Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Yusur Abraar i was threatened by some of the relatives of President hassan of Somalia

Recommended Posts

YUSUR ABRAAR: "Waxaan is-casilay kaddib markii ay Caga-jugley iiga timid Ganacsato ay Qaraabo yihiin Madaxweynaha"

 

 

Khamiis, November 07, 2013 (HOL) — Dhowr maalmood kaddib markii ay xilkeeda iska casishay guddoomiyihii bankiga dhexe ee Somalia, Yusur Abrar ayay u sheegtay AllAfrica inay isku casishay cabsi-gelin iyo caga-jugleyn kaga timid ganacsato ay qaraabo yihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Yusuf Abraar oo ahayd haweeneydii ugu horreysay oo xilkan loo magacaabo ayaa xilka haysay muddo laba bilood ah, iyadoo iscasilaadeeda ay si aad ah uga yaabisay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha calaamka.

 

“Waxay isku dayeen inay igu qasbaan inaan u saxiixo mashaariic ay lacago malaayiin doollar ah ku baxayso, taasoo igu dhiirrigelisay inaan is-casilaad ku dhawaaqo,” ayay tiri Yusur.

 

Sidoo kale, waxay sheegtay in tan iyo markii la magacaabay ay wal-walsanayd ka qabtay saxiixyada heshiisyada gaark ah, kuwaasoo ay sheegtay inay mar walba ogeyd inay yihiin kuwo aad u adag.

 

Qaar ka mid ah saraakiisha Soomaalida ayaa laga soo xigtay in Yusur ay ka baxsatay caga-juleyn kaga timid ganacsato ay si aad ah isugu dhowr yihiin madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

 

“Raggan waxay xiriir leeyihiin madaxweynaha,” ayaa lagu yiri warbixinno kale oo lagu daabacay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida, inkatsoo aan la xaqiijin karin dhabnimadooda.

 

Magaacabidda Yusuf ayaa waxay kusoo beegantay xilli ay beesha caalamka ugu deeqday Soomaaliya balaayiin doollar oo dib loogu dhisayo dalka, balse waxaa mar qura beesha calaamku ay aad ula yaabtay iscasilaadda Yusur oo ahayd haweeneydii ugu horreysay oo xilkan loo magacaabo.

 

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa maanta sheegay in kulan ay isaga iyo madaxweynaha Somalia la yeesheen xubno ka socday dalalka deeq-bixiyeyaasha ah su’aalihii la weydiiyay ay ka mid ahayd sababtii ay isku casishay guddoomiyihii bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this