Sign in to follow this  
Deeq A.

UNHCR oo Shaacisay Tirada Qoxootiga sida Iskood ah ugu soo laabtay Dalkooda Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoxooti_From_Kenya.jpg?resize=829%2C461Muqdisho (PP) ─ Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNCHR ayaa si rasmi ah u shaacisay in qoxooti Somaaliyeed oo tiradoodu gaarayso 108,498 ay dib ugu laabteen dalkooda tan iyo markii uu billowday qorshaha dib u celinta qoxootiga Soomaaliyeed, bishii December ee sanadkii 2014-kii.

Warbixin ay hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay in 73,943 qoxooti ah ay ka laabteen Kenya, haka 33,921 ay ka laabten Yemen, halka 626 qoxooti ah oo kalena ay kasoo laabteen dhawr waddan oo kale.

Dalka Jabuuti ayay hay’addu sheegtay inay kasoo laabteen 589, 34 kalena ay kasoo laabteeen Eretria, laba ay ka yimaadeen dalka Tuuniisiya iyo qof ka yimid dalka Bakistaan.

“Xaalado isugu jira kuwo amni iyo kuwo bani’aadamnimo ayaa dib u dhacyo ku keenay dhawr jeer dib u soo laabashada qoxootiga ka imaanaya dalal ku yaalla gobolka iyo caalamka intiisa kale,” ayaa lagu yiri warbixinta UNHCR.

Soomaaliya ayaa waxaa ka cararay ku dhawaad laba milyan oo ruux oo ay lasoo darseen dhibaatooyin isugu jira kuwo bani’aadamnimo iyo dagaalladii ka socday dalka muddo ku dhaw soddon sano.

Dhanka kale, 1.1 million oo qof ayaa ku barakacay gudaha dalka, kuwaasoo ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha soo laalaabtay iyo colaadda soo jiray sannadaha badan.

Warbixinta ayaa lagu xusay in bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar oo keliya ay 1,104 qof oo qoxooti ah ay ku laabteen Somalia, kuwaasoo 775 ka mid ah ay kasoo laabteen Yemen, halka 329 kalena ay kasoo laabteen dalka Kenya. Iyadoo hay’addu ay sheegtay inay maal-gelin u sameysay qoysas ka mid ah qoxootiga iskood dib ugu soo laabtay dalkooda Somalia.

Ugu dambeyn, Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay inay sii wadayso caawinta ay siiso qoxootiga ogolaaday in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan, taasoo qayb ka ah xaqiijinta dib u soo laabashada qoxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka dariska ah iyo kuwo kale ee caalamka.

PUNTLAND POST

The post UNHCR oo Shaacisay Tirada Qoxootiga sida Iskood ah ugu soo laabtay Dalkooda Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this