Sign in to follow this  
malistar2012

First Moderate Bank Opens in Mogadishu Somalia is Heading the right direction

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray bankiga caalamiga ah ee Soomaaliya oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan (IBS) kaas oo ku shaqeyn doona shuruucda u yaalla Bankiyada adduunka.

 

IBS%20Xassan%20Sheikh%201.jpg

 

 

Munaasabad xariga looga jarayay bankiga oo ka dhacday xarunta ugu weyn oo ku taalla degmada Xamarweyne ee gobalka Benaadir ayaa waxa goob joog ka ahaa, Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska, Wasiiru dowlaha Maaliyadda, Guddoomiye ku-xigeenka Bankiga dhexe ee Soomaaliya, guddoomiyaha gobalka Benaadir, guddoomiyaha Hey’adda Culimada Soomaaliyeed, rugta ganacsiga Soomaaliyeed, ganacsato iyo marti sharaf kale.

 

Bankiga oo ah banki Islaami ah ayaa ka hor inta aanu Madaxweynuhu xariga ka jirin waxaa lagu soo wareejiyay qeybaha uu ka kooban yahay Bankigan.

 

Mas’uuliyiintii ka hadashay xafladda waxa ay ku amaaneen ganacsatadii furtay Bakigan oo Soomaali ah in ay yihiin kuwa ku dayasha mudan, maadaama ay keeneen bankigii ugu horeeyay ee qaab caalami ah u shaqeynaya.

 

Maamulka guud ee bankiga caalamiga ah ee Soomaaliya “IBS” oo goobta hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in Bankiga abaabulkiisa ay lahaayeen Ganacsata Soomaliyeed, isla markaana uu la jaan qaadi doono habka caalamka, isaga oo daaha ka rogay in Bankigu uu leeyahay “swift code” oo ah habka ay ku xariiraan bankiyadu.

 

ByfWNXeIcAAj_E2.jpg

Waxa uu intaa raaciyay in ruuxii lacagtiisa dhigta uu faa’iido ku helayo, sidoo kalana bankigu uu LC u sameyn doono ganacsatada, uuna xoogga saari doono, horumarinta ilaha dhaqaale ee dalka sida beeraha iyo xoolaha isla markaana uu sameyn doono maalgelin mashruucyada loola yimaado hadii ay ahaan laheyd mid shaqsi wato ama shirkadeed, sidoo kalena uu hirgeli doono waxa loo yaqaanno “Micro Finance” si dadka danta yar fursado ay u helaan.

 

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay maalgashiga dalka, isla markaana ay garteen ganacsatada in hantidooda ay dalka keenaan, bedelkii ay dalal kale geyn lahaayeen.

 

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu horeyn xarigga ka jaray bankiga cusub ayaa waxa uu ku booriyay Soomaalida lacagtoodu taallo bankiyada caalamka in ay u soo dhiibaan Bankigan cusub, si bankiga ay ugu sahlanaato in uu maalgelin dalka ku sameeyo.

 

Soomaaliya oo ay horay uga jireen bankiyo iyo xawaalado ayaa waxa uu u baahnaa banki caalami ah, maadaama bankiyadii hore ay ku koobnaayeen oo kaliya gudaha dalka oo aysan awoodin in ay u gudbaan dunida inteeda kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

New Banking Era in Somalia International Bank of Somalia opens in Mogadishu , Xaawal Time is about to come to end Great Progress In Mogadishu. This Bank will Provide all the service a Moderate Bank Provides - Micro Finance -Loan etc Transfer Money safe to other Countries .....

 

Great Job by Business Community

 

Waxa uu intaa raaciyay in ruuxii lacagtiisa dhigta uu faa’iido ku helayo, sidoo kalana bankigu uu LC u sameyn doono ganacsatada, uuna xoogga saari doono, horumarinta ilaha dhaqaale ee dalka sida beeraha iyo xoolaha isla markaana uu sameyn doono maalgelin mashruucyada loola yimaado hadii ay ahaan laheyd mid shaqsi wato ama shirkadeed, sidoo kalena uu hirgeli doono waxa loo yaqaanno “Micro Finance” si dadka danta yar fursado ay u helaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

The article is misleading, this bank is not NEW, it has being there since last year.

 

They were advertising JOBS last year, click here

 

And now, after a failed mission, claiming it has being launched today with the help of head of a state.

 

Madaxweynaha is being used for xayeysiis purposes, or he is one of the new investors.

 

 

The message is good and is welcome, we need more banks, laakin misleading we don't like it.

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this