Sign in to follow this  
Dhagax-Tuur

Wararkii ugu danbeeyey ee is casilaadii Gudoomiyihii Bankiga dhexe ee Somaliya

Recommended Posts

Arbaco, 6 November Washington DC

 

Todobaadkii hore waxaa xilkii loo magacaabay ee Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya iska casishay Yussur Abraar, waxaana is-casilaada gabadhahaasi ey wiiqday rajadii laga qabay in dowladda Soomaaliya oo ay caqabad dhaqaale xumi haysato in ay yabooh lacageed ka hesho dalal Yurub, Mareykan & Carab ah. Waxaana rajadaasi mugdi geliyey is-casilaada Guddoomiyaha bangiga dhexe ka sokow, iyadoo sheegtay in ruqsadeedu ka dhalatay markii ay si toos ah uga hanjabeen koox madaxweynaha qaraabo & xidid la ah oo doonayey in ay si qasab ah u saxiixdo in la fasaxo lacago dhowr milyan dollar ah oo Soomaaliya u yaala bangiyada caalamka.

 

 

 

Yussur oo iminka ku sugan Washinton DC ayaa muddo 4 todobaad kadib ku dhawaaqday is-casilaadeeda, waxaana ay sheegtay in madaxda sare ee dowladdu ay ka war-heleen in shaqadii ay ka ruqseysatay markii ay qoraal -E-mail ah u dirtay.

 

Yussur oo xog-wareysi kooban la la yeeshay waxey ku nuuxnuuxsatay in markii ay xilkaasi qabatay in ay dhexda uga soo dhacday mashruuc muddo dheer soo jiitamayey, laguna doonayey in dhaqaalihii dowladdii Soomaaliya u yiilay bangiyadda caalamka in dowladda Xassan Shiikh Maxúud lagu soo wareejiyo,waxaana sheegtay in mashruucaasi ay dilaal ka ahaayeen shaqsiyaad Soomaali ah oo ay ka xustay C/casiis Camalow & Muuse Ganjab.

 

"Caddaadis badan ayaa la igu saaray inaan warqadan saxiixo, waxaan u arkayey in saxiixaygu uu lahaa ahmiyad gaar ah, haddana ma dooneyn in mustaqbalka la i yiraa gabadhaas ayaa ogolaatay in hantidii Soomaalida la dhaco, mar walba waxaa diidanaa in la i yiraa qofkaas wax bay xaday, markii culeyskii igu batay ayaan ogolaaday inaan saxiixo, waxaana codsaday dhowr cisho inaan ku soo nasto Dubai UAE. Markii aan Dubai imid waxaa gudbiyey is-tiqaaladeydii" ayey tiri Yussur, waxaana ay intaa ku dartay in ay xilliga ay diidaysay saxiixa warqadaasi in ay arkeysay in sida ay wax u socdaani ay qalad aheyd.

 

Yussur waxey sheegtay in Soomaalidu ay hidde & dhaqan soo jireen ah u yeelatay in qof kasta oo madax ka noqda Qaranka Soomaaliya in kuwa ehel & qaraabo ugu dhow ama xiddid la ah, in ay haykalkii dowladdnimada & awoodii Qaranka ay ka dhigtaan maqaaxi ay leeyihiin, ayna ugu tasarufi karaaa haddba sida ay doonaan, waxaana ay taasi ku tilmaantay in ay dhabar jab ku tahay hannaanka cadaaladda & wadajirka ummaddeed.

 

"Aniga waxaa si toos ah iigu hanjabay inan la yiraa Thaabit oo agaasime ku xigeenka ka ah Madaxtooyadda Villa Somalia oo qaba gabar uu Madaxweynuhu abti u yahay, reer hoosana isla yihiin oo madax ka ah shirkada dhiseysa madaxtooyadda oo hada dhismaha wada oo lagu magacaabo {Dambar General Trading}, waxaana soo dhiirageliyey oo gadaal ka hagayey Nuurto Sheekh Maxamuud oo ah gabadh madaxweynaha la dhalatay ahna soddohda inanka Thaabit ee ii hanjabay & Ganacsade ay qaraabo dhow yiiin Madaxweynaha oo la yiraa Muuse Ganjab" ayeey tiri Yussur waxeyna tilmaantay in Muuse ay muddo dheer ahaayeen.

 

"Dowladdnimadu ma aha wax ay milkiyi karaan qabiil ama koox gaar ah, Soomaalidii qurbaha tagtay ee qurbaha wax ku soo baratay, ee soo aragtay nidaamka adduunku u shaqeeyo ma aqbali karayaan in ay arkaan iyadii oo dharaar cad wax leys daba marinayo ama dowladdii la qabyaaladeynayo ama wax ay ummaddi wada leedahay ay koox gaar ah in ay laba-canleeyaa ay doonayaan" ayey tiri Yussur, waxeyna intaa ku dartay in aya u soo jeedineysay dadka wax bartay ee mutacalimiinta ah in ay garowsadaan in magacan dowladnimadda in ay wax ku leeyihiin, oo halka ay qaloocan tahay ay ka toosin karaan.

 

"Dowladdu waa shacabka ee ma ahan dhowrkaa qof ee shaqooyinka loo dhiibay, dadka xilalka haya waa shaqaale, waxgaradka shacabka u dhex jira ayaa mar walba looga baahan yahay inuu garwadeen ka noqdo halka ay ka qaloociyaan kuwa shaqada haya" ayey tiri Yussur.

 

"Waan ogahay wax kasta sidii loogu talogalay ma noqon karaan haddana waxaan rumeysnahay in Soomaalidu dhibaateysan tahay, mushkiladda ugu weyn ee Soomaali haysatana ay tahay iyadoo aaney Soomaalidu aheyn dad u madax-banaan danahooda,

 

Yussur waxey wax kama jiraa ku tilmaantay in Agaasimaha Madaxtooyada Kamaal Gutale & Wasiirka madaxtooyada Faarax C/qaadir ay qeyb ka ahaayeen dadka qorshaha wax ka ogaa, waxaan ay sheegtay in Kamaal & Faarax intii ay Muqdisho joogtay loo sheegay in ay dibedda ku maqan yihiin oo aaney markaasi dalka joogin.

 

"Xilliga tahdiidka la igu sameynayey Wasiiru dowlaha Farax C/qaadir iyo Agaasimaha Kamal labaduba wadanka waa ka maqnaayeen iyagoo ku kala sugnaa Qaahira iyo Stanbul" ayeey tiri Yussur.

 

Source: Dayniile

 

To be taken with a pinch of salt, but if a small percentage of this is true, we have a problem

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this