Sign in to follow this  
malistar2012

Cali Khaliif Galeyr elected as President of Khatuum State

Recommended Posts

Cali Khaliif Galeyr President of Khatuum State

 

 

galaydh.jpg

 

 

Deg deg: Dr Cali Khaliif oo ku guulaystay Madaxwaynaha Khaatumo (DHEGAYSO) Codadka Sida loo kala helay & Waraysi

 

 

Aug 14, 2014 - 16 Aragtiyood

Waxaa haatan soo dhamaatay Doorashadii madaxwaynaha maamulka khaatumo taasi oo ay ku tarmatayeen Madaxwayinihii hore ee maamulka Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac Indhosheel iyo Dr Cali Khaliif Galaydh.

 

Doorashada ayaa waxa Lagu kala baxay Wareegii Koobaad, waxaana Madaxwaynaha maamulka Khaatumo noqday Dr: Cali Khaliif Galaydh oo ah siyaasi Caan ah oo Raysal wasaarana kasoo noqday wadanka Soomaaliya.

 

Waxaa cododka ay u kala heleen labada Musharax :Cali Khaliif Galaydh ayaa wuxuu helay 21 Cod, Maxamed Yuusuf Jaamac Ayaa wuxuu helay 9 Cod.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin raag eh oo iska dhiga Cali Khaliif Galeyr balanteenu waa soomaalinimo iyo calankaa buluuga ah

 

 

28.jpg

 

khatumo_2.jpg

 

khatumo_4.jpg

 

khatumo_3.jpg

khatumo_5.jpg

 

 

well organized especially in times of war and hard time with little resource ...galaydh.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
YoniZ   

<cite>
said:</cite>

Nin raag eh oo iska dhiga Cali Khaliif Galeyr
balanteenu waa soomaalinimo
iyo calankaa buluuga ah

 

Bal inyar Soomaalinimada fahamka aad kaheysatid noo sharax saaxiib.

Share this post


Link to post
Share on other sites

galaydh.jpg

 

 

Saaxdheer (Caasimada Online) - Madaxweynaha maamulka Khaatumo State, Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in uu maanta oo sabti ka ah ka baxay xildhibaannimadii baarlamanka Somalia.

 

Galayer waxa uu sheegay in uu Warqadii is-casilaadiisa usoo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo uu uga tagay Shaqadii uu u hayay baarlamaanka Soomaaliya..

 

Galayr waxa kale oo uu shaaciyey wax hambalyo aanu ka helin doorashadiisa madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna ku goodiyay haddii la ictiraafi waayo in ay xiriirka u jari doonaan.

Cali Khaliif Galeyr oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in markii loo doortay madaxweynaha maamulka Khaatumo in dad ay asxaab yihiin oo ku jirra dowladda ay hambalyo u soo direen isagoona si gaar ah u xusay wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Dhuxulow.

 

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa ku goodiyay haddii dowladda fedaraalka aaney taageerin qadiyada iyo mowqifka maamulka Khaatumo in ay calaaqaadka u jari doonaan isagoona intaas ku daray isla markaana uu wax wadashaqeyn ah aanu dhexmari dooni.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo ayaa dhinaca kale dowladda ugu baaqay in ay dhex-dhexaad ka noqoto maamulada ka dhisan dalka sidda, Puntland, Khaatumo iyo Somaliland.

 

Wuxuu tilmaamay in uu Maraykanka uga yimid siddii uu door uga qaadan lahaa midnimada Soomaaliya loona horumarin lahaa shacabka deggan deegannada uu maamulo Khaatumo oo uu yiri xaqooda dad kale ayaa iska heysta.

 

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda si rasmi ah ugama hadlin doorashadda ka dhacday deeganka Saaxdheer oo u dhow soohdinta Itoobiya toddobaadkii hore taasoo uu ku guuleystay siyaasiga Cali Khaliif Galeyr.

 

Caasimada Online

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this