Sign in to follow this  
malistar2012

A State funeral of Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen will be Friday

Recommended Posts

Dhagayso:- Afhayeenka Xukumada Ridwaan xaaji Cabdiweli oo shegay in bareto Aas Qaran loo samaynayo Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen

 

Waxaa Maalinta berito ah Magaalada Muqdisho lagu aasayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo todobaadkaan gudihiisa ku geeriyooday dalka Mareykanka.

 

Afhayeenka xukumada Soomaliya Ridwaan xaaji Cabdiweli ayaa sheegay in maalinta berito oo Jimco ah aas qaran Muqdisho loogu sameynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka.

 

Wuxuu sheegay in madaxda dalka Soomaaliya ay ka qeybgali doonaan aaska berito loo sameynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya.

 

Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Xasan Ra’iisul Wasaarihii hoire Soomaaliya ayaa todobaadkan bilowgiisii ku geeriyooday isbitaal ku yaala magalada Minneapolis halkaasoo mudo ku xanuun sanaa, wuxuna Ra’iisul wasare Somalia kasoo noqday intii u dhaxaysay 1964 -ilaa 1967-dii.

 

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland ayaa ku dhashay deegaanka la yiraahdo Ceelwacayseed gobolka Nugaal, wuxuuna Baarlamanka Somalia kasoo galay degmada Eyl sanadku markuu ahaa 1959-kii halkaasoo uu markii danbe dadaal ugu jiray sidii dalka hormarkiisa iyo midnimadiisa looga shaqayn

Share this post


Link to post
Share on other sites

1902811_702299453124039_1663877308_n.jpg

 

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Maamul gobolleedka Puntland Mudane C/weli Maxamed cali Gaas ayaa waxay soo gaareen magaalada Muqdisho iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Muqdisho.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa socdaalkiisa uu Muqdisho kusoo gaaray waxaa ku wehliya Madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamul Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

 

C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland iyo xubnaha la socda ayaa caawa waxa ay ku hooyan doonaan Magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale maalinta berito ah ay ka qeybgali doonaan aaska qaran ee loo sameyn doono Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya.

 

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay goobta lagu aasayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen, iyadoo xubnaha aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ka qeybgalaya ay Muqdisho kusoo qul-qulayaan.

 

 

Ppre1.jpg

 

Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas receives huge welcome in the Nation Capital , supporters came out in huge numbers .

 

201426635272736581722393Ppre4.jpg

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhagayso:- Madaxweyne Axmed Madoobe oo Maanta u Duulay Muqdisho

 

 

Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba sheekh Axmed Maxamed Islaan Axmed madoobe ayaa maanta ka duulay magaalada kismaayo ee xarunta jubbada hoose .

 

Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qayb galaya Aaska qaran ee berito lagu samaynayo muqdisho Ra”iisul Wasaarihii hore ee soomaliya Marxuum C/Risaaq Xaaji xuseen oo ku geeriyooday dalka maraykanka.

 

Hilowle aadan Maxamuud oo kamid ah madaxda Maamulka Jubba oo la hadlay Warbaahinta caalamiga ah ee Saadaal Media ayaa xaqijiyeey safarka Madaxweynaha,isagoo shegay in ay sagootiyeen wafdiga Madaxweynaha.

 

Magaalada muqdisho ee caasimada soomaliya ayaa waxaa ku qol qulaya madax farabadan kuwaas oo ka qayb galaya Aaska qaran ee Magaalada Muqdisho berito logu samayn doono Marxuum C/Risaaq Xaaji xuseen.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this