Sign in to follow this  
malistar2012

Mogadishu celebrates peace n stability huge demo

Recommended Posts

BOGGA HORE

CAYAARAHA

KEYDKA SAWIRRADA

RADIO MOGADISHO

TARTANKA RAMADAANKA

TUBTA TOOSAN

WARARKA

XUSUUSTA RAADIYAHA

Banaan bax lagu taageerayay howlgallada amniga lagu xaqiijinayo oo ka dhacay Muqdisho “DAAWO VIDEO”

Published on August 24, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 1,293 views

Dibad bax lagu taageerayay howlgallada amniga lagu xaqiijinayo iyo guulaha ay gaartay Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo isu soo baxaasi ay ka qeyb galeen xubno ka socda maamulka gobolka, Culimaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca, ururka haweenka Qaranka iyo qeybaha bulshada ee gobolka ku dhaqan.

 

Dadkii ka qeyb galay banaan baxaani nabadeed ee lagu taageerayay howlgallada hay’adaha amniga ayaa waxa ay wateen boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo lagu taageerayay howlgallada amni sugidda iyo tan Wasaaradda amniga Qaranka.

 

 

 

Afhayeenka Culimaa’udiinka Ahlusuna Waljamaaca Sheekh Cabdiqaadir Maxamed Soomow ayaa ka codsaday in amniga ay ka wada shaqeeyaan, lana shaqeeyaan laamaha amniga, si horumar la mid ah kan ay maanta dareemeen loo gaaro wasaarada Amniga ugu fududaato hawsha loo igmaday.

 

Xoghaya Ururka haweenka Qaranka Canab Maxamed ayaa sheegtay in amniga wax badan iska bedaleen hadana loo baahan yahay sidii loo dhiira gelin lahaa laamaha amniga ee ka shaqeeya howlaha lagu sugayo amniga dalka.

 

Guddoomiyaha Degmada Boondheere Qaasim Cabdullaahi ayaa banaan baxa ku soo gunaanuday mahadcelin uu u jeediyay shacabka ku dhiiraday in ay muujiyaan dareenkooda amni, isagoo ku baaqay in shacabka ay ka wada shaqeeyaan sugidda nabad gelyada.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida oo xukunno kala duwan riday “

 

Published on August 24, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 1,194 views

Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kaddib markii lagu helay dambiyadii loo haystay.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo maanta u fadhiisatay dhageysiga dacwad ciqaabeed loo haystay shan eedeysane oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab dilka marxuum Ex-Dable boolis Yuusuf Xasan Macow (Yuusuf Taraafiko) oo ka tirsanaa ciidanka nabadgelyada waddooyinka ayaa xukunno isugu jira dil, xabsi daa’in iyo xukun lix bil oo ciidan ku riday maleeshiyaadkaas.

 

Afhayeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Maxamed Muuse (Keyse) ayaa xusay in mid ka mid ah shanta qof ee maanta maxkamadda la soo taagay lagu waayay dambigii loo haystay, isla markaana ay Maxkamaddu fasaxday.

 

00:0000:00

Gaashaanle dhexe Cabdullaahi Maxamed Muuse (Keyse) Afhayeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ugu baaqay dhamaan waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda ku jira maleeshiyada Al-Shabaab in ay ka soo saaraan, ayna ku soo wargeliyaan hay’adaha amniga haddii ay iyagu wax ka qaban waayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

Good job to the courts. The bloody terrorists who murder innocent poeple must be condemned to death.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this