Sign in to follow this  
Mooge

Websites are reporting Warlord Qaybdiid was killed by Puntland?

Recommended Posts

Mooge   

Family confirmed he was badly injured after his militia was chased out of galkayo, but word now is that he passed away.

 

XOG MUHIIM AH:- Maxaa ka jira Inuu Dalka Uganda ku geeriyooday Generaal Cabdiqaybdiid Oo Dhaawac ahaan loo geeyay.

Xog muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa Warsidaha PuntlandOne.com ku helay inuu xalay isbitaalka ugu weyn dalka Uganda gaar ahaan magaalada Caasimadda ah ee Kampala ku geeriyooday Generaal Cabdi Xassan Cawaale (Qaybdiid), kaas oo dhaawac halis ah uu kasoo gaaray dagaalkii Sabtidii 28/11/2015 magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku dhexmaray ciidamada daraawiishta dowladda Puntland iyo maleeshiyaadka Galmudug oo garab ka helayey Ciidamada dowladda federaalka ah.

Xogtu waxay muujinaysaa in Cabdiqaybdiid uu ku dhaawacmay Dagaalkii galabtii sabtida ka dhacay inta u dhexaysa Kaantaroolka Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo iyo halka loo yaqaano tuulo Xaaraan, oo dhowr Kilo Mitir Koonfurta Gaalkacyo uga beegan, markii ciidamada daraawiishta Puntland ay magaalada banaanka uga saareen maleeshiyaadka Galmudug iyo Ciidamadii ka dhinac dagaallameyey ee kuwa Dowladda Federaalka ah.

Mooryaan Qaybdiid

Dhaawac halis ah oo ka dhashay rasaas madaxa iyo lugaha uga dhacday ayaa soo gaaray jeneraalka,waxaana habeenkii Axaddu soo galaysay loo qaaday magaalada Muqdisho halkaas oo si deg deg ah looga sii gudbiyey dalka Uganda gaar ahaan magaalada Kampala oo la dhigay isbitaalka dalka Uganda ugu weyn, xaaladdiisa caafimaadna lagu dabiibayey, balse uu xalay Saqdii dhexe halkaas ku geeriyooday.

Gabar uu abti u yahay Jeneraal Cabdi Qaybdiid oo ku nool dalka Canada ayaa Isniintii 30/11/2015 Warsidaha PuntlandOne.com u xaqiijisay in Jeneraalka Cabdiqaybdiid uu qabo dhaawac halis ah, balse warar isasoo taray oo soo gaaray Warsidaa PuntlandOne.com ayaa sheegay inuu Jeneraalku dhaawicii u geeriyooday.

Warsidaha PuntlandOne.com ayaa xog rasmi ah oo arrintaan ku saabsan akhristeyaashiisa la wadaagi doono saacadaha soo socda, waxaana PuntlandOne.com uu ku howllan yahay baaritaankii ugu dambeeyay (Final Investigation) oo la xiriira geerida Cabdiqaybdiid ee lasoo wariyey.

Waa kumuu ahaa Cabdiqaybdiid?

Jeneraal Cabdi Xassan Cawaale (Qaybdiid) ayaa ka mid ahaa Dagaal oogeyaashii burburkii Soomaaliya (Somali Warlords), wuxuuna muddo dheer magac qabaa’il uga dagaallamayey magaalada Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya, ka dib Cabdi Qaybdiid ayaa dowladihii Kumeel gaar ah ahaa ee dalka Soomaaliya soo maray kasoo qabtay xilal kala duwan Sida taliyaha Ciidanka Booliiska ,Wasiirkii Gaadiidka Cirka iyo Dhulka iyo Wasiirkii Tamarta iyo biyaha.

Ugu dambayntii Cabdiqaybdiid ayaa sanadkii 2013-kii xukunka xoog ugala wareegay horjoogihii Maamulka Galmudug oo markaas ku koobnaa Xaafadda Baraxleey iyo tuulooyinka Koonfurta mudug ku yaalla, ugu dambayntiina wuxuu ku guuldaraystay hankiisii ahaa hogaaminta Maamulka Cadaado xaruntiisu tahay ee Koonfurta mudug iyo Galgaduud oo dib loogu bixiyey magacii Galmudug.

Cabdi Qaybdiid ayaa muddooyinkii dambe si weyn uga dhex muuqday muranada dhulka iyo colaadaha ku saabsan ee u dhexeeya Puntland iyo Galmudug, ugu dambayntiina waxaa lasoo sheegay inuu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dagaalkii ugu dambeeyay Gaalkacyo ka dhacay, xilligaas oo horkacayey koox maleeshiyaad ah oo beeshiisa u badan.

Goordhow naga filo xog rasmi ah oo arrintaan la xiriirta

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

true or not, he got his lesson. don't bring militia to galkayo unless you want all your clan to be chased away from the city. peace is sweet niyoow. damjadiid lied to him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mooge,

 

isku xishood, where are your war ethics, bro?

 

you're just a little clan cheerleader. its disgusting you're starting threads celebrating the death of Qaybdiid.

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this