Sign in to follow this  
Mooge

Faysal Roble said Qoslaye's visit to the US wuu fashilmay.

Recommended Posts

Mooge   

Faysal Cabdi Roobe Siyaasi ahna Qoraa Somaliyeed oo Degen Magaalada Los Angeles, Waraysi uu siiyay Mareegtan puntlandsun ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ku lugta leh Arrimaha Siyaasada Somaliya, Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ee 2012- Khilaafka Dowlada Dhexe iyo Puntland, Khilaafka Puntland iyo Somaliland.

 

” Faisal Cabdi Rooble wuxuu ka sheekeeyay in Doorashadii Madaxweyne Xasan lagu Doortay ee Muqdisho ay ahayd mid aan Doorasho Xor ah lagu tilmaami karin ” Doorashada la qabtay 2012- ee Bishii Sideedaa uu ku soo baxay Madaxweyne Xasan Doorasho Xor ah ma ahayn waxay ahayd Doorasho Odayaal la soo Uruuriyay ay iska soo Doorteen qof waana la de dejiyay

 

Safarkii Madaxweynaha Somaliya uu ki Yimi Dalka Maraykanka ayuu ku tilmaamay mid uu ku Fashilmay isaga iyo Wasiiradiisuba sida ay u Maareeyeen la Kulankii Bulshada Somaliyeed isaga oo Tusaale u soo qaatay” Wa Nasiib Xuma ah in Wasiiradii Madaxweynaha la socday ay ka Weecdeen Shaqadoodii isla markaana ay ku Mashquuliin kala Fur Furka Bulshada Somaliyeed iyaga oo ku Khasbayay in aanay ka hor iman Madaxweynaha oo aanay Mudaharaadka ka qayb Galin” Ayuu raaci intaasi Faysal Rooble.

 

Xaalada G.Sool ayuu ka hadlay isaga oo xusay in Somaliland ay Doonayso inay beesha Caalamka ka dhaa dhiciso inay Gobolo badan haystaan” Somaliland shaqo la’aan baa ka Jirta dhalinyaradii baa Shaqo La’aan haystaa waxay ku dhiiranayaan Tahriib Aduunku Waa u sheegay inaan Somaliya lakala Gooynayn” Ayuu ku daray intaasi Faysal Rooble.

 

Mr Rooble ayaa ku dheeraaday in Dhismihii Puntland ay Reer Sool qayb weyn ku lahaayeen isla markaana aanay Awood Buuran ku lahayn Dhismihii Maamulka Somaliland.

 

Gaba Gabadii Caasimada Somaliya ee Muqdisho ayuu wax laga xumaado ku tilmaamay in Hal beel oo Somaliya ka mid ah ay Gudoomiyihii Gobolka iyo Dhowr iyo Tobanka Degmo ay Sad-Bursi ku qaatee isaga oo ku tilmaamay mid sii Fogaynaysa Wadaagii Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

waa faashil faashil kale ceebtiisa ka sheekaynaayo. somalidi kan wax eedeynaayo iyo kii la aadeynaayey waxba isma dhaamaa...mid walbo dan qabiil iyo mid shakhsi buu dhinac u riixaayaa...nin dan guud sheegayo ma arkeysid. smh

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Mohammed, what you talking about niyoow? Faysal is a Somali nationalist who is pro-Puntland. He is well regarded and well respected everywhere. great man of principle niyoow. he is friends with President Abdiweli too.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oh Snap!

 

Mooge, wuxuu ku fashilmay oo dhan baad sheegtay, lol :D

 

Did you say he's pro Puntland and pro Abdulwali? That is the mother of all fashilnimo in the eyes of some!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this