Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Southern western state troops on their way to Kismayo

Recommended Posts

Ciidanka Maamulka Cusub ee ‘Koonfur Galbeed’ oo ku wajahan Kismaayo

 

Kismaayo (KON) — Ciidamo hoostaga Maamulka Cusub ee Koonfur Galbeed ee Soomaaliya (K.G.S), ayaa isku aruursanaya Deegaan ku yaalla Duleedka Magaalada Kismaayo, Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

 

Teaser Image Ciidanka Maamulka Cusub ee ‘Koonfur Galbeed’ oo ku wajahan Kismaayo

Wararka ay Keydmedia Online helayso, ayaa sheegaya in Ciidamo badan oo daacad u ah Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Maxamuud Sayid Aadan in hadda lagu diyaarinayo Deegaanka Goobweyn.

 

Ujeedka Abaabulka Ciidan, ayaa waxa uu yahay sidii Axmed Madoobe & Maleeshiyadiisa "looga dulqaadi lahaa Dhibaatada ay ku hayaan Shacabka ku nool Kismaayo".

 

Ciidamadaan ayaa hogaaminaya Sarkaal magaciisa aan ku helnay Cabdullaahi Shimbir, waxaana ay Ciidankan oo si aad ah u hubaysan ay Difaac ugu jiraan halka loo yaqaan Sabca-Asharaaf oo magaalada Kismaayo u jirto 7 KM.

 

Shacabka Kismaayo, ayaa ka codsaday Maamulka Koonfur Gelbeed in si Deg Deg ah loogu soo magacaabo Shaqsi Shacabka matala sidoo kalena looga dul qaado Xasuuqa Maleeshiyada Axmed Madoobe ee Raas Kambooni.

 

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa wada Qorshooyin Military iyo Mid Siyaasadeed oo Kooxda Al shabaab iyo Maleeshiyada Kooxda Raas Kambooni looga saari lahaa dhamaan Deegaanada iyo Degmooyinka Gobolada Lixda ah ee Maamulka hoostaga.

 

Keydmedia Online — Xafiiska Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this