Sign in to follow this  
malistar2012

Tarzan former Mogadishu Governor sets up Social justice Party

Recommended Posts

Tarzan former Mogadishu Governor sets up Social justice Party

 

tarsan-xisbi-1.jpg

 

Munaasabad maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay Xisbi siyaasadeed oo Guddoomiye uu u yahay gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Trsan.

 

tarsan-xisbi-2.jpg

Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo ahaa Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho oo munaasabadaas ka jeediyey khudbad dheer ayaa wuxuu ku sharxay ujeedada iyo hadafka xisbiga Caddaalada Bulshada.

tarsan-xisbi-5.jpg

 

“Xisbigan wuxuu xambaarsan yahay mabaa’dii rasmi ah oo salka ku heysa sidii loo soo afjari lahaa cadaalad xumada ka jirta Soomaaliya, oo nooc walba leh” ayuu yiri Tarzan oo sii raaciyay, “Waxaan aaminsan nahay in Soomaaliya aysan u baahneen in ay ku tiirsanaato waligeed kaalmo dibada looga keenay; dalkeena waa mid hodan ah, waxaana naga go’an in aan tayeyno kartida bulshada Soomaaliyeed si ay uga faa’iideystaan kheyraadka dabiiciga, una noqdaan bulsho iskufilan, oo leh waxsoosaar.”

 

tarsan-xisbi-4.jpg

Tarsan ayaa sheegay in xisbigan uusan aheyn xisbi qabiil ama mid goboleysi ku dhisan, balse uu yahay mid u furan iney xubno ka noqdaan Soomaalida oo dhan kuna saleysan mabaadi guud, wuxuuna xusay in dhowaan la qaban doono shirweynihii ugu horeeyey ee xisbiga laguna dooran doono hogaanka xisbiga iyo maamulkiisa intaba.

 

tarsan-xisbi-3.jpg

Munaasabadan lagu daah furayay xisbigan cusub ee Tarsan hoggaamiyo ayaa waxaa ka muuqday wajiyo ka tirsanaa maamulkii hore ee Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaashii hore.

 

tarsan-xisbi-6.jpg

 

tarsan-xisbi-7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gole ay ku midoobeen 10 xisbi siyaasadeed oo maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho

by A M | Wednesday, Nov 19, 2014 | 4296 views

 

IMG_6597.jpg

 

 

Munaasabad maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga dhawaaqay gole cusub oo la magac baxay golaha isutaga xisbiyada siyaasada Soomaaliya, kaasoo ay ku midoobeen illaa 10 xisbi siyaasadeed.

 

Waxaa ka qeyb galay munaasabada looga dhawaaqayey golahan masuuliyiinta asxaabta ku midoobay golaha, xildhibaano ka tirsan Baarlamanka iyo qeybaha bulshada sida haween, dhalinyaro, culumaa’udiin, aqoonyahano iyo qaar kale.

 

Xoghayaha guud ee golaha Isutaga xisbiyada siyaasada Soomaaliya Cali Maxamed Nuux Timajilic oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa ka waramay ujeedada loo aasaasay golaha iyo himilooyinka uu higsanayo.

 

“Golahan waxaa loo aasaasay sidii uu marxalada kala guurka kaalin uga qaadan lahaa sidii looga gudbi lahaa qabyaalada, looguna talaabi lahaa nidaamka axsaabta siyaasadeed iyo doorashooyin xor ah, himilooyinka uu higsanayona waxaa ka mid ah sidii xisbiyadu isaga kaashan lahaayeen doorashoooyin xor ah oo dalka ka dhaca sanadka 2016-ka ayuu yiri Timajilic.

 

Waxaa sidoo kale kulankaas ka hadlay gudoomiyaha xisbiga Al-Ummah oo ka mid ah asxaabta ku midowday golahan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo sheegay in xisbiyadani ay yihiin isku hadaf, muddo dheerna laga soo shaqeynayey dhismaha golahan.

IMG_6616.jpg

“Soomaalida waxa kala dhantaalay waa tafaraaruq iyo qabyaalad, fariinta ugu weyn ee asxaabta ku bahowday golahan waxa weeye iney dadka tusaan in la midoobi karo, si wadajir ahna wax loo qabsan karo” ayuu yiri Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo dhinaca kale ka mid ahaa asaasayaashii isbaheysigii dib u xoreynta ee Asmara lagu aasaasay 2007-dii.

 

IMG_6640.jpg

Prof. Saciid Ciise Maxamuud gudoomiyaha xisbiga DADKA oo isna munaasabada ka hadlay ayaa xusay in axsaabta ku midowday golahan uusan isu keenin qabiil balse ay u midoobeen Soomaalinimo.

 

 

IMG_6635.jpg

Waxaa sidoo kale hadalo jeediyey xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia oo ay ka mid yihiin xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo xildhibaan Khaliif Maxamuud Xaaji oo xisbiyada ugu hambalyeeyey golahan ay ku midoobeen iyagoo u rajeeyey ineysan noqon ururo sidan oo kale horey loo aasaasay oo iska baaba’ay, balse ay noqdaan kuwo ka dhabeeya mabaadi’da ay higsanayaan.

 

Gudoomiyaha golaha isutaga xisbiyada siyaasada Soomaaliya C/llaahi Shiikh Xasan gunaanadkii munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in wada tashi 10 xisbi siyaasadeed u soo socday dhowr bilood ka dib ay ku guuleysteen in maanta ay ku dhowaaqaan golahan.

 

IMG_6641.jpg

 

“Xisbiyadan horey ayey u dhisnaayeen waxa maanta cusub waa golahan ay ku midoobeen ka dib markii ay isku feker ka noqdeen arrimaha dalka ka taagan iyo himilooyinka la higsanayo mustaqbalka” ayuu yiri C/llaahi Shiikh Xasan.

 

Gudoomiyaha golaha isutaga xisbiyada siyaasada Soomaaliya ayaa dhaliilay waxqabadka guddiga baarlamanka u qaabilsan hirgelinta nidaamka asxaabta badan kuwaasoo uu sheegay iney ku guuldareysteen iney soo saaraan sharciga asxaabta iyo doorashooyinka, isagoo dhinaca kale ugu baaqay madaxda dowlada iney deg deg xal uga gaaraan khilaafka ka dhex aloosan oo uu xusay inuu khatar gelinayo jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.

 

Waxaa sidoo kale munaasabadaas hadalo isugu jiray taageero, Guubaabo iyo dardaaran ka jeediyey xubno ku kala hadlay qeybaha bulshada sida abwaanada, majmaca culimada Soomaaliyeed, odayaasha dhaqanka ururka haweenka

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

hassan-sheikh-mohamud-poster.jpeg

" alt="" />

 

 

interesting time ahead Somalia is politically progressing 2016 will be very interesting several political Parties running for election ...

 

 

Somali is getting far away from warlords - terrorist - Qabil movement era a Strong Somali will emerge congrats ......

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Waryaa Malister, the headline was about Tarzan and his new party. Maxaad xaga dambe Qoslaaye aad uga raacinayasaa?. Why are you disturbing Tarzans party and his day.

 

By the way the slogan is grammatically incorrect. Thank you for your vote means for the past vote of 2012. On the Somali part of the slogan, you said " Codkiina nin U Qalma Ayaad Siisaan". If we are talking about the past it should be " Codkiina nin u Qalma Ayaad Siiseen".

 

" Siisaan" is a present verb. It is like saying " you give your vote for the one who deserves. Kolay Af-Soomaaliga waa la idinka Habaarey.

 

In other words are you campaigning for his return?.

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

H.E. Hassan Sheikh Mohamud good leadership and governance gave then citizens the assurance and confident they needed to rebuild their country , and invest millions of dollar seeing that the country future is bright and in good hands ....

 

 

 

 

H.E. Hassan Sheikh Mohamud one of his main pillar and promise was free education - today kids and adult are attending schools in Mogadishu and surrounding area for free no cost H.E. Hassan Sheikh Mohamud has delivered his promise of Equal opportunity .God Bless H.E. Hassan Sheikh Mohamud

 

 

 

 

The Average citizen in living Government held territories are doing better then the rest of the country why? in terms salary - education - Health -business opportunity - employment opportunity .....

 

http://www.youtube.com/watch?v=Xpqr1A97ajs

 

November 22, 2014 – Howgalladaan lagula dagaalamayo jidgooyooyinka sharci darrada ah ayaa waxa ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaanno ay ka midyihiin Muuri, No.50, No.60, Ceel-wareegoow, Buufoow, Shalaanbood, Qoryooleey, Buulo-mareer iyo kuwa kale, waxaana saraakiisha ciidamada ay goobaha laga ceyriyo maleeshiyaadka isbaarooyinka dhigteen lagu wareejiyay cutubto ka tirsan ciidanka xoogga dalka

 

 

H.E. Hassan Sheikh Mohamud one of his main pillar and promise was security - Today farmers and truckers move freely and making Profit in a secure environment God Bless H.E. Hassan Sheikh Mohamud .........

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

Waryaa Malister, the headline was about Tarzan and his new party. Maxaad xaga dambe Qoslaaye aad uga raacinayasaa?. Why are you disturbing Tarzans party and his day.

 

By the way the slogan is grammatically incorrect. Thank you for your vote means for the past vote of 2012. On the Somali part of the slogan, you said " Codkiina nin U Qalma Ayaad Siisaan". If we are talking about the past it should be " Codkiina nin u Qalma Ayaad Siiseen".

 

" Siisaan" is a present verb. It is like saying " you give your vote for the one who deserves. Kolay Af-Soomaaliga waa la idinka Habaarey.

 

In other words are you campaigning for his return?.

 

 

president Xasan Sheekh Maxamuud has set on example created political party based on ideologies and won the election ...........

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this