Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Sad day for Puntland cabdi cawar surrenders to Mogadishu in less than a Month

Recommended Posts

WARBIXIN:- Taliyaha Ciidanka Booliska Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo Garoowe lugu soo dhaweeyay.

 

 

14. marts 2014

Allpuntland

 

Waxaa Magaalada garoowe ee Caasimada dawlada Puntland lugu soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Booliska dawlada Federaalaka ah ee Soomaalia Gen Cabdixakiin daahir Siciid Saacid oo kasoo degay Magaalada Gaalkacyo.

 

Deegaanka Xaraxaar ee Gobolka Nugaal ayaa Waxaa uga horyimid Saraakiisha Ciidamada Booliska dawlada Puntland, waxaana Masuuliyiintaas Booliska kamid ahaa Madaxda Xarunta Tababarka Ciidanka Booliska ee Carmo.

 

Taliyaha ayaa caawa ku sugan Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland Halkaas oo uu kulamo kula leeyahay Masuuliyiinta Puntland, lamana Saadalain karo Xiliga Rasmigaa ee uu ugudbayo Xarunta Caro ee Tabobarka Booliska.

 

Gen Saacid ayaa Socdaalkiisa Maanta Allpuntland u sheegay in uu qaadan doono 6 Maalmood, iyadoona Tayayta Ciidanka Booliska Puntland uu uyimid Puntland.

 

La soco WararkaTaliyaha Booliska Soomaaliya & Socdaaladiisa Puntland.

 

Xafiiska Wararka APL, Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaas Oo Taladii Geelo Qaatay Aqbalayna Bilaa Shuruud Inuu La Heshiiyo Dawlada Federaalka Iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Oo Caawa Garoowe Ku Hoyanaya:Qalinkii:Tooshka Wareega Ee Sh-Media PDF Print E-mail

Written by Administrator

Saturday, 15 March 2014 22:30

 

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa kula taliyay Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas)inuu si shuruud la'aan hoos-tago Dawladda Federaalka,dhagahana ka fureysto go'aankii Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole ee dhigayay inaysan Puntland Dawladda Federaalka la heshiin-doonin ilaa la saxayo Dastuurka iyo inta laga bixinayo lacagtii Halka Malyan ee Doolar ee dadkii Duufaanaddda ku dhacay Kooxda Muqdisho u balan-qaaday.

 

 

Wefdigii ugu horeeyay ee Dawladda Federaalka ka socda uuna hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Saacid Xaraggo ayaa qaab miino baar ahaan loogu soo dhex-tuuray Puntland,isagoo durba lagu soo dhaweeyay Magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland ee uu caawa ku hoyanayo,waxaana uu sheegay inuu Puntland u yimid kadib markii uu casumaad ka helay Madaxda Puntland oo codsatay in firxadka Alshabaab oo laga cabsi-qabo inay Puntland soo galaan,inay Dawladda Federaalka u soo dirto Taliyaha Ciidanka Booliiska si uu qiimeyn ugu sameeyo qaabka looga hortagi-karo firxadka Alshabaab oo Puntland ku soo wajahan sida ay ku andacoonayaan Madaxweynaha Puntland iyo Golihiisa Wasiiradda.

 

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil cumar Geele ayaa ku guuleystay Madaxda Puntland ee Jabuuti uu ku casumay inuu kula taliyo inay hoos-fariistaan lana shaqeeyaan Dawladda Federaalka,waxaana booqashadda Taliyaha Ciidanka Booliiska ay hordhac u tahay Gole Wasiiro iyo Xildhibaano ka socda Kooxda Madaxweyne Culusoow inay booqasho ku imaan-doonaan Puntland,iyadoo aan la xalin khilaafaadkii u dhexeeyay Dawladda federaalka iyo Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Where is my good friend Mooge from Nairobi who told me last month that Cabdi cawar will stand his ground against Mogadishu the Mogadishu police chief is in Puntland. And that only a deal will be made with Mogadishu based on Puntland interest and that Puntland leads and not Mogadishu, Faroole said that Puntland decides what direction Somalia is heading not Mogadishu and that Federalism is the law of the Land and only when the Constittion is respected will we respect the government of Mogadishu hadaa iyo maanta maxa is badalay what is the Mogadishu police chief doing in Garowe, jawaabta waxa iska leh saaxibkay Mooge.

Share this post


Link to post
Share on other sites

They realised that they are 2 villages in a desert that don't mean nothing to no one.

 

He even stopped talking about las canod as well asking for talks.

 

..... Go and talk to a brick wall...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this