Sign in to follow this  
Dalmar1

Yussur Oo Lagu Cadaadiyay Inay Ka Noqoto Is-Casilaada Maalmaha Soo Socda!

Recommended Posts

Dalmar1   

ayussur_abrar.jpg

 

 

Gudoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe Yussur Abraar oo is-casishay dhawr maalmood ka hor oo caawa soo gaartay Magaaladda ay degan-tahay ee Washington-D ayaa Dawladda Mareykanka iyo Wadamadda Reer Yurub ku cadaadinayaan inay been-abuur ku tilmaanto inay is-casishay,maadaama ay arintaasi sababi karto in deeqihii Dawladda Federaalka la siin lahaa la xanibo.

 

Lama yaqaan Yussur culeyska lagu saaray arintan inay laaban-doonto is-casilaadii ay Email ahaanta ugu gudbisay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Xasan Culusoow.

 

Hadii ay inkirto Yussur inay is-casishay qaadaatana go'aanka Mareykanka iyo Reer-Yurub kula taliyeen,markaas waxaa neef ka soo fuqi-doonto Xukuumadda Federaalka oo jeclaan-laheyd inay been-abuur ku tilmaanto inay is-casishay si deeqihii Reer Yurub ugu deeqeen Xukuumadda aan loo hakin.

 

Maalmaha soo socda ayaa la kala ogaanaya inay mawqifkeedii hore bedesho Yussur Abraar,been-abuurna ku tilmaanto is-casilaadii ay qoreen Wakaaladaha Wararka Caalamka si aan loo hakin dhaqaalaha Wadamadda deeqda bixiya ay siiyaamn xukuumadda curdanka ah ee iyagoo aan 2-sanno dhameysan lagu shaabeedeeyay musuq-maasuq iyo inay u taliyeen kooxo,xigto iyo xididna isku ah oo isu baheystay Xatooyo Xoolo Dadweyne.

 

Waxay u badan-tahay inay aqbasho ama inay ka hortimaado cadaadiska la dulsaaray Yussur oo iyadu noqotay shaqsi ku duyasho mudan,maadaama ay diiday in saxiixeeda iyo qalinkeeda Malaayiin-Doolar lagu dhaco

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this