Sign in to follow this  
malistar2012

somali govt launch major offenses sh.dhex /hoose/Galgaduud

Recommended Posts

Ciidamada dowladda oo la wareegay deg- Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe

-Calanka Media: - Posted at 06/04/2016 14:32:00 By Webmaster

Ciidamada Dowladda oo ay wehliyaan kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa la wareegeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe kadib muddo saddex maalmood ah oo ay ku soo siqayeen.

 

 

 

Ciidamada wada socda ayaa gudaha magaalada galeen iyadoo aan wax dagaal ahi ka dhicin, marka laga reebo jid-gooyo loo dhigay duleedka magaalada saaka, waxayna degeen banaanka magaalada iyagoo ka cabsi qaba in miinooyin lagu aasay gudaha degmada la kulmaan.

 

Dadka degaanka degmada Aadan Yabaal ayaa la sheegay inay intooda badan ka qaxeen degmada, waxaana ciidamada la socda guddoomiyaha degmada oo dibad joog ahaa.

 

Maxamed Muumin Climi oo loo yaqaan Saneey oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee howlgalkan hogaaminaayay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay iney la wareegeen degmada Aadan Yabaal. Waxaa uu sheegay in Ciidanka iskaashanaya ay Degmada ka mareen Labada dhinac islamarkaana ay sidaasi kula wareegeen degmada

 

Dhinaca kale ciidamo iyana Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo ka soo dhaqaaqay degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ayaa dhaq dhaqaaqo ka wada deegaanada dhinaca Xeebta gobolkaasi iyagoo ku soo wajahan dhul xeebeedka Ceel Dheer ilaa magaalada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.a

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidanka Somalia iyo kuwa AMISOM oo Maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanka Janaale

51 1 Google +0 1

 

 

Isniin, Abriil 04, 2016 (HOL) — Ciidanka Dowladda Federaalka Somalia oo Garabsanaya Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Maanta mar kale dib ula wareegay deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay ka baxeen Dabayaaqadii Sanadkii la soo dhaafay ee 2015-ka.

 

Wararka laga helayo deegaanka Jannaale ayaa waxay sheegay in ciidamada huwanta ah ay si nabadgalyo ah ku galeen deegaankaas, kaddib markii ay xoogaggii horay ugu sugnaa ee Al-shabaab ay isaga baxeen, markii ciidamadu ku dhawaadeen.

 

Sidoo kale, Illaa hadda lama soo sheegin wax iska-horimaad ah oo deegaankaas ka dhacay, iyadoo ay haatan gudaha deegaankaas ku sugan yihiin ciidamada huwanta ah ee AMISOM iyo kuwa Millateriga Soomaaliya.

 

Goob-joogayaal ku sugan deegaanka Jannaale ayaa warbaahinta u sheegay inay soo galeen Deegaankooda Ciidanka Huwanta ah ee Dowladda FS iyo AMISOM, ayna ku sugan yihiin bartamaha Jannaale, iyadoo Dowladda Somalia iyo AMISOM aysan weli ka hadlin dib ula Wareegidda deegaankaas.

 

Deegaanka Jannaale oo Qiyaastii 100-km Koonfurta kaga beegan Caasimadda Somalia ee Muqdisho ayaa Toddobadii Bilood ee lasoo dhaafay, Waxaa Gacanta ku hayay Xoogag ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

 

Ciidankii AMISOM iyo kuwii Dowladda Somalia ee horay ugu sugnaa deegaanka Jannaale ayaa isaga soo baxay bishii September ee Sanadkii hore, kaddib markii Al-shabaab Weerar khasaare badan geystay ku qaaday saldhigga AMISOM ay ku lahayd deegaankaas oo ay ku sugnaayeen ciidammo ka socda dalka Uganda.

 

Ugu dambeyntii, Xoogaggii Al-shabaab ee gacanta ku hayay Deegaanka Jannaale, ayaan la ogeyn meel ay aadeen, iyadoo sidoo kale aysan Al-shabaab weli ka hadlin ka bixitaankeeda Jannaale iyo qabshadeeda Dowladda FS iyo AMISOM.

 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

- See more at: http://www.hiiraan.ca/news/2016/Apr/wararka_maanta4-95446.htm#sthash.gaBkzuJL.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this