Sign in to follow this  
malistar2012

memorial Soccer cup in Hargeysa Stadium for Al-Shabaa leader Axmed Cabdi Goda

Recommended Posts

A memorial Soccer cup in Hargeysa Stadium for Al-Shabaa leader Axmed Cabdi Godane

 

 

shabaab%252520group.jpg

Ciidamada Booliska maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay labo koox oo ka mid ah kooxaha kubadda cagta ka dhisan Hargeysa oo doonayay in ay dhigaan Koob ay ku xusi rabeen hoggaamiyihii geeriyooday ee ururka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo 1-dii bishan Sep. lagu dilay duqeyn ciidamada Mareykanka fuliyeen.d

 

 

Dhalinyarada labadan kooxood ee xuska u dhigayay Axmed Godane ayaa u yiilay Koob loogu baroor diiqayay Godane oo ay doonayeen in lagu qabto garoonka ciyaaraha Hargeysa, waxaana ka war helay ciidamada booliska oo amar lagu xeray uu bixiyay Taliyaha Booliska Somaliland C/llaahi Fadal Imaan.

 

Taliyaha Booliska Somaliland C/llaahi Fadal Iimaan iyo dhalinyaradaasi ayaa waxaa dhex martay dood dheer, Taliyuhuna uu ka dalbaday dhalinyarada in ay joojiyaan koobka xuska ay u dhigayaan Godane, balse ay ka horyimaadeen codsiga Taliyaha, taasoo markii danbe uu ku amray ciidamada Booliska in ay xiraan dhamaan dhalinyaradaas iyo cid kasta oo ku lug leh qabashada koobkaas.

 

Waalidiinta dhalinyarada xabsiyada ku jirta ee falkani loo xeray ayaa sheegay in arintani ay dhacday todobaadkii hore, ilaa haddana ay xabsiyada ku jiraan ubadkooda.

 

Falkani ayaa si weyn looga hadal hayaa magaalada Hargeysa, oo saameyn ballaaran ku yeelatay dilkii Hoggaamiyihii Shabaab Axmed Godane, oo dadka Somaliland badankiis ay aad u taageersanayeen.

 

Geeridii Godane kadib, waxaa Hargeysa Shir jaraa'id ku qabtay Axmed Cabdi Godane Walaalkiis oo lagu magacaabo Baashe Cabdi Godane, isagoo sheegay in walaalkiis uu u dagaalamayay difaaca Diinta iyo sharafka Muslimiinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this