Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Amiir Godane on the resignation of Minister Guleed

Recommended Posts

Warar sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyo Saraakiisha sar sare ee Hey’adaha Ammaanka

 

 

 

Iyadoo xalay Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed uu iska casilay xilkiisa, saacado kadib markii Al-Shabaab ay weerartay Xarunta Baarlamaanka ayaa warar soo baxaya sheegayaanin laga yaabo Saraakiisha hey’adaha amniga is casilaan ama xilka laga qaado.

Warar kala duwan oo suuqa soo galay ayaa sheegaya in Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida Waa Jen. C/xakiin Dahir Saciid (Saacid) iyo Jen. Bashiir Goobe ay yihiin mas’uuliyiinta ku soo xiga is casilaadii Wasiirkii Amniga.

 

Qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ee magaalada Muqdisho ayaa arrintan si aad ah u hadal hayay, sidoo kale shacabka reer Muqdisho oo aragtiyadooda dhiibtay ayaa sheegaya inay muhiim tahay in Taliyeyaasha laamaha amniga is casilaan.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda la filayaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho, kadib markii uu soo gaabiyay socdaal uu ku joogay dalka Koofur Afrika, waxaana wararku sheegayaan inuu sameyn rabo is bedel.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay la hadlay Raadiyaha dowladda ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay dhici doonaan is bedelo, inkastoo markii hadalkaas uu ku dhawaaqay uu is casilay C/kariin Guuleed.

 

Is casilaada Wasiirka Amniga ayaa ka dambeysay markii Madaxweynaha uu weydiistay inuu is casilo, iyadoo war saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lagu sheegay in laga aqbalay, looguna hambalyeeyay tallaabada geesinimada leh ee uu qaatay.

 

Weerarada Al-Shabaab dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ku qaadayeen xarumaha dowladda ee ammaankooda si aad ah loo ilaaliyo ayaa waxay ceeb iyo fadeexo ka soo gaartay saraakiisha hey’adaha amniga oo sameyn waaye ka hor tag, iyadoo intii weeraradaas dhacayeen oo dhan ay jireen digniino laga bixinayay weeraro lala eegto xarumaha dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Miyir   

the hopeless, incompetents and corrupt liars of Qoslaaye & gang must go. we want all to resign not some.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this