Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Attack in Mogadishu as Turkish delegates arrived in SYL hotel

Recommended Posts

FAAHFAAHIN: Weerarkii ka dhacay Hotel SYL oo lagu weeraray wafdi Turki ah

0 0 Google +0 0

 

 

Khamiis, Janaayo 22, 2015 (HOL) — Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu weeraray hoteelka SYL oo kasoo horjeeda madaxtooyada Somalia ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid lagu weeraray wafdi Turki ah oo hordhac u ahaa booqashada madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan oo hoteelkaas deggenaa.

 

Inta la ogyahay laba qof oo ahaa kuwii weerarka fuliyay ayaa ku dhintay, laba qofna ay ku dhaawacmeen, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay ku sugnaa xilligaas dad fara badan oo isugu jiray shacab iyo askarta dowladda Soomaaliya.

 

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa qoray in hoteelka albaabkiisa uu ku dhacay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, balse ay badbaadeen wafdigii ka socday Turkiga oo hoteelkaas ku lahaa shir xilliga uu qaraxu dhacayay.

 

“Hoteelka waxaa deggenaa wafdi Turki ah, wax khasaare ah oo gaarayna ma jirto,” ayuu yiri Faarax Nuur oo ka tirsan saraakiisha booliiska Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

 

Cap. Faarax Nuur ayaa intaas ku daray. “Gaarigu wuxuu ku qarxay illinka hore ee hotelka, welina waxaa socda baaritaanno lagu xaqiijinayo sida uu qaraxan ku dhacay iyo cidda ka dambeysa."

 

Ma jiro cid ka tirsan wafdiga Turkiga ah oo waxyeello ay kasoo gaartay qaraxan, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee Turkiga. mana jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkan ismiidaamint ah.

 

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado inuu berri oo Jimco ah uu booqasho ku tagayo magaalada Muqdisho, taasoo ah mid hal maalin ah, wuxuuna furayaa mashaariic ay hay'adaha Turkigu ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

 

Si kasta oo ay tahay, Hoteelka SYL ee Qaraxa ismiidaaminta ah lala beegsaday ayaa kasoo horjeeda madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa 10-kii bishan Jannaayo lagu qabtay shirkii 53-aad ee wasiirrada arrimaha dibadda ururka IGAD.

 

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2015/Jan/wararka_maanta22-89860.htm#sthash.6MDhOWTK.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Happy why would I be happy Just posting the latest News you should read what the turkish pm had to say about this me ahmed devot this Just show How incompetent the security apparatus of the mogadishu administration is. How can a vehicle full of explosive come so close to the hotel.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

HAG business men who are pissed at the Turks for taking away business are sending a message that they don't want the Turks. Niyoow this is a fact and let us not blame the dirty terrorists this time. they always claim anything, but it is well known that HAG businessmen are behind most of the crimes in Mogadishu and the terrrorists are blamed.

 

facts are facts niyoow. we need to get rid of these corrupt killers in Bakaaraha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

HAG business men who are pissed at the Turks for taking away business are sending a message that they don't want the Turks. Niyoow this is a fact and let us not blame the dirty terrorists this time. they always claim anything, but it is well known that HAG businessmen are behind most of the crimes in Mogadishu and the terrrorists are blamed.

 

facts are facts niyoow. we need to get rid of these corrupt killers in Bakaaraha.

 

 

Niyoow Let me remind u that amxaar couldnt defeat them

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this