Sign in to follow this  
Isbarmuuto

Puntland in disaster after largest militia escapes to Somaliland

Recommended Posts

Ciidamiid ugu badnaa oo ka goostay Puntland kadib markii mushhaar la siin waaeyey

 

Ku dhawaad 60 Askari oo ka tirsanaa ciidanka dowlada Puntland ayaa caawa gaaray tuulada Saax dheer oo ka tirsan Gobolka Sool ka dib markii labo gaari oo nooca waaweyn ah ay ka qaadeen galinkii danbe ee maanta degmada Boocame.

 

Saraakiil ka tirsan Khaatumo ayaa u sheegey Puntlandfox inay u yimaadeen 55 Askari oo ka tagay saldhigyada ciidanka Puntland uu ku leeyahay Garowe iyo Deegaanada u dhow dhow, kuwaas oo sita hubka noocyadiisa kala duwan islamarkaana uusan jirin gadiid dagaal oo ay lasoo goosteen.

 

Maalinta berito ayaa la filayaa Khaatumo inay saxaafada ugu soo bandhigto Saax dheer ciidamada ka goostay Puntland iyo Qalabka ay wataan sida ay u sheegeen Puntlandfox.com saraakiisha Khaatumo ee caawa telefonka kula hadlay.

 

“Waxaa noo yimid 55 Askari oo kasoo tagay Garowe , waxayna wataan hubka noocyadiisa kala duwan sida Baasuukayaal, BKM badan, Qoryaha Fud fudud iyo Rasaas aad u tiro badan, waxayna doonayaan inay ka mid noqdaan ciidanka Khaatumo, “ ayuu yiri mid ka mid ah Madaxda Khaatumo oo ku sugan tuulada Saax dheere kulana hadlay telefonka Warbaahinta Puntlandfox.

 

Sababta ay uga tageen Puntland ayaa lagu sheegey inay la xiriirto ka dib markii la siin waayay mushahaarka iyo xuquuqdooda dhowr-kii bilood ee lasoo dhaafey .

 

Tagista ciidanka ayaa kusoo beegmaysa xilli todobaadkii lasoo dhaafey uu socday gadoodka ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta ee xerada Gen Maxamed Dirir duleedka Garowe iyo Kuwa Asluubta ee Ilaalada Xabsiyada oo dalbanayay in loo keeno mushahaarka 4 bilood ee lasoo dhaafey oo ka maqnaa.

 

Ilaa iyo hadda ma jirto jawaab ay ka bixiyeen Madaxda iyo Saraakiisha Ciidamada, mana aha markii ugu horeysay oo ciidamo ka tirsan Puntland ku biiraan Khaatumo ,

 

Todobaadkii horre ee lasoo dhaafey ayay Khaatumo soo bandhigtay tiro 50 Askari oo horey uga goostay Puntland, kuwaas oo ay u dhaariyeen ka mid noqoshada maamulkooda, ayna sheegeen inay yihiin dhalinyaro ka mid ahaa ciidanka Puntland, kuwooda kasoo jeeda dhalasho ahaan Gobolada Sool , iyo Cayn.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

xaaji xunjuf, how desperate are you now niyoow. you tried every trick by the book and you are still screaming nonsense. when will you stop niyoow and realize Puntland is here to stay. Abdiwali is cruising with speed and your clan enclave is on a meltdown. master Siilaanyo is getting another 5 years. loooooool

Share this post


Link to post
Share on other sites

With all of the problems occurring in the Muslim world. All of the problems occurring in the Horn of Africa, you would think that he would want Puntland to be stable for the sake of good-will

 

But certain Somalilanders CELEBRATE when their next-door neighbors in Puntland go through problems.

 

They're sick. Wallahi Mooge I don't know how you deal with such people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this