Sign in to follow this  
malistar2012

Xuska 54-guurada aas aaska ciidanka xoogga dalka oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirr

Recommended Posts

Xuska 54-guurada aas aaska ciidanka xoogga dalka oo lagu qabtay Muqdisho

 

hibocidan8.JPG

 

 

Xuska 54-guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka xoogga dalka 12-kii April ee sanadkii 1960-kii oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, Taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka, Booliska, Nabad sugidda, badda, saraakiisha ciidamada qalabka sida, fanaaniinta kooxda Horseed ee ciidanka xoogga dalka, mas’uuliyiin ka socotay dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya, ururka haweenka qaranka iyo marti sharaf kale.

 

Ugu horeyn Madaxweynuhu waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxaana uu xariga ka jaray hool weyn oo shirarka loogu talagalay, kaasi oo laga hirgeliyay gudaha xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

 

Intaasi kaddib Madaxweynaha iyo mas’uuliyiintii la socotay waxa ay u gudbeen goob ay ciidamada ku soo bandhigeen gaado ka cayaarka,waxaana socod ku soo maray qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga, iyaga oo wata gaadiiidka dagaalka, waxaana ciidamada kumandooska ay ee Dalab oo qalabkooda sita ay goobta ku soo bandhigeen farsamooyin casri ah.

 

Markii ay dhamaatay bandhigaasi ayaa madaxda waxa ay fadhiisteen hoolka munaasabadda lagu qabtay, halkaasi oo ay fanaaniinta kooxda Horseed ee ciidanka xooga dalka ku soo bandhigeen ruwaayad ka loogu magac daray “Muruq wada jiraa midnimo ayaa u daawa ah” oo uu soo dirayay Abwaanka Soomaaliyeed Maxamuud Cabdullaahi Ciise Singub.

 

Waxaa bilaabatay khudbadihii xafladda laga jeedinayay, waxaana ugu horeyn goobta hadal ka jedisay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe, iyadoo hambalyo u dirtay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaana ay sheegtay in haweenka Qaranka ay garab taaganyihiin ciidamada.

 

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa ka hadlay ahmiyadda uu ciidanka Soonaaliyeed u leeyahay qaranka, isagoo xusay in ciidamada ay u taaganyihiin isku xiirka midnimada umada Soomaaliyeed.

 

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid ayaa u hambalyeeyay ciidanka xoogga dalka sanadguuradii 54aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidanka.

 

Agasimaha hay’adda Nabab sugidda iyo sirdoonka Qaranka Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo isna hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in ay marag ma doonta tahay in ciidanka xooga dalka uu soo laabtay, islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan.

 

Taliyaha cidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi Indho qarsho ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay ciidanka xoogga dalka iyo guulaha ay gaareen, isagoo ku booriyay inay sii labo jibaaraan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Wasiirka Gaashaandigga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ka hadlay isbadalada Wasaaraddu ay ka damacsantahay ciidanka, isagoo xusay in ciidamada lagu qiimeyn doono mushaaraadkooda darajooyinka, islamarkaana la kordhin doono mushaaradka la siinayo naadafada ciidanka xoogga dalka iyo kuwa agoonta ah..

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda soo xiray ayaa ugu horeyn hambalyo u diray ciidanka xoogga dalka, saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifleyda, dableyda iyo xaasaskooda in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar.

 

Madaxweynuhu waxa uu hoosta xariiqay in ciidamada xoogga dalka oo ku shaqeynaya xaalado adag ay ku guuleysteen inay dalka intiisa badan ka xoreeyaan maleeshiyada Al-Shabaab ee Al-Qaacidda, isagoo ku booriyay ciidamada qalabka sida ay sii dar dargeliyaan howlgalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday dhibaatada lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya, isagoo xusay in madaxda dalkaasi uu kala hadlay sidii loo joojin lahaa tacadiyada iyo dhibka lagu hayo Soomaalida.

 

Xuska maalinta ciidamada xoogga dalka ee sanadkan ayaa kusoo aadeysa xilli ay ciidamadu horumar balaaran ka gaareen howlgallada ay dalka uga xoreynayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waana sanadguuradii 54-aad ee ka soo wareegtay aas’aaska ciidanka xoogga dalka oo ku beegan maanta oo ay taariikhu tahay 12 April.

Share this post


Link to post
Share on other sites

_xaf_abril_1.jpg

 

Madaxweynaha oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey xaflada ayaa yiri “Ugu horreyntii waxaan leeyahay HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO dhammaan ciidanka XDS iyo qoysaskooda oo ku aadan Sanadguurada 54aad ee aasaaskii ciidanka XDS. XDS waxuu leeyahay taariikh soo jireen ah oo ummadda Soomaaliyeed ay ku faani karaan. XDS waxey hormuud ka ahaayeen Afrika oo dalal badan ay ka xorreeyeen gumeystayaashii waagaas. XDS waxey nabad-illaalin u tageen dalal badan oo Afrika ka mid ah oo ay xasiliyeen oo ay nabad ka dhigeen.”

 

 

hibocidan.JPG

 

 

hibocidan6.JPG

 

 

hibocidan7.JPG

 

 

hibocidan5.JPG

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hawdian   

Reeer baanjuu waa kaas cid jojin karta ma jiro. Malistar whats the price of donkies these on bakara. ? Much appriciated

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

Reeer baanjuu waa kaas cid jojin karta ma jiro. Malistar whats the price of donkies these on bakara. ? Much appriciated

 

 

Don't hate on your Newly formed Somali Arm Force be proud - what day in Mogadishu The lions are back .................

 

 

 

hibocidan8.JPG

e

The Future looks good for the Somali Arm Force allot of Young Volunteers well done by SFG . The Troops are ready to take responsibility and the safety of our Country.

 

 

 

 

More Pictures to come

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

By the way who funds the military of somalia, theyre uniforms look really good way better then our darawish, I hope gas does something about the darawish agab and attire it looks so disgusting. I think the somalia army is a good model to follow, we should put the puntland flag on the uniforms too

Share this post


Link to post
Share on other sites

Goorma kugu dambeysay guuxa laga gariiro ee cidanka kamandoosta Somaliyeed kaas oo muudo ka badaan 23saano anan laga maqlin ciida dhulka hooyo.

 

Bal aan dib u milicsaano xiligii aay xooga dalka somaliyeed marayey fiikta ugu sareeyo ee ciidan aay yeelato dowlad afrikaan ah kaas oo aha mid aad iyo aad loga baaqo ciidna aay ciida soomaliyeed ku riyoon in aay soo haweysato.

 

Halkaan hoose ka daawo ciidan ka maanta u dabaldagay sanad guuradi 54aad ee xooga dalka somaliyeed baal ogoow hadoow goof walba madaxweyno sheegto in aay taalo toosi dooni awood iyo midnimona iska daa.

 

 

 

Taliyaha_Ciidanka_Xoogga_Soomaaliya_Gene

 

 

 

 

S/Guuto Dahir Adan Elmi wuxuu mudadii Ciidanka uu ka tirsanaa muujiyay Hawlkarnimo, Hoggamin, Mamul Hufan iyo Geesinnimo. Sifooyinkaas awgeed wuxuu ku muteystay Billadda Dhabka ee Geesinnimada
.

 

 

 

Congrats to Taliyaha Ciidanka Xooga Gen. Daahir Aadan Cilmi keep up the good work. This was amazing show of force while at same time at war .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hawdian the price of one donkey in bakara is 50 dollars in perfect condition.

 

A few bandit with camping gear...

 

Malister the proofs in the pudding....ever heard that expression.

 

All those bandits and you still can't control a single street of mugdisho without Burundi if you can ask them to leave and see what happens you'll be using the camping packs as you run for the hills.

 

Hahah..

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

Hawdian the price of one donkey in bakara is 50 dollars in perfect condition.

 

A few bandit with camping gear...

 

Malister the proofs in the pudding....ever heard that expression.

 

All those bandits and you still can't control a single street of mugdisho without Burundi if you can ask them to leave and see what happens you'll be using the camping packs as you run for the hills.

 

Hahah..

 

 

Price donkey..? Worry about the Price of electricity and Water basic Need which Somali second Capital Hargeysa is Short off . .

 

DSC02934.jpg

DSC02972.jpg

DSC03005.jpg

 

DSC03009.jpg

 

Congrats to the SFG within short time The Gov has established moderate and discipline Arm Force , Now all that is needed are the Hardware Tanks - Helicopters and etc .

 

Cillsuldan

 

Enjoy the show sxb

 

i told you Somalia lives for ever God bless our People - Traitors and terrorist are not going to destroy Somalia .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

lol

 

Ciidamo U Kala Baxay Murursade Iyo H/Gidir Oo Muqdisho Isku Haya Kuna Dagaalamay Cidda Xaqa U Leh Dhul U Dhaw Kuliyadii Jaale-Siyaad

 

Written by Administrator

Monday, 14 April 2014 05:06

 

Ciidamo ka wada tirsanaa Dawladda Federaalka oo ku xareysnaa Kuliyadda Jaale-Siyaad ee Degmada-Dayniile ayaa hubka isku qaatay iyagoo u kala baxay Murursade iyo H/Gidir.

 

Ciidamadan ayaa ku dagaalamay cidda xaqa u leh dhul gaaraya 1000-Mitir oo ku dhagan Kuliyadii Jaale-Siyaad,waxaana is-rasaaseynta ciidamadan dhex-martay ku geeriyooday haween wadada marayay halka dhaawac la soo sheegayo.

 

Odayaal ayaa ku baxay inay xiisada qaboojiyaan,waxaana la filayaa sida aan xogta ku heleyno dhulka ay isku hayaan in loo qeybin-doono si uusan dhiig-dambe u daadin,iyadoo arintan dhulalka lagu habsaddo mudooyinkan ay Muqdisho ku soo bateen,kadib markii dhulalka Muqdisho cirka isku shareereen oo Dadka qurbaha ka yimid qaali ka dhigeen,taasina ay sabatay in dhulal iyo boosas lakala dhaco.

 

Dad badan ayaa isku raacay hadii xal loo heli lahaa dhulalka iyo boosaska Muqdisho 23-dii sanno ee ugu dambayso la kala heysto lana ciqaabi-lahaa kooxaha Mooryaanta ee dhulal iyo boosas iyo guryo aysan laheyn heysta,in arinta maanta ka dhacday oo Ciidamadii Dawladda oo 2-Beel u kala jabay si ay Dhulal u boobeen,ma aysan dhici-laheyn,balse markii xal loo waayay boosaskii iyo dhulalkii hore ayaa hadda keentay inay soo laba kacleeyeen kooxaha aaminsan dhulal aysan laheyn inay boobaan si ay uga iibsadaan dadka Qurbaha ka soo laabanaya ee maqlay Muqdisho waa nabad,balse aan ka warheyn dhulalka ay gadanayaan inuu yahay dhul dadkii laha laga dhacay,qaarkoodna aakhiro loo diray si aysan u sheegan.

 

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

 

Runta Kama-Xıshoono

 

Email:Shacabkamedia@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

 

Ciidamo katirsan Nabad Sugida Soomaaliya ayaa galabta la wareegay Xaafado katirsan Degmada Dayniile uu manta ka dhacay Dagaal Culus oo qasaare kala duwan dhaliyay.

 

Dagaalka ayaa manta ka dhacay Halka loo Yaqaan Haanta Dheer iyo Xeradii Saban saban , waxaana halkaasi ku dagaalmay Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo u abaabulnaa qaab beeleed , kuwaa oo isku dagaalay Dhul Dowladu laheed oo qolo gaar ah ay ka baricisay masaakiin dagneed kadibna dooneysay in ay cabiraan.

 

 

This was tribal clash Somali Gov needs to disarm theses arm clans in Mogadishu - this has nothing to with newly Formed Somali Arm force - .

 

These endless clash will come to end soon only local police and SAF will be

be Armed .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this