Sign in to follow this  
Dalmar1

Ciidamada DF oo Al-shabaab kala wareegay deegano muhiim ah

Recommended Posts

Dalmar1   

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa Dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegay Deegaano ay ka mid yihiin Mareer Gur iyo Darkiinleey hoos yimaada Degmada Qoryooleey Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

 

Max’ed Axmed Cabdi Taliyaha Howlgalinta Guutada 5-aad ee Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada XDS ay dagaalka Askar oga Dilen Al-shabaab,si buuxdana Deegaanadaasi ay ula wareegeen.

 

Taliyaha ayaa intaa Raaciyey in Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay wadayaan Howlgalada lagu Xoreenayo Deegaanada Gacanta Al-shabaab ku jira ee Gobolka Shabellaha Hoose.

ilaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-shabaab oo ku aadan in Lagala wareegay Deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

 

 

 

Another nail to the coffin of ashabaab, about to be closed forever, a step closer to liberating Baraawe and ending the ashabaab charade once and for all, guul Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rag ka mid ah Al-shabaab oo si aan la arag loogu laayay degmada Ceel-buur (XOG DAGAAL)

Jun 22, 2014 - jawaab

 

Post Views = 333

Saraakiisha Dowladda Federaalka ee Degmada Ceelbuur Gobalka Galgaduud ayaa sheegay inay dileen xalay saddex ka tirsan ciidamada Ururka Al-Shabaab oo dagaal kusoo qaaday Saldhiga Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Degmadaasi Ceelbuur.

 

Axmed Kaariye Caraale oo ah Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Degmada Ceelbuur oo la hadlay Idaacada Barkulan, ayaa sheegay in raga Shabaabka ka tirsan ay soo weerareen Saldhiga Degmada, balse khasaaro culus ay gaarsiiyeen.

Wuxuu intaasi raaciyay Taliyaha in Shabaabkii hubaysnaa sidoo kale ay la carareen dhaawacyo, markii looga itaal roonaaday Dagaalka ay kusoo qaadeen Saldhiga, saddex Dagaalamayaashaasi ka tirsana la dilay.

Taliyaha ciidamada Dowladda ee Degmada Ceelbuur ayaa intaasi raaciyay inay hayaan saddexda askari meydkooda ee Shabaabka ay ka dileen, isaga oo warkiisa sii daba dhigay in dhankooda wax khasaaro ah uusan dagaalkaasi kasoo gaarin.

Axmed Kaariye Caraale oo ah Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Degmada Ceelbuur ayaa tibaaxay inay hub ka furteen Al-Shabaabka soo weeraray Degmada Ceelbuur, inkastoo aanu sheegin tirada hubka ay Shabaab ka furteen.

Saraakiisha Al-Shabaab ee Degmada Ceelbuur wax war ah kama soo bixin oo ku aadan Dagaalka xalay ka dhacay Degmada Ceelbuur ee Saraakiisha Dowladda ay sheegeen inay ku dileen askar Shabaab ka tirsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DHAGEYSO: jHowlgallo lagu furayo waddooyinka gala Buulo-burde oo ka billowday degmadaasi kadib markii Alshabaab…

 

 

 

 

Jun 22, 2014 - jawaab

Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay inuu billowday howlgal lagu furayo waddooyinka gala degmada Buulo-burde oo ay ALshabaab go’doomiyeen.

 

Col. Cabdullaahi Cilmi Barre oo ah abaanduulaha ciidamada Buulo-burde ayaa sheegay in howlgalkani ay billaabeen kadib amar ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

 

Dhowaan shacabka ku dhaqan degmada Buulo-burde ayaa ka cabanayay maciishadda oo sare u kacday kadib markii waddooyinkii ay xireen Alshabaab.

 

Halkan ka dhageyso:

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this