Sign in to follow this  
BOB

Hadaan Loo Aarin Hooyo Asli Miyaa Loo Ooyi?

Recommended Posts

BOB   

Asli waxay ku dhalatay OG'nia waligeedna mayna arag meel aan OG'nia ahayn. Asli markay noqotay gashaanti waxaa guursaday Gaaleri oo ku dhashay isagana OG'nia oo sidoo kale aan waligii arag meel aan OG'nia ahayn.

 

Asli waxay u dhashay Gaaleri 5 wiil. Markay qaangaadh noqdeen ayaa malin maalmaha kamid ah waxaa yimid reerihii hooyo Asli ciidamo itoobiyaan ah waxayna la tageen wiilkii ugu waynaa wiilasha.

 

2ba todobaad ka dibna waxay maydkiisii soo dhigeen suuqa iyagoo dadka weydiinaya; yaa garan haya maydkan? Wax sheegta ayaa lawayay. Sababtoo ah haday sheegato Asli inay iyadu dhashay waxay ka cabsatay in la laayo 4ta wiil ee soo hadhay iyo aabahood. Laba maalmood kadib ayay shacabkii gadoodeen sidaas ayaana lagu aasay maydkii.

 

 

4tii wiil iyo aabahood iyo hooyadood Asli ayaa tashaday waxayna isku raaceen in ay iskaga cararaan meesha. 2ba ka mid ah wiilashii waxay raaceen ciidanka JWXO, midna xuduuda OG'nia ayuu ka baxay, midkii ugu yaraa ayaa yidhi; anigu waxaan la joogayaa aabo iyo hooyo iyo xoolaha.

 

 

Maalma kadib ayaa wiilkii yaraana lalabaxay oo la xidhay. Aabihii Galeri ayaa cunta ka dabageeyay isagiina waa laxidhay. Arintii hooyo Asli way ku adkaatay. Aqalkii ay ku daganayeen 7da qof waxaa ku soo hadhay kaligeed.

 

Maalin maalmaha kamid ah ayay cuntadii u gaysay saygeedii iyo wiilkeedii iyadiina waa la xidhay, casarkii ayaa la'iska soo daayay. Xoolihii ay kaligeed raaci jirtay malintaas cidi maraacin habeenimadiina waraabe ayaa intuu u yimid adhigii nag ka dhigay oo 20 neef ayaa kasoo hadhay. Geeliina 2 halaad oo reerka u irmaana iyo ratigii hayinka ahaa ayuu warabe ka cunay.

 

 

Hooyo asli waxay maqashay in maalin malmaaha kamid ah gaadhi oral ah lagu qaday wiilkii iyo aabihii Galeri oo la geeyay Jigjiga ooy ku xidhan yihiin meesha la yidhaahdo jeel OG'deen.

 

Waxay maqli jirtay jeelasha gumaysiga sida alanbaqa iyo magacya kale, hasa ahaatee jeel Og'deen waa markii ugu horeysay ay maqasho. Kadib hooyo Asli way isxajin kari wayday oo intay soo eriday hal reerka u rimanayd ayay saylada Jigjiga keentay.

 

Waxaa laga siistay lacag aad u yar. Intay suuqa Jigjiga tagtay ayay waxay soo iibisay 2 joodari iyo 2 buste dhaxameed iyo waxoogaa dhar ah ka dibna waxay subaxnimadii u soo kalahday xaggaa iyo xabsigii.

 

Iyadoo waxoogaa cunta bisil ah iyo inyar oo lacag ah wadata ayay tagtay albaabkii jeelka. Waxay tidhi iigu yeedha wiilkaygii iyo aabihii Gaaleri. Kuwii jeelka waardiyaha ka ahaa ayaa intay ku qosleen waxay ku dheheen tusitaan aan ku tusino daayoo alaabada makaa qaadanaa mise waad la noqon.

 

 

Waxaa ugu darnaa hooyo Asli inay mar un aragto wajigooda ileen wax ooga soo warama mayna arag tan iyo markii lala soo tagay. Tala ayaa ku cadatay. Hooyo Asli waxay u dhiibtay alaabadii iyo xoogaa lacag ah. Intay ka qaadeen ayay qosol dhan ula dheceen waxayna hoos ahaan u dheheen; maanta waan helay jaadkeenii. Jodariyadii iyo alaabadii kalana way kala qaateen. Hooyo Asli ma oga in alabadii la qaatay.

 

 

Hooyo Asli malin kasta subixii ayay ku soo kalahdaa xaga jeelka, gabalku kolkuu sii dhacayana way ka sii carawdaa. Asli 20 maal mood kolkay albaabka jeelka imnahaysay ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa soo maray nin isku sheegaya Somali oo boolis ah. Wuxuu ku yidhi; meesha maxaa ku dhigay? Waxay ugu jawaabtay; hooyo wiil aan dhalay iyo aabihii ayaa jeelka ku jira. In aan wajigooda arko ayaa iigu daran. Wuxuu ku yidhi; aniga ayaa kuugu yeedhiye lacag iska bixi. Intay soo booday ayay tidhi imisa ayaan bixiyaa hooyo? Waxaa uu yidhi 100 bir oo lacagta Itoobiya ah wayna u dhiibtay, isagiina waa uu dhuuntay tusid uu tuse daaye.

 

 

Hooyo Asli 30 maalmood ayay Jigjiga joogtay kadibna iyadoo uuna rafad, cudur iyo walbahaar u dhinayn ayay safro raacday reer kii oo sii baylahay ayayna u tagtay.

 

 

2 bilood kadib ayay ishayn kari wayday oo hadana 2neef oo adhi ah saylada keentay. Waxayna rabtay in ay teleefoon u dirto wiilkeedii dibadaha ku maqnaa.

 

Labadii neef ayaa midkood la iibsaday midkii kalena suuq loo wayay. Neefkii la iibsaday waxaa laga siiyay 90 bir. Meel telfoonada laga dirsado ayay gashay waxayna ka dalbatay in telfoonkan loo garaaco. Markii la garaacay ee loo dhiibay ayaa waxa ka qabtay cajalad. Hooyo Asli oon waligeedba cajalad maqal ayaa tidhi; HALOOW HOOYO HALOOW HOOYO HALOOW HOOYO wax dambena way ka maqli wayday, intiina waxay noqotay 3ex daqiiqo.

 

Waxaa lagu yidhi daqiiqadii waa 30 bir, sadex daqiiqo ayaad hadashay waxayna noqdeen 90 bir. Neefkii adhiga ahaa ee la siiyay 90ka bir hooyo Asli iyadoo ayna biyo madawna ka cabin bakeeri sonkor ahna ka iibsanin ayay ka caraabisay.

 

Neefkii labad kolkii ay waxoogaa ah ka sii socotay magaladiii ayaa waxa ka horyimid ciidan kii guumaysiga oo intay is heleen ciidanka ONLF qaar laga soo laayay oo gadoodsan. Neefkii adhiga ahaa ayay ka sii qaateen halkiina ku jidh dileen oo iyada oo mayd ah kaga tageen halkii.

 

Saacado ka dib ayay soo miyirsatay, habeenkii oo madoo baaday ayay reerkii tagtay. Subaxdii danbe ayaa waxaa la waydiiyay; maxaad soo siisay labadii neef ee adhiga ahaa? Waxay ku tidhi mid 3 daqiiqo ayaa loo qaatay midna xabashidii ayaa qaadatay.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Waa loo aari ee yaa qorey sheekadan, qofkii qorey fadlan dib ha u muraajaceeyo sheekadan, hana ka saaro laaxinka tirada badan ee ka buuxa.

 

 

BOB, ina aaboow sida kale xaalku soo caadi ma ahan

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Fiican badan bro. ee beryahaan laguma arage intee ka baxday, mise qudbo siro ayaad gashay?

 

 

Sheekada waxaa qoray nin la yiraa Bulaale Ahmed Haradigeed oo ciyaalka xaafada ah...waxaad ka heli kartaa. (haradigeed.blogspot.com).

 

 

PS. ninkii A&T ahaa meel maku sheegtaa?

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

AT&T wuxuu joogaa Helsinki, wuxuu u yimid seminar bil soconaya.

 

 

PS: Akhii waan joogey baryahan ee adaa ku dhax mirqey reer Mandela

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismalura   

OG'nia meey idinka keeneen SOL intii la idin yidhi car qabiil sheega. Ilaahey ha ka qabto umada cadowga aarsi iyo oohin ma kala dooran kara hadee.

 

By the way I kinda of know Bulaale and his blog.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismalura   

OG'nia meey idinka keeneen SOL intii la idin yidhi car qabiil sheega. Ilaahey ha ka qabto umada cadowga aarsi iyo oohin ma kala dooran kara hadee.

 

By the way I kinda of know Bulaale and his blog.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Asli.............lol BOB waxaan maqli jirey halka madaxaaga iyo minjahaagu kasoo jeedaan waala siyaartaa!!! lol sheekadan ma siyaaro ahaan baad usoo qortay? sidaada kale soow 100% maaha waxaan ku arkay qaybta Dumarka...mowduuc ama gabay ahaa amaan dumar Mangalool my ex-name lol yaa iisoo celiya kaasaa suulkan iidhaama e xitaa faryaro bidix way ii dhaami lahayd suul.lol ciid wanaagsan sxb adiga iyo inrii Kis..aargada...impritoria ama luga baxsi...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this