friends thought the same

 

sorry i just can't believe this....i can't :(

 

just brought my little sister,nieces and nephews to duqsi the whole way back this kept spinning in my head

Share this post


Link to post
Share on other sites

Daa'uud, Mudane Aaden Cadde uma sahlano hadalka iyo maqalka maadaama caafimaadkiis sahlaneyn waqtigaan, da' ahaan iyo caafimaadka oo liito. Dubeey [Dubai] uu joogay markii igu dambeyso oo ciyaalkiis ku qasbeen inay ku daaweyaan, inkastoo beertiis ku noqdaa filaa hadda.

 

Wareysigaan laga qaaday 2000 Mudane Aaden Caddee laakiin, Eebbe ha u cimri iyo caafimaad dheereeyee.

---------------

 

WAREYSIGA MADAXWEYNIHII UGU HORREEYAY EE SOOMAALIYA

 

 

Bishii Febraayo 21-keedii, sanadkii 2000, waxaa ii suurto gashay inaan booqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya, Mudane Aadan Cabduule Cusmaan (Aadan Cadde) oo magaalada Muqdisho u soo gaaray arrimo caafimaadkiisa la xiriira. Wuxuu Md. Aadan Cadde ku sii jeedaa dalka Sucuudiga si looga soo daweeyo xanuunka Dhiig-karka iyo xanuunno kale.

 

Aadan Cadde oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee talada si dimoqraaddi ah ku yimaada, kagan taga, waxaa fadhigiisu yahay beertiisa oo ku taalla meel u dhow tuulada Mushaani oo ka tirsan degmada Jannaale ee gobolka Sh/hoose. Waxaa laga dareemi karaa sheekadiisa in xusuusta uu u leeyahay wixii ka horreeyay 1960-kii ay aad u xooggan tahay, halka wixii sanadkaas ka dambeeyay ay yara liidato. Hase ahaatee Aadan Cadde waxaa ka muuqatay in awooddisa ay hoos u sii yara dhacday sababo caafimaadka la xiriira awgood, marka loo fiiriyo mar aan dabayaaqadii sanadkii 1998-dii ku booqday beertiisa. Wareysigaas oo dheeraa, dhinacyo badanna taabanayay, waxaan u soo koobnay sidatan:

 

Kasmo
: Taariikhdaadaada oo kooban bal nooga warran.

 

Mudane Aadan Cadde
: Anigu waxaan ku dhashay tuulada Jawiil oo ku dhow degmada B/weyne ee gobolka Hiiraan sanadkii 1909-kii. Koritaankeygii dhibaato ayaan kala kulmay waayo aniga oo yar ayay aabahay iyo hooyaday kala tageen. Muddo kadib waxaan u soo wareegay magaalada Baydhabo oo uu aabahay macallin dugsi Quraan ka noqday. Waxaan muddo ka shaqeeyay xeryihii ciidamada Talyaaniga ay ku lahaayeen gobolka Baay iyo Sh/hoose.

 

Billowgii 1944-tii ayaan ku biiray uruukii dhallinyarada ee SYL, waxaana ahaa lambarka 129-aad.
Waxaana Leegada horteeda kaga dhaartay inaan qabiil ku shaqeynin
. Muddo kadib magaalada B/weyne ayaan u wareegay, hase ahaatee sanadkii 1953-dii ayaan B/weyne ka soo guuray, waxaana 1956-dii noqday madaxii Baarlamaanka daakhiliyada, anigoo sidoo kale sanadkii 1960-kii noqday madaxweynihi ugu horreeyay gobonnimada kadib, waxaana xilkaasi hayay illaa 1967-dii.

 

Kasmo
: Intii aad siyaasadda Soomaaliya ku jirtay, maxaa kuugu yaab badnaa ee ku soo maray?.

 

Md. Aadan Cadde
: Sideedaba nolosha siyaasadda waa yaab miiran. Inkastoo aan qaar badan halmaamay, haddana qaarka aan xusuusto waxaa ka mid ah:
Waxay ahad billowgii 1960-meeyadii markii aniga iyo wafdi aan hoggaaminayay innagoo si transit ah u sii mareyna garoonka Qaahira ayaa markii la ogaaday inaan soo degnay ayaa garoonkii korontada laga jaray. Sidoo waxaa inuu na soo dhoweeyo naloogu soo diray mid ka mid ah mas’uuliyiinta hoose ee wasaaradda arrimaha dibedda. Annagu markaas waxaan ku sii soconnay dalka Czechoslovakia oo markas la rabay in lagu soo dhiso ururka dalalka aysan siyaasaddoodu dhanna raacsaneyn. Sababta mas’uuliyiinta Masar ay sidaas noogu galeen waxay ahayd iyadoo waqti markaas ka horreeyay oo aan la kulmay Boqor Feysal ayaa waxaan iri: “Jamaal C/naasir wuxuu rabaa inuu Carabta xoog ku xukumo”
. Annagu haddaan Soomaali nahay diblomaasiyadda iyo dowladnimaduba way nagu cusbaayeen. Warkii ayaa loo geeyay Jamaal C/naasir oo uu ka xanaaqay, aniguna ma islahayn meeshaas oo kale ayay jawaabis u joogtaa Jamaal C/naasir.

 

Waxyaabaha kale ee iga yaabiyay waxay ahayd markii koox ka tirsan siyaasiyiintii Waqooyiga Soomaaliya ka soo jeedday ay iila yimaadeen doorashadii sanadkii 1967-dii inaan siiyo jagada ra’iisul-wasaaraha, iyagana ay cidkeyga I siinayaan si aan mar kale madaxweynenimada isugu soo taago. Waxaan ku iri: “
Anigu beelna gorgrotan kulama gelayo inay I doortan ama I ridaan, qarannimo iyo qabiilna hala kala fogeeyo
”. Raggii markii wax qanciya ay iga waayeen ayay u tageen Allaha u naxariistee C/rashiid Cali Sharmaarke oo ay la heshiiyeen.

Waxaa kale oo iga yaabiyay dad badan oo aan ku dhaarannay inaan dalka iyo dadka u shaqeyno ayaa ka baxay ballantii oo billaabay inay beelahooda xitaa u sii kala xagliyaan. War aaway ballantii ayaan ku dhihi jiray. Laakiin waxaa jiray dad ay dhab ka ahayd in dalka loo shaqeeyo.

 

Kasmo
: Maxaa keenay inaad doorbiddo inaad ku noolaato beertaada oo aad ku diidday inaad ku noolaato magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya.

 

Md. Aadan Cadde
: Waxay ahayd sanadkii 1974-tii lacag dhan 1900,000 (Milyan iyo sagaal boqol oo kun) oo shilin Soomaali, waxaan ka iibsaday nin Talyaani ah. Muddadaas wixii ka dambeeyay ayaan goostay inaan beerteyda ku noolado.

 

Kasmo
: Aragtidaada maxaa sabab u ah guud ahaan dagaalladii dalka ka dhacay, iyo gaar ahaan kuwa weli sii soconaya?.

 

Md. Aadan Cadde
: Ugu horreyn waxaan jecelahay inaan dadka u sheego dagaallada Soomaaliya ka dhacay ma ahayn kuwo qabiil sida marar badan la sheego. Annagu waan naqaannaa dagaal qabiil, haddii ay dagaallo qabiil yihiin sidan oo kale ma noqdeen.

 

Sababta dagaalladani laga soo billaabo kii Maxamed Siyaad lagu riday illaa maanta waxaa weeye iyadoo ragga horboodaya uu nin walba rabay inuu gacanta ku dhigo talada dalka oo u soo rogo xukunkii Maxamed Siyaad oo kale. Kulligood waxaa ku duuban cajaladdii Maxamed Siyaad
.

 

Anigu hadda iyo ka horba meeshii aan doono ayaan Soomaaliya ka tegi karaa, cid eed ii qabta ama qabiilkeyga ii raadsaneysa ma jirto
. Intii ay dagaalladu meeshii ugu darneyd marayeen ma jirto cid igu soo weerartay beerteyda. Marka waxaan dhihi karaa dagaalka Soomaaliya ma aha mid qabiil.

 

Kasmo
: Wax kaalin ah ma ka geysatay Hindisaha nabadda ee ay soo jeedisay Jamhuuriyadda Jabuuti?.

 

Md. Aadan Cadde
: Waan filayaa inaan kulanno madaxweynaha Jabuuti oo aan markaas ka wada hadalno dadaalka uu wado, markaas ayaan filayaa inaan siiyo talooyinkeyga ku saabsan sidii Soomaaliya nabad iyo dowladnimo loogu soo dabbaali lahaa, inkastoo aan xanuunsanahay oo aanan shirar ka qeyb geli karin.

 

Kasmo
: Sanadkii 1960-kii markii adiga iyo raggi kale aad la wareegteen dowladdii iyo maanta oo uu dalku burburay dowladdii la dhiso bal haddaad isbarbar dhigto maxaad is leedahay way isaga mid yihiin?.

 

Md. Aadan Cadde
: Horta wax la isbarbar dhigi karo ma'aha, waxay kala yihiin labo adduun, waayo annaga markaan xilka qabaneynay 1960-kii dadku way isku duubnaayeen, wax kasta way nidaamsanaayeen, laakiin maanta hal dokominti oo keydsan ma jiro.
Dalka Soomaaliya wuxuu dib u noqday boqollaal sano. Anigu waxaan la yaabaa oo aan mararka qaar ku qoslaa ragga ku dagaallama inay xukumaan dal ay dadkiisii ka dhigeen waxay dileen, waxay dhaawaceen, waxay barakiciyeen, xitaa xoolihii iyo dhirtii waa la xaalufiyay, ma garanayo inay ciidda oo maran xukumi doonaan
. [
:D
, may Eebbe bless Aabaha Dalka, Aaden Caddoow.]

 

Kasmo
: Waxaad tahay oday Soomaaliyeed oo magac iyo maamuus ku leh bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba, maxaad u soo jeedin lahayd shacabka Soomaaliyeed?.

 

Md. Aadan Cadde
: Soomaali meel kastoo ay joogaan musiibo iyo magacxumo ayaa ku habsatay,
anigu mararka qaar waxaan is iraahdaa ma inkirtaa inaad Soomaali tahay
[Noooooo.
:(
Aabaha Dalka inay saas kusoo dhacdo dadkii ka keenay maxaa ku dhahnaa?]

 

Soomaali asaaggeed nacasnimo ayaa ka reebtay, qolo-qoleyn iyo qabyaalad ayay mar kasta ku masquulsan yihiin
. Waxaan dhihi lahaa taageera dadaallada nabadda ee la wado gudo iyo dibadba.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
king_450   

I hope we do not drag this Good man to the filthy Clanism we are experiencing. If the former prez is sick i pray for him.Indeed he was/is a good man well above the fray we see today.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I must admit that he was and still is a great guy ,,, one of the precious figures we should be proud of ,,,,,,,,,,,, we will never have the same president i guess ,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

I am sure I am gonna get hell for this but let me ask anyways:

 

Is there any little tiny comparison between Adeer Yeeye and His Excellency, one of the truest somali leaders in history? Any resemblence of any sort at all??? If not why not?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this