Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Breakingnews Cali Dacuun gives up on Somalia and arrives in Hargeysa SL capital

Recommended Posts

Soomaaliya Oo Ku Baraarugtay Ashkhaasta Somaliland u dhashay Ee u Doogsin Cararay Muqdisho

APRIL 24, 2014

Cali DaacuunMuqdisho, (Somaliland.Org)- Siyaasiga Cali Maxamed Cali (Cali Daacuun) oo ka mid ah siyaasiyiinta dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsanaa midnimada Soomaali weyn ayaa quus ka muujiyay fikirkiisa, waxaanu sheegay in dadkiisa iyo dalkiisa uu u soo noqonayo, islamarkaana wax la qabsanayo. Cali Maxamed Cali waxa uu cadeeyay in magaalada Muqdisho lagu kala tagayo oo siyaasiyiinta reer Somaliland aanay waxba u oolin qadarinna aanay ka helin.

 

Cali Maxamed Cali oo ka mid ah ashkhaasta ka ridoobay qarankooda oo ku sugan magaalada Muqdisho oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay In maalin iyo habeen looga soo hanjabo telefoonka iyadoo loogu hanjabayo waxaad tahay reer waqooyi. “Anigoo Cali ah Ceerigaabaan ka imi, waxaan uga imi midnimada Soomaaliyeed inaanay kala go’in, waxaan joogaa dhawr iyo labaatan sannadood wax mustaqbal ah oo iiga soo kordhay ma jiro, weliba hanjabaado ayaa naloogu daraa oo waxay yidhaahdaan dekadayadii Muqdisho ayaanu idinka biilinaaye’ markaasaad doonaysaan inaad hadashaan.

 

Anigu garan maayo cidda ay biil siiyaan, farriimaha telefoonka iigu soo dhacay ee la ii leeyahay maxaad Wasiirkayga iyo xildhibaankayaga u carqaladaynaysaa iyo madaxwaynahayaga ayaa la nagu daaliyay, intaa meesha aanu ka maqanahay nooshahay maba garanayaan inaanu u nimi midnimo Soomaaliyeed, inaanu iyagoo is-cunaaya u nimi oo u hiilinay maba garanayaan.” ayuu yidhi Cali Dacuun.

 

Cali Maxamed Cali, waxa uu xusay magacyada siyaasiyiin Somaliland ka soo jeeda oo ka tanaasulay fikirkoodii hore ee ahaa riyadii ahayd midnimada Soomali weyn. “Shalay Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa tagey maanta Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa Hargeysa ka degay, barinna mid kale ayaa tagaya saa-dambe anigaa tagaya, saakuunna mid kale ayaa tagaya.” ayuu yidhi, waxaanu intaas sii raaciyay, “Waa la Iskaga tagayaa reer Muqdisho, maxay cuni ayay ugu hanjabayaan dadka Muqdisho jooga, lacag ayay dhamaantood yaqaanaan, qandaraasna aan cid kale lama siiyo oo sharci-darro ayaa lagula dhaqmaa ummaddii Soomaliyeed ee u soo gurmatay midnimada oo aan waxba laga waydiinayn. Cid dambe oo u joogaysaa ma jirto, oo ay korkiisa dhaqaale ku urursanaysaa, cid aan waddan iyo dhul lahayna ma jirto.”

 

XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cadale   

good riddance. Daacuunkiisa hala ruqaansado. Joking. seriously ilaahay baan idinku dhaariye what kinda nick name is daacuun LOOOOL

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ahahahahah daacuun , cadale daacuun is very angry ma project baad u diideen.

 

Daacuun was one of the most extreme anti Somaliland he even collaborated with abdiqasim in 2001 and helped with the saudi ban on Somaliland livestock he thought that would break SL and made them submit to Mogadishu TNG. I really never expected this outburst from him, i always thought he hated Somaliland more than anything and would never come back to SL.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

It's a sad day, I guess the rats are leaving the HMS Somalia. Why can't people be consistent? At least wait until they declare the dreaded referendum to jump ships.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cadale   

xaaji xunjuf i dont follow somali politics anymore i have given up! these damjadiid morons messed everything up

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this