Sign in to follow this  
CidanSultan

Somalilanders Welcome The Exit Of Xamaria News Network (Universal TV)

Recommended Posts

HARGEYSA (Somaliland.Org)-Rayul-caamka bulshada reer Somaliland ayaa guud ahaan si niyadsami ah ugu riyaaqay tallaabadii ay xukuumadda Somaliland albaabada ugu laabtay xafiiskii Somaliland ku yaallay TV-ga Universal oo u xuub-siibtey inuu baahiyo warar ka dhan ah qadiyadda Somaliland iyo madax bannaanidiisa.

 

Sidoo kale caadeystey barnaamijyo wax lagaga sheegayey milgaha madaxda qaranka ee Somaliland. Waxaa maalmihii u dambeeyey dadweynaha ku dhaqan caasimadda iyo gobolada dalkuba ay si weyn uga dhiidhiyeen dagaalka qaawan iyo af-caasha meel ka dhaca ku ah qaranimadda Somaliland ee uu barriinsaday Telefiishanka Universal iyaga oo si mug leh u soo dhaweeeyay tallaabadii Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdillaahi Maxammed Daahir “Cukuse” ku anshax mariyey TV-gaasi, waxaanay dadweynuhu ku tilmaameen in laga qaaday tallaabadii uu mudnaa xiligii ku munaasibka ahaa wax loo dul-qaataba. Isagoo Wasiirku sheegay in TV-gaasi jebiyey xeerarkii iyo waajibaadkii u dhexeeyey dawladda Somaliland iy muuq-baahiyahaasi Soomaaliya laga leeyahay. Isla markaana uu sameeyay xad-gudubkii saxafadi samaysto tii ugu dhegta xumayd. Waxay dadweynuhu ay u soo jeedinayeen wasaarada Warfaafinta inaanay ka noqonin qaraarka adag ee ay kagala noqotay ruqsadii TV-gaasi kaga shaqaysan jiray gudaha dalkan Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Maxammed Xasan Cabdillahi oo ma mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa gaar ahaan degmada 26ka Juun, ayaa si adag uga darreen celiyay anshax xumadda TV-ga Universal, waxaanu yidhi “Waa tallaabo xukuumaddu gaar ahaan Wasiirka Warfaafinta aanu ku hambalyeynayno, go’aanka uu Wasiirku qaatay waa mid ka turjumayey dareenkii aanu qabney haddii aanu nahay dadweynaha ee aanu ku aragney TV-gaasi, waxaanu meel kaga dhacay Telefishankaasi qarannimadeenna gabi ahaanteedba, waxaanan xukuumadda u soo jeedinaynaa fulinta go’aankaasi oo aanay dhicin in dib loo fasaxo waayo TV-gaasi wuxuu caadeystey wax kasheegga iyo dhaawaca ummadda reer Somaliland.”

 

Sidoo kale Hibo Xasan Daahir oo iyana cabirtay dareenkeeda ku wajahan arrintaas waxay hadalkeedii ku tidhi “marnaba ma ogolin mana ogolaanayno dhaqamada iyo barnaamijyada muddaba ka soo fulayey TV-gaasi Universal, waxaanu wararkiisa iyo barnaamijyadiisu ay ku salaysnaayeen wax ka sheegga jiritaankeenna iyo milgaheenna waana tallaabo aanu soo dhaweynayno oo aanu garab taagan nahay xukuumadayada. Madaxweynahayaguna ma gayo in la aflagaadeeyo oo la xurmayn waayo karraamadda uu huwan yahay.”

 

Sidoo kale Farxaan Jibrill Muxumed oo ku nool degmada Axmed-dhagax ee caasimadda Hargeysa ayaa isaguna si weyn ugu bogaadiyey tallaabadaasi xukuumaddu qaaday. Waxaanu yidhi “Waanu taaageersan nahay go’aanka wasiirku qaatay, waana mid muujinaysa sida shacbiga reer Somaliland aanay u ogolayn ku xad-gudubka madaxdooda, dalkooda iyo qadiyaddooda, sidoo kale waxay muujinaysaa siday ugu adag yihiin cid kasta oo u soo qalab qaadata dacaayadda calankeenna, waxaanan ku niyad sanahay in aanu TV-gaasi mar dambe ka hawl-gelin gudaha dalka, dawladduna aanay marnaba ka laaban tallaabadaasi ay qaaday. Sidoo kale waxaan asxaabta mucaaridka ee dalkeenna usoo jeedinayaa inaanay marnaba garab istaagin cadawga reer Somaliland.”

 

Sacad Cabdi Muxumed Xarbi

Somaliland.Org/Hargeysa

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland National TV Station viewed around the world via satalight: HCTV .....All the Way...Somaliland National Radio around Africa and the Middle East....

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

so this was game to shut down competition? niyoow siilaanyo should not have done this. it makes somaliland look like a desperate fiefdom with no legs to stand and full of fear driven by cult of personality. loool.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Long live OUR Republic - The land of Sultan Dirrie, The Shiecks, the Dervishes, The Birth Place of Somaliweyn and those who destroyed it....

 

 

"Cuqaal talisa Boqor caaddila iyo culimo miisaan leh

Ilaahi Carshiga Nuuriyoow kaaga caban mayno

Caddaankaanu wada loollanaa madaw xisaynmayno"

 

- Xasan Tarabi (Hargaisan Poet)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Im sure when we need your opinion...someone from the government will be in touch...in the mean time please continue clapping for kenyan occupation of kismayo. Furthermore your a kenyan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this