Sign in to follow this  
MoonLight1

Clash of the titans.

Recommended Posts

images?q=tbn:ANd9GcSjHFFPb2eTMEZwjQSpAIZ

 

images?q=tbn:ANd9GcSDrL2aYW5RqW5Tq7TT5Fj

Warar hoose ayaa si dar darleh u soo baxaya kuwaas oo ku waramaya in Raiisul wasaarihii hore Soomaaliya Dr Cumar C/rishiid Cali Sharmaarke uu ku dhawaaqayo waqtiyada soo socda in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweyne nimada Puntland.

Cumar C/rishiid Cali oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi xarunta dalkaasi Kenya ayaa la sheegay in uu halkaasi u joogo howlaha diyaarinta ku dhawaaqistiisa musharax u taagan xilka madaxweyne nimada Puntland sanadka soo socda dhici doonta.

 

 

Inkastoo aanu weli ka hadlin Mr Sharmaarke warkan soo baxay ee ku aadan in uu u taaganyahay xilka madaxweyne nimo ee Puntland ayaa hadana warar la isku haleyn karo laga soo xiganayaa dad aad uga agdhow siyaasiga, waxaana ay intaasi ku darayaan xaqiijintooda dadkas in uu ku guda jiro kulamo iyo kala warqaadasho uu la sameynayo dadka ehelka u ah siyaasada Puntland ka dibna uu si rasmi ah ugu dhawaaqayo in uu yahay musharax.

Cumar C/rishiis Cali Sharmaarke waxa uu raiisul wasaare ka soo noqday Xukuumadii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ee Kumeelgaarka aheyd taas oo uu ka soo qaatay dowr muhiim ah, waxaana uu mudooyinkii ugu dambeeyay heer muuqda ku lahaa aas aaskii Maamulka Hana qaaday ee Juba State madaxweynana loogu doortay Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Hadii si loo eego Cumar C/rishiid waa nin siyaasada Soomaaliya ka soo muuqday xili ay cakiran tahay, balse aan aqoon buuran u laheyn Puntland inkastoo uu ka soo jeedo, waxaana uu noqonkaraa nin doorkiisa siyaasadeed ku muujin kara doorashooyinka soo socda ee Puntland.

Waxaa ka horeeyay hadii uu ku dhawaaqo musharax nimadiisa Raiisul wasaarihii hore Soomaaliya Cumar C/rishid, Nin isna raiisul wasaare ka soo noqday isla Xukuumadii Shariif Sheekh waa Cabdiwal Maxamed Cali Gaas, kaas oo iminka ka mid ah raga ugu cad cad doorashada sanadka soo socoda ka dhici doonta Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this