Sign in to follow this  
malistar2012

Somaliland army invades khatuum Inauguration ceremony canceled

Recommended Posts

Somaliland army invades khatuum Inauguration ceremony canceled

 

 

11111.jpg

 

 

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Saaxdheer iyo Qasaaro Xoogan oo ka dhashay Dagaalka

 

 

 

 

Subaxnimadii hore ee Khamiista ayaa ciidamada Somaliland weerar qorsheysan ku qaadeen tuulada Saaxdheer oo ahayd halkii lagu doortey Cali Khaliif Galayr in uu noqdo Madaxweynaha maamulka Khaatumo.

 

Waxaa Saaxdheer ka socdey todobaadkan qabanqaabada caleema saarka Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh iyada oo maalintii shalay diyaarado sida ergoyin ka qaybgalaysa caleema saarka ay ka dageen magaalada Buuhoodle, waxaana caleema saarka lagu wadey in uu maanta ka qabsoomo halkaas.

 

Warar madax banaan ayaa sheegaya in dagaalku ahaa mid aad u culus oo ciidamada Khaatumo ay markii hore muujiyeen iska caabin xoog leh laakiin looga itaalroonaadey dagaalka, kadibna ay isaga baxeen isla subanimadii hore ee maanta.

 

Ugu yaraan 20 qof oo u badnaa dhinacyadii dagaalamayey ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen halkaas iyada oo dhaawacu intaas ka badan yahay.

 

Daahir Maxamed Maxamuud oo ka mid ahaa qaban qaabiyaashii xafladda caleema saarka Madaxweynaha Khaatumo ayaa sheegey in caleema saarkii Cali Khaliif uu dhacay iyada oo xabadi socoto, waxaa dagaal gardaro ah nagu soo qaadey laba maamul Somaliland iyo Puntland ayuu yiri kuwaas oo iska kaashadey dagaalka Khaatumo lagu soo qaadey!.

 

Khasaaraha dhankooda soo gaarey ayuu Daahir ku sheegey in hal gaari laga gubey laakiin iyaguna ay afar gaari gubeen, Dagaalka waxay ku dileen dad masaakiin ah caruur iyo haween ayuu yiri ninkaan u hadlaayey Khaatumo.

 

Taliyaha ciidanka Somaliland Gen. Ismaaciil Shaqalle ayaa BBC u sheegey sunbaxnimadii hore ee saakey in ay la wareegeen Saaxdheer waxaana uu sheegtey in lagu soo xadgudbey Somaliland kadib markii diyaarado hib sida ay shalayu soo degeen maamulka Khaatumo. Shaqale wuxuu sheegey in aysan 10 daqiiqo ku qaadan dagaalku oo markiiba kuwii uu isku halaynaayey Cali Khaliif ay meesha isaga baxsadeen. Shaqale wuxuu sheegey in Galaydh ay ugu danbeysey isaga uu gudaha Itoobiya marayaa 30km.

 

Warar Madaxbanaan ayaa sheegaya in Madaxweynaha Khaatumo u baxsadey dhanka Itoobiya, halka qaar kale oo ergooyinka ahaa ay u baxsadeen dhanka Hawdka.

 

Cali Khaliif Galaydh ayaa horey Somaliland ugu weerartey degmada Taleex ee gobolka Sool xili uu socdey qaban-qaabada shirkii Khaatumo, waxaana weerarkaasi sababey in Taleex gacanta u gasho Somaliland inkasta oo ay iskood uga baxeen.

 

Sidaan mid la mid ahaa Somaliland Saax-dheer ugu weerareen Cali Khaliif Galaydh iyo ergooyin kale, waxaana uu galay gudaha Itoobiya iyada oo ciidamada Somaliland si iskood ah dib uga noqdeen Saaxdheer bishii Maajo ee isla sandakn 2014.

 

Saaxdheer ayaa ku taala xadka Itoobiya sheegato waxaana ay Laascaanood u jirtaa fogaan dhan 70km.

 

Ciidamada Somaliland ayaa todobaadkanba ku sugnaa meel aan wax badan ka fogeyn Saaxdheer, waxaana muuqatey saan-saan colaadeed, taas oo dad badan ay caalamaad su’aal saareen sida Caleema saar loogu qaban karo magaalo ciidamada Somaliland dul fadhiyaan.

 

Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa horey wacad ugu marey in xoreynta dhulka Khaatumo uu dhiig u daadin doono dagaalna ay qaadayaan.

 

W/Q Hanad Askar

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this