Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha degmada Boocame oo beeniyay in Boocame ay haystaan maamulka Hargeysa.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha degmada Boocame ee Gobolka Sool. Xayle Xasan Shirre ayaa beeniyay in degaankiisa ay gacanta ku dhigeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland.

Xeyle Xasan Shire ayaa sheegay in dhallinyaro ka carootay qabsashada Tukaraq ay baraha bulshada geliyeen sawirro iyo muuqaallo been abuur ah oo lagu sheegay in Ciidamadaii Somaliland ee dhawaan qabsaday degaanka Tukaraq ay la wareegeen Boocame.

Waxaa uu xusay in Puntland looga baahanyahay in degaanka Tukaraq ka saarto Somaliland iyada oo dhallinyarada deegaankaasna uu sheegay in ay ka careysanyihiin duullaanka maamulka Hargeysa uu kusoo qaaday gobolka Sool.

Dhinaca kale, dowladda Puntland ayaa wada diyaar garowdii ugu dambeeyay ee ku saabsan xoraynta iyo difaaca gobolka Sool, waxaana gabi ahaanba heegan la galiyay ciidamada difaaca.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this