Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeymo diyaaradeed oo mar kale ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe & Khasaaro ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Duqeymo diyaaradeed ayaa mar kale habeennimadii xalay ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Diyaaradahan oo ah nooca qumaatiga u kaca ayaa duqeeyay deegaan aan ka fogeyn degmada Balcad ee Shabeelaha Dhexe.

Deegaanka la duqeeyay ayaa la sheegay in 7KM uu u jiro degmada Balcad, waxaana halkaa isku uruursanaayay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab.

Ilaa Afar gantaal ayaa la xaqiijiyay in diyaaradahaasi ay ku dhufteen laba goob oo ay ku sugnaayen Alshabaab.

Degaanka ay duqeynto ka dhacay ayaa ka mid ah degaanada maalmihii lasoo dhaafay ay ku dagaalamaayeen ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ayaa sidoo kale ka dhashay duqeynta oo aheyd mid xoogan isla markaana qalqal galisay dadka deegaanka.

Sidoo kale, gaadiid dagaal ayaa la sheegay in lagu gubay duqeynta inkastoo aan la heyn tirada saxda ah ee gaadiidkaas.

Dhinaca kale, waxaan jirin war weli kasoo baxay maleeshiyaadka Alshabaab ee lala beegsaday duqeynta ka dhacday Shabeelaha Dhexe gaar ahaan Agagaarka degmada Balcad.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this