Sign in to follow this  
malistar2012

major bust this week Alshabab militias huge weapons seized Mogadishu

Recommended Posts

Hogaamiye ka tirsaa Ururka Al shabaab oo lagu soo qabtay Degmada Dayniile (VIDEO)

 

October 28, 2014 – Ciimadda Nabad-sugida iyo Sirdoonka qaranka ayaa howgalo ballaaran ku soo qabtay hub iyo dadkii heystay kaddib howl gallo ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

 

http://www.youtube.com/watch?v=Fr6uzIyNdEs

 

Ciidamada ayaa soo qabtay sagaal qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab. Guri ku yaalla degmada Dayniile ayaa laga helay hub badan oo dhulka ku duugnaa iyo dhowr qof oo ku sugnaa guriga.

 

 

 

 

Degmada Howl-Wadaag ayay ciidamadu sidoo kale ka sameeyeen howl-galka, dhowr qof oo lala xiriiroyay inay ka tirsan Al-Shabaab ayaa laga soo qabtay xaafadaha u dhow suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-Wadaag.

 

Sarkaal ka tirsan Nabad-sugidda ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ciidamadu ay heleen xog ku saabsan dadka iyo hubka la soo qabtay, ayna sii wadi doonaan baaritaannada noocaan ah.

 

Maalmo ka hor ayay ciidamada Nabad-sugiddu gacanta ku soo dhigeen dhallinyaro laga keenay gobollada oo ay Al-Shabaab doonayeen inay falal amni darro ka sameeyaan gobolka Banaadir, Kuwaas oo ku sugnaa guri ku yaalla degmada Howl-Wadaag.

 

 

 

Xafiiska Sawirro.com Muqdish

Share this post


Link to post
Share on other sites

Konteenar ay ka buuxaan Qalab militery oo maanta Lagu qabtay Dekedda Muqdisho (VIDEO)

 

 

http://www.youtube.com/watch?v=RLTN2niDCAk

October 28, 2014 – Ciidamada booliska ee dekadda ka howlgalla ayaa gacanta ku dhigay kunteenar ay ku jiraan waxyaabaha loo adeegsado qaraxyada iyo qalabka ay isticmaalaan ciidamada, iyadoo la qabtay xilli la isku dayay in qalabkaasi dekadda laga bixiyo.

 

Taliyaha saldhigga booliska dekadda Muqdisho Gaashaanle sare Maxamed Cabdi Eeboow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xubin ka tirsan ciidanka ilaaalada canshuuraha uu qabtay kunteenarkan xilli ay ku guda jirtay kormeer ay ku smaeyneysay qalabka dekadda la soo geliyo iyo kuwa ka baxaya.

 

 

 

 

Wasiirka Amniga Qaranka ee xukuumadda Soomaaliya Khaliif Axmed Ereg oo gaaray dekadda Muqdisho ayaa sheegay in dadaal ay sameeyeen ciidamada amniga lagu guuleystay in la qabto kunteenarka, isagoo intaa ku daray in guddi baaritaanno dheeri ah sameeya ay u saareen, si loo ogaado cidda dalka soo gelisay.

 

Sidoo kale saraakiisha hay’adda Nabad sugidda ayaa sheegay inay baaritaanno ku hayaan mas’uuliyadda shirkadda BIL oo ay u rarneyd qalabka la qabtay.

 

Kunteenarka ayaa waxaa ku jiray dhar, kabo milateri iyo qalab magned ah oo fududeeynaya waxyaabaha qarxa, waxaana wararka qaar ay tilmaamayaan in markabka siday kunteenarkan uu ka yimid dalka Shiinaha, isla markaana dekadda Muqdisho ku soo xirtay 22-kii bishaan gacantana lagu dhigay qofkii uu u rarnaa badeecadaan.

 

 

 

Xafiiska Sawirro.com Muqdish

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabar Cuntada u karin jirtay Ciidanka Al Shabaab oo lagu soo qabtay Muqdisho (VIDEO)

 

http://www.youtube.com/watch?v=t_-82M3dasY

 

October 29, 2014 – Hawlgal ay sameeyeen Ciidamadda Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Somalia oo Maanta lagu soo qabtay Hub, Daawooyin iyo Qalab kale oo Ciidan.

 

Ciidamada sirdoonka Dowladda ayaa waxaa soo gaaray xog sheegaysay in ay dhalinyaro badan oo Al shabaab katirsan ay daganaayeen guri, gurigaas oo loo ekaysiiyay guri caadi ahaa oo ay daganaayeen Qoys dhalin yaro ah. baaritaan kadib waxaa hub badan laga helay banaaka guriga, kaas oo ku duugnaa dhulka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

 

 

Ciidamada Nabadsugida oo howl gallo baaritaano ka sameeyay ilaa shan degmo ka tirsan G/Banaadir

by A M | Thursday, Oct 30, 2014 | 1755 views

 

DSC00641.jpg

 

 

 

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka ayaa maanta ilaa shan degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir ka sameeyay howl gallo baaritaano ah, iyadoo howl galkan intii uu socday lagu soo qabtay dad fara badan oo lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

 

Howl galkan oo ahaa gur guri ayaa laga sameeyay qeybaha bari ee degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa iyo Kaaraan, halkaasoo cutubyo ka tirsan Ciidamada Nabadsugida goobo ay tuhunsan yihiin baaritaano ka sameeyay.

 

Ciidamada oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka ayaa la arkayay, iyagoo baaryaay guryaha, waxaana ay ka soo qabteen hubka fud fudud iyo qalab ciidan.

 

nabad-sugida.jpg

Sidoo kale ciidamada Nabadsugida ayaa howl gal ka sameeyay qeybta galbeed ee degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley, waxaana ay ciidamada si la mid ah xaafadaha ku yaal u baareen guri guri, iyagoo soo helay hub iyo waxyaabo kale.

Howl galadan ayaa ciidamada waxay ku baadigoobayeen hub iyo waxyaabaha qarxa oo ay guryaha ka raadinayeen, waxaana howl galkan uu qeyb ka yahay mid hey’adaha ammaanka ay mudooyinkan ka wadeen degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Dhinaca kale Ciidamada Nabadsugida ayaa maanta bur buriyay ilaa labo guri oo ku yaal xaafada Gubta ee degmada Dayniile, kadib markii maalin ka hor laga helay hub iyo waxyaabaha qarxa, iyadoo gurigaas gebi ahaanba dhulka lagu daray.

 

Hey’adaha ammaanka dowladda ayaa go’aano ay soo saareen dhowaan waxay ku sheegeen in gurigii laga helo, hub iyo waxyaabaha qarxa lala wareegi doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Great week for the security force and resident of Mogadishu large Numbers of Alshabaab fighters weapons ammunition explosive device ..

http://www.youtube.com/watch?v=t_-82M3dasY

 

security force are using e metal dictators digging ground catching buried weapons - medical Aids serious blow to Alshabaab this week

 

the campaign to sweep remittance of alshabaab militias that are hiding in Mogadishu are going very well , Security agencies in Mogadishu have improved in Intelligence Gathering Monitoring alshabaab movement . Most important are public cooperation which are leading successful raids - Alshabaab cells are being busted weapons ammunition fighters - shipments .

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Gabadha yarta ah ee probably dhibaatada dhaqaale u geysay nimankan ama iyagu cunuga ka dhaleen intaad meel nabad ah geysaan u fara wacyi gelin, iskana dhaafa cunugeeda ha korsatee.

 

Maanay arkeyn the flipping obvious?

Share this post


Link to post
Share on other sites

DSC08685.jpg

 

 

Howgallo lagu soo qab qabtay hub iyo maleeshiyaad oo laga fuliyay caasimadda

Ciidamada hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa hawlgallo baaritaanno oo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka gobolka Benaadir ku soo qab qabtay hub, waxyaabaha maanka dooriya iyo dad lala xiriirinayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

c2.jpg

 

Howlgalkan oo gunaanad u ahaa wajiga koowaad howlgal guri guri loo baarayay degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa maanta ka dhacay xaafadaha degmooyinka, Hodan, Howlwadaag, Warta Nabadda, Yaaqshiid iyo Heliwaa, kuwaasi oo guri guri baaritaanno looga sameeyay.

 

DSC08626.jpg

Xaafadaha Degmada Hodan ayaa howlgalkii laga fuliyay waxaa lagu soo qabtay waxyaabaha maandooriya, sida qamriga la mac-malay ee loo yaqaan Calaqa, xashiis iyo dadkii ka ganacsanayay, waxaana dhismayaashii lagu gadayay waxyaabaha maanka dooriyay la wareegay ciidamada hay’adda Nabad sugidda ah.

 

DSC08577.jpg

Ciidamada ayaa xiray dhamaan waddooyinka xaafadaha degmooyinka Howlwadaag, Warta Nabadda, Yaaqshiid iyo Heliwaa, waxaana guri guri loo baarayay xaafadahaasi, iyadoo howlgalkani uu yahay mid lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda.

 

c7.jpg

Guddoomiyaha Warta Nabadda Yaasiin Nuur Ciise oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaasi uu yahay mid lagu doonayo sidii xaafadaha degmooyinkaasi looga saari lahaa maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanaya.

 

 

Xarunta hay’adda Nabad sugidda Gobolka Benaadir ayaa lagu soo bandhigay maleeshiyaad lala xiriirinayo Shabaab iyo sodon qori oo laga kala keenay xaafadihii maalmihii ugu dambeysay howgallada laga sameynayay.

 

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay saxaafadda ayaa yiri “Howlgalladii ugu dambeyay waxaa lagu soo qabtay 82 qof, baaritaanno dheer kaddib waxaa la ogaaday in 22 ka mid ah ay noqdeen horjoogayaal la yaqaano oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaa sidoo kale lala wareegay labo garaash oo lagu diyaarinayay walxaha qarxa iyo shan gaadiid oo ay isticmaalayeen maleeshiyaadka magaalada fowdada mararka qaar ka geysanayay”

 

c2.jpg

 

Wejiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah haraadiga Al-Shabaab ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ka bilowda caasimadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

More great news This week Mogadishu security force are conducting joint operation , Alshabaab militias are being uprooted in Mogadishu Vehicles - houses - Weapons - Bomb Making materials - Army Fatigue seized .

nab_13.jpg

nab_14.jpg

 

Alshabaab terrorist are being Funded heavily were are they getting money to buy new Vehicles- Arms ?

 

 

Mogadishu security force are getting more confident and precise hitting alshabaab cells catching Alshabaab Amiirs well known individuals - Arms hideout . hay’adda Nabad sugidda are well trained and are conduction them self as a professionals security force .

 

 

Sustainable stability is were south Somalia is Heading The future looks Great

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this