Sign in to follow this  
malistar2012

Khudbadii uu Madaxweyne uu kajeediyeey Dhaarinta Golaha Wasiirada

Recommended Posts

Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Mudane Xasan Sheekh Maxamud

Barlamaanka Federaalka Soomaaliya

Arbaco 22ka Janaayo 2014

 

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,

Guddoomiyaha Baarlamaanka,

Guddoomiye Ku xigeennada Baarlamaanka,

Madaxda Guddiyada Baarlamaanka iyo

Dhamaan Xildhibaanada sharafta leh,

A-Salaamu Caleykum Waraxmatullah,

 

Sharaf weyn bey ii tahay inaan maanta idin kala soo qeybgalo xiritaanka Kalfadhiga 3aad ee baarlamaanka isla markaana aan idiin ku bogaadiyo doorkii wanaagsanaa ahaa ee aad sida wadaninimada leh aad u gudateen waajibaadkiinna Dastuuriga ahaa.

 

Kalfadhigan 3aad waxuu ahaa mid muhiim ah oo aad ku kasbateen kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo tan beesha caalamka ah. Waxaa idiin qabsoomay howlo fara badan oo aad 58 kulan oo caadi ah aad yeelateen oo kulankan maanta ku yahay kulankii 59aad iyo weliba kulamo aan caadi aheyn. Waxaa intaas sii dheer oo aan idiin kaga mahadcelinayaa inaad fasaxyadiina aad dib u dhigteen dhowr jeer si aad howlaha qaranka u meelmarisaan.

 

Waxaan mar-naba la illoobi karin sidii sharafta laheyd ee aad u maareyseen isla markaana aad si dimoqraadiyad ah aad go’aanadii ku habboonaa uga qaadateen, xilliyadii xasaasiga ahaa oo la tijaabinayey awooda baarlamaanka, ha noqoto isbedelkii xukuumadii hore, kalsooni siintii Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo kulankii shalay oo aad si aqlabiyad leh u ansixiseen barnaamijka Xukuumadda iyo xubnaha golaha wasiirada. Waxaad muujiseen biseylka hay’ada baarlamaanka iyo aasaaskii dowlad rasmi ah, waadna ku mahadsantihiin oo aan idinku bogaadinayaa. . Waa taariikh hor leh oo isbedeladii dhacay ay ahaayeen kuwo si soomaalinimo ah oo waafaqsan dastuurka dalka loo wada maareeyey, isla markaana aad ku kasbateen kalsoonida shacabka iyo tan beesha caalamka ah, iyadoo aysan dhicin faragelin shisheeye.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Waxaa kaloo xusid mudan in waqtigii kalfadhiga 3aad aad ku guuleysateen inaad xiriirkii caalamka ee baarlamaanada adduunka aad soo celisaan oo ay ka mid tahay xubinimada Inter Parliamentary Union (IPU) iyo kuwo kale. Waxaad kaloo ku guuleysateen in guddiyada baarlamaanka ay si joogta ah u shaqeynayeen isla markaana ula xisaabtamayeen Xukuumadda iyo in aad hindise sharciyeedyo fara badan aad si dimoqraadiyad ah uga doodeen una waafaqsan dastuurka.

 

Waxaan kaloo idinkaga mahadcelinayaa dadaaladii xubnaha baarlamaanka ay gobolada shabeelooyinka iyo Hiiraan ay ku heshiisiiyeen beelaha isla markaana ku guuleystay wadahadalada iyo dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed. Una bareerteen khatar fara badan.

 

Bacdamaa baarlamaanka uu yahay hooyada hay’adaha dowliga ah ee dalka waxaan hubaa inaan cagta wada saarnay dariiqii dib u dhiska hay’adaha dowliga ah, oo ay marqaati ka tahay in baarlamaanku uu maanta leeyahay xarun xafiisyo ah oo guddoonka iyo guddiyada baarlamaanku ay ku howlgalaan.

 

Xukuumaddan cusub ee aad shalay ansixiseen waxaa horyaalla howlo muhiim ah oo loo baahanyahay inaad gacan ku siisaan, oo aad yeelataan wadatashiyo, talo wadaagid, iyo wadashaqeyn joogta ah. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay muhiimada wada shaqeynta hay’adaha dastuuriga ah markii aad codka kalsoonida aad siineyseen Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, sidaas daraadeed, waxaan idinku sii adkeynayaa muhiimada ay leedahay wadashaqeynta baarlamaanka iyo xukuumadda oo marar badan u baahan dulqaad in la muujiyo oo noo wada sahleysa inaan si wada jir ah u wada gaarno ujeedooyinka aan wada hiigsaneyno. Si isla xisaabtanka u noqdo mid miro dhala waxaa muhiim ah in xiriirka iyo wadashaqeyntu ay ahaato mid joogto ah.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Sanadkan 2014ka waxaa na horyaalla howlo muhiim ah oo mucayin ah, noogana wada baahan inaan si wadajir ah uga wada shaqeyno hirgelintooda. Ha noqoto nabadeynta iyo xasilinta dalka, maareynta maaliyadda, adeegyada bulshada, dib-u-habeynta garsoorka, dib-u-eegista dastuurka, dhaqangelinta federaalka, sameynta guddiyada uu nafarayo dastuurka, diyaarinta xisbiyada siyaasadeed iyo howlo kale oo muhiim ah oo noo sahlaya u diyaar garowga doorashooyinka 2016.

 

Waxaan shaki ku jirin inay jiraan caqabado fara badan, hase ahaatee, waxaa mas’uuliyadi naga wada saaran tahay sidii aan caqabadahaas ugu bedeli laheyn fursado oo aan uga faa’iideysan laheyn.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin, Xildhibaanada Sharafta leh,

 

Sidaad la socotaan wadahadaladii Dowladda Federaalka iyo Somaliland wey socdaan oo lagu ballamay in la sii joogteeyo kulamada oo 3dii biloodba mar la kulmo. Dowladda Federaalka wey ka go’antahay in la sii joogteeyo wadahadalada oo si nabad ah aan ku gaarno mideynta iyo midnimada umadda Soomaaliyeed. Wadahadladan waxaa ka dhalanaya kalsooni badan iyo isu soo dhowaasho. Waxaan u mahadcelinayaa Dowladda Turkiga iyo shacabkooda oo si joogta ah noo garab taagan.

 

Waxaan jeclahay inaan fursadan ka faa’iideysto oo aan u hambalyeeyo Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isla markaana u wada duceyno inuu EEBBE u fududeeyo xilka culus. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an inay si hagar la’aan ah ula shaqeyso Madaxweynaha iyo maamulkiisa, si aan u wada gaarno himilada aan hiigsaneyno ee ah Soomaaliya oo mid ah, isla markaana leh dowlad rasmi ah lehna xasilooni dhanka amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Puntland waxey hormuud ka tahay Federaalka iyo midnimada Soomaaliya, sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah inaan ka wada shaqeyno dib u eegista dastuurka, dhaqan gelinta federaalka iyo sidii aan ku gaari laheyn doorashooyin ka dhaca dalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale waxaan jeclaan lahaa inaan u hambalyeeyo Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Mudane Ahmed Maxamed Islaan (Ahmed Madoobe) oo dhowaan soo dhameystiray hay’adii fulinta ee maamulkaas, tanoo qeyb ka aheyd heshiiskii Addis Ababa. Waxaana u rajeynayaa in maamulka KMG ah ee Jubba uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla oo ay dowladda Federaalka kala shaqeeyaan xoreynta deegaanada maamulkaas, nabadeynta, xasilinta, adeegyada bulshada iyo xiriirka iyo wadashaqeynta maamulka Jubba iyo Dowladda Federaalka ah oo muhiim u ah midnimada iyo xasilinta dalka.

 

Sidoo kale waxaad la socotaan in Baydhabo ay ka socdaan shirar wadatashi ah. Dowladda Federaalku waxey soo dhoweyneysaa dhiirigelineysaana in dadka Soomaaliyeed isu yimaadaan oo wadahadlaan oo dib-u-heshiisiinta waa astaan fiican oo shacabku ay aayahooda uga tashanayaan. Waxaan rajeynayaa inay ka soo baxdo talo iyo go’aanno maslaxad u ah xasilinta dalka. Dowladduna waxey kula talineysaa inay muhiim tahay in Dowladda ay kala shaqeeyaan sidii maamul loogu sameyn lahaa degaanada aan maamulka ka jirin, si ay noogu horseedo in dalka oo dhan ay ka hirgalaan maamulo shacabku ay horseed ka yihiin.

 

Sidoo kale dhammaan gobolada dalka waxaan ugu baaqayaa inay u diyaar garoobaan dadaalada maamul u sameynta iyo dhaqangelinta federaalka.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin, Xildhibaanada Sharafta leh,

 

Ugu danbeyntii, waxaan idinku hambalyeynayaa sidii quruxda badneyd ee aad waajibaadkiina dastuuriga ah u gudateen, isla markaana aad dib u soo nooleyseen hay’adii sharci dajinta oo aad kasbateen kalsoonida shacabka iyo tan beesha caalamka. Waxaan idiin rajeynayaa fasax wanaagsan oo aan hubo qaarkiin inaad gaareysaan deegaanadii oo aad u soo kuur galeysaan xaalada dadka ee deegaanadaas, haddana waxaan idinkula dar-daarmayaa inaad ku soo wada laabataan caafimaad qab si kalfadhiga 4aad uu u noqdo mid aad la timaadaan dar-dar cusub oo keeni karta inaan 2014ka wada qabano howlaha mihiimka ah ee na wada horyaalla.

 

Waxaan kaloo idinkaga mahadcelinayaa inaad igu sharafteen ka soo qeybgalka xiritaanka kalfadhigan, sidaas daraadeed, waxaan ku dhawaaqayaa in uu Kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu si rasmi ah noogu xiran yahay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

 

Meanwhile Somalia has no viable army, police force, Mass rapes of women in mugdisho. The Somali government can not control a single block in Mugdisho without A.U. Support.

 

Walahi this country is a joke.

 

Put it under trusteeship no way will it ever be able to be a functioning viable state.

 

No way in hell.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this