Sign in to follow this  
Deeq A.

Hawlgalka AMISOM Ma waxaa lagu beddeli doonaa ciiddamo Maraykan iyo kuwa Gobalka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hadal-haynta ugu weyn laga soo bilaabo Xarunta QM, AU-da iyo Taliska AMISOM waxay tahay Qorshaha lagu daad-gureynayo Ciiddanka AMISOM ee Somalia joogta 10-kii sanno ee la soo dhaafay.

Daad-gureyntaasi ayaan lagu fasiri Karin Taatiko Milliteri oo lagu digo roganayo, maadaama Hawlgalkaasi noqday mid aan wada fulinin Istaratijiyadii loo dhidbay, laguna bixiyey Miisaaniyad Dhaqaale oo fooqul-caqli ah.

Madaxa AU-da ugu qaabilsan Hawlgalka AMISOM, Ambassador Madiero ayaana isbuucii hore ka shanqariyey in Ka-bixitaanka Ciiddanka AMISOM bilaaban doonto dabayaaqadda bisha soo socota ee December.

Ilaa 22,000 Askari ayaa qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, iyadoo Ciiddanka ugu badan ka socdaan dalka Uganda, waxaana ku soo xiga Jabuuti, Ethiopia, Kenya iyo Burundi, kuwaasi oo dagaal aan dhamaad lahayn kula jira Xarakadda Alshabaab.

Haatan oo Hawlgalka AMISOM la sheegay inay dhimi doonaan Ciiddankooda ayaa waxaa isweydiin mudan Cidda lagu beddeli doono ?

Marka laga Aragti qaato Hawlgalkii Milliteriga Maraykanka :The Unified Task Force (UNITAF)  waxa uu ahaa Hawlgal loogu talagalay Rajo Soo-celinta Somalia, kaasi oo lagu taageerayey dadkii Soomaalida ee macluusha iyo dagaalladu wehelka u noqday.

Ciiddanka UNITEF waxay Hawlgalkooda bilaabeen  bishii December 9-dii ee sannadkii 1992-kii, waxaana Ciiddanka Maraykanka hoggaaminayey laga saaray Somalia, gaar ahaan magaalladda Muqdisho, bishii March 4-dii ee sannadkii 1993-dii, kadib, markii ay culays dagaal kala kulmeen Maleeshiyaddii Marxuum Jeneral Caydiid.

Dagaalkaasi waxa uu galaaftay Kumanaan qof oo Soomaali ah iyo tiro ka mid ah Ciiddankii Maraykanka iyo kuwa dalalkii ku wehlinayey Hawlgalkaasi.

Xusuusta Hawlgalkii UNITAF ee taageerayey Hawlgalkii UNSOM LABO ayaa lagu xusuustaa Iska horimaadkii UNITAF iyo Maleeshiyadda Marxuum Jeneral Caydiid ku dhex maray Xaafado ka tirsan Muqdisho iyo Diyaaradihii Black Hawk ee la soo riday, laguna dilay  18-Askar Maraykan ah..

Hawlgalkii UNITAF waxaa lagu beddelay Hawlgalkii QM ee UNSOM labada bishii March 1993-kii, waxaana Hawlgalkaasi la soo gebagebeeyey bishii March ee sannadkii 1995-kii.

Haddaba,marka laga tusaala qaato Xilligii Kala Guurka ee Hawlgalladii UNITAF iyo UNSOM LABO waxaa la dareemi karaa inay AMISOM ku socoto Toobiyahaasi, isla markaana lagama maarmaan noqotay in la dejiyo Qorshaha Xilliyeysan ee Daad-gureyntooda, taasi oo laga dhawaajiyey inay bilaaban doonto dabayaaqadda bisha soo socota ee December ee sannadkan.

Khubarada Milliteriga Caalamiga ayaa rumeysan in Hawlgalka AMISOM ku fashilmay Maalgelintii loo qoondeeyey si ay Alshabaab uga guuleystaan, balse ay ku hungoobeen Hawlgalkaasi 10-sanno kadib.

Inkastoo aan Oraah Diplomaasiyadeed lagu shaacinin inuu Hawlgalkaii AMISOM fashilmay, haddana waxaa iska cad inay Beesha Caalamka ku tag-beeleen Hawlgalka AMISOM ee aan dhamaadka lahayn.

Sidoo kale, Dowladaha ay Ciiddanka AMISOM ka socdaan ayaa bilaabay Shax kale, waxayna Dowladaha Uganda iyo Jabuuti sheegeen inay soo diri doonaan Kumanaan Askar ka madax-bannaan QM iyo AMISOM.

Ciiddankaasi ayaan la ogeyn Istaraatijiyadda iyo Fasaxa Hawleed ee ay ku hawl-geli doonaan, waayo Qaraarkii Golaha Ammaanka ee QM ee tirsigiisu ahaa 2373, waxa uu dhigayey dhimista Ciiddanka AMISOM, balse laguma qeexin in lagu bedelo Ciiddamo kale oo ka madax bannaan AMISOM.

Khubarada ayaa rumeysan inuu jiri karo Qorshe ay Taliska Milliteriga Maraykanka u jooga Afrika ee AFRICOM iyo Dalalka Geeska Afrika kula wareegi karaa Hawlgal kale marka AMISOM laga wada daad-gureeeyo Somalia.

Si kastaba ha ahaatee,Hawlgalkaasi Cusub ee  La-dagaalanka Alshabaab.ayaan la saadaalin karin maxsuulka ka soo bixi doona.

Xigasho: DALSAN

 Caasimada Online
Xafiiska Beydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this