Sign in to follow this  
Axmed1508736699

Enemy of Khatumo Clan is themselves, not Somalidiid

Recommended Posts

Somalidiid have no power over them. They were defeated in the past when they were good slaves of the British.

 

But the biggest enemy of Khatumo clan is themselves. They break their own legs. Divide themselves.

Buuhoodle changed so many times flags: somalidiid, puntland and khatumo.

 

Then you have selfish khatumo ppl like Xlatoosiyewaayay and Baashi on somalidiid payroll.

All these two hyenas care about is their bellies. They dont have Principle.

 

 

Talaado, Janaayo 20, 2015 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha wakiiladda maamulka Somaliland Baashe Maxamed Faarax (Baashe Cadde) ayaa sheegay inaanu kasoo cadhoon munaasibaddii caleemo saarka Garaadka Cabdirisaaq Garaad Soofe Duraan ee ka dhacday Buuhoodle balse uu diiday inuu ka hadlo madal lagu xardhay calanka Soomaaliya.

 

Guddoomiye ku xigeenka Baashe Cadde ayaa maalmihii u dambeysay warbaahintu qoraysay inuu ka soo cadhooday caleemo saarka Garaadka ee Buuhoodle ka dhacday, haseyeeshee waxa uu sheegay in aanay arrintasi waxba ka jirin balse uu diiday inuu ka hadlo madal calanka uu ku dhaartay sudhnayn.

 

“Anigu Buuhoodle kama soo cadhoon ee dhaqankii aan u tagay wuu dhamaday,caleemo saarkiina waa la sameeyey,markii caleemo saarkii dhamaaday waxa meeshii laga hadlayey la soo dhigay calankii Soomaaliya, aniguna qarankan ayaan u dhaartay ee calankaasi Soomaaliya uma dhaaran haddii aan kaas rabana Muqdishaan tagi lahaa, mana dhex fadhiisanayo meel calanka Soomaaliya yaalo, marka jaraa’idka qaar ayaa igu dhaleeceeyey wuu soo cadhooday oo calankii Soomaaliya ayuu diiday,aniguna dhaar baan qarankan Somaliland u maray calan aan kan ahayna ma hoos fadhiisanayo, damiirkaygu wuxuu I siin waayey in aan calankaasi Soomaaliya hoos fadhiisto calanka Somaliland meel ahayn kama hadlayo.”ayuu yidhi mar uu ka hadlayey sababta uu uga soo baxay shirkii caleema saarka Garaad C/risaaq oo ka dhacay Buuhoodle.

 

Guddoomiye Baashe waxa uu sheegay in sifiican loogu soo dhoweeyey magaaladda, isla markaana horumar ka jirto magaaladda taas oo uu sheegay inay dadku qabsadeen, waxaanu yidhi“Buuhoodle aad baan la noogu soo dhoweeyey, arrinku muu ahayn mid siydaasad dad badan oo kala afkaar ah ayaa iskugu yimid, si wanaagsan ayaa loo maamulay, cid kasta oo ka soo qaybgashay si siman ayaa looga soo wada qaybgallay”.

 

Baashe ayaa sheegay in aanu ogolayn in dagaal lagu tago Buuhoodle, balse soo jeediyey in siyaasad iyo wax u qabad uun lagu tagi karo deegaanadda Buuhoodle, isagoo tilmaamay in dagaal khasaare mooyee Faa’iiddo lahayn.

 

Haseyeeshee Guddoomiye ku xigeenka iyo xubno wasiiro ah oo la socday ayaa madashii khudbaduhu ka socdeen iskaga soo baxay, haseyeeshee wasiirka Caafimaadka Saleebaan Axmed Xaglo toosiye ayaa isagu soo raacin gudoomiyaha, isla markaana halkaasi khudbad ka jeediyey, isagoo garaadka cusubna ku waanayey in aanu siyaasadda ku milman ee uu noqdo Garaad dadkiisa wax qabto, isla markaana siyaasiyiinta kale uga digay in arrimo siyaasadeed ku kacaa inta ay Buuhoodle joogaan.

 

“Anigu maro meel sudhan uga tagi maayo hadalkayga, in aniga la igaga tago mooyee, cidda ka tagaysaana iyaga jirta, Buuhoodlana waa magaaladaydii oo cid uga cadhoon maayo”ayuu yidhi Saleebaan Xaglo toosiye oo warbaahinta la hadlay isagoo jooga Buuhoodle,isla markaana siyaasiyiinta kale uga digay inay ku kacaan arrimo siyaasadeed inta ay joogaan Buuhoodle.

 

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

Barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Maamulka Somaliland

 

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2015/Jan/wararka_maanta20-89833.htm#sthash.6ybqi3v3.dpuf

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this