Sign in to follow this  
malistar2012

alshaabab leaders and members are being rounded up and killed in Xamar ...

Recommended Posts

Xukuumada Soomaaliya oo cadeysay in ay gacanta ku dhigtay gacanyarihii Abuu Mansuur kadib howl-gal balaaran.

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin natiijadii ka soo baxday shirkii Brussels, soo jeedin la xariirta magacaabista labo safiir, iyo weliba xaaladdaha guud ee dalka.

Shirka ayaa ugu horeyntii waxay golaha Wasiiradu dhegeysteen warbixin la xariirta amniga, taasoo lagu sheegay in ciidamada amnigu ay wadeen todobaadkan howlgalo ay ku beegsanayaan kooxo nabadiid ah kuwaasoo maleegayay qorshayaal ka dhan ah amniga, waxayna xuseen in howlgaladan mid ka mid ah lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al shabaab, oo uu ku jiro nin gacanyare u ahaa Abuu-mansuur Al Amriki oo ahaa nin heysta dhalashada Mareykanka, lana rumeysan yahay in dagaal dhex maray labo kooxood oo ka wada tirsan Al shabaab uu ku dhintay.

Xukuumadu ma sheegin ninkaasi howl-galka lagu qabtay halka uu ka dhacay iyo halka lagu hayo xilligaan, mana sheegin in xilliga la qabtay ay ka horeysay waqtigii ay soo bexeen wararka sheegay in ay Abuu Mansuur Al-amriki ay dileen dagaalamayaal daacad u ah Axmed Cabdi Godane.

Si kastaba, waa markii ugu horeysay ee Dowlada Soomaaliya ay cadeyso in ay gacanta ku dhigtay sarkaal Shabaab ah oo derejadaasi leh kadib howl gal baahsan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wardeg deg deg ah: Muqdisho oo lagu qabtay rag iyo dumar Miineysan oo tuuta ku labisnaa.

 

Wararka laga helaayo agagaarka maqaayada the Vilage ee dhawaan Shabaabku ay ku qaadeen weerarka lagu hoobtay ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada amaanku ay ku qabteen laba ruux oo hubeesnaa kuwaas oo looga shakisanyahay in ay isu diyaarinayeen weerarro ay fuliyaan.

Wararka hor dhaca ah ayaa waxa ay sheegayaan in gaari ku sugnaa agagaarka Hooyooyinka ee degmada X.weyne ay ka shakiyeen ciidamada amaanka kadibna ay baaritaan kula dhaqaaqeen arintaas oo hormuud u noqotay in ay ka helaan labada ruux oo midkood dumar tahay kuna labisan dharka meleteriga Soomaaliya iyo hub ay wateen.

Wararka qaar ayaa waxa ay xusayaan in gaarigu miineesnaa, labada ruuxna ay miineesnaayeen sidoo kale inkasta oo tafaasiil dheeraad ah aan wali laga heyn arinkaasi.

Labada Shabaabka ah ee haweentu ku jirto ayaa waxaa la sheegay in loo qaaday xabsi si loo heleeshiiyo cadaalada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shacabka rer Muqadishu ayaa lagusoo waram in ay si weyn ugu farxeen isla markaan utun in badan ku taagneyd ay ka fuqday kadib markii ciidamada Nabadsugida Dowlade Federaalka Somalia ay gacaanta ku dhigeen Madaxii Amniyadka Gobolka Banaadir ee isku jiray dilalka ka dhanka ah shacabka Muqadishu , Kaasoo ahaa Sarkaal Al Shabaab Ka tirsan.

 

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Libaan Gaagaale ayaa waxaa qabashadiisa ay ka danbeysay marki dabagal iyo xog la helay la dabagalay , laguna guulestay in gacanta lagu soo dhigo.

 

Libaan Gaagaale ayaa Habenimadi Arbacada Xili saqdhexe ah lagu weeraray guri ku yaal xaafada Taleex, Gaar ahan dugsiga Osama bin zeyt ee degmada Hodan , Halkaasi oo ilaalo la joogtay ay iska caabin kala Kulmeen ciidamadi Nabadsugid , balse lagu guulestay in gacanta lagu dhigo .

 

Ciidamada waxay kaloo kuu Guulesteen iney Sarkaalkan lasoo qabtaan labo kale oo mid kid ah uu kuu dhaawacmay rasaasti la isweydaarsanaya , labadaasi nin oo loog a sheegay iney ahaayeen kuwii shalay dilay Nabadon Farax Shire isla Markaana aha Ganacsade ah, waxaana la dhigay xarunta dambe baaristaa a CID .

Share this post


Link to post
Share on other sites

GAROODI;978302 wrote:
Did Burundi find them or did Uganda??

We will soon capture Your uncle Gadone bullet in Forehead

 

Thanks to Mogadishu Resident the Nation Capital is going through transformation , People have realized alshabaab are cancer , The SFG combined with Residents of xamar the elders and the Scholar all reach agreement to end alshaabab.

 

"Tani waa markii ugu horreysay oo culimada Soomaaliyeed ay go’aan ay ku mideysan yihiin oo Al-shabaab looga hortagayo soo saaraan, waxaana loo baahan yahay inay shacabku maqlaan codkaas, dowladda iyo culumada iyo qaybaha bulshada ay wadashaqeyn yeeshaan, waana muhiim in mowqif adag laga qaato Al-shabaab," ayuu yiri Sheekh Axmed Shuqul.

Alshaabab are cancer the only treatment is death !!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAROODI   

malistar2012;978343 wrote:
We will soon capture Your uncle Gadone bullet in Forehead

 

Thanks to Mogadishu Resident the Nation Capital is going through transformation , People have realized alshabaab are cancer , The SFG combined with Residents of xamar the elders and the Scholar all reach agreement to end alshaabab.

 

 

 

Alshaabab are cancer the only treatment is death !!!!

I think you mean Burundi or Uganda will find him. You couldn't find the head attached to your body as you look in the mirror.

 

Ina Godane left Somaliland and is a wanted man in Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

niyooow, qoslaaye who has a close relatioship with alshabaab feels the heat after alshabab terrorist massacred people in kenya. now he has to prove he is on the side of the civilized world. how did he find their location all of sudden?? this proves this man is alshabab and is working with them. kenya must hold him responsible because he wasted so much time on kismayo issue on the side of alshabab. he and his people in Kenya knew something about this act of terror.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

Can't believe this is a coincidence. But who are these ppl rounded up - actual shabaab or just scapegoats? And if actual shabaab - how is it they were 'found' so quickly? A lot of questions here.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Arin farxad leh oo Muqdisho ka dhacday maanta: Qoys wiilkooda oo Shabaab ahaa ku wareejiyay laamaha amaanka.

 

 

 

 

Qoys ku dhaqan Magalada Muqdisho ayaa maanta laamaha amaankaMagaaladamuqdisho ku wareejiyay Wiilkooda oo Kamid ahaa kooxda shabaab markii uu guriga yimid

 

Gudoomiyaha Waaxda Barwaaqo ee Degmada Dayniile Gobolka Banaadir Cabdullahi Maxamed (Qaarweerre) ayaa sheegay in qoyskaan ay ku wareejiyeen wiilka mid ahaa shabaab ooay dhaleen,isaga oougu baaqay qoysaskakale oo caruurtooda ka mid ka yahiin shabaab sidaan oo kale sameeyaan.

 

Dhan kale Ciidanka amaanka Degmada Dayniile ayaa gacanta ku dhigay Rag ka mida shabaab oo Qarax miino geestay.

 

Dhacdaad ayaa noqonaysa midi ugu horasyay ee nuuceeda ah iyada oo shabaabka dhalinyada u dagaalanta marka gacanta lagu dhigo ay qooysaskooda u doodaan si ay u bad baadiyan, hase ahaatee qoyskaan waxaa ay sheegeen in Laba Caruur ah looga dilay sidaan oo kale iyada oo shabaab nimo lagu eedeynayo intii wiilkooda kale laga dili lahaana Xabsi ugu jiro u dhaanto.

 

 

The People of Xamar are fed up of alshabaab Terrorist and are cooperating with Security force . Alshabaab are being pint pointed in their hiding spot .

 

Culimada Soomaaliyeed ee ka qeybgalay Shirweynaha waxa ay fatwo ku bixinayaan:-

1- Kooxda Alshabaab waa koox baadiyaysan una taagan inay bulshada Soomaaliyeed baadiyayso, manhajka ay faafinayaanna waa mid khatar ku ah, diinta Islaamka iyo jiritaanka bulshada muslimka ah.

 

2- Dawladda Soomaaliyeed waa dawlad muslim ah oo aysan banaanayn in la gaalaysiiyo ama lala dagaalamo.

 

3- Kooxda xag-jirka ah ee Alshabaab waxaa ku waajib ah in ay Allaah uga tawbad keenaan fekerkooda qalloocan iyo falal-dembiyeedyadooda foosha xun

 

4- Ma bannaana in lagu biiro kooxda Alshabab ama loo fidiyo taageero nooceey doonto ha ahaatee.

 

Waxaa xaaraan ah in la qariyo xubnaha Alshabaab, waana waajib diini ah in xubnaha Alshabab loo gacan geliyo hay’adaha ammaanka ee dawladda Soomaaliyeed ee ku shaqada leh.

 

6- Waxaa xaaraan ah in laga ergeeyo ama laga shaqeeyo sii deynta eedeysanayaasha Alshabaab ee ku jira gacanta hay’adaha ammaanka ee dawladda.

 

7- Waxaa waajib ku ah madaxda dawladda inay shacabka Soomaaliyeed ka badbaadiyaan dhibaatada kooxda Alshabaab, muwaadiniinta Soomaaliyeedna waxaa waajib ku ah in ay dawladda ku gacan siiyaan hawlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab

 

Talooyinka Shirweynaha

Fatwo ka dhan ah Al-Shabaab oo laga soo saaray shirweynihii Culimada uga socday Muqdisho

 

The People of Xamar are answering the calls for Fatwa well done the end of alshabaab is near :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Howl galo lagu soo qabtay rag mas'uuliyiin ka ahaa degmooyin, hub iyo waxyaabaha qarxa

29-09-2013

 

Ciidamada gaarka ah ee dowladda soomaaliya ayaa howl galo xalay saqdii dhexe ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ku soo qab qabtay dad dhowr ah, hub iyo waxyaabaha qarxa.

 

Howl galada ayaa lagu soo qabtay dad Mas'uuliyiin ka ahaa mid ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasoo guryahooda laga helay waxyaabaha qarxa iyo hub uu ku jiro Hoobiyaha.

 

Saraakiisha Hey'adaha ammaanka dowladda ayaa sheegay in ilaa todobo xubnood oo qaar ka mid ah ay Mas'uuliyiin ka ahaayeen degmada Shibis la soo qabtay, kuwaasoo haatan ku xiran Xabsi ay leedahay Nabadsugida.

 

Wararka ayaa sheegaya in waxyaabaha la soo qabtay ay ku jireen hub waxyaabaha qarxa, iyo Drugs iyo cirbadaha dadka lagu duro dadka fulinaya weerarada is qarxinta, sida saraakiisha ammaanka ay sheegeen.

 

Dadka la soo qabtay ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha waaxda afaraad ee degmada Shibis, Gudoomiyaha laanta koowaad ee Calasow Dheere iyo Gudoomiyaha tabeelaha afaraad ee waaxda koowaad, iyo nin ganacsare iyo gabar haweeney ah oo guriga ay ciidamada ka soo qabteen hoobiyaha iyo hubka kale ku sugneyd.

 

Rasaasta hoobiyaha ee la soo qabtay ayay saraakiishu sheegeen in dhowr cisho ka hor qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho lagu soo garaacay hoobiyeyaal, isla markaana baaritaanada dheer ay sameeyeen ku ogaadaan meelaha ay u marto rasaasta hoobiyaha.

 

Howl galada ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qabtay miinooyin dhulka la geliyay oo laga soo helay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, waxaana howl galkan uu ahaa kii ugu ballaarnaa mudooyinkan.

Howl galkan ayaa saameyn ku yeeshay wadooyin badan oo halbowle u ahaa isu socodka degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana ciidamada ay ku sugnaayeen wadooyinka waa weyn oo dhan.

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

golfyare@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this